site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Mas'uuliyadii AABE meeday????????

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): Mas'uuliyadii AABE meeday????????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Thursday, November 09, 2000 - 03:49 pm
Waxaan jeclaan lahaa in raga SML iga dhaadhicyaan waxa u diiday mas'uliyada caruurtooda markay ilmaha hooyadooda ay kala tagaan?
(PLS,si adult ah aan u wada doodno)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Friday, November 10, 2000 - 01:44 pm
AM

Tani waa su'aal wanaagsan, oo ka mid ah kuwa aan jeclahay in ka dhiibto talooyin badan. Balse sii faahfaahi, oo sheeg noocyada ama xaalada aad aragtay, waayo ragga SML(Soomaalida) oo dhan isku mid maahan, ma ka wada tagaan carruurtooda, qaarbaasa ayaga looga tagaa ama loo xoora carruurtooda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AM

Friday, November 10, 2000 - 05:54 pm
Aadan, walaal aniga ragga SMLida oo dhan ma'aanan oran waa isku mid, hase yeeshee waxaad fiirisaa imisa ilmood oo SML ah ayaa koraysa aabe la'aan!
Aniga waxaan doonaya nin rag ah oo ii sheega sida uu damiirkiisa u siiyey in uu ka tago ilmihiisa.
Tan aad leedahay looga tagaa tan ilmaheeda ka tagaysa HOOYO uma aqaan aniga shaqsi ahaan.
Jawaabta aan raadinayo ma haysaa mise maya
MAS'UULIYADOODII MEEDAY????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DRR-TROUBLEBOY

Sunday, November 12, 2000 - 10:14 am
comments to AM
WALAASHIIS WAA QOF IYO DAD NIMADIIS,MID WAXAA JIRA AAN KA FOGAAN IYO MID HALMAAMA RAGGA SOOMAALIYEED KALIYA MAAHAN WAA DHAMMAAN RAG OO DHAN MEELKASTA AY JOOGAAN.
TALO WAXAA IGA AH IN GABDHIHU RAADSADAAN NIN DADNIMO LEH OO WAX KASTOO DHOCO ATLEAST AAN CARUURTIISA KA CARARIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A. 222

Sunday, November 19, 2000 - 02:00 pm
AM

Mas'uuliyadii aabbe dumarkaa ku cayaarey, ayagoon u ka seynin.

Dumarka dibadaha yimid waxey ku dadaalaan inay ragga ka dhigaan kuwo aan dareen u laheyn waxey sameynayaan. Qaarkoodna waxay ku faanaan sidey uga dhigtey dabaal aan dan ka laheyn wax kasta oo ku sameyso joogidiisa iyo joogid la'aantiisa.

Ninkii sidaas laga dhigey, ee noqdey maqanaha jooga, bey haddana ugu ciil qabaan in uu mas'uuliyad iyo fakar la yimaado.
Dadku mishiin mahaan, marna la shidayo marna la daminayo. Qofka haddey u dhammaato, waa u dhammaatey, ee dumarow miraheeda gurto, oo iga daayo catowga iyo calool xumada.

Waxaan ka reebaya xaaladaan, dumarka wanaagsan ee markasta og wixii u roon reerka iyo naftoodaba.

Hadde raggoo dhammina ma fiicna, balse inta waa dhaami lahaayeen haddey heystaan dumar wanaagsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdalla

Monday, November 20, 2000 - 03:31 am
to am
walaal waxaad soo bandhigtay arin aad u salbalaaran taasoo aanan halkan looga kala bogan karin in loo rag badsado mooyaane laakiin aniga caqligeygaan xunka ah hadii aan wax yar oo aan badneyn ka iraahdo waxaan warka u kala qaybinayaa labo kaliya
1)haweenkii oo sida walaalkey a.222 uu soo sheegay farahii ka baxay oo aan loo taag heli karin xoriyadaan beenta ah ee ay ka dhaxleen dhulalkaan ayaa ay moodeen in la gumeysan jiray
taasoo dhaxalsiisay arintan xumi ee ah aabo la,aan caruur ay ku keliyow,garoob.iwm
midbaan tusaale kuu siinayaa AM waxaa ii sheekeysay haweeney danish aheyd waxay igu tiri aniga iyo ninkeyga waxyaalaha qaarkoodna waanu ku simanahay qaarna kuma aanu sinin waan sii waydiiyey suaashii maxaadan ku sineyn waxay tiri masuuliyada guud ee reerka ninkeygaa haya oo majaraha u haya howsha inteeda badan waxaanse isku midkanahay wada shaqeynta reer horumarintiisa waan la yaabay markey sidaa i tiri waxaan ku iri soo ayadii la oran jiray haweenkiinaan raga waad ka awood sareysaa waxay igu tiri waxaanu leenahay xuduudu aanu dhaafi karin oo noo kala xariiqan waxay i xasuusisay arin i yaab galisay waxay i tiri ma gareyneysaa in aanan isku tax amaba canshuur nalaga jarin waayo ayaan iri waxay tiri iskumid ma nihid hadaba waan kala duwan nahay ilaahayna waxaa uu noo kala abuuray sidaan marka isku mid ma nihid midkastaa oo naga mid ahna waxa uu leeyahay xaduudo uusan ka tilaabsan karin marka sidaa ula soco
2)ilaahay farahaaga isku mid kama uusan dhigin AM walaal oo waad kala taqaan adigaba mida wax kuu qabata iyo mida wax ma tartada ah marka sidaa oo kale raggu isku mid ilaahay uma abuurin.waa jirtaa in dhib farabadan dhacay oo caruur farabadan oo aabo la,aan ah la keenay europe iyo america oo hooyo kaligeed ay la ordeyso taas waxaan canaanteeda saarayaa aabayaasha noocaa ah ee caruur kaligood u soo dira dalalkan war iyo dhamaantii anigoo hadalkii soo koobaya dhaliishu waa nagu wada foorartoo dhamaanteen rag iyo dumar ee aanu sida isu dhaano oo caruurteena mustaqbalkooda ka wada shaqeyno.
asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaawo.

Friday, January 26, 2001 - 07:17 pm
S/caleekum kuligiinba marka xigtana waxaan ujawaabaya gabadha su'aasha keentay walaashey waxaa ugu wacan waa dumarkii ookakacay hurdadey kujireen waqtiga badan sida waalidkeen waayo aabayaasheenii horaba qaarbaan dhaamin kuwan hada jooga markaa walaal dumarkiiyo isbadalay iyo ragiiyoon wali wax iskabadalin waayo maqaadan karno waxeey hooyooyinkeen qarsan jireen sida dumarka gacanta loolatago,sida iyadoon lagu caawin ilamaha heentooda,sida dumarka shaqeesta eer ninkuna,intaasey badan koodu uxiiseen waayo imika sharcibaa kayaala.Markey dhacdo ninku inuu ahaado mid intaaba kaxun waxuunan heleen gabadh umahadnaqda markaa walaashey rag iyo dumarba waala qaldanyahay balse ragaaa ubadan

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.