site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxaan yeelaa

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): Maxaan yeelaa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mawliid

Wednesday, November 08, 2000 - 04:14 am
asalaamu calaykum walalayaal

dhibka i heysta waa:
waxaan ahay wiil 27 jir ah weligey gabar dooqeyga ma helin lakiin sanadkaan bilawgiisii ayaan gabar ka heley aad beyna ii qancisey waxeey noqotey midii aan intaa sugaayey, ayadii sidoo kale waxaan noqdey midkii eey intaa sugeeysey, cideeda ayaan isbaraney waxaay ahaa yeen rer aad u fiican dhan walba wax xun ma jirin oo waxaan isku diyaarineyney sidaan isku guursan laheyn markii wiilal saxiibadey ah eey iisoo weriyee in macaanteyda ee balwad leedahay taasoo ah in ey qamriga taa taabato, maalinkaan maqley hurdo waa eey iga soo dhici weysey marwalba fakar ayaan ku jiraa aniga weligey kuma arag, kamana shakin, kuma qiyaasi karo xataa, balwadna sigaar weey cabtaa , marka wixii qof ama labo qof sheegaana wax uunbaa ka jiro ee walaalayaal weli action ma suubin, ee ila taliya sideen ku ogaa daa in warkaasi run yahay. waxaa jirta marmar arin iga shaki siisa taas oo ah in wiilasha waxaas ii sheegey ee gabadheeda rabi jiree ayadiina diidey!
please ila taliya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 08, 2000 - 06:11 am
saaxiib arintaas ku haysa aniga ayay horay ii soo
martay marka taladeeda ayaan ku siinayaa,
waxaan ku leeyahay (hooba naar galaasoo tiimbooy}
macnaheeduna waxaa weeyaan balwada la gal

see you again,
¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤¤

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Wednesday, November 08, 2000 - 09:39 am
mowliid
sxb aanbal isku dayo inaan kaa caawiyo halida sheekada sxb-daa kuu sheegeen run ahaanteeda iyo beenteedaba,waxaad ku ogaankartaa inaad iyada la balanto abaaraha 10 or 9 fiidnimo,intaysan intaas gaarin(xiligaas gaarin)waxaad aadaa bar(meelaha qamrada lagu cabo)u sheeg kan khamrada shushuba in aad soo noqon doontid,markaad soo noqotidna uu kuu soo dhigo koob tufaax shiidan ah kaas oo u eg beer-ka $10 u dhiib isaga si uu arintaas kuugu fuliyo sidaad rabtay,ku laabo inantii waqtigii balantu ahayd marka aad ku soo dhowdihiin usheeg inaan qamriga cabtid intaas oo dhanna aad ka qarinaysay,confuse ayay yar noqontoontaa dhagse how dhigin meel ka durugsan ninkaad la balantay fariiso una yeer ha kuu soo dhigo tufaaxii shiidnaa iyaduna how qaadato inaad halaag tahay ,haddii ay cabi jirtay cabaar markay yar xishooto way iska dalbar whisky-gii ay jiidi jirtay haddii kalese ma cabto ee runta u sheeg iyo wixii lakugu dhahay tusna waxaad cabaysid inay tufaax shiidan yahay.
hadday cabto miyaa xaafadeedii ku celi intaysan sarkhaamin.
byyyy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nadiah

Wednesday, November 08, 2000 - 11:33 am
Mawliid, gabdha si toos ah uu weeydii inay khamriga cabto iyo in kale. Haddi aadaan ku kalsooneen inay ruun kuu sheegeeyso iyo in kale , waxay ila tahay markaa sheekadiina waa qayaali aan sal laheen. Kalsooni la'aan reer ma dhiismo ogoow!!!

dr. troubleboy, waxaan moodaayey inaad intaa dhaanto! badawonimmo ayaa lafaha kaa gashay!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xirsi

Wednesday, November 08, 2000 - 11:56 am
salaanta islaamka kadib saaxiib anigu warkaaga mafahmin maxaa yeeley waxan ufahmay in aad tiri gabadhu sigaar ka ayay cabtaa marka warka soocadee
hadiise aysigaarka cabto isga ayaaba khamrada kaxun warka soocadee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Boodhari

Wednesday, November 08, 2000 - 12:16 pm
Wuu dadaalay trobleboy hase yeeshe kumaan qancin taldiisa waayo waxa dhici kara in ay gabdhu kaa boodo marka aad baarka soo gasho oo aad diba u soo qaban kari waydo halkaana tufaaxii kugu galaafto hadhawna aad ku waalataa walaahi tufaaxbuu ahaa.
Hadaba bad ha is galin Reerbaad dhisaysaa ee runta ka raac,hadii ragii hore been reerka ku soo xero galin jireen runa ku dhaqi jireen,hada ma soconayso hadii aad runta ku rafan waydo hawadaa laguu dirayaa.
Hadna wali way aaminsan yihiin raga oo kama maqna xishoodkii iyo ixtiraamkii ay ka mudnaayeen ragu. markaa isku day in maadaama aad nin muslin ah tahay in aad si toos ah adiga oo meel haboon kula sheekaysanyaa aad u sheegto runta ooah in aad damacsanthay in aad reer taagtaan dhidibada reerkuna yahay runta iyo wixii dhib ha ee jira in aan ka hor sii xalino si aysan hadhaw turuntur ugu noqon una sheeg in ayna isku dayin in ay wax kaa qariso oo hadii ay hadhaw wax soo baxaan ay iyadu masuul ka tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 09, 2000 - 12:46 am
walaal waxaan kuugula talinayaa in aad iska dhaafto shakiga aadna ilaah aaminto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mowliid

Thursday, November 09, 2000 - 02:02 am
walalayaal sidaan horey idiin kuugu sheegey gabadheyda qamri qof ey ka suurowda ilama aha ilaa hada meel aan raaco ayaan la ahay. saxiibayaal miyaan weydiiyaa in ey waxaasi waxka jiraan mise aniga uun baan baaristeyda galo?
mahadsanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

luul

Thursday, November 09, 2000 - 02:19 am
walaal mowlid adi uun baa ogaan kara qof aad jeceshahay wax aay tahay iyo sida wax oga jiraan ?
haddii aay ka suursowdo arinkaa soo baar haddii aysan ka suur toobin oo aytahay qof wanaagsan iyada waydii markaana waa laygu yiri inaad qamriga cabtee maxa a ka jira dheh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TALOXUME

Thursday, November 09, 2000 - 06:08 am
MOWLIID
mowliid waa salaaman

saaxiib waxay ila tahay inaad iyada horta weydiido si xikmad ahna aad u weydiido oo hadaysan cabin xitaa aysan kuweydiin sababta aad u weydiiday......


talo xume.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QaysCAASHAQ

Thursday, November 09, 2000 - 12:50 pm
Maliid waligay nin kaa doqonsan ma arag,hadii aad talo rabto inta kor ku qoran ayaa kugu filan,wax hada kuu dhiman oo lagu orankaraana ma jirto.
Waxaanse kuu sheegaya in raga qaarkii dumarka ay kala soo bixi jireen marfashyada lagu qayilo ayna xaas ka dhigan jireen waxayna eegayeen dookhooga,Jacalkooda,iyo miisaan ay inanta lafteed ku samayn jireen oo soo jiidan jirtay.
Ninbuu Ilaahay kaa dhigaye ama inanta ku qaada oo marka danbe isku day ina aad ka joojiso nin adoo kala ah ayaa kolay baray oo jar uga talaaabsadaye.
Ama k tasho awalba dookh maad lahayne miyiga u doona mid indho iyo dhagaba la.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hibaaw

Thursday, November 09, 2000 - 09:21 pm
Dhamaan Waan idinslamay,wasaan aad uga helay talada Boodhari oon weliba aad ugu qoslay. Mowliid walaal arintaada alaha kuu fududeeyo. waxaan ku oranlahaa gabadhu haday ku jeceshahay sir ma kala lahaan karaysan marka is kuday inaad runta u cadaysid, sigaarka u sheeg inaadan jeclayna welibana aad khamrada ka sii necebtahay, waxaad uga sheekaysaa islamka iyo balwada waxa uu ka qabo ilaahayna sida wanaagsan haku waafajiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

luul

Thursday, November 09, 2000 - 10:31 pm
waxaan kuu rajeynaya ain ilhay kuu fudiyeeyo arinkaaga balse waxaa iswayn diin leh gabarta aad isjeceshihiin seebaadan u ogaan karin waxay tahay iyo wax ay cabto sigaarkaba ogaataye haddii aad ku qaatahay sigaar dee kamrigana waydii waa ay ku sheegin runtee
si dabacsan oga soo sar runta hadii kale iskaga tag nooh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaanow

Friday, November 10, 2000 - 01:26 am
salaan ka dib mawliidow waxa ay ila tahay inaad sida jeesho runta dadkama nixiso waxaad rabtaana waa inaad reer xalaal ah dhistid marka gabadha si cad u waydii hadey qirato in ay shubato ka waani una sheeg reer islaamnimo lagau dhaqayo iyo kamro in ay isi soo galin hadey kaa yeesho iney iska dayso ilaah hau toobadkeento reerxalaal ahna dhista hadey diido waa adiga iyo sidaad jeceshahay hadaeysan jirin arintaasna waa dadkiisheegay iyo danbigood.sidaas ayey ila tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mawliid

Friday, November 10, 2000 - 03:50 am
Asalaamu calaykum dhamaan walaalahayga isku dayey in ay ila taliyaan waana qaatey taladiinii waxna weey ii tartey.

waxaan idiin hayaa news kaas oo ah in aan soo ogaadey in gabadheyda been laga sheegey qamrina in aysan cabin, nimankii waxaas ii sheegayna in aay ayaga booska isla rabeen lakiin eey waa yeen.
runtii horta waa igu doqonimo in aan macaan teeyda ugu shakiyo qamri iyo wax la mid ah maanta aniga uun baa hurdo la'aan isku ridey iyo warer inkastoo aan ahay nin shaki badan oo waxaan jeclahay in aan beri shaleyn dhibna kala kulmin waxaan maanta ka bixi karo waxaay ila tahay in aad i fahmeysiin badankiin. ilaahey baan horey u tuugey in hadii arinkaasu run yahay ilaahey i dhaafiyo hadii been eey tahayna ilaahey aniga i qaboojiyo.

mahadsanidiin again
wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Friday, November 10, 2000 - 09:42 am
mowliid
sxb congratulations!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XIIR

Saturday, November 11, 2000 - 04:49 am
SXB Mowliid , hadaa gabdha jecehsey Runta u sheeg
waxbana ha baarin ee si toos ah u Weydiii
Mida kale saxiibadaa sidey ku ogaadeen maxaa u meydiinweday miyey ku arkaan xageese ku arkaan?

Talada Nadia iyo Luul Raac oo weydii hadey ku jecashaey waxba kaama qarineyso, sagaarkaba way cabtaa weyna kuu sheegtey

Anigu waxaan amaansanhey ineysan waxba cabin ee saxiibadaa mid ka haley kuguna diriyaan marka hadey run sheegayaan talabadaan qaad

1) Saxiibadaa , Weydii Barka ama Meesha(socail club) ka ay ku arkeen, waayo khamriga lama qarin karo sababtoo ah qafku waxuu u cabaa socailising
iyo inuu dadka ku dhex galo

3)Mida kale waxaad is weydiisa saxbada ay leedahey ma leeyihiin balad

Hadii ay saaxibadaa kuu arintaa kuu sheegi wayaan

Waa beeen aaan raad lahayn

ee iyada si Toos ah u weydii.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mowliid

Monday, November 13, 2000 - 01:22 am
xiir ;waan ku salaamey
saxiib wiilasha saaxiibadey ah markaan weydiiyey ma idinkaa ku aragteen waxay lee yihiin dadbaan ka maqalney ee qof i yiri anigaa ku arkey in ey qamri cabto ma jiro. gabadheeda waan u sheegi waxaan kaga shakiyey, anigoo weydiinaya sideey wax u jiraan sababtoo ah labada qof waxaa fiican calooshooda in ey saafi isku yihiin. marka walalyaal aad baad ugu mahadsantihiin waqtigiina qaaliga ah aad kaga fakarteen problemkeyga, runtii waan u baahanaa taladiina.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Sunday, November 26, 2000 - 12:31 pm
hey mawliid salama

walalkiis saxiibkaa wacadawgaga ood u bahantahay marka sidiisa qofku damco inuu guursadona boqol cadaw ayuu yeshaa waxaan soo tagnaa nin ay gabar rabeen iney is guursadaan oo saxibadiis dheheen anagaa naagta ka shaqaynay oo qarkood dhaar mareen markii uu arintii u weydiyey gabadhiina ay u sheegtay waxaas majiraan wuu qanci wayey waxay tiri dhaar ayaan kuu mari wuu qancini wayey waxay tiri maxaad ku qanacdaa wuxuu yiri iney tusiso waxay tiri u yeer ninkii sas kugu yiri ayadna saxiibteed ayey u yeertay ninkii waa loo yeeray kadib waxay tiri aniga miyaad iga qabsatay haa buu yiri waxay tiri dhaaro dhaar ayuu maray kadibna saxiibkeed waxay tiri waan ku jecelaa lakiin maanta ayaan kaa calol go,ay una fiirso saxibada cida kuu ah dharkii ayey dhigtay oo tusiy lankeeda ileen waa qof isku kalsoone kadibna halkaas ayey isu wayeen wiilkiina jacaylkiisi halkaas ayuu ku lumay. sidas darateed qof xumi ma qarsomee gabadha ha xumeyn layirin waa laguu dhamaa hadad mid wanagsan tahay wax xun ma arkeysid INSHA ALLAH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, November 26, 2000 - 01:38 pm
Dagan

Taladaadu way fiican tahay, waxaase kugu diidanahay in loo arko gabadhii xoolaheedu isku dhagan yihiin inaysan ku lug yeelan karin macsida iyo waxyaalaha xunxun.

Taas wax laguma qiimeyn karo, in kastoo halaag calaamadiis tahay. Waxaa lagu qiimeyn karoo siday uga fagaadaan waxii macsi ku lug leh laga soo bilaabo qalbiga ilaa gurigeeda iyo meel kasta oo mareyso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahad

Monday, December 18, 2000 - 02:30 pm
To:Mawliid

saxiib talo iga hoo naagta hadii ay sigaar cabto qamrina waa laga yaaba in ay cabto, marka ka tasho inta aadan shalaayin.
Hadii kale ayadoo alaalax ah baa waxaa utagaaya nin AFARTA XARAF qaba micna "AIDS", markaas adna waa kuu dhamaatay.
SXB guurku ma aha ciyaar ee "INTAADAN FALIN KAFIIRSO".
Waa iga talo walaal tinimo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 19, 2000 - 12:26 am
waxaan ku oran lahaa naag sigaar cabta maxaad ku feshay .waa mida koowaad mide kale.waxaan ku iri naagta cococola dhalo ku jirta sii hadii ay inteysan cabinkahor afka katirtirto waa ay cabtaa qamriga saas samee nabadeey.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.