site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

QURUX JACAYL IYO LACAG MAKALA MAARMAAN?

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): QURUX JACAYL IYO LACAG MAKALA MAARMAAN?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QAYS

Unrecorded Date
Dhalinyaro dhamaan waa salaamantihiin WAAYAHAN INTAAN QURBAHA SOO GALAY WAXAAN IS WAY DIINAYAY SU AALO DHAWR AH OO AY KA MID YIHIIN {qURUXDA,jACALKA,IYO LACAGTA MAKALA MAARMAAN}
INTAANAN AAN FIGRADAYDA KU HORAYN BAL IIGA HORMARA
\

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu*******Caleykum

Qays walaalkiis salaan kadib
horta jacaylka quruxda iyo lacagtu waa sadex waxyaabood oo tartama balse aniga ahaan fikradeyda waxaan qabaa in jacaylku uu labada kale ka muhiimsanyahay sababtoo ah

marka hore
lacag hadaad qof ku raacdo way dhamaan oo meeqaa soomali taajiriin ahaa maantana liita.

marka labaad
Quruxdu ayadana way dhamaataa oo waa la duqoobi waligaa sidaad dhalinyaronimadaadii eheed ma ahaaneysid hadii aad gabar tahayna maba kusii jirtid shan cunug markaa dhashaad isbedeli.

Laakiin JACEYLKA:
madhamaado hadii qofku markuu ku dooranayey kugu doortey a love from deeply inside his heart or her heart. way adagtahay sidii labadaas qof noloshoodu u dayacanto oo way is weheshanayaan dhib iyo dheefba

sidaan horey u irina hadaan guursado nin quruxbadan oon i jecleen habeen iyo maalin ila dagaalaa inteen geenaa
mid maal lehna sidoo kale balse qofkii sadexdaas ilaahey iskugu daro waa maansha allaah waxaada wax laguugu dar ahaa hee calaa kuli xaal

Qurux iyo Lacag aan Jaceyl wadan =
Tea Without Sugar

macsalaamo wixii qaladna raali halaga noqdo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QAYS

Unrecorded Date
to amran amranay walaal waad ku mahad santahay fikradaada aad noo soo gudbisay inaa hadaan uga haro oo aan u soo laabto fikradahaagii waxaa kamida inaad tiri :
Qurux iyo lacag aan Jacayl wadan= Tea whit uit sugar? markaa taa miyayna noqon karin lacagta iyo jacaylka iyo quruxda makalamaarmaan?

mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu*******Caleykum

Qays walaalkiis waad mahadsantahay mahadnaq kadib runtii markaan iri

maal iyo qurux aan jacayl wadan waxay lamidyihiin shaah aan sokor leheen waxaan uga jeedey in lacagta iyo quruxda kaligood aysan waxba ku tareyn balse uu jacaylku muhiim yahay marka

walaalkiis sadexdooda way kala maarmaan laakiin aniga waxaan uga jeedey maahmaahdaas in labada kale laga maarmi karo laakiin jacaylka uu lagama maar maan yahay hadduu lacag wato iyo haduu qurux wataba ama uusan labadaba wadan sinna loogama maarmo balse sidaan horey kuugu sheegeyba qofkii sadexdaba ilaahey iskugu daro waa heersare

intaa ayaan uga harey waxaan qaldeyna raali kanoqo walaalkiis macsalaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHALID

Unrecorded Date
QAYS WALAAL NAAG AAN QURUXSANAYN KUGUMA OGI MAXAA YEELAY QALBIGA UMA ROONA NAAG FOOLXUN ILAAH WIXIIDANBIAHNA HANAGA DHAAFO .
AMRANEEY WALAAL ADIGU WAAD FIGRAD FIICANTAHAY LAAKIIN WAX ISJECEL MAJIRAAN EE WAA LAYSKU DANAYSTAA ADUUNKA QURUXDUNA DANTAY KAMIDTAHAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANONYMOUS

Unrecorded Date
QOFKII LACAG HAYASTOW, QURUX DUKANKA EE TAALA!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xiddigxi

Unrecorded Date
TO: DANEEYAYAASHA.

walaalayaal runtii waxaa jira waxlayiraahdo(jacayl&raxmad) waana inta kaliya oo
labada qof ay kuwada noolaan karan.marka waxaan kasoo wataa dadka fiirsanaya quruxda ama maalka
ama jacayl aan raxmad(naxariis) wadan waxay kudanbeeyaan meelaan loofilayn.
waxaa kaloo jira dad uqaba inla,iskudanaysanayo
oo aan meesha waxba kajirin. run-ahaantii daniwayjidhaa oowaa sababta idin kukaliftay inaad guryihiinnii kasoo tagtaan.marka dantaadu hadday tahay midkudheehan jacayl&naxariis oo macnaheeduyahay inaadan kuxadgudbin qofkaad lanoolaanayso waxaad tarikadhidna aad tartid
markaas waxaad helaysaa dantii aad uguursatay oo ahayd tii kudheehnayd jacayl&naxariis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saciid

Unrecorded Date
saciid 28 4 99
qurux iyo jacaly waa muhiim
laakiin lacagtu muhiim ma aha
madsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saciid

Unrecorded Date
saciid
qurux iyo jacaly waa muhiim
laakiin lacagtu muhiim ma aha
madsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saciid

Unrecorded Date
saciid
qurux iyo jacaly waa muhiim
laakiin lacagtu muhiim ma aha
madsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maana saaxhi

Unrecorded Date
salaama calaykum dhamaan.

Aniga amran ayaan taageerayaa sifiican ayayna uga hadashay waxayna i lathay in dadka ay qurux wada rabaan laakiin quruxda runtaa waa tan qofka wadnihiisa ku jirta, maa han tan wejiga oo keliya, hadaad raacdo qof waji qurux san laakin qorqode ah ilamaahan inuu qofkaas qurxoon yahay,

BEUTY IS INSIDE THE PEOPLE'S HEART NOT ON THEIR FACES AND LOVE IS THE MOST IMPORTANT KEY.
macsalaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JOHN AYRO

Unrecorded Date
WALAAL WAXAAN KUU SHEGAYAA INUU JIRIN JECEYL RAAGA
ISLA MARKAASNA AAY JIRIN COLAAD RAAGTA.
SIDAAS AWGEED ADDUNKA WAXAA LA JOOGAYA MUDDO ISKA KOOBAN SIDAAS DARTEED WAXEEY KU HABBION TAHAY INAAD MUDDADAAS AAD KU QAADATO SIDA UUGU ISTAREEXA
BADAN ADIGOO KA JAJABIN QOF KALE MICNAHA DANEYSTE MA FIICNA OO WAXAA FIICAN INAAD TAHAY QOF DAACAD AH OO MAR WALBA ARRINTIISA RUN KA SHEEGA OO QIYAALIGA ISKA DHAAFA.
RAGGA IYO DUMARKA HAL MID AYEEY KU KALA DUWAN YIHIIN OO AH : DUMARKA WAA HUNGURI RAAC OO WAXEEY MARKASTA KA HORMARIYAAN MUXUU HEYSTA NINKA , INTUU KA SHAQEEYA I.W.M .
RAGGANA WAXEEY SU'AASHO KU BILLAABAN REER MA DHAQI KARTAA , ASLUUB MA LEEDAHAY I.W.M. NASIIB DARRO AWGEED ISMA HELAAN KUWA DAACADA ISKU AH OO REER DHISI LAHAA SABABTA OO AH NIN KAA WANAGSAN MARKAAD ARAGTO OGOOW WAXAA KA DAMBEEYSA NAAG LIBAAXAD AH , OO NINKII KAA NAAG (XAAS) WANAAGSAN WELIGAA MA GAREEYSID.
SIDAAS AWGEED LACAG - JECEYL - QURUX REER MA DHISAAN OO DAACAD AYAA REER DHISTA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu*****Caleykum

Marka ugu horeysa Khalid walaalkiis waa adiga yiri waa laisku daneystaaye waxan kudhihi lahaa way dhici kartaa iney jirto taas balse waxa ay ku xirantahay hadii aad adigu qofka inaad ku daneysato aad marka hore u aaddo asna wuu kugu daneysan shaki la aan balse hadii wax jeclaantu dhab kaa tahay u maleyn maayo in lagugu dan gaari

Maana Saaxhi
mahadsanid abaayo waana runtii true love comes from inside.

John Ayro beentaa maaha oo jaceylku temprorary wuu noqon karaa colaadana sidoo kale balse totally lama dhihi karo majiro jacayl raaga ee bal isku dey inaad aduunka si fiican ugu fiirsato walaalkiis dad ku gaboobey isjeclaantooda way jirtaa anaga soomaalideena haba nalooka badnaado dhankaase.


nabadeey dhamaan wixii qaladna cafis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JOHN

Unrecorded Date
Walaal AMRAN kuma oran jeceel majiro laakinse ma raago micnaha ma jiro jeceel ber sembre oo heer waxaa la gaaraya marka dambe oo la is naco taas waxaa u daliil ah furitaanka badan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Akhiyaarta salaan kadib

John walaalkiis waan ku fahmey inaad sidaa uga jeedey balse jeceel horta maraago laakiin hadii labada qof dhab uu ka ahaa jeceylkooda markii hore it should last longer than the others, teeda kale iska hor imaanshaha iyo is nicitaanka walaalkiis aduunka intii lasaaranyahay waa laiska hor imaan sababtoo ah ilko iyo carab ayaa iskugu dhow way is qaniinaan so the closer two are the mor conflict they might have laakiin iska hor imaanshahaas ma aha mid sida is nicidda dadka kale oo kale ah


midda furniinka miyaa....? horta furniinku waa calaf soo dhamaadey meeqo qof ayaa jiraan ayagoo is raba haddana isfurey oo kala tegey
marka itaas ayaan uga harey walaalkiis wixii qaladna cafis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Salaamu calaykum waraxma tulaahi wabarakaatu


Saaxiibayaal waxyaan lasku qasin jacayl qurux iyo
lacagi meel mawada gelikaraan midwaliba waa dawlad madaxbanaan oo wata wixiisa iyo arimihiisa
waxaana ugu mihiimsan lacagta karaac iyadaa
waxwalba kuugoynaysa hadaad haysato iyadana meelwalba iyo quruxkasta waad helaysaa wax jacal layiraahdaana majiro aan ka ahay ka kusoomara
ciyaalnimada shan iyo toban ilaa sideed iyo toban inta udhaxaysa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAAY

Unrecorded Date
Walaal waan kuugu raacsanahay inay saddex dowlad oo kala gedisan yihin haddana waay isku xiran yihiin.
1.LACAG meelo aay fureen ayaa jira waxaa ka mid jeceelka dhabta ah.
2.JECEELKA haddu faqiirnimo kuugu helo bacaad ayaad ku dheggantahay.
3.QURUX walba lahaaw haddi aan lagu jecleen oo laguu soo jeedin wax ay tareeso ma jirto taas waxaa u daliil ah heeski XASSAN AADAN oo oranaayay gabanaa sidii garuunki .....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AhmedJJ

Unrecorded Date
Asalamu calaykum yaa Amran m
Marka hore walaal waan kusalamay adiga iyo intii kugula raacsan raygaga. Walaal runtii aqoon kumalihi balse waxaan aad ugu qushecay raygaga saxda ah iyo sida akhyarta ah eed u hadashay. Walaal Amran waxaad tahay runtii qof walid adeca oo walidked u duceyay waayo marka aad bilabayso ujedadada sida fican ee naxarista leh eed u bilowdo iyo sida sharaft leh eed ugu dhamayso adigoo cidna waxba yelin wana mid runtii loo bahan yahay in gabdhaha Somaliyeed laga wada helo. Amran walaal waad saxsantahay ee sidaa waligaa ahow iyo anigoo ku leh barasho wanaagsan Wabilahi towfiiq!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Dhamaantiin Salaan Kadib:

AhmedJJ Walaalkiis aad iyo aad ayaad u mahadsantahay 100% barasho wanaagsanna

byee dhamaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AHMEDJJ

Unrecorded Date
ASALAMU CALAYKU DHAMANTIINBA
Marka hore waa lagu salamay Amran walaal adigaa mudan boqolkiiba boqol. Macan waxan ku shegayay adigoo rali iga ah ama khalad ha igu ahatee,walal sidad ogtahayba bila'adamku waa dhib badanyahay marka anigu I praver in aad iska dayso dadkan wakhtigaga kaa luminaya tasoo adigana fa;ido kugu jirin oo walibana fadexadi kasoo gadhayso.Amran sida aad ogtahayba dadku iyagoo ku hortagan yanad wax ka dhadhicinikarin balse maxad umalayn iyago kaa fog runtii waa arin adag lakiin adigu waxad ila tahay qof samir badan wana mid mesha tala in walalka iyo walasha aad wax u shegto aniguna waan kugu racsanahay.Amran wixii intaa dher fadlan igala soo xiriri cinwankayga sidaa iyo nabad galyo
ALLAH KNOWS THE BEST!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmedjj

Unrecorded Date
Asalamu calaykum


Amran waa anigii oo mar labad kusoo noqday mesha walal waxaan kaa ilaway emalkayga kasoo ah(GOUDJJ@HOTAMIL.COM) waa sidaa Emailkaygu ee igala soo xiriri hadii aad ii bahato wanan rajaynaya in aan wada xirirno hadii aad rali ka tahay. Macalsalama y Amran

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zahra

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
Walaalyaal marka hore waad wada salaamantiin.
Marka xigta waxaan idin waydiin lahaa ama aan idinka faaideysan lahaa.Maxa la inooga waayay
dadkeenan danbe hadaynunahay soomalida yaryar
ee dadoodu udhaxayso 15-30 jir dad la mid noqon kara dadkeenii hore eemurtida lahaan jiray ama usoo dhadhawaada?
Mahadsanidin,waan kabaxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Igraan

Unrecorded Date
hello all of you, my opinion is differint from all of your opinions and i believe there is no love at all.


Love is not more than a word and it is just believing


bye and any one who have different opinoin you more welcome to share with me

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Slmu alykum.........
Salaan kadib, Sahray.. walaal, su'aashaadu waa su'aal runtii muhim ah oo u baahan in la faaqido. Aniga ahaan aragtideyda, waxaan aaminsanahay waa (subax) cusub marka uu dhashaba waxaa bata sharka, waxaana yaraada xikmadda iyo dadka ahlul xikamka ah, waa sunno rabaani ah oo uu rabigeen og yahay ujeedada ka danbeysa, ma aha ayaan rumeysnahay gaabin iyo awood yari xageena ah. Hase yeeshee taa micnaheeduna maaha in aan fariisano, waa inaan ku dayannaa dadkeennii hore iyo ficii aabayaasheen. Ilaaheey waxaan ka baryeynaa inuu na kaalmeeyo... Mahadsanid...Mar labaad Shara..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Enough intelligent

Unrecorded Date
To: dhammaan,
aniga waxay ila tahay inaanay saddexdaas midnna aanu midka kale ka maarmin!
Haddii aad lacag haysato naagtaadu way ku jeclaanaysaa,dadkeedu wuu ku jeclaanayaa,adigu waad jeclaanaysaa.Taas waxaa kuugu daliila haddii qofta aad qabto aad meel walba dahab,dheemman iyo xarriir ka laalaadiso, iyo haddii ay soo caariyeysato markay meel aadeyso isku mid miyaa?!
Jawaabtu waxay markiiba si toosa u abaaraysaa maya,haddaba jacayl iyo lacagi makala maarmaan marnnaba.
Waxaa soo hadhay quruxda muhiim maaha midda jidhku laakiin waxaa muhiim ah midda qalbiga,niyad wanaaga,ixtiraamka,sharafta,wada dhalashada,iyo wax garadka leh!Wayse adagtahay sida lagu helaa!
Haddaba, jacayl iyo lacag meel ayey wada joogaan dumarkuna mar walba waxay raacaan ninka dhaqi kara ee dhinac walba kaga filan ee maraacaan nin itaal daran, awooddiina maanta waxay noqotay lacag!!!
Markaa yaan la isku khaldin nebiyada xujaajeey.
Ilaa xilli dambe,salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Leyla

Unrecorded Date
Asalama Caleykum

walaal qurux jaceyl waa muhiim,laakiin lacag micno ma leh, oo waa la heli karaa, ee su'aalaha aad na soo weydiisey ,meedey fikradaada ma angaa naga rabtaa fikrado un

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.