site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Walaal ila taliyo, Runtii Talo ayaan u baahanahay. Tks

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): Walaal ila taliyo, Runtii Talo ayaan u baahanahay. Tks
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xudur

Sunday, November 05, 2000 - 07:05 pm
Naagteydu waxey jirtaa Ethopia waxaan u diray Visa , waxxan u gaday isboonsar, waxaa u gaday passport, si kastaba waan sameyey, lakiinse nasiib daro weysoo galiweysay. aniga sharci ma lihi mana bixi karo. waa sagaal sano.caruur iima hayso. maxaan sameeya ma guursada Naag kale, ayadana ma fasaxaa.
by Xudur

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baxar

Monday, November 06, 2000 - 03:07 am
TO:xudur
widayoow naagta iska qab hadii ay naag fiican tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kici

Monday, November 06, 2000 - 05:39 am
xudur walaal waxaa jira leyman ay yurub ku imaan karto inkastoo aadan sheegin meesha aad joogto bal aniga ila soo xiriir aan kuu raadiyee
fadlan drop me email:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 09, 2000 - 01:05 am
walaal waxaan kuula dardaarmayaa in aad la tashato
xaaskaaga hore sabatoo ah madaama ay iyada ku sugaysay sagaal sano oo ay kuu dulqaadanaysay
waxaa haboon wada tashiga labada qafood oo isla nool laakiin ilaah wuxuu kuu baneeyey afar naagood waxaan kuu sheegayaa ha fududaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 09, 2000 - 05:12 am
saaxiib anigu waxaan kugula talin lahaa inaad ka
faaiidaysati waqtigaaga waayo waxaad ogaataa waqtigii iminka ku dhaafa inuusan gadaal kuugu soo
laabanayn,
waxaan u malaynayaa inaadan helayna talo taas ka
wanaagsan,hadii kale qabowga iska celi,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Haboon

Thursday, November 09, 2000 - 09:38 pm
Asalaama Alaykum, xudur aad ayaan uga xumahay arinta idinhaysata adiga iyo xaaskaaga ee kala maqnaasha ah, Walaal taasi waa mid haysata dad badan oo soomali ah maanta, waxaana keenay dhibaatada haysata wadankeenii. walaal inaad samirtid ayaan kugula talin lahaa arintana ilaah ku xir qadarkana xusuusnow, waxaa dhici karta inay lottery hesho oo si lama filaan ah ku soo baxdo marka ilaah ku xir arintaada samirkana ha moogan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 10, 2000 - 09:30 am
walaal waan ka xumahay arinka idin haysta waxanse kugula dalilaha inaad ladashtid xaskaaga unasheegtid dhibaadada idin haysata markaa u sheeg in aad guursanaysid iyadan waydii in ay rabto in ay kusugi karto in dailaahay faraj u furayo hadii ay diido oo diraahdo ma sugi karayo markaa iyadana iska siida.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fiidoow

Friday, November 10, 2000 - 10:52 am
9 sano naag la'aan see ku joogtay duqa?bisinka adaaba bir ahe naag baa u baahantahay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi mohommud ahmed

Tuesday, November 14, 2000 - 03:08 am
walaal talo waa tii ale walaal waxaan kuugu talinayaa in aad sameyso dulqaad oodna is oran
talooyinka lagu siinaya ku dhaqaaq sababtoo ah
adiga ayaad taqaan xaaskaaga siday tahay sababtoo
ah madaama ay toban sagaal sano ay ku sugeysey
waa inaad udulqaadataa aadna go aan ku dag dagin
aadna ilaah aamintaa tala allaah la saarto mid
ka fiican ma heleysid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

La taliye

Tuesday, November 14, 2000 - 08:39 am
Salaan ka dib Saxiib waxaan ku oran lahaa wakhtigu wuu socdaa walina rajo ma haysid waxana dhici karta in uu ka sii dheeraado sugitaanka sharciga iyo imaatinkeeda,waanay dhici kartaa in uu ILLAAHAY idiin fududeeyo oo barri gacalisadaadii ku dul keeno.
Tii roona Ilaahbaa og waxaanse kuu sheegnaa waa wixii caqliga yar ee EEBE na siiyy ku soo dhaca,markaa saxiib mudo yar oo aan sanad ka badnayn raajici in ay wax hagaagaan hdii ay xaaladu ka soo rayn waydo inanta wakhtiga ha ka qaadin hana hiyi kicin ee inta aad meherkeedii iyo xaqeedii u dirto iska fasax waxa laga yaaba in ay wadanka mid ay isku qalmaan ka hesho.
adiguna xabad garoob ah iskaga bismilayso.
nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AYAAN

Friday, November 17, 2000 - 02:49 am
TO xuduR

WALAAL MARKA HORE WAAD SALAAMAN TAHAY KA DIB

MADAMA AY KU SUGAYSAY SAGAAL SANO MAHA INAAD

SIDAA KU SII DAYSO ILAHAY KHEYR HAYDINKU CAWADEE

U SAMIIR INTII WAKHTI AH WABILAAHI TOWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mustafe

Tuesday, November 21, 2000 - 07:17 pm
saaxiib,
U malayn maayo inaad heli doonto xaas kaa ka wanaagsan. Intii horeba samirtee imikana iska dul qaado ileyn iyaduba wey kula qabtaa dhibkee.
e-mail kaaga soo dheji si laguula soo xidhiidho.
Ayaad iyo Ayaad ayaan uga xumahey dhibaatadaa ku heysata walaal.......Alla aamin.
Sharci buga u iibi.......
Aduu xagaad joogtaa?

S. calaykum...........Alle ha kuu fududeeyo arinkaaga walaal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Sunday, December 03, 2000 - 05:56 pm
dhamaan inta talada wanaagsan thanks sida mustafa oo kale intaa kadib walal imaan Alle ayaa uur buuxiya ilmaha iyo imaanshaha xaaskagu ALLEY ku xiran yihiin ee ALLAH jeceloow wax walba ood jeceshahay asgaa kuu qaban koro hana noqon ninkii somay 30malmaad dabadeed qastay samir micii ahoow ALLENA hakuu gargaaro amiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baarka

Friday, December 22, 2000 - 08:35 am
ku:fiidoow furuq ku dil waryaa iimaankiisa ayuu ku joogee haka bad badinewaa lajoogi karaa sagaal sano iyo dheeraad hadaad imaan leedahay.
ku: xudur walaalkiis waan ku salaamey waxaansekugula talin lahaa talo waa tii ilaahee maskiintaas haka jajabinin intaasba waa sugeysey iyadana wey ku sugeysey marka walaalkiis cumri tagey ceeb haku sagootinin ee duceysoo ilaah baryadiisa badi.
garabkaaga ilaah ha galo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sowda

Friday, December 22, 2000 - 10:15 am
salaama caleykum waraxmatu laahi wa barakaatuhu, walaal xudur marka hore ramadaan kariim , intaa ka dib runtii xaaladaadu waa arin adag oo u baahan dulqaad iyo talo rabi saarasho, walaal ogow in xaaskaagu dhibka aad dhiban tahey ka badan heysto, sidaa darteed anigu kula talin maayo in aad ka talo baxdo waayo laga yaabee in samirkaaga la fiirinayo ama in aadba waligaa aadba nolosha ku degi weydo hadaad doorosho dhaw sameyso,marka walaal dadaal oo ale mar uun buu isu kiin keeni insha alaah.walaal xagaad joogtaa??
in aan ku aqaano baa laga yaabaa. nabadeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jamiila00

Saturday, December 23, 2000 - 09:13 am
Salaama laykum

Walaal siduu walaalkeen kugu yiri cimri degay ceeb ha ku sakoodin, ee walaalo isku tay in aadan quusan maxaa yeelay ALLEH baryadiisa lagama quus to ee aboowe isku tay in aadan iska furin waxaa kale oo jirta gabarta waa walaashaa soomali ah weyna kuu baahantahay ee ha dhihin waa ku fasaxaa walaalow kawaran haddii aad ku jiri laheed meeshee joogto ,,,,,,,If u were in her situation what would u do? Marka aboowe ALLEH horta haku waafajiyo wanaaga bal se xoogaa sii ILAAhna u bari in uu kugu keeno iyadoo qayr qabto

Ramadaan kariim
wasalaam alaykum

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.