site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MINGIS; SAR; BOORANE IWM

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): MINGIS; SAR; BOORANE IWM
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUBAN

Unrecorded Date
MINGIS; SAR ; IWM MA JIRAAN?
SOMALIA MARKI LA JOOGAY REERO BADAN BAY LACAG OGA BAXDAY IN QOFKA (BADANAA DUMARKA) IN LAGA TUM SAR/MINGIS.
MAALIN HORE XAFLAD AROOS OO DUMAR KELIYA AH BAA WAXAA LA SAAREY XEESTA MINGIS MARKAAS BAY 2 NAGOOD MINGIS KU SOO DEGAY.
MARKA SU'AASHEEDU WAXAY TAHAY MINGISKA MA JIRA? MASE WAA ISKA YEL YEEL?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mo

Unrecorded Date
Suban:

I like your knowlegde inquiring mind! You always come up with questions, some times interesting ones! My question to you is what's Mingis anyways:-)

Mo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban

Unrecorded Date
Mo,
It is supposedly a jini (devil?) that possess the soul of the person and it makes demands for materialistic thing. This is my limited knowledge of Mingis. The interesting thing is that the same phenomenon has been observed in south america (Brazil); some of the caribean countries (in this case I am assuming the vodoo is like mingis) and also some African Americans speka of being possessed by sprits when they are in church. So this inquiring mind wants to know what all the hoopla is about.
Stay tuned for more questions:-)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Sheekada ma maqashay Mingis iyo maser yaa weyn?

Nin Somali ah ayaa magaalada Xamar ka shaqeyn jirey meel mingiska lagu qaraaco. Xaaskiisa ayaa waxaa ku dhacay mingis kuu u xoog badnaa sakaraad ayeyna la noqotay. Waxay ninkii ka codsatay inuu mingiska kasoo tumo.

Maadaama uu fiqiir ahaa isla markaana awoodin inuu mingiska ka tumo ayuu sheeko ku alifay. Wuxuu u sheegay inuu la hadlay haweenta mingiska tunta uuna waydiiyey inay xaaskiisa lacag la'aan uga tunto. Wuxuu xaaskiisa u sheegay inay miggiska naagta tuntaa ay ku tiri wax lacag la'aan ahi ma jiraan laakiin waxaan kaa codsanayaa inaad i guursatid ana aan xaaskaada mingiska ka tumo!

Haweentii sakaraadka aheyd oo quraanka lala kor taagnaa ayaa hal mar soo booday oo tiri waxaan mingis qabaa iska yar iyo waxaa naag kale guursaneysid. markii ayaa ugu danbeysey inay mingis sariirta la fuusho.

Sheekadani waa khaldanaan kartaa laakiin waxaan ka mar hore ha helay newsgroup ay somalidu ku sheekeysato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban

Unrecorded Date
Salaan Anonymous,
Shekada waa iga qoslisiisa. Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ladan

Unrecorded Date
anon,

very entertaining indeed!!!! but there were lots men with similar problems.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
waxaan habeen daawanayey cajalad(video tape)ah waxaana ka heesayey fanaan weyn oo caan.halkaasi waxaa joogay gabdho fara badan.Fanaankii ayaa waxa uu ku dhuftay hees dhawaqeeda iyo laxankaba ku saleysan yahay cayaar ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. markaa gabadh ka mid aheyd gabdhihii ayaa dhulka isku tuntay. Marka anigo waxaan u maleynayaa iney gabadhaasi aheyd Sentimental.waa wax la xiriira( Emotional feelings)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abkeey dooli diloow

Unrecorded Date
as sister suban told us this must be afro desease, and only african scientist can solf it
so its very good to study our african sciense,but how we can proof it ..????,even i am asking my self..!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dheereeye

Unrecorded Date
Abkeey dooli laayoow!! cudurradani kuma dhacaan dadka dusha madoow oo qura, balse waa mid ay u dhan yihiin ubadka xaawood caynkay yihiinba, waxaa igu maqaalo ah in jinku dadka ku dhaco uguna dhaco siyaalo kala duwan oo qolo waliba magac ugu yeeraan.

Waxaa muddo ka hor ka dhacday wadanka Talyaaniga in gabar yar oo reerahoodii la joogta ay subax subaxyada ka mida soo toostay ayadoo ku hadlaysa af la qiyaasay inuu ahaa mid looga hadlo qaaradda Africa, reerihii gabadha dhalay muddo markay la rafanayeen daaweynta inantooda ayay waxay u geeyeen nin wadaad ah oo dadka ruuxaanta ka bixiya deetana inantii ALLE wuu caafimaadiyey.

Waxaa kaloo jirta in magaalada Torino ee wadanka Talyaaniga laga yaqaano Mingiska oo ay ka soo dheegteen sida dadka looga saaro wadanka Soomaaliya bilowgii sanadihii sideetanka halkaasoo khubaro u kuur gasha howlahaan ay duleedka magaalada Muuqdisha ka soo duubeen sawiro maqal iyo muuqaalba leh, ilaa iyo haddana waa lagu daaweeya dadka qaba cudurrada noocaas ah, ayadoo la isticmaalayo saararkii Mingiska ee Soomaalidu taqaanay. ALLOW naga duw belaayada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abkeey dooli diloow

Unrecorded Date
dheereeyoow... waxaan aragnaa inta badan iyadoo la leeyahay dumarkaan wadaado bay qabtaa ,middana mingis bay qabtaa..laakiin (in my knowledge)ma arag ninkaan mingis qaba ama wadaaduu qabaa iyadoo la leeyahay,lakiin anatomicaly ragga prostate cancer baa ku dhaca,dhanka dumarku kaga dhaco utirus cancer...laakiin ragga iyo dumarkuba qaaxada(tuberclosis)waa ku wada dhacdaa...!!!
so think...why women dominated this stuff ?? dont we have same body ...?? explain bro..!!
so long

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cambaro

Unrecorded Date
Ugu horeyn Ciid wanagsan.
Shaqsiyan waxaan qaba mingis iyo saar iyo wixii la halmaalo oo dhan waxay haweenku uu aminsan yihiin in ay tahay si eey u hesho naagtaas "attention". sababto ah waa marxalad u saamaxeysa in loo ordo amarkeeda loo fuliyo, meel la geeyo, dhar iyo wax alla waxii uu "jiniga" ka dhax hadlaya rabo in la siiyo. Haddad uu fiirsato waxaa eey ku badan tahay jiradan nagaha dhaqaala xumadu heyso iyo kuwa aan wax soo baran. "Attention"-kii koleyba waa eey u wada bahan yihiin nagahoo idil, lakiin naagta awood dhaqaale leh waxay dhigata casuumado markay kuraysaneyso ama eey umul baxdo iwm.. iyadoon jiro ku marmarsiyoon.
Marka, xajadaan waa xaja naageed oo heerar kala duwan ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abkeey doolli diloow

Unrecorded Date
salaan iga hanta!!!
sister CAMBARO baa runtii sheegtay..poor ,uneducated..so and so ...marka middaad ka maqasho mingis bay haya naag kale (midda mingiska tunta) soo qabo.... every little wanna be alright!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wardhiigleey

Unrecorded Date
Salaan kadib:

Aniga waxaan aaminsanahay inaysan jirin waxyaabaha aad soo sheegteen oo dhan. waa xeelad ey dumarku u adeegsadaan ragooda si dhaqaalihiisu inta isu dhimo aanu naag kale ula guursan. wax kale ma aha ee waa maseerkii oo magacyo loo bixiyay.

mahadsanidiin:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samira

Unrecorded Date
to Wardhigleey!
it seems that u dont know anything about it . How can u say something like masaayr and so on.
Maarkaa maadan aminsaanid kitaabka illaahay subxaanahu waatacala.How can u say masayr this person is in pain and so on.I have seen with my own eyes a person mingis laagatumaayo so dont come here and tell me it has to do with masayr.
Ask a person how knows alot about QURAN he/she will tell u about it.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wardhiigleey

Unrecorded Date
To:walaashey "SAMIIRA"

Smiira waan ku salaamay! Abaayo waan aaminsanahay kitaabka ilaahey oo ma ihi nin gaal ah taasne waad iigu gaftay ee ogow! Waan aaminsanahay iney jirto WAALI oo waligey ayaan arki jiray qof waasho.
Sabab aan uri Mingiska & Booranuhu waa MASAYR waxay tahay 10 sano ayaan joogaa "EUROPE" waline ma arag haweenay laga tumaayo amaba qabta iyada oo aan is iri arintu waxay tahay Europe ninku laba naag ma guursan karo sidaa darteed ay ku hilmaantay masayrkii & labdii cudur ku dhex labnaa
teeda kale ma arag waligeey nin la leeyahay mingis ama boorane ayuu qabaa.

Samiiroy abaayo imisaa naag soomaaliyeed is dishay ama isgubtay ama ninkeedii dishay! marka sow ma dhihi karno MASEYRKU waa nooc ka mid ah WAALIDA wuxuune hooyo & aabo u yahay MINGISKA & BOORANAHA ileyn qof miyirkiisa naftiisa & naf kale midne ma dileen.

Abaayo iga raali ahow hadii ey jawaabeyda ku qancinin iyo hadii aan kuu gafayba oo wax kaa xanaajiyay aan meesha ku soo qoray koleyba figradayda ayaan ka dhiibtay meesha, waadne isixi karataa wixii aan qalday. Marlabaad waad MAHADSANTAHAY!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samira

Unrecorded Date
To Wardhiigleey!

Wallalo igaaraliaahow!!!!!
haadan siixun kugu sheegaay amaa sikaaleba.
Sorry waalal waan kugaafay, baas siidaad utudhii baan kaaxaanaqay, laakiin waalal aniigu magaaranayo xaage add adiguu joogtiid lakiin aniguu waxaan jogga Denmark.Oo halkaan ayaan walligaybaa joogi jireey, so daadbaadan oo laaga tumaayo mingis ayan arkaay intaabadanina waxaaweye
dumaarkaa somaliyeed.Iyo (
caarabta)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dood

Unrecorded Date
waxa ka jira ma jira ayaan u malaynayaa ee waa jira la iska doondoono


wabillaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wardhiigleey

Unrecorded Date
to:Samiira

walaal waad mahadsantahay aniga waxaan joogaa wadanka Finlad. Sida aad sheegtay waan ku maqlay in Darnmark lagu tumo B.& M. samarkii udambeeyay ayaan joogay kopanhegan. Laakiin ma arag qof laga tumayo cudurakan allaha naga najeeyee Aamiin!!
walaal waan ku gartay inuu ficil dumarnimo ku qaaday. Raaline waan kaa noqday. Aad ayaadne umahad santahay wixii aan qaldayne iga raali noqo ileyn bini aadam ayaan ahay oo mar walbo qalad ka dhaco.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dood

Unrecorded Date
ar yaa illaahey yaqaan cuddarkan aad sheegaysaan waa cuddur gabdhaha fardheerta ku dhaca waayo cuqtad nafsi ayay qabaan ee waxaad dhedaan waad quru badan tahay ama dhulka ma ku dhacaysid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
WAA SALAAMANTIHIIN KULIGIIN. HADII ADD SAARKA DISAREESANTIHIIN HOW ABOUT DHEJISKA.
ZARA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cambaro

Unrecorded Date
TO SAMIRA
Maalmahaan waan ka maqna meesha, laakin Samira waxaan ku weydiyeey, qofka aad aragtee u xanuunsan MINGIS & Saar-ka ee laga tumay , meeqa sano ayeey jirta, ilaa iyo meqa sano ayeeyna iskool soo dhigatay?
Sidaan horey u soo shegay waa nuuc ka mid ha " soo jiidasho", oo waa qof u baahan "attention".
hadaad u fiirsatayna, qofka xanuunsan marki laga tumayoo jinka, siday uu boodboodan oo isku hurgufaan maba ahaa qoftii dhulka tiilay maalmihi ka horeyeey, ee walaley SAARKU cudur ma ahaa ee, WAA ISKA YEELYEEL RASMI AH!!!!

Cambaro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MIMI

Unrecorded Date
SUUBANEEY, WAXAAN LA YAABAY MARKII ARIN SOO GASHABA DAD KAAN MAXAY ILAAHEEY IYO QURAANKA UGU SOO DARAAN. MA LEE YIHIIN IYAGA UJEEDO MADAXOODA KA SOO GO'DAY. ILAAHEEY MAR MARSIIYO HAKA DHIGANINA MARKII AAY CONVINIENT IDIIN TAHAY. WE KNOW ABOUT THE QURAN. SABABTA HALKAAN LOO WADA HADLAYO WAXAA LA RABAA IN LA MAQLO ADIGA RA'YIGAAGA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GAAFOW

Unrecorded Date
To Mimii

Asalaam clk dhamaantiin

Mimii macalinka ma ogtahey in cilmiga asalkiisa uu yahey Quraanka, waayo Quraanka waxaad ka helee wax kasta oo ku saabsan baahidaada. Maalin baa nin wúxuu ku doodey like you oo uu ku yiri saaxibkii "adiga waxaad igu wareerisey Quraanka oo aad la so boodaa marwalba, oo aad dhahdaa qoraanka wax walbaa laga helee, ee Quraanka ma sheega rootiga maanta qiimahiisa meeshuu maraaya? Markaasuu sxbkis yiri "haa quraankey ku qoran tahey qiimaha rootiga maanta uu yahey, markaasuu sxbkiis qosley oo uu yiri" bal ii sheeg" markaasuu sxb yiri " bal wax yar i sug" taleefoon buu direy, oo uu weediyey qiimaha rootiga, markaasaa loo sheegey, markaasuu sxbkiis ku yiri "rootiga maanta intaas ayuu maraa, Quraankana waxaa ku qoran "hadeydaan aqoonin wax oo mugdi idiinkaga jir weydiiya dadka waxaas og ama aqoonta u leh, marka you asked me and told you qiimaha rootiga. marka ma fahantey what i mean? i hope you do sxb.

To suban

Walaashey Boorane and Mingis is just quraaafaaad, plaese hablahiina soomaliyeed ogaaaaaaaada waxaas in ey san jirin.Walaashey samiira waxaan dhihi lahaa kuwa laga tumaaya waxaas ka waaani oo ugu dig, waxaas soomaaliyaa naagaha wax looga cuni jirey. Cilmiga seykoolijiga qebta qaabilsan waxyaalahaas ee daaweeya sida sikoaniliitikada waxey aaminsan yihiin in waxaan uu yahey wax qofka uu iska dhaadhicinaaya, marka the only way oo qofka looga daaween karo oo wax looga qaban karto waa iyadoo qofka aamino in eysan jirin such cudur, kadibna qoraaaaan la saarsa qofkaas, bal markaas aan aragno jiniga la sheegaayo meeshuu ka baxey.

Just qoraan hala saaro qofkaas, hana ilaawo quraafaadkaas.

MR GAAFOW:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dex

Unrecorded Date
To Gaafow

walaakiis marumaysntayay DHAJISKA? Hadii aad diiday mingiska iwm.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaafka

Unrecorded Date
Asalaam clkm dhamaantiin

To Dex


Walaal Dex aniga ma rumeesni Mingis, Dhajis, Boorane, IWM. I think these things are just "SUPERSTITION" = QURAFAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAD.

sxbaa Gaafow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr Who

Unrecorded Date
Salamu alaikum

Suuban, Walaal runtii su'aasha aad kobtaan keentey waa su'aal dumarka soomaaliyeed iyo raga qaarkiisba wareerisey.

Mingisku waxa weeye, shey ay kushaqeystaan dadka jiniga lasheqeeya.

Daawadiisuna ma aha in neef ari ah laqalo si dhiig loo helo, arinkaas waxaa sameeya Wadaada Xunka shayaadiinta lashaqeysta ee Alaah diintiisa fifiican ugu dhaqmin.

Mingis haduu qofku dhaco (Jinn haduun gallo), Daawada kalida ah ee lagu daaweyn karro qofkaas waxa weeye in Quraanka Kariimka Ah lagu akhriyo.

Intaas ayaan kusoo koobayaa.

Salamu alaikum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Drmacaane

Unrecorded Date
from: dr macaane

i want say short massege about mingis ,etc i bleive it's unknoledgedisease so some wana make on it and they tel you what ever they liked.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirahman

Unrecorded Date
To: Suban iyo Soomaali oo dhan


Suban ugu horayn waad ku mahadsantahay arintaad
noo bilowday waana arin muhiim ah.

Soomaali oo dhan waxaan idin leeyahay qofkii
arimahaan rabbi ka caafiyay, haddii ogyahay qof
arimahaas ku shaqaysta ha ka waaniyo, waana
khuraafaad. waxaan ognahay dadkii soomaaliya
arimahaas ka shaqaysanayay in ay la haayeen Shati,
micnaha dawladda ayaa u sharciyaysay oo canshuur
bay ka qaadi jirtay, marka dadkaas halaga
digtoonaado, mar arintaan la waydiiyay SH.Cumar
faaruuq wuxuu yiri wali ma maqasheen wasiiradii
soomaaliyeed ama wax dawladda u shaqayn jiray oo
laga tumay,badanaa waxaa laga tumi jiray dumarka,
ulajeedadda waxay tahay ilayn dawladda ayaa
sharciyaysay, calaa,ayixaal arintaasi waa
Khuraafaad siday u sheegeen rag iga horeeyay.

Sheeko yar arintaan ku saabsan:- naag mingiska
tunta ayaa waxay kula kulantay naag kale,
gurigeeda waxayna ku tiri sidee laguu hayaa
ayadana waxay tiri waxba maqabo, calaa,ayixaal
markii ay warka ka badisay, ayay ugu danbayn ku
tiri subixii markaad soo toosto beerka malagaa
qabtaa, waxay tiri haa sidee ku garatay, waxayna
ku jawaabtay waxaan gartay inuu ku hayo mingis,
anagaana daawadiisa hayna, waxay ku jawaabtay waa
yahay ee isii, waxay tiri waxbaa lagaa tumayaa ee
lacag baxso, waana 300 shilin soomaali, waxay ku
tiri ninkayga waa shaqeeyaa wuxuuna qaataa bishii
300 Shilin soomaali marka ma bixin karo.
calaa,ayixaal dood ka dib waxaa islaantii mingiska
ku tiri ninkaaga haduu ku jecelyahay waa in uu
bixiyaa wax kasta oo caafimaadkaaga ku baxaya,
haddii taas laga waayo i fur dheh.calaa, ayixaal
arintii waxay ku dhamaatay siday doonaysay
islaantii mingiska tunta waxaana lagu balamay in
bari la isugu yimaado guriga si loo bixiyo
lacagtii, ninkii markii uu shaqadii ka yimid,
waxaa uu la kulmay gurigii oo si kala ah, qado
looma karin, wax kale iska daa, markii uu
xaaskiisii waraystay waxay ku tiri:- Xaaji igama
warqabtid waan xanuunsanahay, daawana iima raadin
maysid,wuxuu yiri ninkii war shaydaanka iska naar
maxaa ku helay, adoo fiican baan kaa
tagay,calaa,ayixaal warkii oo dhan baa loo
sheegay,waxaana warkii loogu soo gabagabeeyay inuu
bixiyo lacagtii 300.ama furiin. wuxuu yiri war
anaa kuu keeni doona, wuxuu u tagay shiikh dukaan
ku leh xaafada uu degenyahay wuxuuna ku yiri
waxaan kuugu imid talo waxayna tahay:-1-inaan dilo
islaanta mingiska tunta heblaayo 2-inaad iga
bixiso lacag 300 oo mingis looga tumayo xaaskayga
3-inaan xaaskayga furo. wuxuu yiri shiikhii
sadexda samayn maysid ee waxaad samaysaa arintaan
waxaad qaadanaysaa xirsiyadaan oo waa labo xabo
midna gali albaabka laga soo galo midna sariirta
aad ku seexato, ka dib iska dhig wax waalan,
ninkii gurigii buu tagay wuxuuna sameeyay wixii
lagula balamay, ka dibna waa is waalay, wuxuuna
naagtiisa ku yiri ii keen diric aan gashto iyo
kabahaaga, waxaan aadayaa aroos xaafada ka dhacaya
markii cabaar la is haystay, ayay naagtii ogaatay
in ninkii waashay, waxayna kusoo carartay shiikhii
xaafada oo tiri quraan ku akhri ninkayga waa
waashay, ka dib shiikkii markuu akhriyay quraankii
ayuu ku yiri naagtii ma dadbaa kuu yimid waxayna u
sheegtay naagtii u timid, wuxuuna yiri soo bixi
xirsiga ku jira albaabka iyo kan sariirta, wuxuu
yiri koley ma aqaan waxaan waxaa keenay qof
ninkaaga sixray, calaa,ayixaal haday naagtaas
tahay yay mar danbe imaan, shiikhii waa tagay
ninkiina waa roonaaday, islaantii mingiska markay
subixii timid iyadoo doonaysaa 300 ayaa waxaa laga
horgeeyay dagaal iyo kab, ninkii ayaa kala qabtay
oo yiri iska islaantaan aan waxba kuu geysan adaa
ka gar daran, iyadana waxay ku qaylisay waa
naagtii ku sixirtay, isaga waxuu leeyahay waxba ma
qabo, ninkii waxaa loo sheegay inuu xirtay dirac
oo ku dhuftay, rabbina ku daaweeyay quraankii lagu
akhriyo, calaa,ayixaal islaantii mingis tumi
jirtay halkaas ayay ku carartay, ninkiina 300
boqol ugu baaqatay, xaaskiisiina ku caafimaaday.

sheekadaan buug bay ku qornayd mana xasuusto, cida
soo saartay, qiyaastii waxaa ka soo wareegatay
12-sano,magaalada madaxda somaaliyeed.


ulajeed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saahid maxamed

Unrecorded Date
AL-salaamu calaykum:
QEYBTA KOOWAAD:
wallaalayaal aad iyo aad baad ugu mahadsantihiin
mawduuca aad soo bandhigteen oo ah mid muhiim ah.
Waxaan jeclaan lahaa in aan wax yar ku darto oo ku
saabsan xagga diinta waxa ay a qabto arrimahaas.
Mingis,Boorane,Saar,Sharax,Luumbi,Waddado,Rooxaan,
IWM.kuligood waa isku mid kala magac duwan waliba waxaad la yaabtaa qoloba si bay u taqaan oo lagama yaabo in nin reer Afgooye ah in laga tumo Mingis,mana laga yaabo in naag reer boosaaso ah in laga tumo luumbi,mana laga yaabo in nin reer
Baydhabo ah in ay Rooxaani ku dhaco asagoo arkaaya in saar laga tumo oo uu bururo,mana laga
sheegin in reer waqooyigu Aaminsan yihiin boorane ayagoo ku magacaabi kara Waddaado ama Rooxaan.
sidoo kale reer xamarka cadcad sharax ay ku jalboodaan,reer xamarka madmadoowna Boorane lee iska dheh,cudurku waa jiraa oo khuraafaad ma aha
sida ay sheegeen wallaalo badan oon khibrad u lahayni,se qolo walba soomaaliya afarteeda gees
magac khaas ah ayey u yaqaaniin.Dhanka kale haweenka oo kaliya kuma dhaco maxaan Nin weyn oo sharaf leh ku arkay Golihii Mingiska ee xaafadda
Madiina oo dhegtalooga mashxaradaayo markuu ka soo baxo goobta qoobka ciyaarka,maxaanse ku fiirsaday xaafadda waaberi (cali boolaay)AW CALI
karbaash oo Luumbi laga tumaayo oo dhiig isku daldalaaya afkana dab gashanaaya,boqol karbaash oon waxba ka dhimaynin dusha loo galiyey.
Haddaba ayadana haddan isla garanay in rag iyo dumarba in loo siman yahay ,haatan waxaa iga dhawraysaan waa muxuu yahay Arrinkani?!!!.
Intaanan su'aashan ka jawaabin soomaalidu waxaan oo dhanba waxay u arkaan in uu cudur yahay ooy iska daaweynayaa,sow aadan maqlin(AWOOWAYAAL CUDURKIINA WAAN ARAGNEE CAAFIMAADKIINANA AAN ARAGNO). Marka waxaan oo kharash ah waxaa loo galayaa in jiro la iska kor qaado ee meesha ciyaari ma taalo iyo is yeel yeel ruuxii uu ku dhacaa og.Haatan haddaan u soo noqdo su'aashii
JIrooyinkan oo dhanba waa isku mid kala magac waxaana keena oo ka mas'uul ah Macallinka weyn yaa
kale(SHAYDAANKA RAJIIMKA AH),Waa kaas ka ay magacyada badan u kala magacaabaan sida : (ROOXAAN,WADDAADO,SAAR,LUUMBI,MINGIS,BOORANE ABUU
FARAS,SHARAX,DABAYL,AYAAMO,FAAL,KITAAB FUR,)IWM>
Shaydaanka ilaah wuxuu ku manaystay awood tan bani'aadamka ka weyn ,wuxuu awoodaa in uu samada koowaad gaaro ayagoo is fuulfuulaaya,in uu badweynta (ATLATIC)ga intuu maraykanka ka quuso uu ka soo baxo YURUB asagoon neefsan,in uu duulo
samadaas sida diyaaradda dheeraysa ee (CONCORD)ta,
In uu isbadbadalo oo ruuxii uu doono isku ekaysiiyo xataa qof dhintay in uu iska dhigo IWM.
Madaama uu awoodaas alle siiyay wuxuu u isticmaalaa in uu bani'aadamka ku lumiyo kuwooda aan cilmiga lahayn oo uu tusiyo wax ay la yaabaan markaas ayey u maleeyaan AWLIYO KARAAMAYSAN oo ay daba galaan (AWLIYO ALLAAY ADEEG).Shaydaanku sida uu u leeyahay JIni u adeega ayuu wuxuu qabaa insi
ama bani'aadam uu ku shaqaysto oo layiraahdo:
(AWLIYAA UL SHAYDAAN)kuwaasna wuu u waxyoodaa oo
wax xun buu faraa ay alle uga fogaadaan, markaas ayuu shaqooyin uusan bani'aadamku fulin karaynin u qabtaa,markaas ayaa laga daba dhacaa oo la yiraahdaa waa (WALI MUKARAM AH).SI kale haddaan u iraahdo (CALQAD,WADAADO,ROOXAAN BUU LEEYAHAY,AMIIR
FARASKA CAD,IWM MACNAHOODU WAA (WALI SHAYDAAN).
INTAAS AYAAN KU SOO GABAGABEYNAYAA CAAWA WAA INOO
HABEEN DAMBE IYO QEYBTII LABAAD.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

by gorgor

Unrecorded Date
BY GORGOR
TO: SAHID MAXAMED
Saahid waa salaaman tahay, in taa kadib sheekada aad kor kuqortay waa fiicantahay laalkiin waxaan garan waayay sidaad adigu sheekadaadii uga dhigatay mid mawduuca. taa macnaheedu waxaa weeye sheekada xagasare waafiicantahay balse xagadanbe ayaan dhexfariisatay oo waxaan meesha ool ayaad kahadashay oo ah Awliyo hadaan siiqeexo waxaad kahad laysay migis, saar iwm saaxiib waa suaale maxaa isukeenay migis iyo awliyo oo layaqaan waxay tahay illaahna uu quraan kiisa kucaday yay rasuulkii suubanaana uu qeexay.mise waa ika kaa dheeh galeen. saaxiib hadaad ubaahan tahay wax kuu kala caday ya ii soosheeg.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Cool

Unrecorded Date
Suban
Halo-hoo kale aa hilmaamti.... here is the list
awdare
bebe
numbi
xayat

so intaas ne waa jiran.... dat shukulan aa jiran aa la dhahi. Lakin ani suashey waxaa wayi.... halahaan yaa dhali.... oday iyo habar maqabaano? Waxaa ka liya aan ogahay awdare iyo xayat intee in-adeer yihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban

Unrecorded Date
Lol Mr. Cool, adi weligaa ma aragtay meel oo numbi mise lumbi lagu ciyaarayo?? It is said to be a good jammin!!
I think all these people just want an excuse to party:)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Cool

Unrecorded Date
Suban
Sis i was asking my parents today just now waxeey ku dagaalaayeen waa lumbi abe heey ne waxaas dhahaayi waa numbi... so sis I am glad you know them both. Waligeey ma-arkin lakin anoo yar aa waxaa arki jiray habaryarteey oo ayeeydeet haroowsaneeyso aa dhayeso waxaa ii haya awdare.... ayeeydet shoked says "bismillahiyoo awdare-ne intiis naga soo kali .... maya maya ee dheheen... awdare sar in-abtigiisa wayi". Ani ayago nago laga shukulaayo aa arki jiray markii yaris aan ahay.

I guess the sisters loved to party down:)

But wadataha is true cause ayeeydey aa qabto... waxaa arkeeso hala-hoo duqooshin dhahayaan "waxanaa rabna iyo waxaas aa rabna".

Bil ka hor hoyadeey oo iska qaa cineeso aa abehey waxuu ku dhahay "quraafatkan aa la wareek-tit na ga dhaaf". Too le ka racdi... habeenki dhan aas qeylinaayi while he was at sleep... hoyadeey qosol ee sariita la fa dhiday habeenki oo dhan. So I think qurafatkaas intee jiraan. Ani qaba xataa ma-la oga. "Oh poor me".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahid max'med

Unrecorded Date
QEYBTII LABAAD:

AL-salaamu caalykum:
ku:GORGOR
Wallaal aad iyo aad baad u mahadsantahay waxaan u
qori waayey Qeybtii dambe ee aan balan qaaday aniga oo arkay in aysan dadku xiiseynaynin.laakiin
haatan ayaan jeclahay in aan sii dhamaystiro,kana
jawaabaya su'aashaadii ahayd xiriirka ka dhaxeeya mingiska iyo awliyada.wallaal markaan soo garanay
in ay magacyada uun ay kala duwan,kuligoodna uu
mas'uul ka yahay shaydaanka weyn ee laciinka ah.
MR:GORGOR AWliyadu waa laba Qeybood sida ilaahayba Quraankiisa ku sheegay:
1)AWLIYAA U RAXMAAN.
2)AWLIYAA U SHAYDAAN.
Marka dad badan oon u malaynaayo in aad ka mid tahay ayeysan u kala baxsanayn labadaas Awliyo.
AWLIYAA U RAXMAAN waa dadka uu ilaahay jecelyahay ama allaah u dhaw oo cibaadadiisa aan ku koobin oo kaliya in ay sameeyaan faradka laakiin waxay allaah ugu dhawaadaan sunnaha ay ka mid tahay salaatul laylka,soonka suunnaha iwm.Waxayna sifahoodu yahay in ay ku dhaqmaan kitaabka iyo sunnaha oo aysan khilaafin marnaba,waxaa la aqbalaa ducooyinkooda,karaamooyin ayaanna ilaahay iimaankooda ku adkeeyaa,waana dad alle u dhaw.
Awliyaa u shaydaan waa kuwo ayaguna shaydaanka amarka ka qaata sida (calaqadyada,wadaadada kuwa cuudiya,booranaha kuwa tuma,sharaxa ku jiibiya,
luumbiga kuwa karbaasha,sixilooyaasha,iwm.)
kuwaas sifahooda waxaa lagu yaqaan in aysan allaah kitaabkiisa iyo sunnada rasuulka ku dhaqmin,camalkooda oo idil in uu diinta khilaafsan yahay,in aysan tukanin oo ay yaraahdaan waxaan ku soo tukanay Makka iwm.haween ka xaaraann ah ayey tuutuujiyaan,dhiig xaaraan ah ayey cabaan,rag iyo naagoba wey is dhex boodaan,
shan naagood iyo wax ka badan ayey guursadaan.
shaydaanka aya u shaqeeya wixii dhumay ama la xaday ayuu u soo celiyaa wax karaamada la mid ah oo la yiraahdo hawlaha shaydaanka ayey sameeyaan.
Taas ayaanna dad badan kadisa oo ay u maleeyaan in ay AWliyo ilaahay ay yihiin se ma aha ee waa awliyo shaydaan,waxaanna lagu kala gartaa labada Awliyo midkii kitaabka iyo sunnaha ku dhaqmaayi waa awliyaa u raxmaan kii ku dhaqmi waayaana waa AWliyaa u shaydaan walow uu samada biibo ama uu badda ku kor socdo ama wax dhmay soo celiyo.
Marka sidaas ayey isku dhex galaan AWliyaa u shaydaanka iyo waxyaabihii aan ka soo hadlaynay ee aha: (mingis,boorane,luumbi,wadaado,sharax,rooxaan,iwm.MR:gorgor waxaad (refernce)ahaan ugu noqotaa kutubtan soo socota:
1)Al- furqaan bayna AWliyaa u raxmaan wa Awliyaa u shaydaan.ibnu tiimiyah
2)caalim al-Jinni wa shayaadiin.cumar al ashqar.
3)tabliisu ibliis .ibnu Jawsi

Wixii kaloo faafaahin ah feel free ii soo dir:
E-mailkayga:gacamay@hotmail .com
mahadsanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gorgor

Unrecorded Date
by Gorgor
TO: Sahid Mohamed

Sahid waan kaa qaaday salaan tii waana arkay sheekadaadii qaybtii labaad hadaba waxyaaba farabadan ayaa maskaxdayda kadhawaa qaya.
marka hore waxaan jecelahay in aan ku xusuusiyo dhowr qodob.
1) Waxaan jecelahay in ay sheekadeenu ahaato mid hufan.
2) In aan caadi-fadii Somali aylahad inaanay ina jiidan.
3) In aan kahadalno only wixii aan aqoon uleenahay.
Hadaba hadaan kusoo dhowaado sheeka daadii hor ta ogow anigu kugu kuguma haysan in ay jiraan AWLIYAA U RAXMAAN IYO AWLIYAA SHEYDAAN hana ufahmin in aan difaa caayey awliyaa u sheeydaan balse adiga ayaan hadal kaagii waxaan uqaatay in awliyo oo dhami kuutahay tan waxyaabahaa ku dhaqanta oo keliya, hadaba waxaa moo daa in aan isla garanay in awliyo ilaahay ag tiisa laga jecelyahay ay jirto hadaan soo koobo sifeheedana ah (ku wakitaabka quraan ka iyo sunada rasuulka hogaansamay) ilaahna uu karaa meeyey aduun aadhiroba....................................
Waxaan kaloo is lagaranay dad fid moobay ama sixirlayaal ha ahaadeen, ama faalalow hahaado, ama mid jin adeeg sada ha ahaado, ama mid waxaad sheegayso tuma ha ahaado waan og soo nahay in ayjiraan.
Hadaba hadaan u soo noqdo ujeedadayda waxaa jir ta in dad badani aa nay kala aqoon sababtuna waxay tahay dad wadaado is kadhigaaya ayaa is kumid ugadhigay. Hadaanse hadalkaagii tixraaco qofkii fidmoobay waan ognahay in aanu waxkaraama ah ilaahay agtii kulahayn waxa uu sheegayana ay yihiin wax jin kugacan siiyay iyo waxaan jirin. Hadaba waxaan ugasocdaa miyaan qofka awliyaa uraxmaan kaahi oran karin waxaan kusoo tukaday maka iyo madiina, waxaan soo helay alaab tii laxaday, waxaan soo dheex quusay bad waynta hindia, waxaan arkaa waxa jooga masaafo ah 1000km, hadaba hadaan soo gaabiyo sheekada oo aan adiga kuway diiyo maxaad kuxukumi lahayd hadii nin aadan ka arag wax xad gudub ah habayaraatee qowlan waficlan balse kuu sheegay in uusa meeyay arimaha aan kor kuugu sheegay iyo karaamooyin kawaa weyn?.Taa waxaan kuu way diinayaa sheeka daadii ayaad waxaad kumuu jusay in nin ka howlahan qaban karaa uu yahay only awliyaa usheydaan. waxaa kaloo mesha kujirta in marka aad kadigayso shadaadiinta is lamarkaa aad kahadashoo kuwa ilaah jecelyhay, hadiikale waxaa kadhalan naysa arimo farabadan ooah 1) in caamadu moodo awliyo oo dhan ama ninkii karaama sheegtaaba uu yahay mid sheedaan ku adeeg to 2) in aan dad ku yididiilan siday darajadaa ugaari lahaayeen oo ah mid lagu gaaro cibaado alleh iyo camal suuban.3) in caa madu moodo waxa awliyaa usheydaan ku qaban karaan inaan awliyaa u raxmaan ku qaban karin. waxaan kusoo gebagebayn waa in dadkaka lfahan siiyo wanaaga iyo karaamada ay awliyada illaah jecelyahy leedahay waxay qaban karaan iyo waxaanay qaban karin oo aan looga mid dhigin shadaadiinta. Hadaan kuxusuu siyo waxaan kaduu layaa Kitaabka alleh iyo Sunada rasuulka (CSW). gaar ahaan manbicayga iyo marjicaygu waa kuwan 1)Jaamicu karaamatil awliyaai(sheekh Nabhaani),2xeelatul awliyaa(ibnu naciim) 3) alshifaa( qaadil ciyaad), 4) almadkhal (ibnu xaaj)iyo kukale aa nan halka kusoo koobi karayn.
feel free to contactme this e-mail address magic2@magiclink.net
mahadsanid.
mr Gorgor

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saahid max'ed

Unrecorded Date
AL-salaamu calaykum:
TO:GORGOR
Walaal gorgor iga raali ahaaw habeenadan ma aanan soo siyaaran makhaayadeenii yareyd.Aad baad ugu mahadsantahay maqaalkaagii miisaanaa kana raali ahaaw qandhuufadii yareyd.haddaan u soo noqdo in aan kaaga jawaabo su'aashaadii wallaal ugu horayntii aad iyo aad bey u kala gedisan yihiin labada Awliyo mana aha wax adiga iyo ruux kale oo u nasab sheegta Ahlu suna wal Jamaaca wax iskaga dheehma.Marka waxaa jira si ay suufiyadu u fasiraan Awliyada taas oo si cad u ah Awliyaa u shaydaan waana tan ee ku soo dhawaa:
1)waxay sheegteen in waligu isbedbedeli karo oo wuxuu doono iska dhigi kara sida Malaa'ikta iyo jinniga,mar kaliyana laga heli karo meelo badan.
2)sida u sheegay Shacraani wuxuu ku sifeeyey waliga in waxa uu khayaalkiisa ku sawirto in ay si run ah u dhici karaan,wuxuuna nooga waramay nin la yiraahdo Jawhari in uu muuday ama maquurtay Badda wuxuuna sawirtay in uu guursaday naag ciraaqiyad ah oo u dhashay carruur,waxa ayba u timid waqti yar kadib ayadoo wadata caruurteedii
3)Waxay kaloo aaminsan yihiinin uu waligu macsuum yaahy oo aan dembi ka dhicin sida Nabiyada,aanna la khilaafi karin hadduu shareecadda khilaafo.
4)Waligu wuxuu walinimadiisa u hibayn karaa ruux kale taasinna waxayna tusaysaa sida kale ay ugu khilaafsan yihiin ahlu sunna wal jamaaca sida loo kasbado walinimada.
5)waxay kaloo aaminsan yihiin inay si caddaan ah la kulmaan ayagoo soo jeedda nabi maxamed NNKH.
6)sidoo kale waxay aaminsanyihiin in waliniimadu leedahay mid lagu khatimo sida ay u leedahay nabinimadu mid lagu khatimo sida nabi maxamed NNKH
7)waxay u tiiriyaan waliga in uu leeyahay sifaadka rabinimada oo uu ogyahay waxa maqan, waxna ay ka maamulaan adduunka.
8)waxa kaloo ku dartaa in qaarkood aaminsanyihiin in waligu uu ka fadli badan yahay Rasuulka.
marka sifooyinkaas oo kale uma tiirin karno
awliyaa u raxmaan oo kuma tilmaami karno waa karaamo,maxaayeelay awliyada ilaahay wey qarsadaan karaamadoodaweyna ku shukriyaan nicmadaas mana isku muujiyaan oo kuma tartamaan.
sida ay sameeyaan Awliyaa u shaydaanka oo badanaaba soo bandhiga Axwaashooda shaydaaniga ah dadka hortooda si ay u muujiyaan khiyaanadooda iyo sirtoodaba,ayna dhexdooda ugu tartamaan.
Waxaan halkan ku soo gabagabeynayaa Qisadii ku dhacday shiikh C/qaadir al-jeylaani oo ahayd asagoo meel cidlo ah maraaya oo sooman ayaa waxaa dhacday qorraxdii kadib ayaa hgol ar u curatay roob baad da'ay markaas ayuu biyihii ku afuray kadib ayaa samada looga yeeray markuu fiiriyy ayuu wuxuu arkay ifteen iyo nuur ,kadib ayaa loo dhawaaqayoo la yiri (C/qaadirow Anigu rabigaaga ayaan ahay waxaanna kuu xalaaleeyey waxaa dadka kale ka xaaraantimeeyey).C/qaadir ayaa ugu jawaabay ma waxaad tahay al-laah
kadib ayaa nuurkii damay oo shaydaankiina aamusay,kadib ayuu ku yiri C/qaadir libidh cadowgii ilaahayow.shaydaankii ayaa yiri:C/qaadirow cilmigaaga ayaad ku nabad gashay
sheekadan waxaan hortaa ku lumiyey 70 shiikh oo kaa horaysay oo xaaraantii iska quutay.
shiikh C/qaadir ayaa la weydiiyey sida uu ku gartay shaydaanka markaas ayuu yiri:(waxaan ku gartay wuxuu yiri :Rabi ayaan ahay waana sifo Rabinimadu oo ruux kasta ayaa sheegan kara,laakiin markaan ku iri:ma allaah miyaad tahay wuu libdhay.waxaan kaloo ku gartay ayadoon la nasakhin diitaan Islaamka ayuu waxa uu ii jideeyay wax diinta khilaafsan taas ayaanna ku gartay in uu yahay shaydaan.
Wallal goror sidaas ku kala garo Awliyaa u Raxmaan iyo Awliyaa u shaydaan.
Gorgor wallaal iska ilaali kutubtan sida:
1)"karaamaad tu Awliyaa" oo uu qoray NABHAANI.
2)"dhabaqaatul kubraa" = = = = = =SHACRAANI.
3)"Jaamul karaamaatul Awliyaa" = = =IBNUL MULQIN.

KUTUBTAAS OO DHAN WAA KUTUBTA SUUFIYADA.

salaamu calaykum

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.