site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Jaceeeykeeygii ayaa igu xiray qurux

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Mar. 2000 - August 2000): Jaceeeykeeygii ayaa igu xiray qurux
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamdi

Unrecorded Date
Dear walaalayaal
Waxaan ahay gabar somaaliyeed oo dooneeysa taladiina,Ilaah baa talo hayee.
Waxaana rajeeynayaa in aad si qalbi furan igula talisaan.
Dhibka iheeysto waxaa waaye waxaan jeclahay wiil aad iyo aad uqurux badan oo aanan ii qalmin waa sida asiga uu igu yiriye.Isagana wuxuu jecelyahay naag aad iyo aad iiga xurux badan.Run ahaantiina maseexdo habeen mana harsado maalintii.Inkastoo aan usheegay jaceeylka aan uqabo wuxuu igu jiri iima qalantid.Waa iga su`aale jaceeylku ma qurux ayuu ku xiran yahay mise wiilasha somaaliyeed ayaa sidan wada ah ha iiga qaadanina in aan caaynaayo wiilasha somaaliyeed balse waa kii iigu horeeyay oo aan jeclaado.Walaalayaal ila soo taliya sideen wax yeelaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

heaven

Unrecorded Date
walaal waxaa laga yabaa ninka aad jeclaatey inuu yahay mid ka hela quruxda ama naagaha kuraaca quruxdooda walaahi hada waxaan hubaa naagtaa kaa qurxoon inaysan kuugu gaarin qurux nafsada ah, laakin hadaad talo iga rabtid maanta haduu raacay mid kaa qurxoon berina mid kasii qurxoon ayuu sii raacaayaa, markaa walaal ma'ha inaad niyad jabtid bilcaks waa inaad faraxdaa inaadan shabaqadiisa aadan ku dhicin intuusan ku isticmaalin.
abaayo aduunyada kheer ayaa kabuuxo indhaha fur adiga ayaa arkaya mid qurxoon oo kuugu jeclaado waxaad tahay iyo sidaad tahay oona kuugu ixtiraamo inaad helaysid anigaa hubo ee walaal carabta waxay kumaahmaahday (idxak tadxaklak dunyaa) yacnii qosol aduunyadana way kuua qoslee ha isdhiibin oo humuum yey maskaxda kaa buuxin you never know inaad hesho midkii aad royada ku aragtay inuu kuu yimaado isagoo faras cad sita ku ximbaarto.
waa walaalkaa soomaali ah oo kula jecel kuli kheer waa intaa iyo nabad gelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jesica

Unrecorded Date
you joulous ma rag kale ayaad aduunka ka waydey maxaadse gabadha kale uga maseyraysaa.
naag aan qurux lahayn maxaa lagu falayaa, waxa kuu roon in aad mid isaguba waraabe u eeg in aad raadsatid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFaroole

Unrecorded Date
TO: XAMDI:

Walaal waan ku salmaay.

Walal Horta Intaan odhan lahaa waxaa yidhi walaalkeen ama walasheen Heaven. ilahay khaayr ha siiyo Si aad u qiimo badan ayaay kuula talisay.
Raguna mawada aha sida ninkaas.

inkastoo raga badidiisu Uu ka helo am jecelyihiin Gabadh xogay bilicsan, Hadna ragu ma wada aha sidaa ninkaas aad jeceshahay.
Anigu nin ayaan ahay Hadii aduunka Gabadha ugu foosha xun i gu tidhaahdo waan ku jeclahay Horta uma quudheen in aan idhaahdo iima qalantid waayo wax bina aadanimada ka baxsan weeye.

Quruxduna Muuqaalka maaha, waxaan Hubaa Ninka gabadh walaashiis ah Kuyidhi Iima qalantid Qurux in aanu lahaayn.

Waxaan ku odhan lahaa Ninkaas uma qalmo wax la jeclaado, adigana waxaan rajeeyn in aad tahay gabadh somaliyeed calafkaagana wad helin marka is ilowsii ninkaas.

TO: jesica.
Waxaan ku odhan lahaa Haweenak waa laga xishoodaa Hadalkastana looma quudho. Dibdambe wax yaalahaas ookale ha ku odhan gabadh walashaa ah plz.

Thanx 2 all..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khalili

Unrecorded Date
Xamdi:


Walaal Heavens ayaa war dhameeyey laakiin waxaan ku oran lahaa walaashiis dib uga fiirso micnaha jaceyl. Sababtoo ah wey igu adag tahay inaan fahmo inaad jeceshahay nin aan ku rabin. qofkii ku neceb waa inaab nebcaataa kii ku jecelna waa inaad jeclaataa.marka naftaada ha dhibin oo halaag ha u keenin ee bedel sidaad jacayl u aragtid. ogolowna in dadku dooraso leeyihiin sababtoo ah waan hubaa inaad adiguaba nin walba yeesheen oo ku jecel. khalil.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashiir

Unrecorded Date
xamdi:


xamdiyeey walaal wadadii qodxaha badneyd baad heysaa. walee geedkan jaceylka laleeyahay somalida uma fiicna. waxaan kugula talinlahaa in aad reerkiinii laxariirto oo wiil ay ku kalsoon yihiin kuu raadiyaan. jacaylku waa sharbadan yahay, bal dhinaca jaceylkii aragtaye dhinaca dhaqanka fiiri mar. waxey ubadan tahay in uu ka kheyr badan yahay. waa iga talo, good luck sis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aniso C

Unrecorded Date
To Xamdi:

Abaa waa ku salaamay. Abaa marka hore inaad u sheegtid ma aheeyn saad u dareemeysid cause ninku waa isla weeynaaday fool xumadana waxeey ka aheeyd ku daadis uu kugu daadinaayay abaa ani waxaan aminsaahay wiilasheena ineeysan naagaha ku raacin qurux ee ey ku raacan karti & caqli meeqo naagood oo foolxun ayaa qaba niban qurux badan oon aragati lagu raacin abaa marki hore hadaadan ninka tusi laheeyn meeshaad u taalid kugumuusan kor socdeen ee abaa yuusan ku niyad jabin qurux wax ma tarto hadeeysan niyadu qurxaneeyn, laakiin haduu qof qurux fiirsho waa gabdhaheena soomalida.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

barqadle

Unrecorded Date
to aniso c
walalay xagee baad ka baxday mise cumputer-
ki miyaa ka jabay mise intrenetki ayaa laga
goostay
bal ila soo xiriir
barqadle@aol.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ajaaaaja

Unrecorded Date
Xamdi girl,
Don´t worry honey you´ll fine a good man who you´ll fall inlove and loves you back aswell. That guy you told us about, just put him under your shoes you know why!? Simpely he doesn´t deserv you at all and that is where he belongs...Besides, the beauty comes from inside and there is no WOMAN who is ugly on this earth specially US SOMALI WOMEN....
Pll in here told you lot´s of good things to do and i thing you should forget him and put him in the past...

Good luck girl
And let us know how you do....peace

Much luv
Ajaaaaja

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bidixle

Unrecorded Date
walaahi quruxda waxaan u arkaa,siyaabo, badan, qofku haduu shaqsiyad wanaagsanyahay, qurux ka maqani majirtoiyay ila tahay,hada waxaan kugula talin lahaa,nataada, aamin,ilaahayna,kaasho.saaxiib kayna usheeg inay,quruxdu dhamaato oo gabow yimaado,ee waxa aan dhamaan waa,shaqsiyada aadmiga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoday

Unrecorded Date
SXB bidixle haan su aal ku waydiiye adigoo raali ah maxay tahay NATAADA AAMIN? saxib hadaal ka hablaaha laguma yiraahdo iskana ilaali shaarafta dhaalin yaradana meel ha kaka dhicin.

XAMDI
walaal quruxi qiimo male ee calafbaa la qaada inkaste oon wixii tala ah ay walaaladay ku siyeen
aniga waxay ila tahay in aad iska iloowdid xariifkaas waana helaysa wuxuu eebo ku qaadaro samraa sadkiisa ma waayo sida ula soco

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JIBRIIL

Unrecorded Date
HAMDI
WAA SALAAMANTAHAY WALAAL MARKA LABAAD ARINTAN SIDAY IIGULA MUUQATO LABADIINABA WAA KHALDANAYDEEN GAAR AHAAN ISAGA SUU GABADH UGU ORANKARAA IIMAQALANTID WAA WAX YAALO LAGA XISHOODO (ISAGA OO KALE WAXAAN ORANLAHAA WAA DHOOCIL)ADIGANA WAKHTAGA HAYSAGA LUMIN TEEDA KALE SEE BAAD NIN HADAL KAA KUGU YIRI AAD UJECLAAN KARTAA WAXAY ILATAHAY (YOU ARE NOT RESPECTING YOUR SELF).
WAAN OGAHAY JACAYLKU WUU INDHO LA'YAHAY LAAKIIN HADHAGA BEELIN SIS MOVE ON YOU DESERVE BETTER THAN THIS MAN AND GOOD LUCK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nimco

Unrecorded Date
hamdi adi ha isku dhajin isaga ayuunbaa imaane
seexo oo cun hadii aan teeda kaga sheekeeyo waad yaabisaa ani la iguma daadin laakiin jecel xun ayaan soo marey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MOMO

Unrecorded Date
XAMDI
Walaal sabar oo qaado talada walaasheen nimco ..
mida labaad ninkaas maalin wuu daalayaa ,xagaadana usoo jeesan doonaa;sure,sûre, waa lahubaa,sababtoo ah wuxuu ogaanayaa in quruxda ayna moogeen,....


IGARAAALI AHAADA NAXWAHAYGA SOMALIGA AH

JAZAAKA LAAHU QAYRAA

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.