site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SU'AAL? NIMANKA GUURDOONKA AH MAXAA QAARKOOD UGU WACAN INAY DHULKII GABDHO KA DOONTAAN IYAGOO QAAR KA HELAYA MEESHA AY JOOGAAN?

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): SU'AAL? NIMANKA GUURDOONKA AH MAXAA QAARKOOD UGU WACAN INAY DHULKII GABDHO KA DOONTAAN IYAGOO QAAR KA HELAYA MEESHA AY JOOGAAN?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciir

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum

Marka hore waad salaaman tihiin dhamaan tiin. Marka xigta waxan doonayaa bal inay dadku is dhaafsadaan sababta iyo micnaha ka danbeeya nimanka u guur doonta dhulkii...

Anigu waxan aamin sanahay in gabdho fiican oo ay guursadaan aysan ka waayin meesha ay joogaan ee ay doonayaan gabadh dhulkii iminka laga keenay oo ay xukumaan/utaliyaan ileyn weligeed qurbe maysan arag dantuna waxay ku kelifaysaa inay isaga uun wuxu yidhaaho sameyso.

Markaa idinkoon xumaan iiga qaadan pls bal arinkan isku daya inaad iiga dhaadhacdaan QAAS AHAN RAGA

Amaano allah iyo amaano rasuul

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caafi

Unrecorded Date
Abaayo su'aasha aad soo jeedisay waa arinjirta, balse waxaa jira raga wadanki gabdhaha udoonta in ay xaladahoodu kaladowanyihiin, Ragbaa qof ay is yaqiinan wadanki ka jirtaa, Qaarba reerkooda ama macrifo kale u sheegen gabar fiican oo ay yaqaanan, waxaa kaloo jira gabdhaha wadanki jooga hadii nin uu ka yimaado Europe ama America in aysan aad usii eegin qiimihiisa iyo dabeecadiisa kale. Waxaase xaqqiqo ah in gof kasta ay is helayaan qofki ay calaf isku lahaayeen, hadii ay dibad joogto iyo hadii ay wadanki jirtaba. Taas waa sida ay aniga tahay. Wixii qalada ha la iga raali ahado

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siadbarre

Unrecorded Date
To Ciir:

The reason is dumarkeenii dibadaha joogay attitude xun bay yeesheen which I wouldn't discuss here,I believe every one knows why.If you want me to I will do so.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jama

Unrecorded Date
SiadBarre explain, please.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SiadBarre

Unrecorded Date
TO Jama:

War Jaamacoow maad iga daysid ninwaynbaan ahay hadalku yaanu iga wada soo dhicine.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciir

Unrecorded Date
Salamu Calaykum
To: SiadBarre

Waa lagu salaamay SiadBarre, if we take what you said into consideration i think you are well aware of the fact that if u make a statement you must have a backup/prove/example. So please be specific when you are answering the question. Thank you and have a nice day.

Amaano allah iyo amaano rasuul

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DR_RUN_SHEEG

Unrecorded Date
50/50 AYAA UGU WACAN.
TILL LATER

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aniso C

Unrecorded Date
To Ciir:

Abaa sababtaas waxaa ugu wacan wiilasha waxeey waayeen mid diinteeda iyo dhaqankeeda haaysata. Waxaana u arkaa nin sidaas sameeyay nin hidahiisa iyo diintiisa jecel waana ku raacsanahy reosan'kaas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faynuus

Unrecorded Date
salaaaaaaaaan dhamaaaaaan

waxay ila tahay aniga in ay nimanka is leeyihiin gabadha laga soo guursanyo wadankii wayka
diin
dhaqan
dabeecad
akhlaaq badantahay kuwa joga dibada, balse su'asha waxay tahay ma runbaa arintaas????


aniga waxaan amisanahaay gadaal ka gaar goob dumis


nabadgalyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAAFAA

Unrecorded Date
WAA MID ITAAL WAAYEY!!!!!!

WAA JAAFAA....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Nice.

Unrecorded Date
To All Somalis:

Naagiheenii dhibaatooyinkan soo socda awgeed ayaa ragii u aadayaan dhulkii si ay usoo helaan their ideal future wife.
1-diindii ooy ka tageen.
2-sharaftii ooy xooreen.
3-dhaqankii oy ka tageen.
5-t.v.ka ooy aad u daawadeen.
6-freedomkii ooy si xun u fahmeen.
7-ragii ooyan u baahnayn(laab kasta nin gafuur wayn ay ka soo qabsanayaan,sex toys,etc).
8-50/50 wax ay ugu magacaabeen.
9-xishood la aan.
10-xayo xumo.

mawadaa mise intaas ayaan ku joojiyaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GAAFKA

Unrecorded Date
Asalaam clkm dhamaantiin

TO ANISO, DR RUN SHEEG AND MR NICE.

Thanks bro & sis. Aad & aadbaan ula dhacey warkiini. Maxaan iddiin siiya oo abaal marin ah?

Mahad qaas ah waxaan siinaa Aniso, walaashey waxaad tahey qof run sheeeg ah, laaaaaaaakin ma aha naagaha dhamaantoood sidaa, laakin most of them 70% ayaa saas ah.

TO MR RUN SHEEH & MR MICE.

AQYAARTA II JILCIYA EREYGA AAD QORTEEN OO AANAN FAHMIN 50/50 AYAA UGU WACAN, WHAT IT MEANS 50/50 BROTHERS? WELI MA MAQLIN EREYGAAS, WAXAAN JOOGAA SWEDEN, OO MA NAQAANO EREYGAAS.

EEBOWGIIN GAAFKA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAYNUUS

Unrecorded Date
SALAAN DHAMAAN

TO MR NICE

walaal mida laga keenyo hada africa maxaa kuu cadeenayo marka ay joogto ilaa 5 sano in aysan ayadana lahaan doonin sifooyinka aad kor ku soo sheegtay?????


nabadeeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEX

Unrecorded Date
TO MR NICE

WAXAAN KU ODHANLAHAA ANIGU WAX ISKULA HADH, OO EEDA DUMARKA HAWADA SAARIN, WAXAAN UMALAYNAYAA XAALADA RAGA SOOMAALIYEED EE QURBAHA JOOGA BADIDOODA WAAD KA WARHAYSAAYE HAKA MEER MEERIN RUNTA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Horta Soomaaliyeey Salaan

Waa Yaabka Yaabkiis....

aniga waxa aan qabaa haduu nin africa aado oo uu guur u raadsado in calafkiisa ilaahay mid africa joogto kadhigey?

<<<Calaf lama dego>>>
<<<lamana diidi karo>>>
<<<waa deeq ilaah>>>

teeda kale Mr. Nice walaalkiis xumaanta ama dhaqanka westernka ee laqaatey gabdho kaliya maahee wiilalna way kujiraane xisaabta kudar. waxaan aragney wiilal soomli ah waddankana aanan joogin wax aandhameyn 10 sano oo dhahay gabadhii aan sida westernka u labisan waa flight thirteen and so on, ama way danbeesaa camal.

kaama diidin run ahaantii gabdho badan oo dhaqankeenii xoorey akhlaaqdoodiina tuurey way jiraan balse maxaad wiilashii mu'miniin uga dhigteen gabdhihiin xarig lama sitaan kadhigey macalinka?

Nabadeey wixii qaladna raali halaga noqdo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DR_RUN_SHEEG

Unrecorded Date
TO: GAAFKA
MACNAHA EREYGA 50/50 WAA DUMARKII BANAANKA OO YIRI DHERIGII HA NALALA WALAAQO, OO GURIGA HA NALALA NADIIFIYO, CARUURTII HA NALALA HAYO, IYO WIXII LAMID AH.
ISKU SOO DUUDUUB WAA RAGA IYO DUMARKU HA SINAADEEN.
TILL ANOTHER TIME
ON MY BIKE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
waad salaamantihiin

marka hore aniga waxaan daganahay wadanka finland ee waqoyiga yuruub.
Tankale waxaan idin sheyga nagaha yaa isku midyihin tan Afrika jogtaa iyo tan kale waayo waxaay leyihin mid xun iyo mid ficaan.
Lakiin mid ilaheey hanuuniya:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Folley

Unrecorded Date
soomaaliyeey yaa raabo nag ficaan!!!?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAAFAA

Unrecorded Date
TO: AMRAN,
RUNTAA HADII KALE WAXAN LAHAA.....

TO: FOLLY
HUNGIRIGA DADKA HAKA SOO RIDIN!!!!!

WAA JAAFAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIN YAABSAN

Unrecorded Date
GABDHIHI YURUB AMA NORTH AMERICA JOOGTAY
TATOO AYEY SAMEYSTEEN HABEEN WALBANA SEX AYEY DAAWANAYAAN IYO NIGHT CLUB IYO WAX AAN ISIR U LAHEYN HADAAN NAHAY SOMALI MA II SHEEGI KARTAA SIDAAN TAA KU AAMINI LAHAAY

RUNTII MA AAMINAAYO OO WAXAA IIGA FIICAN TAN AFRICA JOOGTA EE WELI VIRGIN AH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Nice.

Unrecorded Date
To Faynuus:

Gacalka markay shan sano joogto oo balowdo eri oo mid kale hadana soo kaxee...lol


To Dex:

Ragu waligoodba sharaf malahayn dumarka ayay sharaftu ku danbaysay iminka isdaba waydaar bay noqotay.

To Amran:

Abaayadiis wiilashu mu'miniin ma wada aha laakiin dumarku waligoodba dhaqankeena iyagaa aqlaaqda uga fiican rageena laakiin dibadaha waxaanu ku aragnay wax naga fajaciyay.Dumarku may adoo kale may wada noqdaan abaayadiis aan sideed sideed aan uwada guursanee............lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAYNUUS

Unrecorded Date
salaan dhamaan


hada ayaan fahmay sababta isku duuduub waa dhamaan gabdhaha ha maqlaan ama ha sameeyaan wax kasto oo uu ninka raga ah u arko sax!!!! muhuum ma aha gabadhaha ariktidooda sababta waxay tahay waa NAAG, hadii kale ee maxaa la sugaa......


MR NICE
lasaco shan sano ka dib leemanka waa wada qarxayaan ee ma ka fiicnoo in wadanka layskaga noqdo oo shantiisanaba too qoorta la soo qobto......

NABADEEEEEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aniso C

Unrecorded Date
To GAAFKA:

Walaal adaa mudan sidaad soo sheegtayna waa run ee aaway dadki arki lahaa taas? Oo walaal wiilasha soomalida oo dhan waxeey aaminsan yahiin gabdhaha qurbaha jooga oo dhan ineey xun yahiin oo wax arkaaya kuwii fiicna majiro saa kuwa xun ayaa mar walba la fiirinaya marka anaka waxaan ku qasbanahy inaan iska aamusno saa wiilasheena ma tusin karno ineey kuwa fiican jiraan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaafka

Unrecorded Date

Asalaam clkm dhamantiin


Dr run shege

Waa ku mahadsantahey sida wanaagsan ee aad igu sharaxdey ereyga 50/50. Ilaaheyse waxaan ka baryaa in aanan la kulmin naag dhaheeso saas 50/50 .

Anisa waa ku salaamey walashey waana mahadsantahey.

Gaafka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Nice.

Unrecorded Date
To Faynuus:

Gacalka gabdho badan oo sharaf leh aa intaba laga helaa laakiin waa yar yihiin kuwaas aan iska gaadayaa.Waan iska kaftamayay too hada ka bacdi sida lightka looga talaabo baranaysa ma rabo illaah aa faxane.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIMCO

Unrecorded Date

ASALAAMU CALAYKUM.
waxaan umalay nayaa in aanay dadkani su aashii fahmin ee bal anaa idiin macnayn doona

marka hore qof walbaaba calafkiisu meeshii sa a yuu joogaa.

talabaadana dumarka meel hakaga dhicina oo, in badan oo xishood kii sita oo waxbartay ayaa aduun ka meel wal ba ka jooga kuwaas na meesha miyaad ka ilaw deen.

Pleas people think before you are making judgements, because inantu waa hoo yadaa ama walaashaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAAFAA

Unrecorded Date
TO: DHAMAANTIIN
DHAMAANTIIN INTA HALKAN ISUGU TIMI WEY YAABSAN YIHIIN, ORDOO ILAAHAY BARYA INUU IDIIN SAHLO,
WIIL...GABADH...WIIL..GABADH...BAYDIN KU WAALATEEN

WAA JAAFAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr. Mushi

Unrecorded Date
TO: ALL
Akhyaareey waa salaaman tihiin.

Aniga waxay ila tahay gabdhaha yurub iyo america jooga in ay ka duwan yihiin kuwa Africa Jooga oo markaa intoodii badnayd ay xumaadeen, laakin qaar wanaagsan wey jiraan oo guryohooda ku eg.
Kii markaa calaf u leh ayaa helaayo. Ragga badanaa marabaan in ay waqti badan ku lumiyaan raadinta qaybta yar ee wanaagsan ka dibna waxay aadaan Africa.

END.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAYNUUS

Unrecorded Date
SALAAN DHAMAAN

yaaqayoo ila taliya nooh aniga rabo hada in aan NIN u raadsado wadankii xagee ka bilabaa.waxa la shegayo ayaa rabaa in aan soo taabto waa leen cusu in aan bilabo aan rabaa.


nabadee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh_Said

Unrecorded Date
Asalaama Caleykum:

Faynuus:
Salaantaas ka dib waxaa igu maqaal ah in xamar laga furay xafiis shaqada uu qabanayona ay tahay inuu isu guuriyo raga iyo haweenka guurdoonka ah,ragu maalintii bay is qoraan,dumarkuna habeenkii, ka dib waxaa isla xiriiriya shaqaalaha xafiiska waxeyna ka qaataan khidmad.

Warkaan aan soo tebiyey waxaa laga sheegay BBC qeybta soomaaliga anigu ma dhegeysan waxaanse ka soo xigtey qof lagu kalsoonyahay.

MACA SALAAAAAAAAAM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciir

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum
To: Mr Nice

Mr Nice marka hore salaan marka xigta walaaloow adi kaalay maxaa dumarka soomaalida ee qurbaha jooga mudaharaadka ugu haysaa? Miyadse maqal maahmaahdii "BARUUR AYAA BARUURO QUDH MISA?" Aniga waxa ila wanaagsan in wax alaale iyo wixii dumara qaas ahan gabdhaha ee qurbaha jooga inaan la generalize in waayo sida AY SHANTAADA FAROOD U SINEYN AYEY DADKUNA U KALA DUWAN YIHIIN.

To: Amran

Amran walaashiis waa runtaa ee afkaaga caano lagu qabay. It was well said.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zakariya abuu Yahya

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum!
Salaantaas sharafta leh ka dib, dad badan ayaa qalad ka fahmay waxay aad ugu yeerteen 50/50ga maxaa yeelay haduu uu micnaha runta ah kaasi yahay, waxaan u maleynayaa wili in diinta lagu dhaqmayo. Qofka dumarka ahi ilaahey kuma waajib yeelin inay ninkeeda gurigiisa hagaajiso ayna cunto u kariso. Akhyaarta wax ha la fahmo, yaanay gabdhaha lagu xad gudbin. Arrintu waxaa weeye waajib kuma aha laakiin waa wax ay haweenkii nabiga, kuwii saxaabada iyo salifiinta kuwooda ay suubiyeen balse waajib kuma aha. Wiliba salixiinta oo dhan ayaa 50/50 ogolaa oo howsha guriga la wadaagi jiray xaasaskooda. Raga 50/50ga diidaya ogoow inay gabadha kaa hayso wax aysan cidkale kaa qaban karin bal adna guriga la wadaag aad nolol wanaagsan ku noolaateene. Waxa ay gabadha kaa hayso waa SHAHWADA aad aragtay dhibkeeda iyo wilib kuleelkeeda (waa hadaad doob tahay) ma u maleynaysaa inaad u heli laheyd meel aad ku gudatid aanan aheyn xaaskaada. Fakar arrinka saas ma ah ee si fiican u fahan maslaxada ku jirta 50/50. Raali ka ahaada wixii khalad ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DR_RUN_SHEEG

Unrecorded Date
ku:zakariya abuu yaxya
waan ku salaamay

SUAAL SXB shahwada dumarka soo rag maahan waxa soo hurgufaya, mise taayadaa tooda ka kulul?
till another time
on my bike

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAYNUUS

Unrecorded Date
SALAAN DHAMAAN

TO: MOH_SAID

walaal xafiiska aad sheegayso raga iyo dumarka somaliyo joogo miyuu isku guuriya mise xataa kuwa dibada jooga arjiga waa laga qabtaa, teda kale qarashka guurka iyo midka safarka wax ma ka bixiyaan????

nabadeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh_Said

Unrecorded Date
Asalaama Caleykum:

Faynuus:Anigu warka siduu isoo gaarey iyo inta isoo gaartey siduu ahaa ayaan kuu soo tebiyey, runtiina ma fileyn su,aalaha aad isoo weydiisey maxaa yeelay? talada aad na soo weydiisatey ayaa waxaa ka mid ahaa in lagaala soo taliyo meeshaad ka bilaabilaheyd safarkaaga, si kastaba ha ahaatee su,aalahaaga jawaabtooda waa sidaan.
J1)raga iyo dumarka wadanka jooga ayuu isu guuriyaa kuwa dibeda degana dabcan waxaan filayaa iney ku jiraan.
J2)Feynuus waxaan qoraalkeygii hore kuugu soo sheegay in ay ayagu(khidmad)lacag qaataan.

MACA SALAAAAAAAM:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zakariya Abuu Yahya

Unrecorded Date
Dr. Run_Sheeg, saaxiib waa su'aal meesha taala balse waxaan jeclahay hablaheena Soomaaliyeed inay ka jawaabaan iyo wiliba ragga adigoo kale ah oo experience u leh. Wali ma arag gabar shahwo ka sheeganaysa laakiin waad taqaan waxa ragg haysta. Til later, mac salaaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geeljire

Unrecorded Date
TO: ALL SOMALIS

Dumarku waa walaaladeen hooyooyinkeen ...ikm, haday xumaadaana waa hilbeheenii oo inagama go'aan hadday samaadaanna inagay inoo samaadeen, dhaqanka hadday ka tagaan ha loo raadiyo inan isaguna dhaqanka ka tagay oo halkaa ha isku biyo biyaystaan, haday mid gafuur buuran soo xaraysato adiguna naag gafuur dhuuban soo kaxayso oo horteeda beerka kaga nafaxaad kadibna isla qasta oo sidaa raali isaga noqda ileen shimbirba shimbirkii ayuu la duulaaye

inantii aan dhaqankii wali katagin ee sida geeljire oo kale boqorkii iyo dhaclihii maskaxdeedu kasii guuxayo ama diinta baratay ee saxwada islaamiga ahi saamayn ku yeelatay ee jilbaabka qaadtayna,dee wiil geeljira ah oo aan hangoolkiisii wali tuurin,ama mid xaraki ah oo ay saxwadu saamaysay, ama aqoon yahan aan xumaantaba jaanis u helin ilaa uu mature ka noqday, kuwaas ha lagu meheriyo, kadibna ha isku badhaadhaan ileen shimbirba shimbirkii ayuu la duulaaye


warkii oo kooban
WADDANKII waxba yaan naago loo raadsan ee inteenan halkan joogta aynu isku celceshano
nin xun.....to......naag xun
naagxun......to.....ninxun
ninfiican....to naagfiican
naagfiican....to...ninfiican

AL KHABIITHAATU LILKHABIITHIINA WALKHBIITHUUMA LIL KHABIITHAATI,WADHAYIBAATU LIDHAYIBIINA WADHAYIBUUNA LIDHAYIBAATI

geel jire
oo golihii garta fadhiya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciir

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum
To: Geeljire

Well said, it was worth while reading your suggestions and indeed it might be the best solution. Good day.

Amaano allah iyo amaano rasuul

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yuusuf

Unrecorded Date
Asalaama Caleykum Dhamaantiin.
GeelJire well said bro. Arintaa waa sidaa utiri.
Teeda waxaa ii cadaatey in gabdho walaalaheen oo qurbaha ku nool iney ku sifoobeen the term " Opsimath" a person who learn later in life. Arintaan waa arin aan baaritaan ku sameeyey dhowaan mudo laba sano ah. Soo ayaan daro maaha Gabar soomaaliyeed oo aad uqurux badan oo weliba aad isku af,dhaqan,diin tihiin hadana aad kala sheekaysan karin guur sababtoo mabaadiida ay aaminsan tahay ama hab dhaqankeeda oo ku saleysan kan reer galbeedka. Arintu arin sahlan maaha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AnonX

Unrecorded Date
Akhyaarey ninkii Somalia iyo Africa gabar kasoo wanaya ha la daayo shaqo aad u wanaagsan ayey noo hayaane - Waxay soo badinayaan gabdhaha Soomalida oo qurbaha nagula nool waxaana dhici karta inay niman kale u soo wadaan ileen gabadhu markay qurbaha imaato waxaa uga soo horeeya wiilashey dugsiga quraanka isla dhigan jireen iyo gabdho sidoodoo kale niman soo wateen laa kiin ka xoroobay markay qurbaha imaadeen.

Shib dhaha akhyaarta gabdhaha hala soo badiyee:-)

Jabka ugu weyn wuxuu ku dhacaa ninka qarashka waalan galo markuu gabar dibada la imaado ay nagu kala kexee tiraahdo! Maadama ay gabdhaha lala imaado vast majority-goodu aad u qurxanyihiin dhulka ma dhacayso laakiin ninka keenay waxay noqonaysaa inuu donut shops-ka dumarka Soomaalida dhan ku caayo.

Nimanka soo daad guraynaya gabdhaha qurxan faraha halaga qaado!

Waa ninkee ninka ka dayrinaya in his high-school sweet-heart nin kale qarash geliyo oo uu qurbaha keeno:-)

Anon, the X.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AnonX

Unrecorded Date
To Mr. Nice:

Ceeb. Gabdhaha Soomaalida meel weyn aya u ga dhacday! Gabar walaal, waarid iyo qaraabo qurbaha kuu joogo maleh miyaa? Hadaa adi gabdheena saa u caysid yaa u ceeb asturaya?

You owe a big apology to our Somali sisters who live in the Diasapora with us!

Please think about your women family members before you come up with such harsh words! I mean next time. According to Somalinet's guidelines, your article should have been trashed a long ago.

Anon, the X.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Nice.

Unrecorded Date
To Anonx:

Maxaan apology bixiyaa ma naag balawday baan apology siiyaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Akhiyaarta kala maqnaansho badan kadib Salaaaan!!

Mr.Nice macalinka runtaa waaye rumeygaa iskoobe haye hee sideed sideed iska dhaafe soddon soddon aa laguugu daraa ee magaalooyinka qaar u qaraab doono u qaraab doono hadii kale aan gabar kuu dhalee sug inta applicationada aan kabuuxin.....lol....lol....lol ((((kaftan)))

Ciir mahadsanid kun jeer sis inkastoo magacaada shaki iga galay M/F midkuu yahay raalina ii ahoow

Geerjiroow geeliinii lala tagyey geelaad u qaadeen iyo geel laweerarey.....lol
macalinka sida aad sheegtey waa runtaa oo shimbirba shimbirkiisuu laduulaa calashaan wixii xunna waa isleeyihiin wixii fiicanna waa isleeyihiin laakiin qalad qalad laguma sexee hadii gabadhii xumaatey ay rabto wiil wanaagsan si uu u too toosiyo ama uu u dhoo dhoobo maxaa loogu diidi same as the guys. balse aayadda quraanka waan kugu raacey waa mid jirta

dhamaan nabadeeeeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban

Unrecorded Date
Amraan walaaaaaaaaashey welcome back!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciir

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum
To: AnonX

Waa salaaman tahay marka hore, marka xigta waa u dhiibtay jawaabta xarfaaniinta Mr Nice camal ah. Waxaa waaye kan oo rabo inuu dhulkii ka doonto gabar intuu wax ka waayey nooh. Waayidana maahin midoo ku xiran inay gabdhaha qurbaha xumaadeen ee waxa waaye us aa laa diiday aloore inuu qaraabsi tago waaye. Markaas wuxuu is dhahaa too oo ilbax ahayn iska keenso adi duduub hakugu xareesatee lol. Laakiinse wiilal xunbo waa buuxaane iyaga hadii la qaati iyagoo xun gabdhaha maxaa loo diidan yahay akhiyaarta. Wixii xun ba xaaxwo aa leh ma anfaceeso.

To: Amran
Walaashiis Ciir f waaye lol, adaana mudan

Amaano allah iyo amaano rasuul

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suhayla

Unrecorded Date
To all:
Dhamaan salaan badan. Iga raali ahaadda gadal baan kasoo gadhay arinta. Halkan waxaa ka moonda:
In Raggu Rabaan inay soo qadhaabtaan oo ay waxay rabaan sameeyaan intaanay guursan. Waxaa layaab leh sidda uu nin walba u rabo inuun ku dambeeyo inan Sharaf leh.Waayo?
Hadaad tumen jirtay maxad ku dhibaysaa inay gabadhuna tumen jirtay?

Dr_Run_Sheeg:
Duruufta Qurbaha ayaa keentay in dalbado 50/50 formula. Iska daa digdaatoorinimada oo hawsha garabka koo soo gal!

Mr. Nice:
maxaa kuugu wacan inaad noqotid "sexist"? Marba tii ilbaxda waan furayaa ma hadalbaa? "Would you like her to be well hiden inside a deserted cave "?
Waar hablaha dadku ma fataateerbaa(marbles) lagu yidhi?

Salaan dhamaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Nice.

Unrecorded Date
To Amran:

By the time aad gabadh dhashid ukunba iguma hadhine..lol,mide kale armaad applicationba aad heli waydaa? naa hooy waysada aan isku dhawrano.....lol applicationadan baas ee gacmihii nagu daaleen iska dayno....lol

To Suhayla:

Walaashiis qofta sanduuq aan ku xidhaayaa,cave waaba fiican yahaye.Waad iga qoslisiisay "fataatiir" long time ma maqal eraygaas.Intabadan waxaan idhaahdo waa kaftan saa ula soco gacalka.


To Ciir:

Macalinka too oo ilbax ahayn ii sooraadi?Kuwaas oo kale baraf aa igu mara..lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Drwho

Unrecorded Date
Salamu Alaikum To you all:


I find this topic to be utterly, thoroughly and completely piquant issue, the verity of matter is that it has some sort affect on all in one way or the other. I am indisputable sure that allot of the male somali species are considering not to marry the somali girls who happen to be in western countries, however I ponder it is understandable thing to do.
It is transparent to me why this is taking place.
Consequently, allow me to explain my point perfectly clear.

The majority of Somali girls who live in western countries are westernised ladies. Question arises What do I mean westernised?. What I mean to be verbatim is that The way they dress, the things they do their spare time, their ideology, how they view world and so on.

I am certain a lot of the sisters who visits here will argue that “ There is no Difference between men and Women in this issue” I would utter deeply accede with them on that intirely, but these men are not Insipid creatures. They are Selfish, As you all know men sometimes look for girls who are even better than them to certain extent, that is what they are.

Therefore, they view these as despicable way of life, so they want girls who are more “conservative” ( If I can use the word) or may I say “conventional” than these westernised ladies. On every side, That is the only way they go back to somalia or middle east to get marry.

I think we can solve this contemptible sitituation if we take the right path.

Now then, my advice to my fellow Somali sisters is, Please, try to subscribe to what the somalihood and Islamichood is, I contemplate that this way of life will bestow a very virtuous and honourable status.

Salamu Alaikum

Dr Who

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon69

Unrecorded Date
Dr. Who:

Amen bro!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciir

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum
To: Suhayla

Well said walaashiis you th epoint across nicely.

To: Mr Nice
Magaca haku qaldamin lol Ciir macalin maaha macalimad waaye lol.

Amaano allah iyo amaano rasuul

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Aslaamu*******Caleykum

Dhamaantiin Salaan Kadib

Suuuuuuuubaaaaaaaan macaanto mahadsanid sis! missed yaaaaaaaaaaaaaaaa.

Ciir abaaayo macaan mahadsanid walaasheeeey

Mr.Nice hahahhahahahahhaha wayso...?isku dhowrano aaaaa...???? waxaan dhihi lahaa waase aamusey hee afkii aa juuqda gabey maistiri?
besides Ciir gabadh waaye macalinka aa ugu yeereysid ka kala daa hee macalimad waayee...lol

Dr.Who thanksssssssss Butttttttttttt.......

you mentioned that a lot of our somali sisters are westernized.......... acctually that is true I cant deny it but Hey!!!! what about those brothers who are in the same situation too. I mean there are many somali bros who act far away from their culture and religion.............do they deserve to get a sister from anywhere in AFr. or Somalia? and let me tell you one thing Most of the girls who try to pretend as western it wasn't their opinion but it was definately their fault. I mean they meet a somali guy and if she dresses up like real muslim and somali girl he is gona say (((sis GII aa tahay ama waa danbeesaa))) after he changes her way of dressing and attitude and he was with her night club/parties whatever aysan diintu jecleyn and so on he is gona say Hey!!!! out of my life I want get a woman from Nairobi or Somalia...? is that fair?????????? doqon iga dheh ((((maangaabeey adi lee maisku keeninoo hee)))))? Alxamdulilaah that I am not one of those people who ever tried or willing to change what my religion commanded me and what pleases Allah but gabdho nimankaan iska ilaaliya and believe ur self. inkastoon ku dheeraadey hadalka let me give u one example
one day I met a guy he was somali he told me like waan kaa heley and i want marry u but why dont u want were pants and dress up like western girls.
I said
Mrrrrrrrrrrrrr. if u want marry pants go to the store buy one and take it to ur homeeeeee

but if u want marry Amran u would take me whatever situation I am in so hit the road!!! cuz u told me exactly what is ur mind that u dont have anything for me.....................

marka tii waxaas camal raacdana aqli xumadeeda illaahna waa ku caasidey kaasna wax uu u haayo aa iska yar so gabdho hala is jiro hee sisters

byeeee dhamaantiin wixii qaladna cafis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr_run_sheeg

Unrecorded Date
to. suhayla

walaal garbo jabis diyaar umaihi.
till later waryaada
on my bike

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DrWho

Unrecorded Date
Salamu Alaikum;

To Amran,

Abaayadiis, Runtii ishaad karidey, I agree with you hudered percent on what have articulated up there. Miyaadan arkin anigaba Maqaalkeyga horaan igu sheegey in ragaan ay lamid yihiin Gabadhaha amaba aykaba liitaan.

Calaa kuli Xaal, We have this gigentic problem which engulfed all the somali sociaty in Europe and North America, I am sure we are all well aware what this dispicale problem is.

Alaah Hanaga caafiyo.

Amran! I am elated to hear that you are practicing Somali Sister, I would say to you good on you, May Allah keep you on the right path now and forever.

Salamu Alaikum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Dhamaan Salaan Kadib

Dr.Who walaalkiis iga raali ahow ma aanan arkeyn markii hore waadna ku mahadsantahay kun jeer.

Nabadeey Dhalinyaro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Drwho

Unrecorded Date
Salamu Alaikum

Amran

Abaayo adaa Mudan.

Wasalamu Alaikum Waraxma.

Dr Who

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Nice.

Unrecorded Date
To Amran:

Waysadii ma igu booday qofyahay? qof xun ayaad tahay hadaad dhibkan iga haysta north america wax igala qaban wayday..lol
Jarbaan kalushaa qataraa....masii wadaa?nagadaa hanagu ki kicine yaaqeeyoow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suhayla

Unrecorded Date
To Men:
Walaal wax wada qab waa aad. Haddii aad noo aragtaan inaanu nahay "westernized" that is your lost as well. Living in this environment every body is bound to "change" to adjust to the new reality. The so called change can be distructive or it can be positive depending on the degree on which the change takes.First of all don't presume that every women has converted to western ideology and transformed to an "alient" entity and stranger to everything pertianing to somali culture. Indeed that is a false permise and frankly it is insipid. In a given culture there are evil side as well as good side and if the person is discerning enough then he /she will distinguish between the two in time.
You guys have to realize you can not have you cake and eat it. If you are virtuous and pious then and only then that you have the right to complain about the insidious moral decay of some Somalis and about the missteps that some sisters may have fallen into!!!!
Secondly, since the corrupted and wretch people are every where how do you know that the woman who recently came from Somalia will have any "higher moral " qualities. Give me a break!!!!
Allah is present every where if you are a true muslim the location is irrelevant and your conduct will be the same everywhere otherwise she /he has been a hypocrite who refrain from wrong doing because of the fear of the soceity!!!!
Raali ahow if you can handle the truth!!!!!
Amaana Allah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon69

Unrecorded Date
Suhayla:

Thanks for your lengthy piece addressed to men.
However, may be we should define what is considered "Westernized" is it:
1) when Somali Men/Women walk around wearning Western revealling cloths, struting around in broad day light i.e. cuttoff jeans shorts in summer etc.
imitating western idea of Summer fun.

2) The drinking of "Cana Geel" openly

3) when young couples brazingly display their affection or Love for each other by publically displaying it as in steamy romantic soap opera.

4) when Somalis openly date people of different race.

5) when Some body becuase of long stay overseas, display mannerism close to the host nation rather than Somali?

This "westernized" concept has a lot of variations and means differently to each of us.

my point is before we broadly paint accusations, let's first define what we exactly mean by this elusive term.

For the Boys

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN M.

Unrecorded Date
Asalaamu******Caleykum

Mr. Nice
macalinka malagugu boodine haddii aa west coast ahaan leheed waaba laiskaga kaa qaraabo kiili lahaa laakiin the east specially reer toronto dagaal ayaa naga dhexeeyo dabna kala qaadan meyno maaclinka...lol...lol...lol

soo bari hee baabuutana iska ilaali

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DR_RUN_SHEEG

Unrecorded Date
SUHAYLA

NAGA DAAD CANAANTA PLEASE

ALL SOMALI MEN WOULD LIKE TO BE "CIVILISED", BUT THERE ARE THOSE LIKE ME WHO ARE REER BADIYEYALL.

ONCE A REER BADIYE ALWAYS A REER BADIYE.

TILL LATER SISSY

ON MY BIKE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DrWho

Unrecorded Date
Salamu Alaikum To you all!.


I am very flattered to read your last posting, it was quite rigourous and challenging. On every side, I unconditionally accede most of your points.

I am well aware of that both Somali guys and girls are on the same boat, but the issues was( Why Somali guys are going back home to get marry), Therefore I was trying to establish the reason why they do so. Anyhow, I feel greatly responsible to see these somali people end up how they are. It is controversial and debatable as to whether “westernised” thing is good or not.

My dear sister Suheyla, I will always try feel responsible and I will try to modificate or may I say alter and educate the young somali generation no matter what the cast is.

To Anynon69.

I am certain that you are trying to be philosophical about the issues, I regret that I not able to participate with some sort of philosophical debate as I don’t have the TIME. As you all well aware of JUNE is EXAM TIME. Anyhow, We all now what westernised means , Consequently I savour that we are not in necessity to define a word we all now what it means.

I have end here.

Regards
Dr Who

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon69

Unrecorded Date
Dr Who:

First good luck with your exams. As for your above post, perhaps it would have been more apropriate for you to get involved on this issue after your exam when you have more amble time.

As for the term westernization, my point was that like all other societies, we have both conservative and liberal leaning people therefore have a different concept of the term. Take for example, the individual who just arrived say USA in the last two years and the Individual who has been here for the last 20 years. What about the religious individual and non-religious, what about the Older generation and younger ones, How would you thing they would look at this term?

In short, every one has a different concept of it.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciir

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum
To: All

Thanx to all of you, who took the time to answer my question posted above. The discussion went well because of you, and without you there wouldn't have been a discussion. Till then i bid you a farewell.

Amaano allah iyo amaano rasuul

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suhayla

Unrecorded Date
To DrWho:
Thank you walaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suhayla

Unrecorded Date
To Anon69:
Thank you for the much needed clarification. I hate every women in North Americ and Europe being painted with same brush and making us feel as a pariah. Just joking!!! lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suhayla

Unrecorded Date
To Dr-Run_Sheeg:
The best people I know are those who were raised as "reer miyi" and are college educated unless they try too hard to be brain washed by the so called westren civilazation. They really know when to be real somali--"dhaqankii soomaaliyeed iyagaa haya" and when to adjust to this cut throat society. I hear you admonishment but I make no promise.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirahman

Unrecorded Date
TO: Ciir

asalaam calaykum

salaan ka dib

walaale ciir arin mu hiim ah qabso, dadka kalena
ha ka faa,iidaysteen. walaale arinta amaana allah
waa wax wanaagsan laakiin tan amaana rasuul waa
shirki iska ilaali, hada ka dib iska ilaali.
waxaana waydiin kartaa dad iga cilmi badan.

TO. Soomaali oo dhan

arintaan waxaan qabaa arinta Geeljire, laakiin
waxay arintaan u baahan tahay xal, marka dumarka
laga hadlo waxaa jira kuwo fiican iyo kuwo xun.
Tusaale: waxaa jira dumar qurbaha jooga oo fiican
lakiin raggii ku xira meher qaali ah iyo gurigii
oo la yiraahdo waxaad dhigtaa alaab qaali ah,
sidoo kale ii gad dahab qaali ah. afrikana waxaa
laga helayaa mid rabta oo kaliya waxay cunto iyo
in guriga loo dhigo wixii ninku awoodo ilaahow ma
noqoto dirin.

Su,aashu waa sidee lagu heli karaa in ay is
guursadaan dadka qurbaha jooga? jawaabtu waa
balaaaran tahay.


sidaa iyo nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Alex

Unrecorded Date
I think nimanka guur doonka ah oo somaliya aada in APPLICATIONKOODI LA DIIDAY HALKAKAN AYAAN U MALEYNAYAA. sidaa darteed meel aan CREDITKAGA la fiirineen ayey aadeen ama meeshaas oo guurkii raqiis ka hayay. wax uun lee ku qasbay in ay xaga aadaan marka waxaa la doonayaa in gadhaha halkan jooga ay yareeyaan THE REQUIRMENTS . YOU SEE LIKE BUYING A CAR SOME DEALERS SAY BAD CREDIT NO CREDIT COME ON IN.( HA XANAQINA HEE TUSALE LEE AHEED MA KA WADO THAT YOU ARE CARS)
PEACE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Europeboy

Unrecorded Date
Raga North america waa khasaare nagahoodii waxaa dhamaystay ajinabi iyaguna naago kale ayay somalia ka raadinayaa waa suaale horta maxaad wax uga qaban waydeen nagaha jooga North america kuwaas banaka lagu haysto ee raqiiska ah idinkana naag la aan aad idin hayso odayaal aad noqoten markaa khasab ay idin ku noqotay inaad Africa aadan!!! Lakiin Europe nagaha joga naiga lee gacanta ku hayna Blondinkana anagaa wasna xitaa wax nadhaafa aaba isk yar!! nabadeeeeeeey!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geele

Unrecorded Date
Eropoy maad ka xishootid hablaha ad caayayso beentana iska daysid waala ogayahay waxaa yurub kuhayside ka xishood hablaha ilaahayna u toobadkeen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr Nice.

Unrecorded Date
To Ali:

Aliyoow wax iskula hadh seedi...lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Unrecorded Date
Asalamu calaykum waraxmatullaahi

Walaal Ciir waad ku mahadsantahay mowduucanan xiisaha leh eed noo furtay.

Hadaan ku darsado fikradayda inkastoo walaalihii iga horeeyay qaarkood ay si fiican ooga hadleen, waxaan oran lahaa guurka sidiisaba waa arsaaq uu Ilaahay u qaybiyo adoomadiisa marka qofna ma´go´aansan karo arsaaqadiisa meesha uu ka helayo ee waa wax uu Ilaahay qoray oo waxaan nahay dad idman oo waxaynu la imaanaa asbaabtaan ku heli lahayn ama aan Afrika ka doonano ama meelaha kale ee aduunka ka mid ah laakiin sidiisaba guurku waa arsaaq uu Ilaahay inoo qoray intaan ku jirnay uurka hooyooyinkeen.

Arinta kale ee meesha ku jirta ee aan la kulmay ayaa waxay tahay in ragga qaarkood aysan jeclayn inay guursadaan gabdhaha ku nool wadamada qurbaha siiba Yurub iyo Ameerika iyaga oo is leh waa qof la socota jawiga wadanka oo way adagtahay in aad wax ka qarsato (dhaqaalaha dartii) marka waxay door bidaan inay keensadaan gabar dhego xiran oo aan la soconin wadciga wadanka ka jira heerkay doonto aqoonteeda ha gaarsiisanaatee. Waxaan la kulmay axadii ay bishu ahayd 11-7-99 gabar wadanka joogtay 4 bilood waxay lahayd : "wadaadkeygu wuu shaqeeyaa lacag nagu filanna waanu haysanaa laakiin maanta markaan ku iri waxaan rabaa inaan soo iibiyo caano oo qiimahoodu uu gaarayo 6,50 kr oo ka yar $ 1 wuxuu igu yiri ma hayo wuxuu u malaynayaa inaanan ogayn in lacag ay u taalo bangiga".

Marka walaalayaal sow ayaan darro ma´ahan in nin uu wax ka qarsado xaaskiisa oo Allaah uu ku tilmaamay inay dherkiisa tahay. Waxaan codsanayaa in wiilasheena soomaaliyeed ee ku sifaysan arimahaas inay iska daayaan waayo waxay keenaysaa burbur iyo dhibaato aan laga soo waaqsan karin.

Waxaan u jeedin lahaa kelmad walaalaha qaarkood ee ku hadlaya hadaladda aan afka lasoo marsiin karin ee ay iyagu ku soo qoreen meeshan, waxaana oran lahaa walaalayaal Ilaahay ka baqa oo iska ilaaliya hadalada xunxun ee aad ku hadleysaan oo xasuusta xadiiskii uu Nabiga (scw) lahaa muslinku ma´aha mid xishood laawe ah oo ku hadla waxyaabaha aan xishoodka lahayn.


Walaashiin Deggan

Sweden

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DULQAAD

Unrecorded Date

WAXAAD WALAASHAY DEGAN AAD AYAAD KUMAHAD SANTAHAY HADALADA RUNTA KUSALAYSAN EE AAD KA HADASHAY EE AAD ADUGUBA ARAGTAY MARKAA ANIGU WAXAAN AHAY WIIL SOMALIYEED OO GUURDOONA INMUDO AH HASE AHAATEE AAD ISUGU HAYA INUU DALKII UGUURDOONTO IYO INUU HALKAN KAGUURSADO MARKA MUSHKILADA JIRTA AMA IHAYSATA WAXAY TAHAY IM AAN DALKII TAGO ANOON UTAGAY INAAN UDOONTO INAN AAN MAAMULO AMA AAN MASKAXDA KA QABSADO HASE AHAATEE WAXAAN UTEGAYAA INAN HELO MID AAN NOLOSHA WADAAGNO
HASE AHAATEEN AAD AYAAN UGA CABSANAYAA INAAN SOO HELAY AMA UU ISBEDEL YIMAADO

WAXAANA KAJECLAAN LAHAA MID HALKAN JOOGTA OO SIDA AAD ADIGU UFEKERAYSO OO KALE UFEKERTA IIMANKEEDANA QABTA MARKA WALAAL ADIGU MINFADLAK ILA SOO XIRIIR HADAAD TAHAY MID MADAXBANAAN HADIIKALE OO AADAN MADAXBANAANAYN OO ATAQAAN INAN ADIGA OOKALE AH SIDAAD UFEKERAYSO OOKALENA UFEKERAYSA ILA SOO XARIIR CIWAANKA HOOSE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dulqaad

Unrecorded Date

dulqaad Email faais75@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIN QUUSTAY

Unrecorded Date
ASALAAMA CALEYKUM DHAMAANTIN
WAXAAN AAD OOLA YAABA RAGGA XILLIGAAN LA JOOGO AFRIKA NAAG KA DOONAYA AMA KUWA KU FAKARAYA INEEY HELAAN NAAG BIGRA AH RUN AHAANTI WAX AAN KU TILMAAMO MA AQAAN LAAKIN WAXAAN JECLAAN LAHAA INAAN HAL MID U SHEEGO OO AH :
MAXAA KU CADDEYNAYA IN MIDDAAD KEENTO AAY KU DHAQEYSO MICNAHA INAAY TAHAY MID REER DHAQI KARTO TAHAY.
WAXAA LAGU DUCEEYSTAA ILLAH HA IIGU TOOSI MID QEYR QABTA OO REER DHAQI KARTA,WAXEEY NOQON KARTAA MIDDA KUUGU DHAW OO INA ADEERTA AH AMA MID AAD KA KEENTAY BAADIYAHA UUGU FOG OO MARKAA GUURSATO AAD ISFAHMI WAYDAAN AMA INEEY KUUGU ILBAXDO OO DARIIQA AAY KU JOOGAN KUWAAN AAY AYADANA AAY MARTO.
ANIGA SHAQSIYAN WAXAAN KU TALIN LAHAA IN LA GUURSADO KUWA HALKAAN JOOGO OO TOOBA KEENAY OO ARKAY GAAL IYO QURBA WAXEEY YIHIIN OO FAHMAY IN ISLAANIMADA WAX DHAAMA AY JIRIN KUWAAS HADDA DIYAAR AYEEY U YIHIIN GUUR.
MIDDA LABAAD WAA WAREERSAN YAHAY NINKA XILLIGAAN GUUR RAADINAYA - WAR KU DHAC MIDDAAD ARAGTO KUNA YEESHO HADDI AAD CALAF ISKU LEEDIHIN WAAD IS GUURSAN DOONTIN HADDI KALANA ASALAAMA CALEYKUM KU LEH EE DARIIQAADA RAAC.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dulqaad

Unrecorded Date

ku nin quustay


taasi ninyohow waaa,adiga fikradaada laakiin soomaliyi waxwalba hore ayay uga maahmaahday waxaana murtidii ragii hore kamid ah WAADBAAHANTAHAY BAKHTI LOOMA CUNO bal ogow guurku inaanu ahayn waxsahlan ee wuxuu ubahanyahay ka fiirsi maxaa yeelay iskaga dhac ma,aha midii kuyeesha haday doonto hatoobadkeento lakiin ogow in naagta ninku rabo inuu guursado aytahay mustaqbalkiisii oo cimriga inta kahartay kulanoolanaysa caruurta hooyadoodna noqonaysa
marka caruurta hooyo xundhasho iyana caruurxun ayay noqdaan markaa balkafiirso waxa soo socda iskafa dhac ha oranine

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN HAJI MOCOW

Unrecorded Date
Asalamualaykum all of you.
Walaal Degen wixii aan oran lahaa adigaa yiri, jazakallaahu-khayr.
Waxaan rabaa wax yar inaan ku iraahdo MR. NICE??!!
Hadaan isku dayo waan heli karaa 100 sifo oo uqaab daran sida tobanka aad oogada ka saartay dumarka soomaaliyed ee qurbaha jooga, oy leeyihiin qaar aan yareyn oo raga soomaaliyeedee dhulkaan joogo ka mid ah,BUT I'M NOT MR.NICE.
Waxa jiro laba jiro oy qabaan(ku dhacday) dadkeena meelahan jooga:
RAGGA: "Nagihii way kibreen".
DUMARKA:"Yuu ninka ku gumeysan".
Wixii rag iyo dumar waddankii ka yimaadana kolley
waa ku daaranaynaa.
Ma difaacayo gabdhaha oo dhan, laakiin inteena badan ma xumin sida qaarka xisaab-xirka jebka kala soo baxay sheegayaan(70%!)
Qaar badan oogabdho soomaaliya udoonta ayaajira oo sababo wanaagsan udoorta, laakiin qaar baa jira udoonta qof ay duulmiyaan inta badanna waa kuwas kuwa dhexda ku dhiiqdo


IGA RALI AHAADA HADAAN MEL IDIINKA DHACAY.
WASALAAMCALEYKUM.
LADAN
NORWEY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GEESI

Unrecorded Date
maxaa habloo wiilal iyo hablo labadeenaba inoo dana sidaan uga bixi lahay is aamindarada ?????????????


GEESI

TRONDHEIM,,NORWAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aziiza

Unrecorded Date
Salaams Ya'll

Haddaan fikradayda ka dhiibto Su'aashan, Waxay anigu ila tahay in ragga Somaliyed aysan Challenge diyaar u ahayn, Gabdhaheena wax bartay waxaan u nahay threat to them, taasoo ah wax aad iyo aad u foolxun. Maxaa ka fiican Gabadhaad guursanayso inay tahay Talented, Educated, Open-Minded etc. Unless you "MEN" are Xaasidiin aan waxa fiican oo dhan u quurin Gabdhaha Walaalahiin ah. Waxayba Noqotay in laysku caayo wanaagii, o la yiraah Waxay Gabdhihi Rabaan 50/50!! Maxaa ku jaban helping out your family??? In that matter what u need is a "BOYEESO" not a Partner for life.
Mideeda Kale, waxan arkay rag badan oo Qurbaha joogay 20,30yrs oo Somalia u doonanaya Guur!! And I came with this Conclusion: statisticlly most of those men are rag leh "BALWAD" oo Naago cadaan or madoow ma'ahane mid Soomali ah aan Chance siinayn.
Markaasay innocent Gabar oo 16/17 jirta Reerkeedi ka soo kaxaysanayaan, and only God knows what happens next...Its really Sad!
Walaalahayga Qaaliga ah, taas waa Caado xun, Sida halaysku dhaamo.
Raali Ahaada hadaan wax qalad iri. Thanks

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Men have been politely ignoring the noise enemating from the so-called "Liberated Females" for the past 30 years or so. And will continue to be tolerant towards them, however deafenning the noise is! The fact is women NEED men to lead them. Period.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon

Unrecorded Date
Anonymous, "politely??" please.
Maybe women need men to lead them. The emanating noise is self defense. Men lead but they don't know where they are going. So they have to be "potty trained" Just look at Somalia. Then you will get a sense of how men lead. Now wonder women make noises, they put up with a lot of immature b.s.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waano

Unrecorded Date
waxan dhihi lahaa all my bro&sis in in ay guurxumada keentay waxyaabo badan oo aan anaga
sameynay ha u badnaden gabdhahena waxay naqatay
in gabdhihi isuga fanan filmada laga duubo aroosyada aroska ugu fican kas o ku baxaday qarash
badan waxaa layaab leh angoo qaxoti ah in aan
samey sano aros ay naan samay sa kari kuwa
wadan ka u dhashay sida canada oo kale waxayba ka noqatay (sut)in aros lays ku wada arko tasina
waa calaamada galada hana laga waan tobo all my
walaalo and sisters

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Talo

Unrecorded Date
Salaama caleykum dhamaantiin!!!

Waxaan jeclaan lahaa in aan fikradeyda ka dhiibto arinta ku saabsan maxay ragu uga soo guursadaan wadankii hooyo oo ay u guursaneyn gabdhaha la jooga wadanka ay joogaan????

Gabdhaha soomaaliyeed aad ayay uga ilbaxsan yihiin raga sidaas darteed uma baahna nin soomaali. Taas waxay ragii ku kaliftey iney gabadhii soomaalida aheyd raadiyaan, taasoo ah tii wadankii hooyo joogto.
Gabdhaha soomaalida ee ku nool qurbaha ilbaxnimadooda waa iney heshaa nin aan soomaali aheyn kaasoo naga fiican dhinac walba xaga dilka si fiican ayuu u dilaa, xaga sariirtana waa meel walba oo diin ma lahane iyo xaga gumeysiga oo uu ku dheereeyo.

Gabdhow waad hesheen waxaad rabteen laakiin ragii ma helin waxay rabeen. Sidaas awgeed ayaan wadankii ka doonaa gabdheheenii.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Miss VA

Unrecorded Date
talo i disagree totally man are u lost u mind?
ceeb gabdhaha oo dhan ha aflaadeyn. soow gabar kulama dhallan kuma dhalin kuma guursan doonto.
xishoo walaal. hal xun hadaad aragtay gabdhaha oo dhan ma xuma. Ka fiirso waxaad qoreysid intaadan qorin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mr alexandria va

Unrecorded Date
to mss VA
hi you must be from fairfax or arlington
iam right drop me line

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nin degan ubogay

Unrecorded Date
to degan
assalama caleykum walaal waxaad tahay
qof aan hadalkeeda aad ula dhacay markaa
iswedana mar mar ayaan imaadaa
markaa walaal imeilkaga ma helikaraa


by ninkuu bogay

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.