site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HABLIHII HORE IYO KUWA HADA MIDKEE HABOON

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): HABLIHII HORE IYO KUWA HADA MIDKEE HABOON
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xassan

Sunday, November 05, 2000 - 10:46 am
DADKU IN AY IS QIIMEEYAAN AYAA WANAAGAN MARMARKA QAARKOOD,HANA CEEBAYNINA HABLHA WIXIISE MACQUUL AH EE AY KU KALA DUWANYIHIIN AAN ISLA EEGON.
Waad mahdsanthiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, November 05, 2000 - 02:45 pm
walee kuwii hore xasanoow kuwe hore

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

osman

Sunday, November 05, 2000 - 06:54 pm
Runtii kuma xidhna kuwii hore iyo kuwii dambe , ee waa gabadh walba sida ay u dhaqanto hadba waqtiga la joogo iyo ninwalba sida uu arko.
Midbaa si lafiicantahay midkalana la xuntahay.
by Osman.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

prof_troubleman

Monday, November 06, 2000 - 09:19 am
xassan
bari hore waxaa jiray oo sugnaa
inan khayli sidatoon sakadooda dhaafayn
________________________________________

sanadadanna waxaa dhacay inay suuqa meeraan ragana ay salooshaan.
____________________________________________
farqigu waa kaas

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMINA

Tuesday, November 07, 2000 - 02:36 pm
KUWII HORE BIG TIME-- OUR MOMAS N THEIR MOMAS WERE THE BEST LADIES 4REAL.. RAGNA WAA RAGII HORE!!

UNFORTUNATELY ALOT OF THE PPL IN OUR GENRATION GOT THE WRONG UNDERSTANDING OF ILBAXNIMO!!!

ILBAXNAYE ALOW NOO SAHAL!!!!


C YA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

rag yaqaan

Tuesday, November 07, 2000 - 02:54 pm
rag waa ragii hore hadalna waa intii oo yhidii

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Pretty Woman

Wednesday, November 08, 2000 - 08:44 am
Hablo waa kuwi hore in general se' imika hablahu hadey hagaagsanyihiin, waxaa weeyi qaar quality leh, waayo? hablihii hore waxaa la odhanjiray xishooda oo raga si wanaagsan 'uula dhaqmah........xishoodkuna dhaqan buu ahaa......oo inantu hadeey xishoonayso waxaay ahaayd wax inan walbaba laga doonayo...se imika hablihii waa qaar aad u xun iyo qaar aad 'u wanaagsan.
Se ragii weey baaba'een.lol rag ma jiraan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zak

Wednesday, November 15, 2000 - 12:39 pm
prettywoman

what a bout me damn d r u saying i'm not man enough? warkaaga cadee gabaryahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SANYARRE

Saturday, November 18, 2000 - 04:02 am
Anigu hadii aan runta taabto, waxan qabaa gabdhaha hadda jooga ayaa ka fiican kuwii hore (don't get me wrong I love my mother and grand mother dearly).
Waxaanan ku caddaynayaa sida tan:

*Gadhihii hore waxba may qori jirin waxbana may akhriyi jirin. Kuwa haddu way ka duwan yihiin kuwii hore oo intooda badani ragga iyaga ayaabad moodaa inay kaga fiicanyihiin waxbarashada.

*Dumarkii hore aqalka hoostiisa ayuun bay fadhiyi jireen oo ay dheef ka sugi jireen ninka. Oo gabadhu inay soo shaqaysato oo ay aqoon yeelato meesha ayay ka baxsanayd. Dumarka haddu(specially in North America), haweenka somaliyeed way shaqo tagaan oo (pay check)gooda la soo baxaan si kastaba ha u dhacdee.

*Dumarkii hore xaqooda dhabta ah uma aysan sheegan jirin ninka oo hoos ayay u eegi jireen, dhibaato kastana oo lagu samaynjireyna way u dul qaadan jireen. Hadii uu xitaa ninku la guursado way iska dhaafi jireen oo caruurtooda iska korsan jireen.
Kuwa hadu oohhhhh! runta hadii aynu isu sheegno xaqooda dhabta ah ee ayay kugu leeyihiin, hadii ay noqoto ruux ahaan ama mid marwo ahaan si aad u cadd ayay u sheegtaa oo kuma soo xad gudbi kartid sinaba.
(hore waxa u dhici jirtay oo rag badan oo aan aqaano dumarkooda ku dili jireen wax aan macnoba lahayn runtii, markasay meelkasta ku dhufan jireen oo haddana loosoo celin jiray NAA ORODOO REERKAAGA IYO NINKAAGA HAYSO OO SHAYDAANKA ISKA NAAR).

Waxan hadalkayga kusoo gabogabeeyey dumarka hadda iyo kuwii hore iskuma dhowa ee yaan la is barbar dhigin. Anigu waxan ahay nin 100% runtana in la sheego oo aan la warwareegin ayaa haboon. Dumarkii horena way i dhaleen oo sinaba loo kala tagi maayo, waxaase somalida la gudboon in dumarka hore loo mariyo oo aan marnaba hoos loo dhigin.
BULSHO DUMARKEEDA CAGTA HOOSTEEDA GALISAA WAA BUSHLO MUSTAQBAL MARNABA YEELANDOONIN AAKHIRO IYO ADUUN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nadiira

Tuesday, November 21, 2000 - 02:49 am
Waa salaamantihiin intaa ka dib hadaan fikradeyda ka dhiibto waxaa la yiri qarni waliba sabankii qisaba dharaarteed marka u maleeynmaayo in ey kala fiicanyihiin hadii loo eego xaalada waqtigi hore iyo tan hada oo kuwi horena waxay ahaayeen kuwa la heystey xiliga suu ahaa waqtigaa oo hadey damci lahaayeen in ey badalaan waxaan u maleyn lahaa in ey noqon lahaayeen kuwo baadiyoobo oo wax aan la aqoon la soo baxa kuwa hadana ma dhaceyso in ey dib u noqdaan oo sameeyaan wax ey u arkaan dhaqan xun ey ka soo gudbeen calaa kuli xaal qof walba xiligiisii waa la heystey oo lama kala fiicna

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A222

Wednesday, November 22, 2000 - 06:12 am
Jawaabtu waxey ku xiran tahay dhankii laga eego su'aasha sida xagga guurka, dhaqanka iyo xishoodka, aqoonta, siyaasada, dagaalka, iyo la sinnaanta ragga.

Hablihii hore u daa: xagga guurka, dhaqanka iyo xishoodka. Inta kalana looguma tago hablaha maanta.

Waxaa laga yaabaa in aad isweydiisaan, Aqoontu ma saacido miyaa guurka, dhaqanka iyo xishoodka?
Jawaabteedu waa:- qasab maahan inay saaciddo, waliba marar badan bey ku noqotaa codowga koowaad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi mohommud ahmed

Thursday, November 23, 2000 - 01:13 am
walaal gabdhihii hore ayaa fiican

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ismaaa

Tuesday, November 28, 2000 - 10:12 am
waryaaya xishooda oo guryaha ku xarooda waa soone
okey
Ramadaam kariim mowduucyadu ha ahaadaan wax ku saabsan bisha barakaysan ..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hani

Wednesday, November 29, 2000 - 01:44 am
SOON WANAGSAN SOOMAALIYEEY
war waxbaa kadhacay maxeey tahay wexey ku kala duwan yihiin hablihi hore iyo hablahaan iisheega
waryaada mala socotiin waqtiga lagu jiro hada
maxase sababay dhaqan badalida ? koleey jawaab
waa adinka aqyaarta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gacal

Friday, December 01, 2000 - 12:31 pm
haneyay dhaqaki hooyo ha iloobin walaaleywali mindhaa waad yartahay laakiin maalin kale ayaad ogaandoontaa. abaayo intaas waa kaf tan . ee ma kaftami karnaa??? waxaan kaa sugaa jawaaab .son qad wanaagsan haniyey soo bari walaal .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Friday, December 01, 2000 - 01:26 pm
hablihii hore waxay ahaayeen kuwo aan lehilin raguna baadi goobaan.
kuwa haddana !!!!!!!!
eeg heestan ah mid cadaynaysa meesha xaaladu marayso iyo sidii ay ahaan jirtay.
bari hore waxaa jiray
inan timaha dabanoo(laga yaabee inaan u odhan sidii heesaagu uyidhi)
ragu baadi goobaan
bil iyo labana bidhaan arag
ku waayaan.
wax badalay kuwii hore
balo geeso dheeroo
ragga baacsanaayoo
suuqa baratamaayee.

hayga raali ahaaddeen dadka dhibsada,ama ha'iyidhaahdeen,(badow yohow dib how dhigin dadkan soo baraarugay)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hani

Saturday, December 02, 2000 - 03:53 am
asalaa mu calekum gacal warkaga soo day sxb
aqyaarey waxaan idiin shegayaa habli hore iyo hablahaan waa mid waxba kuma kala duwna

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

northrenstar

Wednesday, January 17, 2001 - 04:29 am
to drtrouble-boy

magacaa i dilay waryaa dibjir waynaaday oo afartankii u galay alow yaaa ku ogaada oo leh hablihii horeeeeeeeeeeee war wax kaa galay kuwa hore iyo kuwan toona ma jiree kolay midna ku qaadanmaysee bal adigu meel iska keen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hani

Thursday, January 18, 2001 - 01:28 am
salaan dhamaan haye maxaad habraha dambe ugoyseen
warka soo daaya heeeeee aqyaarta
northen maxaad heysaaaaa?????

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.