site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MAXAA INAGU QASBEY INEYNU LUQADO KALA GEDISAN ISKUGULA SOO XIDHIIDHNO MARKA AYNU ISKULA SOO XIRIIREYNO NET-KA IWM.

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Mar. 2000 - August 2000): MAXAA INAGU QASBEY INEYNU LUQADO KALA GEDISAN ISKUGULA SOO XIDHIIDHNO MARKA AYNU ISKULA SOO XIRIIREYNO NET-KA IWM.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GULEED

Wednesday, June 14, 2000 - 01:17 pm
Waxaan aad ula yaabaa marka aan soo dhexgalo inetnet-ka oo aan arko luqado kala gadisan oo ay dhalinyaradu isku soo qoreyso,amaba qofka wax raadinayo uu isticmaalayo luqado kala gedisan.Maxaa hadii aynu nahay ummad fir leh,lehna luqad fir leh aynu u isticmaaleynaa luqaddo kale?Waxeynu ognahay in maantey Soomaalidu ay ku kala baahsan tahay afarta dacal ee aduunyada, kuna kala hadasho luqado kala gedisan.Waxaa murugo ah in maantey wadankeynii uu yahay wadamada aduunyada aan laga ictiraafsaneyn,oo uu baaba'ay magacayagii,miyaanu hadana waxaan kudarnaa ineynu luqadayadii hooyo ay raad go'do oo ubadkayagii noqdo ubad aan laheyn wadan iyo luqad uu kula tartamo asaagiisa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, June 20, 2000 - 02:06 am
Sida ay aniga ila tahay waxuu arinkaasi ku saleysan yahay tusaalle ahaan, Illmaha yarka ah markii uu hadal barad-ka yahay waad og-tihiin wuxuu bilaabaa hadaaq isaga oo qiyaastii moodaya inuu hadlayo oo la fahmayo,balse waayeelku wuu og-yahay inuu illmuhu hadaleyn ee wixiisu yahay keliya hadaaq si la mid ah ayaa dadkeena Net-ka & meello kaleba afkaarta ka soo dhiibta ay u yihiin hadaaq barad ee ha la sii yaabinna, weliba waxaad ku sii darsataa arintaa af-qalaad ku faanka haddii qof sheeko idin dhexmarto oo af-soomaali aad qoraal ugu gudbiso wuxuu kuugu soo jawaabayaa "Af-soomaaliga waan ku hadlaa ee ma qori karo,oo 1990-wixii ka danbeeyey ma caruur Qurbaha inoogu dhalatey ayaa jirta oo aan afkeena qori karrin, waxaan ku tallin lahaa wixii aad baratey kaama rarayaan afkaagii hooyo ee is-qabta oo ku faana af-kiina, dhaqankiina & dhalashadiina
Waad mahad-san tihiin

AYUB CIISE MUUSE

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.