site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

guur ama jaad// nin ama nin la´aan

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): guur ama jaad// nin ama nin la´aan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samiira adam

Tuesday, October 31, 2000 - 04:17 am
asalaamu caleykum waxaan rajeynayaa inuu allaah guri ii dhiso guri xalaal ah.

ee maxaad igula talin laheydaan gaar ahaan markuu nin ku jaad cune yahay?
waayo xagga ragga xigmad uma lihi.
mida kalena waan ka baqayaa waayo waxaan ku soo korey aabbo la´aan, mana rabo inay caruurtaydu ku koraan sidaan ku soo korey oo kale!!! waan u sheegay wax kasta oo dareemayo!!yacni inaan jecleyn caruur aabbo la´aan ah
(ma guursan laheyd nin jaadka cuna)
1.sideen uga jari karaa jaadka?
2. ka waran hadii uu ku dhaho qofkan hala hadlin ma ka yelilaheyd ? (wali ismaanu guur ee la soco)
3. guri sidee loo dhisaa?

walaal inshaa´´allaah waxaan rajeynayaa inaad ii sheegtaan runta iyo xaga diintaba!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cali

Tuesday, October 31, 2000 - 04:37 am
salaan kadaib .
waxaan kugula talin lahaa inaad rabi&aakhiro xasuusiso,ka dibna aad salaada & masjidka ku
booriso anuu aado,
hadiise aad kala maaranto u sheeg qoyskii uu
ka dhashay..aabihii..hooyadii..kalana tasho
waxii ay kugula taliyaana arag.
hadii intaas uga samirto u sheeg inuu ku furu
maxaayeelay waa nin aakhiradaada ku dhaafinayo.
aakhiradaada oo ku dhaafta ayaan waxwalba kaaga daran....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samiira adam

Tuesday, October 31, 2000 - 05:07 am
walaal waad salaaman tahay aslaamu caleykum
walaal waan u sheegay inuu aado salaadda oo uu tukado laakiin kuma adka oo uu joojiyaa markasta
waan ka wala hadalna inuuna mehre igu dhaceyn hadii uuna salaadda tukan
walaal wiilka reer kooda afka lama galikaro waayyo wiilka wali ismaano guursan
(waxaan u arkaa qalad)

walaal waad argtay oo kalinimadona ma fiicana? guur xalaal ah wax ka fiican majiro?
maxaa sameyaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samiira a

Tuesday, October 31, 2000 - 05:10 am
to cali walaal waa samiir walaal hadii la i furaayo maxaa guurka hada igu wata

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abaadir

Tuesday, October 31, 2000 - 05:48 am
Waad salaamanthay Samiira
Hadii ninkaagu cuno qaadka waxa laga yaaba in uu lba nooc mid yahay.
1-Kuwa uu dareenku ka dhinto
2-Kuwa uu dareenkoodu kaco
Hadii uu ka hore yahay iska dhaaf ku dheh hadii uu ku diidana CAWDA u jar.
Hadii uu ka danbe yahayna ha iska sii dayan waayo nin aan qaad iyo sigaar cunin ninba maaha.
Xanjoolaha iska ilaali.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, October 31, 2000 - 06:09 am
Samiira - dadkaan maku fahmayaan ee anaa ku fahmay. GUYS, QOFTA LAMA QABO eenin ay wada socdaan ayey ka hadlaysaa.

Ani waxaan kugula talin lahaa nin qqad cuna ka dheerow hadii kale caruurtaaduna qaad cunayaal ayey noqonayaan. Ilaahay ayaa rag badiyey ee niman kale la sheekeyso. hadaa xishooneysana e-mailkada meesha uga tag rag badanaa ku soo weerarayee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

c/razaq

Tuesday, October 31, 2000 - 01:12 pm
samiira run ahaantii marka aan ufiirsaday
dhibatada ku haysata aad ayay uxun tahay
waxaana kula haboon inaad raadsato sida aan
akhriyay waxa aad qortay ismaqabno ayadtidhi
marka inta aadan faraha lagalin arin kaa da'aweyn hada ka fiirso!
haddii aad u baahato talo intaasi dheer iga lasoo
xirriir email-kan
mfiiddaw@al-huda.ca

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Curad

Tuesday, October 31, 2000 - 11:11 pm
samiiroy guurka waa god madow gacanta geli wixii kaaga soo bixilahaa lama yaqaan saas ula soco
ilaahna nin fiican hakaaga dhigo aamin dheh hana kafuqin asiga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kici

Wednesday, November 01, 2000 - 04:20 am
samiira abaayo anigana bal aan wax yar ku dhaho inkastoo horey loo yiri taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa marka waxaan kuu soo jeedin lahaa in aad wiilka aad la socoto isku daydo in aad wax ka badasho waayo hadii uu ku jecelyahay waxaan qabaa in uu wax kaa qaadanayo marka adiga ayaa furaha u hayn kara mana filayo sida iiga kaa muuqato in jaceyl saas ah uusan jirin laakiin hadii aad wax ku ogsoon tahay isku day in aad la timaado qodobo aad u kulul iyo xadad uusan gudbi karin hadiisu uu ka soo bixi waayo arintaa aan la socono wixii aad ku danbeysaan allaha kaaga dhigo saad rabto aamiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Wednesday, November 01, 2000 - 05:22 am
Samiira,

Wax kastoo dadku yiraahdaanba waxaad yeeshaa niyada saafi ka dhig laba rakcana Alaah u tuko adigoo tala weeydiisanaya (Salaatul Istikhaarah)Alle bari oo weeydiiso inuu wixii kuu kheeyr badan aduunyo iyo aakhiraba kugu hagaajiyo. Ugu danbayn wixii qalbigaaga ku dago raac asaga ayaa xaqiiqada u dhaw.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samiira adam

Wednesday, November 01, 2000 - 05:33 am
asalaamu caleykum walaalayaal waad mahadsantihiin dhamaantiin bal ii soo duceeya!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samiira adam

Wednesday, November 01, 2000 - 05:34 am
asalaamu caleykum walaalayaal waad mahadsantihiin dhamaantiin bal ii soo duceeya!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shiiq Suufi

Friday, November 03, 2000 - 11:15 am
Waa kuu soo duceyneyna slaadana badi, iishaa alaah wixii qeyrka kuugu jiro, tusi fadlana heerka eyy qiimayntaada mareyso iyo sidaa maajooratiga walaalahaaga ahna wax idiinla jecelyihiin. Wallaaal guul baan kuu rajeyneyaaaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, November 07, 2000 - 01:48 pm
miskiinka to samiiro
walaal salaanta islaamka kadid waxan si khibrad-
leh kuugu sheegayaa marka hore ilaahay ayaa hanuun
ka iskale hase ahaatee qofjaad cunaa masuul manoq-
on karo maxaa yeelay aniga ayay igu dhacday
waxan kuula hadlayaa sidii aan walaashay ulahadli-
lahaa in ta aanad guursan kudadaal sidii aan jaad
ka uga jari lahayd hadii aad ka jariwaydo waxan
ku oran lahaa iskadaa hadii markaa jacaylka aad
jeceshahay dartii aanad daynkarin
<GODAYBA DADBAA GALAY KAGAQUUSO TALO WAATARABIYE>
hadii aad caawin rabto wabilaahi tawfiiq
warsame@freeze.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Thursday, November 09, 2000 - 03:30 pm
Asalaamu calaykum,
Walaal samiira waxaan ahay haween soomaaliyeed oo garanaysa waxaad ka baqaysid, waxaana aan kugula talin lahaa laba arin:
1.Waligaa ha isku dayin in aan nin wax ka goysid ama aad badashid, maxaa yeelay waxay keenaysaa in been la isku sheego
2. Intaadan guursan go'aan wanaagsan ka gaar oo miisaan waxa xun iyo waxa fiican kee miisaan badan waxaa muhiim ah in aad xumaanta( like qaadka) aad kula noolaan kartid qofka bini'aadanka ah.
Good luck.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Heblaayo

Friday, November 10, 2000 - 03:29 am
Asalamu caleykum

Walaal waxaan rabaa marka hore in aad ogaatid qof lama badali karo, sideey walaasheen "AM" tidhi, ee isbadalka waa in uu isaga un ka yimaadaa, waayo markaas un buu fahmayaa qiimaha isbadalkiisa.
Horena waxaad u sheegtey in aad ubadkaaga la rabin aabo la'aan, laakinse walaal ka fakir, ka la'aan ama aabo oo habeen oo dhan soo jeeda oo maailn oo dhan hurda, oonan la socon caruurtiisa heerkeey marayaan, kana fikir caruurta wax badan beey la socdan adoonan filaneeyn, markaa koleeyba weey dareemayaan in meeshawax qalad ka jiro, ee ta adiga kula roon adiga un baa ka go'aan gaadhikara.
Anigu koleeyba haddii aan ra'yigeeyga ka dhiibto, ninkan aad hadda sheegeeysid ma is qabtaan, maanan is ka markaa waxaan kula talin lahaa in aad iska dhaaftid madaama aduunkuu rag kale weey ka buuxaan ee waalidkaa la tasho (aniguu waxaan rumeeysanahay in eey "guurdoonta" ooga sahalsantahay markeey waalidka la socdaan sheekádeeda), inabti sideey walaalaheena kale kuula taliyeen Ilaahey un baa xoog leh ee isaga un bal bari.

Waad salaamantihiin dhamaan
Heblaayo dacar :O

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wasakh

Wednesday, November 15, 2000 - 09:48 am
waryaara wiilasha email-ladooda ka tagaayo,gabadhu talo ayay idin waydiisatay ee ishukaansada idinma aysan odhan,yaa juhalaa haddaad rabtaan shukaansi page-ayuu leeyahay iyo baal u gaar ah.fadlan talo sii qul qulna.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xabiib

Tuesday, December 12, 2000 - 11:05 am
Abaayo macaanto mar hadii uu ninka Jaad cune weyn uu yahay adigana aad cunin qaadka balse aad ka xuntahay qaadkaas waxaan kugula talin lahaa in aad ka guurtid 15-geedi oo qal-qalooc ah waayo dhib mooyee faa'iido kaama soo raaceyso ee ka carar sababtoo ah waxaad helaysaa mid kuu qalmo nadiif ah oo aan balwad laheyn,waadna ku mahadsantahay sada aad noola tashatay. M A H A D S A N D . QORE.XABIIB.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AFGAAB

Tuesday, December 12, 2000 - 12:05 pm
ASALAAMU CALEYKUM

SAMAIRA

SALAAN KADIB
IGA HOO TALAADAN GABAN
CAAMASHO AYUU YELAN LAHAA HADUU YAHAY NIN SALADIISA XAFITA
BALSE HADII UU YAHAY MID GOOGOOYA JAADNA UU CUNA KUGU LAMA TALIYEEN .

WABILAHI TOOFIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sumayo

Saturday, December 16, 2000 - 02:33 am
samiira qoys raaga hadaad dooneeyso iyo guur nagaadi waligaa ka carar nin jaad cuna caruurtaada ha daadan aabo la aan la rabin hada ka fiirso guurkaaga nolol ma leh nin balwad leh weyna ku gubteen dumarkii guursaday qaar badana garoob nimo ayey ka dhaxleen mahad sanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HUDA

Wednesday, February 07, 2001 - 10:21 am
SIS HADII AD TALADAYDA RABTO HA GUURSAN NIN JAAD CUNA HANA AAMININ WAAYO JAADKU WAAXAARAAN NIN CUNANA FAAIIDO MALEH HADABA GABAREEY KAJOOG HA ISKU AADIN NINQAAD CUNA MACSALAAMA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cirka

Wednesday, February 07, 2001 - 01:21 pm
samiira.
ka waran ka khamriga caba, ma ku galaysaa, isaga
habeenkii xaga sariirta waxa la qaatey ka khamriga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Wednesday, February 07, 2001 - 02:29 pm
AM

Horta waad ku mahadsan tahay talada aad dhiibatey.
Midda kale waxaan kuu sheegayaa inaan wadaagno magaca aad u isticmaashey boggan, in kastoo aan uga hadlo figradaheyga bog kale.

Marka walaaley hadday suura gal tahay waxaad la baxdaa AM2 iyo wax la mid ah.

Ex. AM

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.