site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxaan sameeyaa haddaan waayey mid ii qalma!!!!!!!!!!!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): Maxaan sameeyaa haddaan waayey mid ii qalma!!!!!!!!!!!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shankaroon

Monday, November 06, 2000 - 09:47 am
Walaal waxaan in muddo ahba raadinayey mid ii qalma waan waayey ee maaan sameeyaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Roone

Monday, November 06, 2000 - 11:12 am
Su'aashaada jawaabteeda waxaa ka horeeya: Xageed
ka waysay kan kuu qalma, maxaadna u waysay, siduuna yahay kan kuuqalmo eed raadineyso????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shankaroon

Tuesday, November 07, 2000 - 01:51 am
Walaalow waa mid
35-40 udhaxeeya
ugu yaraan leh first degree
Diin leh oo aad u dhawrsoon sunahana raaca
dheer oo qurux leh

Waxba kama qabo guur hore in uu soo maray waayo aniga ayaa soo maray guur hore

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdalla

Tuesday, November 07, 2000 - 02:12 am
shankaroon walaal midku darso rabitaankaaga dadka ilaahbaa abuura ee adigu gacantaada kuma sameysid balse inta aad soo sheegatay waan buuxin karaa inkastoo ay da,deydu ka yartahay inta aad carabaabtay anigu waxaan jiraa 28sano weligii guursan,diinta aad u yaqaana,dheer 182 wixii dheeraad ah waa inoo sir marka hadii aad i daneynayso drop me email.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SEATTLE

Tuesday, November 07, 2000 - 09:19 am
SHANKARON WAQTIGAGA ISKA SUGO KII'
ALLE KUUQOAY ISAGA AYAA ISKA IMAANDOONEE
CALAFKAAGA SUG DULQAADANAN
AM SURE THE RIGHT PERSON WILL
COME ALONE JUST SAMIR AND WAIT
WHO KNOWS PERHAPS HE'S ON HIS WAY
SISTA SABAR

QADAR OR
CALI
OR CALIQADAR.......U CAN CALL ME ANY OF THOSE NAMES OTHER THEN THAT PEACE OUT YA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FREEMAN

Wednesday, November 08, 2000 - 03:17 am
Midwalba oo aduunka ku nooli wuu kuuqalmaa ee adiga ayaan ogeeyn!!!!Marka sidaas darteed waxaan ku dhihi lahaa in aadan iloobin maahmaahadaan oo ah "IL CERVELLO DELLE DONNE E`PROPORZIONALE ALL' APERTURA DELLE GAMBE"

SEE YA

FREEMAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Thursday, November 09, 2000 - 12:43 pm
Shankaroon waad salaamantahay.
Ha u qaadan hadii aad rabitaankaaga soo gudbisay in aad wax is yeeshay ama aad sharaftaadii meel kaga dhacday,waxa aan afeeftan kuugu sii hormarinayaa waxa aan arkay hablo badan oo wixii ay rabeen soo bandhigy dabadeedna qaar ugu jawaabeen waxaan u qalmin oo ay k mid yihiin xishoo,goormaad heerkaa gaadheen ,dumarkii way kibreen,diintiibaa laga tagay,iwm.
Hadii aan dulucda suaashaada u soo noqdo shuruudaada kuma jirin in ninku xaas hore leeyahay iyo inkale.hadii aad minyaro ogoshahay soo dhawaw.hadii kalana Ilaah waxaan kaaga rajaynayaa mid kuu roon oo kuu qalma.Amiin.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaanow

Friday, November 10, 2000 - 12:59 am
shankarooney waan ku salaamey walaal waxey ila tahay in aadan rag oodhan aadan la kulmin marka ha oran sidaa sababtoo ah qof waliba qumanihiisa ayaa qoofta ugu jira, oo qof aan iin lahayn majiro dadkoo idil marka ha ka rajo go,in ee raadi garabkaaga,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qaalid

Friday, November 10, 2000 - 03:55 am
cant believe "garoob" girls have such cut-grade evalution for men. shankaron, those who never married have problems finding there men. let alone you. i think the best choice will be to go for non-somali. how about that?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fiidoow

Friday, November 10, 2000 - 10:56 am
Laa ilaaha ilala laah ar mahaan waa lugu murugay,Shankaroon intaa midkoo boocbooc ah iska raadsa oo tartiib u tuma leheed nin dheer iyo blah blah oo waliba shuruud ku xiree kuwii lasoo aroosin oo waliba first quality ahaayeen oo yacni la taaban aa dhibaata heysataa oo niman la'aan daran aa jirto semenkaan ee aniga waxaan ku dhihi lahaay kii kuugu soo horeeyo oo aragtid dhab siiso tartiibna xarayso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shankaroon

Saturday, November 11, 2000 - 01:23 am
Dhamaan seatle, cabdala iyo Ali waad mahadsantihiin.
Kooxda umaleynaysa in garoobku ka liita gabdhahana waad khaldantihiin, waayo wixii nalagu guursadey oo qiimo ahaa wali baan wadanaa, waxa ay aheed maahmaah soomaliyadeed, " gabar baartey garoob baa ka roon".

Sababta aan u rabo wiil leh astaamahaa iyo qiimigaa ayaan ana u buuxinayaa shuruudahaas, oo ma ahi mid ka qiimo yar.

Waxaa layiri " booyeeso booy bay raadisaa dotooraysana doktoor bey raadisaa", Waad ifahamteen dulucda sheekadeyda.

Ali xaaska aad leedahay dhibi kuma jirto ee ma buuxisey shuruudaha kale.

Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Sunday, November 12, 2000 - 10:09 am
shankaroon
walaal waxaan kuu sheegayaa in aan laguu qorin lakulanka qofka aad raadinayso,ha walwalin waad heli haddii ilaah yidhaahdo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hadraawi

Sunday, November 12, 2000 - 03:03 pm
Hi Shankaroon

Marka hore salaan diiran marka xigta shankaroonay heedheh, Dhaqan iyo hidaa jiray...sharaf la xeeriyaa tiil. Markaa may jirin gabadho somaliyeed oo raga soo holiya ee waxaan ku leeyahay hablahana ha ceebayn adna wax ha isku dhimin. Miyaanad gabadh somaliyeed ahayn, sideed guur u waydaa meeshaad ku nooshay miyaanay rag simaliyeed ku joogin? Umalayn maayo inaad nin wayday ee cilaaq doon baad tahay ee waxaan ku leeyay alahaa ka yaaboo yaan inkaari kugu dhicine qaabkii guurka somaliyeed mar, taladaydu waa taa hadaad diididna way ahaan jirtay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shankaroon

Tuesday, November 14, 2000 - 12:04 pm
Walaalow hadraawi maxaan dhibay, waxaan raadinayaa guur xalaal ah ee ma xaaraan iyo qurunimo ayaan dalbadey.

Diin haddaad u laabatidna anaa kaa saxsan oo sunihii rasuulka scw ayaan rabaa in aan guto oo ahaa " qofkii guursadaa diintaayda saddex meelood ayuu dhamestiray".

Dhaqanka aad sheegatyna gabdhaha ka tagey ma ahi, ee waxaan raadinayaa in aan helo mid ii qalma. Rag waa buux laakiin maan arag mid ilaabqaada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ruug-caddaa

Tuesday, November 14, 2000 - 04:34 pm
Shankarooneey sida ii muuqata sirta nolosha maad fahmin, oo ta dumarka maad fahmin.Waxaan uga jeedaa miyaad ilowdey in wax dhimasho la yidhaahdaa ay jirto oo ka aad doonayso intaad hesho uu kaa dhiman karo ama aad adigu dhiman kartid.wanaaga dadnimaduna kuma xidhna nin dheer ama cas ama degree haysta ee waxay ku xidhan tahay in macnaha guurku leeyahay aad fahamto oo aad khiyaaliga aad isugu sheekaynaso aad iska illowdo,sirta dumarkana maad fahminoo 45 jir markay naagtu tahay waad ogtahay qiimo naagnimo oo badani kuma hadhin weliba in lagu soo furay baad illowsantahay,khiyaaligii lagugu soo furay ayaadna dabada haysaa sidee u raadin kartaa wax islaanimada dhaafsan.muxuu ku tarayaa degree aan qadayn,maad tidhaahdid mid maal haysta, mid iska dheeri muxuu ku tarayaa maad tidhaahdid mid akhlaaq wacacn oo dabeecad wanaagsan oo marwalba i raalli geliya oo naxariis badan oo dareen fiican.
Walaal waxaas oo hadal ah waxaaan ula jeedaa inaad garatid inaad adigu si khalad ah wax u raadinaysid ee aanad waayin nin kuu qalma waayo anigaa sidaas wax u raadin jirey oo ay muddo igu qaadatay debeeto is weydiiyey su'aasha ah maxaad horta qofkaad guursanaysid uga baahantahay? jawaabtiina waxay ii soo baxday waxaad uga baahantahay la dhaqan, haddaba maadaamaa aad la dhaqan u baahantahay maxaa xukuma la dhaqankii? caqli,akhlaaq iyo dareen dadnimo oo wanaagsan kuna dhisan diinta islaamka.Taas weeye ta isu kiin hayn karta ee maaha,degree, dherer iwm.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Wednesday, November 15, 2000 - 09:44 am
well done ruug caddaaga

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeqow

Wednesday, November 15, 2000 - 11:23 am
shankaroon abbaa waa kuu garaabi lahaa aniga laakiin da'da aa raadineeyso waa ka yarahay just 27 marka ka waran qodbo siro, labadoo wiil ama gabar hadaan kaa soo tuuro,,,, don't get me wrong fikradeeyda aan ka hadlaa,,,,, marka halagu maqlo,, byeeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sanyarre

Sunday, November 19, 2000 - 03:10 am
Waar gabadha maxaa lagu haystaa fikradeeda ayay dhiibatee! Waxaynu ku noolahay bulsho dadku afkaartooda dhiibtaan ha qaldanaato ama ha toosaanto e, kolkaa Shankaroon ha kula yaabina (choose)keeda. Aniga sidaas ayay ilatahay aslaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, November 19, 2000 - 01:20 pm
shankaroonay abuurta alaada waxa kasheegto waligaa baadh danbe kuu bixi maayo aaaamiin ka foosha xunba ilaah ayaa abuuray gafkaa dorashada intaad kabaxaayso waxba kuu ma hagaagayaan AAMIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

momoos

Sunday, November 19, 2000 - 06:43 pm
momoos
Shankaroon uma malaynayo in aad nin waysay haddii magacaaga iyo aratidaada is leeyihii waxaan rabay in aan ku arko [ sharuudaha aan sheegtay waan buuxiyey dhinac walba ee ;;Ha walwalinwar baan kuu hayaa weekan dabadiise.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waayo Arag

Sunday, November 19, 2000 - 07:02 pm
Waayo arag[Expert]
shankaroon ma xuma in aad raadisid mid kuu qalmo.haddaba waxaa kula gudboon in aad samaysid shuruudahan:
Waan in aad badisaa Aroostagida.
Waa in aad qaraabo salaanka badisaa.
Waa in aadsamaysaa ilka cadaynbadan iyo soo jiidasho.
WAA in aad yeelataa asxaab badan oo gabdho iyo wiilalba leh .
waa in aad samir yeelataa.
shankarooneey sheekadan sheeda ka hogaadi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jantal aamin

Monday, November 20, 2000 - 01:11 am
shankaroon haweenkaay shib waxaan i raahdaba miyaan kugu shukriyayaa .
dee horaa laguu amaaney marka oo abwaanada
iyo heesaayada soomaaliyeed kuu amaaneen
marka malaha taas weeye dhibku .


1000 karoon abaayo talo hoo ................
calafkii alaad ilowdey taas ogow ilaah baa
calafka qorey marka maalintaada sug ayaan ku leeyahey inta irida lagaaga soo garaacayo
kii ale kuu qorey meehe mid kale heli meydid
marka sis ale talo saaro oo sabur
ogowna in ilaah irsaaqada baxsho oo baniaadamku
waxay sheegaan ama raadshaan ey hadal uun tahey . sis wixii qaadir ku qorey marna seegi meysid ee calafkaaga sug.

waa sidaas iyo anoo kuleh
kuli kherr amiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sihaam

Monday, November 20, 2000 - 04:40 am
sihaam, waanka xumahay walaaleey inaad la,dahay qof adiga kuu qalma waloow qof walba uu fiirsho waxyaabo asaga u qaas ah laakin aan ku yara su,aalee adigu maxaad ka fiirisaa raga qof baa wuxuu eegtaa indheer garad qofna aqoonyahan labada dhinac ah micnaha aduun iyo aakhiro qofna ninkii nin door ah oo waxna gala ayeey eegataa aniga haan waloow aan khalad iyo gaf badanahay waxaan ku oran lahaa hadii aad heli karto ruux kolkii aad xanaaqsantahayna kaa farxin kara noloshaadana wax ka badali kara xaalad kasta oo eey ku jirto inaad raadiso hadii aadan ku ciyaareeyn dadka hadii kale oo lagu xumeeyayna gabdho fara badan baa ku tala galay kaliya ineey ka kaadiyaan ee adna biiri ragu wuu badanyahay .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alxaaji

Tuesday, November 21, 2000 - 09:49 am
to sihaam.. marka dambe shanka roon..
asalaamu calaykum.. bacda salaan..
sihaam walaal waad la tali say haday qaadanayso .. oo ay leedahay caqli wax weeleeya..
marka adiga jasaakalaa khayr..
shanka roon .. sidii hore laguula taliyey .. weli maad fahmin sirta nolasha.. ee quruxdaada iyo degreegaaga waxa an ku dhihi lahaa baro diinta iyada ayaa ku tusaysa sirta nolasha kana daa ciyaarta raga waa walaalahaaye ...
waana lagu soo furay maxaa lagugu furay... waa suaala...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caaqil diini

Thursday, November 23, 2000 - 05:21 am
To.shankaroon

Waan ku salaamay, intaa ka gadaal walaal waankaaga mahadcelinayaa su,aashaada ceebna ma ahan in la is dhaafsado afkaarta, laakiin hadii aad la kulanto hadal aanan kuu qalmin ama wax u dhibayo sharaftaad dumarnimo (dadka qaarkiis) waan kaa raali galinahayaa, maxaa yeelay meeshaani waa maqaaxida kaftanka!!!!. Intaas ka gadaal aniga waxa ay ila tahay in aadan raga soomaaliyeed aadan ka waynaynin nin ku qanciya ama kasoo baxay shuruudaha aad soo sheeegtay, marka waxaaan ku soo koobahayaa taladayda ha ka quusan in aad raadiso calafkaada waadna heli doontaa hadii aad dadaasho (inshaa allaahi)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Haatuf

Saturday, November 25, 2000 - 03:12 am
Walaal Shankaroon,

Ugu horayntii ha u qaadan ceeb inaad calafkaaga soo bandhigto, diinteenuna aad bay u dhiiri gelisaa arintaas. Dhaqankeena haday arintaasi ceeb tahayna waa in laga saaraa, waana xaqiiq in dhaqankeenu lafagur u baahanyahay.

Waxaanse Shankarooney ku odhan lahaa wuu jiraa qof kuu qalmaa laakiin gobihii u baahnaa inaad ka raadisid ruux nolosha kula riixa maadan imaan, waxaadna ka garan kartaa jawaabaha laguu soo dirayo. Waxaan ku odhan lahaa meelaha dadka ahla sunadu joogaan sida masaajidada ka raadi lamaanahaagii. Waan hubaa inaad ka heli doontid.

Ninka hablaha hore loo soo guursaday ceebaynayoow, Rasuulkeenii SCW oo halqigoo dhan ugu sharaf badnaa waad ogtihiin intuu hablo carmal ah soo guursaday.

Shankaroon, walaal dont give up, everything will be alright. Illaah talo saaro, wax walbood Rabbi ka dalbaysona mar walba khayrkooda dalbo.

Waa walaalkaa Haatuf oo ku leh nasiib wacan.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

20 karoon

Sunday, December 17, 2000 - 07:39 am
walaaley seken hand baaba tahay ee maxaad isu cajabisey Mise waxaad raadineysaa Ninkaagii hore Nin aad ku jabisid shankaroon"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Sunday, December 17, 2000 - 11:03 am
Shankaroon waa qof qaymo leh, waa giisiyad soo bandhigtay fikradeeda,way u qalantaa inay hesho ama raadiso lamaaneheedii,waxay wax ku raadinaysaa
hab sax ah,waana ugu mahad naqayaa intaasoo dhan,
haddii lasoo furay macnaheedu maaha inay ayadu khaldanayd marwalba,oo ninkuba waa qaldamikaraa, waana sharci in la isfuro. hadday qaldanayd waa bini aadam oo way khaldimi kartaa, marka intaas iyo in kabadanba way u qalantaaye, maxaad meel uga soowada jeesateen? hadday waxyaalaha qaarkood ka boodsanayd, waad lataliseen oo waxaan rajaynayaa inay waanadiina tixgalindoonto.

Marka walaal anigu sharuudahaaga, da,ahaan iyo degree ahaanba waan kayarahay laakiin waxaan kuleeyahay:

Good luky and keep it up,you'll meet your soulmate.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SULDAN

Sunday, December 17, 2000 - 05:15 pm
SHAN LE MAKARONTAHAY. MARKA INTA KARON BABAD SASDARTEDA WAQTILAGUMA HAYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zamzam

Monday, December 18, 2000 - 01:51 pm
Asalaamu calaykum

Shankaroon waxaan Allaah kaaga baryayaa inuu kuu sahlo mid saalix ah oo qaada qawaamadaada.

Walaalay haday arintu tahay saad ku soo qortay meeshan oo ah inaad la´dahay mid kuu qalma waxaan aamin sanahay inay tahay arin dhacda inkastoo laga yaabo in dadka qaarkood ay la yaabaan qof dumar ah oo wax la´ hadana kolay aniga lama yaabayo waayo? Waa arin igu dhacday anigan jecel inaan kula taliyo.

Hadaan yara jilciyo waxaan ahay gabar soomaaliyeed oo aan la guursanin oo hadii nasab lasheego ku jirta intay soomaali wayn nasab ku dooran lahayd, hadii lasheego diin iyo cilmi diineed(inshaa Allaah) ah ahlu saxwa dhowr sano kitaabkay doonto akhrisan karta, hadii la sheego cilmi maadi ah ka gaartay illaa heer jaamacadeed wadamadda Yurub ugu sita, shaqaysata, da´deeda ay ka yar tahay 30 Ilaahayna uu u dhaliyay qurux Alxamdullilaah.

Saas ay tahay Shankaroonay Ilaah ayaa iga badbaadiyay inaan afka u furto nin ama shaashadda gadaasheed aan wax ka qoro laakiin abaayo waan dareemayaa in uu yahay imtixaan hadaadan haysanin qofkaad la wadaagi lahayd nolosha. Waxaana naxdin kale ii ah aniga in aan la sheekaysto oo uu ila soo xiriiro mid aynaan nolol wada qaybsan doonin waayo? Waa wakhtiga oo kaa luma iyo adigoo aad isbarataan ajanabi hor leh oo laga yaabo inuusan si akhlaaqi ku jirta uusan u harine uu wali hunguri hayo hadii aad is fahmi waydaan - uuna arko inaad wali meel galin.

Walaalayaal hadalkan wuxuu Allaah igu og yahay inaan jeclayn inaan meeshan ku soo qoro laakiin waxaan jeclaaday inaan ugu horayn caawiyo walaashay Shankaroon iyo gabdhaha soomaaliyeed ee walaalahayga ah ee jecel qof nadiif ah oo leh DIIN IYO AKHLAAQ siduu nabigaba (scw) inoo sheegay inay yahay sharuudaha laga rabo ninka raba inuu guursado gabar muslimmad ah. Waxaan ku leeyahay walaalahayga oo dhan: waxaa nabiga (scw) ka sugnaaday xadiis uu leeyahay in qofka banii aadamka ah uusan dhimanaynin illaa uu dhamaysto arsaaqdii uu Ilaahay ugu tala galay intuu aduunka saaran yahay. Waxaa kaloo nabiga (scw) ka sugnaaday in qofka uu helaayo arsaaqdii uu Allaah ugu tala galay laakiinse uu hagaajisto dalabka, habka uu ku raadsanayo arsaaqda.

Marka Shankaroonay waxaan hubaa Ilaahay idinkii anoo aaminsan xadiiskaas oo sababtaas ay iga hadlinayso in hadiiba aad habkaan aad wax ku heshid oo ah INTERNETKA in aad heli lahayd laba gooraba shaqsigaad carabaabatay oo uu gurigaaga kuugu soo gali lahaa laakiin nasiib xumo uu dalabku maray hab laga fiican yahay.

Hadda iyo dan walaalo hadalkayga ha u qaadan xumaan waxaan ahay walaashaa jecel wanaagaada waxaana ku dhihi lahaa oo iga tala ah intaas oo tussala ah ka dib TUB ILALLAAH (Alaah danbi dhaaf waydiiso) ulama jeedo danbi ayaad samaysay hadaah netka isku soo qortay ee waxaan ka wadaa hadii walaal qofka ay arin murjiso waxaa sunna ah in uu Ilaahay danbi dhaaf waydiisto waayo arin aad u baahan tahay oo xalaal ah waxa ka xarimma helideeda qofka waa dambi uu hadda ka hor la yimid qof kastana walaalo waxaa la imtixaanaa iimaankiisa marka Ilaahay u laabo ha layaabin hadaad aragto mid lig cad ah oo aroosyada tagi jirtay oo xaafaddaha wareegi jirtay haday nin heshay sida walaalaha qaarkood ku taliyeen inay fiicnayd laakiin garowso inay ku heshay fadli Ilaahay bishardi haduu ninku yahay mid leh akhlaaq iyo diin, hadiise ay heshay lug cad kale waxan leeyahay Allaha soo hanuunsho.

Walaalo caawa waa bil RAMADAAN AH 23AAD weeye waxaan Allaah kaaga baryayaa mid leh AKHLAAQ IYO DIIN RISQIGIISUNA UU KAFAAF YAHAY(leh awood dhaqaale oo ku filan) adiga iyo gabdhaha kale ee islaamka ah ee cafiifaadka ah ba waxaan Allaak ooga baryayaa mid saalix ah oo leh diin iyo akhlaaq risqigiisuna uu kafaaf yahay.

Waxaan Allaah ka rajaynayaa in gabdhaha soomaliyeed meel kastoo ay joogaanba ay adkeystaan diintooda iyo dhaqankooda Allaahna ku kalsoonadaan una soo noqdaan diintii iyo akhlaaqdii iyo XISHOODKII SARREEYAY ee lagu yaqiinay gabdhaha soomaaliyeed

Walaalayaal iga raali ahaada RAGGA hadaan idinka iloobay ducadii waxaan Allaah idiinkaga baryayaa kuwo saalixiin ah, kuwaas ayay sunnadu amaantay.

Wabillaahi Tawfiiq

Walaashiin Zamzam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jeele

Tuesday, January 02, 2001 - 02:11 am
abaayo waa dhici kartaa in aad weydey mid kuu qalma balse aan ku su aalee ma fiirsatay RIWAAYADII LA DHIHI JIREY XIDIGTII IS XUJEYSEY,marka abaayo waxaan qabaa waa meel uga dhac dhalinyarada somaliyeed hadalkaa ee iska ilaali,waa jeele2@yahoo.com.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jeele2

Tuesday, January 02, 2001 - 02:22 am
zamzam abaayo waa ku salaamey marka hore.tan labaad sanad wanaagsan, tan sedaxaad waxaan ahay nin jira 30 sano hal canug leh,garoob ah laakiin diyaar u ah guur xalaala.diinta waa lagii fiican yahay laakiin adiga oo kale waa jino ninkii iimaan leh ee alla siiyaa.su´aashu waa.
waa kuu han weynahay
hadalgaaga i deeqee
meys hanan karnaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

northrenstar

Wednesday, January 17, 2001 - 04:17 am
walaal
kula yaabimaayo oo aniguba gabadh hanwayn sidaada ayaan ahay ilaa malintii aan 15 ahaa ilaa iyo imika walaahi inaan helin mid ii qalma sidaad soo sheegtay markaa walaal laakiin waxaan aaminsanahay in uu geesigii i hanan lahaa uu jidka ku soo jiro uu albaabkayga hortiisa maalin uun uu soo istaakidoona

walaalo wanadayn yarna bal qaado inan wanaagsan oo meel fiican isl ahaybsanaysa ayaad tahay ee walaal mar dambe halkan ha isku soo quudhin aaminsanowna in goortii ilaaha qoray uun aad guursanaysid


markaa qiimahaaga ha ridin oo netka haku ridin hana aaminin nin wanaagsan ayaad halkan ka heli waayo ninka wanaagsan gabadh halkan oo kale ka raadsanaayo kuma lihi adigu waad xuntahay laakiin walaalo waa siday rageenu yihiin ninka wanaagsana gabadh uu isagu raadsado ayuu rabaa ma aha mid raadsata ee walaal dib iskugula noqo oo naftaada qiimee


to hadraawi

horta murtidii hadraawi oo kale ayaad la timid takale ma netka bilayskiisa yaad tahay meelkasta ayuunbaad taagantahay mise qudhaada ayaa hablo dayday ku dhacay talo kasta oo inani leedahay waa kii ka hadla

no hard feelings

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dddddddddddd

Friday, February 02, 2001 - 02:53 am
nayaa isfsreey nin maheleeyside aamus

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabaddoon

Friday, February 02, 2001 - 08:39 am
Alla hayaay! ninba meesha bugtaa isagay bel beshaaye, Inaabti Zamzameey wax kale ku oran maayee ILlaahay hakuu siyaaddiyo, maxaa yeelay caqli baa ku saaran, qayrkaa aad kaga talaabsatay, garashaa ku saaran, aad arin walba halkeeda ugu dhaadhacdid. talona maskaxdaadaad kaga dheregtey.
Zamzameey aan danqee nabarkayga, la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan, sidii lagu kulmaaba waa sidii kale, meeshuna sidoo kale, macne weyn ma samaynayso hadii wanaag la kala doonayo. ama halkan ha lagu kulmo ama masaajidka agtiisa ha laguu kulmee, in wixii kala is helaan ayuun baa muhim ah. waxana uga socdaa anigu adigaan kaa helay. oo iga xaqiiq ah, ee sidee kuu....... aniga talo wayga hoostay oo ninka kugu mashquulsan baan ahaye, bal soo tali, waxaan maqli jirey nin buka boqol u talisay,,,walaalaha kale ee arinta akhrisanayoowna soo taliya, oo wanaag ku soo taliya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jabuutaawi

Saturday, February 03, 2001 - 01:44 pm
shan karoon
walaal bal aniga miyaad isku kay dayi.bilow
aan si fiican kaaga dago hunguriga.
oo wixii aad tabanaysid aan taalo dheer,u dhisaa.
looooooool.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maan-qas

Sunday, February 04, 2001 - 01:00 am
sharkaroon salaan
walaal wey dhici kartaa hadalkaaga anba sidaa baa aaminsanahey oo kii i rabey ma rabo kaan rabey ma hayo(lol),laakin ogow hadana no one is perfect kaliya rabi baa dhameys tirin,qof waliba meel buu cilad ka leeyahey hadaad aragto qof 60% ok ah inta kale adigu kab hadii kale mr right ma jiro,waqti badan baa kaa dhumaya,soo madan maqal intey diraci istaageyso baa goonbiro wiilkeedu u adeegaa,waaa iga talo gacliso,alaha qeyrka ina waafajiyo. salaaaaaaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samawado

Sunday, February 04, 2001 - 03:54 pm
As/ caleykum, abaa waad salaaman tahay, salaan kadib, waxaad tahay inaan qiimo badan oo raga ka,eegta diin iyo aqlaaq taana waa mida kaliya ee gurigu ku taagnaado, anigana waxaan meesha u soo galay markii aan arkay wax ii qalma waayey aan is iri tanaa kula mida, ee macaanto raadi mid kuu qalma marlabaad yaan lagu dagin iska ilaali diin laawayaasha, kuwa ku caayeyna waa kuwa aad ka carartay, mida kale waxaan ku su,aali su,aashan waa maxay (garoob) ma mid caruur wadataa oo naag weyna, mise mid nin ku qal dan tay oo ka soo carartay oo yar caruurna wadan? iiga jawaab macaanto sidaa iyo nabad gelyo As/caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdi yare

Monday, February 05, 2001 - 12:50 am
to shankaroon abaayo sharuurahaas waan buuxin karaa in kastoo da daas aan ka yarahay aanan waligeey guur soo marin laakiin abaayadiis hadaad baashaal iyo salaax diyaar u tahay wlc hadii kale
alahii dunida ku keeniyay ayaan kaaga bar yeey naa inuu kuu saclo
byeeeeee abdi yare

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ddddddddddd

Monday, February 05, 2001 - 04:46 am
•••• samawade meeshaad joogtid waan ogahay
hadaad kitaabkeyga soo gashid caadi aan kuugu
dhameynaa ee hadalkaad soo qoreysid iskajir
been been haku dhimanin dddd aqoon umalihid ]
naagta halkaan hadalka kusoo qortay dadkaad
waalida kadhaaf naayaa shankaroon aa sharmuut
foolxumo is fareey why ileey aatahay
jiis aatahay ilkahaa kaa dhaa dheer aamu
cidi hadalkeyga kadaba hadasho waa udhameynaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daauud

Monday, February 05, 2001 - 06:19 am
War wax kuu qalma mawaayin een waxaad weydin nin ku rabba, Waxaan u maleynayaa in aad tahay naagaha aada Disco-ga iyo meelaha xun xun ee ismooday in ay dadka kasareyso.
Haddii aad tahay kuwa aan soomagacaabay qof kurabta weligaa ma'arkeysid oo waxaad ka tagtay diinta iyo dhaqanka soomaaliyeed marka walaal waxba ha isdaalin anigana hanna dhibin ee gaaladaadda iskala tumo.
Mid uun balan iiga qaad hasheegan soomaalinimo


Shaydaan hakula garabgalo Gaalnimada

take care

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.