site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Soomaliya yaa wada dhibaatada ka taagan???

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): Soomaliya yaa wada dhibaatada ka taagan???
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Artan

Unrecorded Date
Dear Readers

Sidaan la socono wadankeena mudo dheer ayuu ku jiraa dhibaato aan dhamaaneyn? marka yaa wada dhibaatadaas?.Dhibaatooyinka ka jira Somalia ma yihiin kuwo la dhameyn karo? mise waa kuwo aan la dhameyn karin?. Shacabka Soomaliyeed wax ma ka qaban karaan dhibaatada madaama ay iyagu yihiin dhibanayaasha dagaalada. Aniga shaqsi ahaan waxaan
u arkaa in Somalia ay la gubaneyso dhowr arimood.

1Jaahalnimo balaaran oo wadankii ka jidha?
2.Xaasidnimo umada dhexdeeda taal
3.Naceyb iyo quursi la isku hayo
4.Hogaamiyaal dagaal oo ismaan dhaafsan
5.Diin la,aan iyo kalsooni la,aan

marka waxaan isleeyahey hadii arimahaas xal loo helo in wadanka uu rajo lahaan lahaa?
Maxey adigu kula tahey aqristoow???.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jama

Unrecorded Date
Salaam,

Haddii jaahilnimada laga baxo dhibaatada kalena waa laga bixi.

Jama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samaale

Unrecorded Date
Sallaan kadib.

Arrinta ku saabsan soomaalia waa xasaasi.
1-Intelectual Revolution:- haddii dadka laga heli lahaa percent (50% ore more) baddan oo muxaafidiin islaami ah ama aqoon yahano maadi ah.
2-Economic Revolution:-Haddii dadku Qani ahaan lahaayeen oo ilodhaqaale oo baddan jiri lahaayeen lagana faaiideysto.
labadaas qodob waxay tirtiri lahaayeen qodobadaas aad kor ku sheegtay
La, aantooduna waa sababta keentay in Dagaalada dhacay oo ku salaysan aqoon daro iyo hunguri ay weli uga holcayaan Geyigeena.

Waa iga intaas.

W/salaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cimraan

Unrecorded Date
Saaxiib cartan dhibaatada Somalia waxa wada makuu shegaa? Wasakh baa raba inuu wasakh, wasakhda ka ceyrsado, markaasuu leeyahay: Waryaa wasakh waskhda ka bax, markuu ka baxo ayuu wasakhdii madax madax isugu tuurayaa. Look our people, one is doing bad things another wants do worse, third wants do worst. Look all Jamhadaha, Afweyne was doing bad, they made worst. Don't they?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAAFAA

Unrecorded Date
DHIBAATADA WAXA WADA WAA ADIGA, SOOMAALIDA HAKALA
SOOCIN, DANBIILE AYAAD TAHAY QOF WALBANA WAA SIDAADA OO KALE.

WAA JAAFAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirahman

Unrecorded Date
asalaamu calaykum

To:artan

waad ku mahadsan tahay hadalkaad noo furtay.

TO: Jaafaa

waxaan ku leeyahay soomaali dhamaanteed
dhibka ma wada wadaan waxaa wada koox yar. marka
qofkii danbiile ah waa la ogyahay Artana waa
xukuntay marka ma aqaano inaad si gaar ah u
taqaano, calaa,ayixaal soomaali inta dhibka ku
haysa rabbi hanaga qabto aamiin.

To:Soomaali oo dhan

Hadaan u soo noqdo jawaabta: Soomaaliya yaa
dhibaatada ka wada jawaabtu waa:Qabqablayaasha hor
boodaya qabiilada Soomaaliyeed.laakiin waxaa
caawinaya dhowr wax yaalood marka la waayana
soomaaliya nabad baa ka dhalanaysa haddii rabbi
idmo waana:Qabyaalada,Qoriga,Qaaraanka iyo Qaadka.
ugu danbayn soomaaliya waxay nabad ku helaysaa
iyadoo toobadkeenta iskuna xukunta kitaabka
illahay noo soo dajiyay si cadaalad ah, markaas
ayaan helaynaa liibaan aduunyo iyo mid aakhiro.
Xalkalana ma jiro taas ha la ogaado ama diida ama
yeela, waxaana arintaas garanaya dadka caqliga u
saaxiibka ah.
sidaa iyo nabadgel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirahman

Unrecorded Date
TO; Jaafaa

Asalaamu calaykum.
salaan ka dib

marlabaad ayaan soo noqday raali ahow marka hore
waxaan ku waydiinayaa yaad ku tiri dhibaatada waxa
wada waa adiga, aniga waxaan u qaatay inaad la
hadlayso Artan, marka noo soo cadee, hadaadan
haysan artan raali ahow, haddii kalena waan ka
jawaabay. adiguna ma aadan qorin qofkaad la
hadlayso, maadaama aadan qorin waxaan u qaatay
ninkii hadalka noo furay inaad haysato.

sidaa iyo nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Artan Walaal
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkaaga Ha Ahaato.
Ogoobay aarimaha aad sheegtay way wada jiraan.
Dadka Soomaaliyeed oo dhanna hoggaanka ma wada qaban mana wada halayn.

265 milyan oo qof ayaa ku nool America waxaa hogaanka u haya hal Madaxweyn iyo congress. Waxay wanaajiyaan iyo waxay biyaanba dadka Maraykankaa leh. Hase yeeshee dadka Maraykanku hoggaanka ma wada hayaan.

Haa aqoontu aad bay ugu yar tahay bulsho weynta Soomaaliyeed. Ku lagu sheego "aqoon yahankuna" badidoodu aqoon uma laha maalmul dawladeed.

Waxaan ka badin waayay soddon (30) qof dadka qasay oo walaaqaya ummadda Soomaaliyeed. Inteena kale waxaynu u sixran nahay soddonkooda.

Faataxada mara oo ka soo qayb gala "Virtual Government" iyo golaha Suuban.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

manaxdo

Unrecorded Date
somalia warkeda waa cadyahay.........

wax la qariyo aad u barateen waxba yaa JAHILNIMO lagu marmarsiyoon somalida iyaga oo sidan ka jahilsan ayee hadana ahaayeed umad jirto oo la aqoonsanyahay.

marka xaalka waxa xumaeeyay waa la yaqaan.....waa .................fiidoow iyo ilmo adeeradiis..........

aniga igama aha qabyalad lakiin waxyalo lagu kala fican yahay ayaa jiro ree fiidow ma aha dad wadaniyeen ah marka waxaa fiicnaan laheed in reer ........( )loo dhafo maamulka dooladnimada.....

reer fiidowna..............arimaha kale............

xalay cajal xamar laga soo dubay aan fiirsaday qaracan walahi..... arsida isku dhama maryoleen.... saan talo ma ahee hadii meel lagaaga fican yahay adna meel lee ku fiican tahy lakiin AQOONSATAA!!!! maxaa waaye waxaas.


war iyo dhamaantiis somalia rajo ma laha ee aad ha isku dhabar jabina.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
dhibaadada oo idil waxaa wada ninka hadalka furey
sidii loo yiri

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, August 21, 2000 - 05:56 am
from ISMAACIIL GUREY
CARDIFF SOUTH WALES
UK

MARKA HORE SALAAN GUUD marka labaad saaxiib HADALNA RUN BAA LAGU CADEEYA ILKANA RUMAYE, dhibaatada maanta Soomaliya ka taagan waxaa wada, nimanka kala qoqobay dalka ulana kala baxay magacyada SOMALILAND, PUNTLAND iyo kuwa joogga XAMAR ee kala ah INA CAYDIID, CAATO, YALAXOW, CALI MAHDI IYO kuwa yar yar ee dhawaan soo baxa ah.

Nimankaasi oo wadanka laga qabto mooyee haba u fadhiyina inuu dego, oo laga soo kabto AAFADDII ummadda gaadhay.

GAR ILAAHAY BAY TAQAANE aniga sidaas bay iila muuqataaye haygula yaabina afkaarteyda.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.