site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ILA TALIYA WAXAA IGU ADKAADAY GUURKII

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Mar. 2000 - August 2000): ILA TALIYA WAXAA IGU ADKAADAY GUURKII
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CARAALE

Unrecorded Date
WAXAAN AHAY WIIL DHALIIN YARO AH BASE NASIIB DARO UU DHIBKA HAYSTO XAGII GUURKA WAXAAN UGU YARAAN LA SHEEKAYSTAY 9 GABDHOOD MID WALIBA WAA I DIIDAA MANA FAHMIN WAXA AY IGU ARKEE.

HADDABA WAXAAN U BAAHANAHAY IN LAYLA TALIYO AMA HADDII LAYGA CAAWIN KARO ARINTAAS GUURKA WAXAAN MARKASTA KU FEKARAA IN AAN HELO GUUR XALAALA WAXAANA AAD ISAGA ILAA ILYAA IN AAN XAARAAN KU DHACO, ILA TALIYA WALAALAYAAL.
YAANA LAY AFLAGAADEEN.

MAHAD SANIDIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
Oday waa tii la yiri "Geedaha geed aanan la daaqin baa ku jira'e", Seebay wax kaa yihiin, Yacni waxa luguugu nacay maad yaraha noo taa taabatid, markaa baynu falanqaynteeda geli'e, ilaa hablahu wax uun bay kugu naceene.

CiiseRooti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
Caraale,

Talada ugu wanaagsan waxaa weeye ina adeer mar danbe hablo ha ka raadsanin meesha aad dagantahay, waxaad u baahantahay "carra gadis" hadaad macnaha kalmadaas garanayso dee orodoo carra gadiso oo waxaad yeeshaa dumarka Soomaaliyeed ee dunida ku baahsan mid ka weyn meeysid'e dhexda dhuuqso dhiishana biya ka buuxso adigoo laba caruur lehna nagusoo laabo. Waa iga dhab walaal ee kaftan ha u qaadan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qumayo

Unrecorded Date
To Caraale.

waxaan ku weydiiyey soomalidaa waxay tidhaahdaa (Ma waaxidkaa waalan mise wadarta) markaa waxaan ula jeedaa yacni haday 9 gabdhood ood la sheekaysatay ay ku wada diideen dee meesha aad iinta ka leedahay iska bogsii.

ma xaga dabeecadaad ka xuntahay?mise markaad gabdhaha u tagto wax maalaa yacniyaad uga sheekaysaa?markaad hablaha u tagto ma wax yaalo ayna raali ka ahayn ayaad ku soo hadal qaadaa sida sex?miyaad foolxuntahay?ma qabiilkaad ka dhalatay kugu nacayaan? bal adigu dib iskugu noqoo meesha aad iinta ama dhaawaca ka leedahay noo soo sheeg waa lagu hagiye si fiican walibee.

peace and luv.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuq

Unrecorded Date
Qumayo, sidaan inaad dhaanto ayaan u malaynayay ee maxaa kugu dhacay yahooy. Mise waxaad la mid tahay ninkii 99 qofood dilay ee markuu wadaadka u yimi isagoo weydiinaya in ilaahay uu ka aqbali doono danbi dhaaf haduu la yimaado iyo in kale, kolkaasuu wadaadkii yiri MAYA cafis ma lihid saa isaguu 100 ka dhigay maadaama la quusqaadsiiyay. Marka waxaan rabi lahaa inaad noqoto wadaadkii kale ee isagu ku yidhi gacan ku dhiiglihi 99 + 1 wadaad boqolka uga dhigay (Danbi dhaaf waad leedahay ee oradoo ka tag arladaan aad daggantahay, waa dhul fisqi iyo xumaan miiran, ee waxaad aadaa magaaladaas wanaagsan iyadaa lagu sheegay inay dad wanaagsan daganyihiin).

Sheekadaas waxaan usoo sheegay waxa weeye Qumayo & dadka la midka ah ee dadka tali habaabinaya inaad walaalkiin wax wanaagsan u sheegtaan ama ha noqonina wadaadkii qoorta loo dheereeyay markuu qaladka ku hadlay. Ka baxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M-deeq.

Unrecorded Date
To Caraale.
Duqa watigii guurka mmad joogtaa mise anookale aad tahay iska raaxeyso duqa hadaad labaatan iyo shan kayartahay .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qumayo

Unrecorded Date
To Warta Suuqa

Maxaad uga baxday maad sii wadidaa hadalka?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qumayo

Unrecorded Date
Warta Suuqa.

Walaal run ahaantii in kasta oonan fahmin sheekada aad soo sheegtay meel ay ku socoto iyo meel ay ka socoto hadana anigu ilaa imika iskuma haysto inaan wiilka walalkay ah marin habaabiyey sababtoo ah su'aalo ayaan weydiiyey su'aalahaasoo suurto gal noqon kara.teeda kale hadaan khalad sameeyey oon marin habaabiyey bal meesha khaladka le i tus waayo ilaa qofka khaladkiisa la tuso mooyee kuma qanco.,mahadsanid

peace and luv.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sagal

Unrecorded Date
TO:carrale


OW lord! where the hell on this planet u at, dear?

9 GABDHOOD LEeYA? waaara,,adunyaba farkagama qoodna,ee 90 gabdhood markad so shukamiso
Markas kabacdi lee GUUR kahadal,,,lol
<><><><><><><><><><><><><>
RUNTI,I would love to help u,,wallahi
xaata hadan gabar kuwaayo,,aniga HADIYAD ahaan iqaado,,lol

good luck,,bro


ficaney

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warat suuqa

Unrecorded Date
Qumayo,

Hadalka lama saarnaado walaal ee waa laga baxaa hadii kale asagaa ku tuuraayo marka danbe.

Sheekada aad fahmi weeysay meesha ay u socoto aan kuu balbalaariyo;

1- Nin ayaa 99 qofood dilay, kaw ayuu kasiiyay.
1- Nin baa 9 naagood diiday, isagoo guur raadis ah.

2- Gacan ku dhiigle, wadaad buu u tagay isagoo danbi dhaaf raadinaya.
2- Guur doone somalinet ayuu yimid isagoo tala doon ah.

3- Wadaadki islamarkiiba wuxuu ku jawaabay MAYA ilaahay kuu danbi dhaafi mayo ayuu yidhi.
3- Dadka forumskaan jooga tala fiican ma aysan bixin.

4- Gacan ku dhiigle wuxuu is yiri meesha maxaa kuu yaala hadiiba danbi dhaaf uusan jirin asagana seefta mari, 100 ayuu ka dhigay.
4- Qumayo iyo dadka kale su'aalo aan qiima lahayn ayay wiilki ku wareeriyeen, oo waxaa laga yaabaa inay xumaanu horseedaan.

5- Gacan ku dhiigle, wadaad kale ayuu la kulmay isagoo danbi dhaaf raadsi ah, markaasuu ku yiri orodaa ka tag magaaladan fusuqa badan ee dadkeedu wax wanaag ah aysan lahayn oo waxaad aadaa magaalo hebel ayada ayaa dad wanaagsan lagu sheegay ( yacni carra gadis )
5- Warta suuqa used the same strategic .

Smilaritigaas ma garatay Qumayo? read between lines please.

Sagal,

Qosol qosolka dhaaf ee arrinka ka dhabeey ilaahay ajir haku siiyee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jiija

Unrecorded Date
mr caraale

runtaa miyaa naag maa weysan tahay? waan ka xumahay laakiin meel ayaa la sheegey in naago laga helo hadii leyska baa fiyo ee marabtaa in aad ka mid noqoto if it's o.k
masaajid ka tag ee u sheeg waxa jira , weeg gudihiisa ayaa naag laguugu daraa oo muslim ah.

hadii kale disco tech tag jimco kasto gabdho badan ayaad ka baran doontaa, ama meelaha dadku isugu yimaado tag, is fur fur oo qof easy going ah iska dhig.

bye jiija

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wareer

Unrecorded Date
to. jiija waxaasaa ciyaal disco ah
duqo caadi ayaad beerta ugalisay
dhibkuu keeno adilee kamasuul ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qumayo

Unrecorded Date
Warta Suuqa.

walaal waan yara anfariiray kow dhe inkasta oonan read garayn between the lineska laakiin gacan ku dhiigle iyo sheekhana maba fileynin ee walaal hadafka si toosa miyaadan u tagi karin adoon wadiiqooyin badan soo marin?mahadsanid.

walaashaa Qumayo.
peace and luv.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CiiseRooti

Unrecorded Date
CARAALE

Oday Caraale kawaran heeskan Country-ga? Waxaad umalaysaa in ninka qaadey iyo aduguba aad hablaha dariiqyada maraya ku seexataan.

"I'll Go Crazzy, insane, with a hard top, they will have to wake me away" I'll go crazzy, I'll go Crazzy, and I'll go crazzy.

CiiseRooti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Unrecorded Date
Qumayo,


Hadaan wadiiqada abbaaro anoo xagla xaglayn ujeedada aan ka lahaa arrinkan wuxuu ahaa, hadii inankan guurdoonka ah ay dhici lahayd inuu si toosan kuugu yimaado isagoo tala raadis ah, kabana soo qaad in 9 hablood ay diideen guurkiisa, mawaxaad odhan lahayd adiga ayaa qaldan Caraaloow? Soow ma dhici karto inay 9ka hablood qaldanaayeen. Pointigaygu waxaa weeyaan markaad tiraahdo waxbaa kaa qaldan ka warran haduu is yidhaahdo bal toloow hadii ay wax iga qaldanyihiin aan is eego, wuxuu iska waayay ceeb muuqata iyo mid qarsoon labaduba, markaas baa meesha waxaa soo galay ninkii sheeydaan ahaa oo ka dhaadhiciyay bal orodoo is tijaabi balee ceebtu meeshaas ka socotee. Markaasuu isagoo nin dhawrsan ahaa xalaal raadis ahaa qalad dhakada kaga dhacay.

Pointigu waxaa weeye Qumayo, hadii la oran lahaa Mr. Caraale, war wax kaa muuqdaa ee qaldan uma jeednee bal kalluunka meesha aad ka dabato baddal ee waxaad u ugaar tagtaa meel hebel. Taasoo macnaheedu yahay calaf uma lahid gabdhaha ku ag daggan ee kuwa kale meel kale ka raadso. Taasi waa aragtidayda gaaban.

Waxaan u malaynayaa inaan cadeeyay dhibicdeeydii.

Arrinkuna ma ahayn adigaa qaldan iyo anigabaa saxsan ee waa fikrad bixin oo qudha.

Walaalkaa Warta,

Nabad iyo Naxariis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daniell

Unrecorded Date
TO Caraale bro ani aa ku caawin shekadu way xuntahay hadday 9 kudiiday! lakiin suaal? ma gabdho aan ku qalmin aad aadaa ? camal dadku iskuma qalmaan sifiican isku eeg kor iyo hoos markaas taad u qalanto aad hadaad aado mid aan ku qalmin adigaa khaladka leh.... hadaad wax waydo sbx Africa aa kutaqaana Africa aad oo mid soo jiid

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.