site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waxaad igala talisaan dhalmo la aanta oo dhib naga haysato

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): Waxaad igala talisaan dhalmo la aanta oo dhib naga haysato
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/raxmaan

Wednesday, November 01, 2000 - 06:06 pm
Waxa aan reer laha mudo 10 sano ah,wali wax ubad ah ma dhalin.Markii aan la xidhiidhay dhakhtarada waxa ay igu ameeyeen qaliino iyo tijabooyin bdan niga iyo xaaskaba,waxa kale oo ay cadeeyeen in aysan gabaadhu waxba qabin ciladuna xagayga tahay.
qoraan iyo salaadna ma dayno.

Wali ilaa hada gabadhii igama ay quusan oo waa rajo ku nool,wayna iga da yartahay.

Maxaan yeelaa waan jecelahay oo furiinkiina kulama degdegayo,rajana mahayo.
Ubadkana lagma maarmo

sideebaan wax yeelaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdalla

Thursday, November 02, 2000 - 02:21 am
c/raxmaan walaal waan ku salaamay marka hore intaa kadib ilaahay (s.w)ayaa ubadka qolona siiya qolona aan siin marka hadii ilaahay sidaan kuu gartay aad iskudayday waxkasta ilaahay u noqono xasuusnowna in ilaahay sidaa kaa dhigay waxaan aniga kuu soo jeedin lahaa in aad cunug amaba laba cunug korsato waxaan u jeeda adoption.hadii soomaali dooneyso in aad korsato ila soo socodsii hadii kale ilaahay cabsidiisa ku dadaal. wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QADAR

Thursday, November 02, 2000 - 07:33 am
ANIGA WAXAAN KU'ORAN LAHAA GABADHAAS
ISKA FUR WAAYO LABADIINUBA MAFIICNA
INAAD DHAL WADA SEEGTAAN INKASTOO ILAHAY QORO
HAYA NA DHASHA WALALO ANIGOO OG INAAD JECESHAHAY GABADH HADANA WAXAA JECESHAHAY WALAL KAA LA JECLOO HANA ISTIJAABISEE GABADHA FASAX
PLEASE DON'T GET ME WRONG BUT
AM JUST TELLING U WHAT I THINK IS RIGHT
OK......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

axlaam

Sunday, November 05, 2000 - 11:26 am
Walaal salaamu calaykum
Intaa ka dib ilaahay waxaan kaaga rajaynayaa
inuu ku siiyo owlaad qayr qabta oo aaqiro iyo
aduunba kugu anfacda adiguna samir hadii ilaah
ku siin waayo waxaaba laga yabaa inay shar kuu tahay inaad ilmo dhasho markaa ilaah waxa uu ku
qoray siday dontaba ha ahaatee ii maanso
dhan kaaga na maaha dhanka gabadhana maaha
ee waa wax eebe ku shaqa lee yahay oo waa amar
inaga wayn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Monday, November 06, 2000 - 09:22 am
cabdiraxman
walaal waxaan kugula talin lahaa in aad qaadato talada walaalkaa cabdalla.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 06, 2000 - 02:46 pm
asalaamu calaykum walaalkayga qaaliga ahaw salaan
kadib waxan rabi S-W kaaga baryayaa inuu awlaad saalix ah kusiiyo oo aakhiro iyo aduunba ku.anfaca
intaas kadib? waxkasta waxa kaqaalisn samirka
ee sabra kuna shugriya rabi maxaa yeelay waxaa
jira kuwo aan awlaad iyo caafimaad midna lasiin
waana wax xaga rabi kayimid hadii ay xaasku ku
qanac santahay arintaas rabi s-w wuu idinka
ajarsiin hadii aysan ku qanac sanayn iska fasax . <godayba ragbaagalaye> wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-cumayr

Tuesday, November 07, 2000 - 04:45 pm
asalaamu calaykum..

c/raxmaanoow alaah baan kaaga baryayaa in uu owlaad ku siiyo sabar oo alaah talo saaro oo ducada iyo baryada badso ilaahay adoomadiisa wanaagsan ma dayaco waqtiyada ducada la aqbalona ku dadaal in alaah baridid habeenka galinkiisa dambe salaadaha gadaashooda iyo markasta aad camal fiican qabatidba
hadana RAMDADAAD ayaa soo dhowe LAYLATUL QADRIGA bal ku dadaal in aad haleeshid oo inta aad sooman tahay alle bari markaad anfuraysidna alaah bari markaas ducadu waa mustaaabo

waa walaalkaa wanaag kula jecel

abu-cumayr

halale8@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABU JULEYBIIBA

Thursday, November 09, 2000 - 06:58 am
c/raxman

salaan kabacdi saaxiib ilaahay ha ini siiyo caruur
wanaagsan oo indhihiinu ku raaxaystaan. ilaahay idinkiisa......

walaal horta ilaah ayaa bixiya caruurta sidaad ogtahayna qofkuu doono wiilal kaliya ama gabdho kaliya ayuu siiyaa qofkuu doonana waa isugu daraa kuu doonana maba siiyo. intaas oo dhani waa ilaahay doonistiisa.......

waxaadse walaalkeeyoow ogaataa inay jiraan dad adiga oo kale ah kuna dheer caafimaad la'aan marka ilaahay kumahdi marka kalana ku dadaal waqtiyada baryaha uu ilaahay maqlo sida.

HABEENKII QEYBTIISA DANBE
AADAANKA IYO IQAAMADA DHEXDOODA
JIMCADA CASIRKA IYO MAGRIBKA DHEXDOODA
RAMADAANKA KU DADAAL LAYLATUL QADARKA.(as 1 bro mentioned)
WAALIDIINTIIN HADAY NOOL YIHIIN iyagana kaducaysta
DADKA AAD UMALAYNAYSAAn INAY DAD KHAYR BADAN YIHIINA OO IDINKA MAQAN IYAGANA KA DUCO DALBA.
HADAY SUURTO GAL TAHAY XARAMKA ILAAHAY WAQTIYADAAS KU BARYA.
walaalkiin......dfk

faanoole@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Friday, November 10, 2000 - 01:26 pm
Walaal wax walba waa qadar Alle.
AAmin oo u samir waxii laguu qadaro, dad badan baa arrimahaani ku dhacaan oo ka daawooba muddo kadib, ha dheeraato ama ha gaabnaato.

Majiraan wax gaar ah, oo aad u sababeysid ama ka shakisan tahay oo aad mararka qaarkood la xiriirisid sababteed? Hadday jiraan taas baad taladeeda u baahan tahay.
Waxaa jira waxyaalo yaryar oo la iska fududeysto oo arrintan dhalin kara, sida:

Labadiina mid axdi guur la soo galey qof kale oo uga baxay, asagoon raali galin. In aad horey ula dagaalanteen dhalmada, sida ka hortagga iwm.
In la isku kiin diidanaa markii hore. In aad sameyseen wax dhibaato ah ee ku dhacdey qof kale sida carruur iwm. In aad qabtaan wax shaki ah oo la xiriira sixir iwm. In la isku qasbey guurkeena.
Iyo waxii kale oo jiri karaa sida maseyr(hinaase), jaceyl badan, isku dhiig(ka soo jeeda walideen isku sii dhow dhow) iyo boqolal kale waxaas oo kale ah.
Haddii wax jiraan soo sheeg, xitaa haddii aadan sheegi karin, kaliya waxbaa jira soo sheeg, insha Allaahu, waan kaala talinayaa, waana kuu dhuceyneynaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 23, 2000 - 05:17 am
Asalaamu Calaykum ????

Salaan kadib walaal horta waxaan ku idhaahdo ma hadhin oo walaaladey Soomaaliyeed ayaa dhameeyey.
Laakiin waxaan go´aansadey inaan waxuun ku idhaahdo.
Walaal waxaan ku Odhan lahaa Illaah ayaa Aduun iyo aakhiro Labadaba wax bixiya, isaga ayaana og sababta.
Markaa Walaal Illaah Talada saaro oo iska Samir.
Walaal Rasuulku S:C:W waa kii yidhi INA LAAHA MACA SAABIRIIN .
marka walaal kayoow taa ogow.
weydiina Xaaskaaga inay sidaa kugula joogayso oo ay Illaah hortii u sabreyso raalina ka tahey. hadey ogolaato walaal Illaah Ubad kheyr qaba ha idiin sahlo idinka iyo Dhamaan Umada islaanka ah ee dhibaato tiina la mid ahi heysato.Hadii se kale walaal hadaad jaceshahey fasax oo waliba u ducee.
Walaal Illaah lagama quustee ha Quusan.
Toobadana badi. Illaah danbigaaga iyo kaygaba ha dhaafo oo ha inoo na xariisto aduun iyo aakhiroba.
Walaal ogow in Illah kula jiro markasta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Haatuf

Saturday, November 25, 2000 - 03:31 am
Asalaamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakaatu,

Walaal Cabdiraxman, waxaan aad ugu bogaadinayaa walaalaheena Soomaaliyeed ee sidaa qiimaha badan kuula taliyay, intaan ku odhan lahaaba iyagaa ku yidhi.

Balse walaaloow, waa imtixaan waa tii hore loo yidhi " ma ogtahay curyaankaba caga looma waayine caynkaa wax loo yidhi, kuwa cararayee ladan inay ku cibra qaataan". Xaqiiqdii haddii aynu ogaan lahayn imtixaanka inaga danbeeya kuwo badan oo inaga mid ahi waxay ku ducaysan lahaayeen inaanay waxba dhalin... sida walaalkeen Cabdalla ku yidhi isku day inaad ilmo ehelkiina ah aad korsataan , waan hubaa inaad sidii kuwa aad dhashay aad u jeclaan doontid.....waayo waa korinta iyo ku hawshoodka waxa jacaylka dhaliya ...hadaad ilmo aad wax u tahay iyo mid xaaskaagu wax u yahay aad korisaan gurigiina wax wayn baa iska bedeli doona...Eebbena wuu idin abaalmarin doonaa...

Waxaa iisoo hadhay tan xaaskaaga, dareensii inaad jeceshahay, waayitaankeeduna wax walba kaaga daran yahay.. yaanay u qaadanin inay maxbuusad tahay. Waan hubaa in niyadeedu degi doonto markaad dareenkaaga u gudbiso...Hadaad samirtaana abaalgudkaad Rabbi ka heli doontaan ayaa ubad oo dhan ka qiimo badan.

Aduun iyo aakhiroba waxaan idiin rajaynayaa khayr.

Waa walaalkaa haatuf oo ku leh samir....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamac yusuf

Saturday, November 25, 2000 - 07:02 am
to.cabdi rahman ..
aslaamu calaykum..
walaal waxa ad isku xidha ilaahay isaga aya ku kafaala qadanayeeeeee hadii alla idmo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sumaya

Sunday, November 26, 2000 - 02:10 pm
To c/raxmaan:
Asalaama calaykum. salaan kadib walaal marka horwaxaan filayaa in ay walaalaha sharafta leh ay si wanaagsan kugulataliyeen. bal ana waxaan ku oran lahaa walaal ha is oran dhibaatada adiga ayey kaa socotaa waxaa dhici karta in ay dhakhtarada qaldameen waayo dad badan bay ku dhahaan wax ma dhali kartit hadana way dhalaan oo ilaah baa siiya dhakhtarna wuu qaldami karaa oo waa binu aadam.waxaadna xasuusataa markuu nabi zakariye ilaah uu baryayey waa tuu yiri rabi inii
wahnal cadmu minii washtacala rasu shayban walam a kun bidu caa ika rabi shaqiyaa marka walaal ilaahbaa wax baxshee ilaah bari waxaa la arkaa dad is qaba ilaa iyo 15sanadood waxna is ku dhalin kadib 15 sano uu ilaah wax siiyey walaal waxaa la arkaa in uu dhimanyahay waqtigii ilaah idiin kugu talagalay. wabilaahi tawfiiq ilaah baan khayr kaaga rajaynayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A222

Sunday, November 26, 2000 - 02:37 pm
C/ramaan Ilaahey ha daaweeyo asaga iyo intii muslim ah ee dhabaatadan oo kale heysato.

Adinkana Ilaahey ha idin ka ajar siiyo Talooyinkiina qiimaha badan.
Waxaan la cajabey sida talooyinkiinu u weyneynayaan Qadarta Alle, taas oo muujineysa Muslinimadeena. Waayo, su'aalaha kale bal fiirsha iyo ka qaybkaatayaasha, oo qaarkood aad moodo inaysan Muslimba raad ku laheyn.
Mar kale, Ilaah ha idin ka ajar siiyo!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQOONYAHAN

Monday, November 27, 2000 - 08:45 pm
AQOONYAHAN

SALAAMA CALAYKUM DHAMANTIIN.
WAXAN KU ORAN LAHA WALAAL HADII ILAAHAY UUNA KU QORIN IN AAD CARUUR DHASHID, WALAAL WAXA JIRA CARUURO OO SOOMALIYA OO WAALID LA, AAN HAYSATO, OO SOMALIYA JOOGA ,MARKA WALAAL KA DUCAYSO KUWA OO KA MIDA , AMA LABA KORSO, ILAAHAYNA KHAYRBU KU SIINAYA ADNA AWLAD BAY KUU NOQONAYAAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaa

Wednesday, November 29, 2000 - 07:12 am
Asalaamu calaykum walaal adiga iyo intii islaamaba.
Waan akhristay dacwadaada horta waa yara adagtahay hadiise aad ala u ogaatid awoodiisa wayn waxaan u malaynayaa in wax kasta fududaadaan aniga hada waxaan aqal galay sadex bilood ka dibb anagoon iska hor istaaagin sida dhalinyarada reer galbeed baanu wali waxba hayn marka ilaahay waqtiguu adiga iyo gabadhaada idiin qoray inaad awlaad dhashaan waqti aan ahayn ma dahalaysiin,
Hadaan kuu fasiro micnuhu waa hadii ilaahay qofkale kaa siin lahaa ama ayada ka siin lahaa waqtigan iskumiina soo gaarteen oo ilaahay baaba idinkala wadi lahaa marka dadaalku ma xuma ooo feetamiino cuna oo harjada balse kala taga ha u malayn inuu dhibkiina xaliyo in ilaahay idinkala wado mooyee marka samra oo waxyaaba kale ku mashquula feeta miinada pateranalka la yiraahdona cuna wa salamu calaykum.........

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.