site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MA WAXAA LA IS KU GUURSADAA IN LA IS DHIBO MISE IN LA IS JECELYAHAY?

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): MA WAXAA LA IS KU GUURSADAA IN LA IS DHIBO MISE IN LA IS JECELYAHAY?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dagan

Friday, November 10, 2000 - 03:18 pm
waxaan ahay gabar soomaaliyeed jirta 22,sano leh reer iyo labo caruur.waxaan rabaa walaala yaasha soomaaliyeed in ay igala taliyaan waxa dhibaatada iga haysata.
Dhibaatada waxaa waaye ma banaan tahay in reerka lagu dhaqo been ama ixtiraam la'aan.oo nin ku uu ka hormariyo xaaskiisa dad kakale ee banaan ka ah matalan in adna laguula dhaqmo sidii qof aan muhiim ahayn. dadka kalane loo jajabnaado.
madhib baa hadaan nin kayga waydiisto in uu i ixtiraamo oo aan noqono labo qof oo ilmahooda u ah tusaale wanaagsan.waxaan ku fakaraa mararka qaarkood in aan kuqaldamay guurkayga. hadaan mar kabixi lahaana nolashayda danbe ma guursadeen.
waayo waxaan u arkay in uu sun micno way ugu fadhinin guurka wiilasheena badanaa.
dhibaatada ugu wayn waxaan badanaa dhahaa ninkayga.walaaloo hadaad u aragtit in uu guurku dhibyahay iska kayfur oo raadso wixii kuu fiican.
mana kahelaayo taas mana noqonaayo qof i tusaayo in aan ahay ilmihiisa hooyadoo,qofkii nolasha lawadaagay, in ay nolashu kumacaantahay kala danbayn iyo ismaqal iyo is jacayl.
ma ceeb baa hadii aad u muujisid xaaskaaga in aad jeceshahay?
waxaan mar walba dhahaa haduusan gurgu qaboobayn ilmo wanaagsan kama soobaxaan,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

luul

Friday, November 10, 2000 - 11:22 pm
TO DAGAN
Abaayo waan kusalaamay salaan marka hore.
walaal waxaan kuu sheegin wax aad sheeganayso haddi ay jiraan cid aan alle ahayn aysan kaa caawin karin, ani waxaan ku dhi hi lahaa intaad iskadulaadatit iskuday in aad xaliso adigu dhibaatada idin dhextaala 2 badaiina is qabta waayo waxaa dhici karta inaan necmaansho idin dhex oolee wax yaabo kale aad isla keeni la'dihiin. Waana badan tahay inta dad saas ah(horyaal umatihidin idinku)Ani waxaa ila haboon hadii wax saa u wayn ku kaa haystaan ninkaga in aad hekiisa la socod siisid.
Abaayo ha dhin guurku waa sun waa qof iyo nasiibkiiise. Adigana waxaan kuu rajaynayaa in ilaahay kaadhigo kuwa nasiibka wacan amiin,
abaayo beentaa ma ah waa buuxaan
niman aan fiicnayn rerkuuda.
kuwa wanaagsan waa buuxan
abaayo ma xuma hadii aad tusto ninkaaga jacayl iyo kalsooni waa adi qofka tusilaha waxaa oo dhan
ani waxaan kugu la talin layaah isku day inaad xaliso dhibaatadina adi oo aan furitaan iyo wax kale raadin ilahayna hakuu salo
waa bilaahi toow fiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qaladla

Saturday, November 11, 2000 - 08:35 am
To Dagan:
walaashiis waxaan ku dhihi lahaa iska dul qaado nin kii sabraa baa sad hela. tan kale raga soomaalida badanaaba waa niman u daran xaasaskooda waana kuwo is ka dhisa gabdhaha aan la qabin. ala maxaa dad badan ku sirmaan abaayo macaan ta ay sheegaan naagahoodana uma quuraan abaayo macaan naago kalana way kadaba wadaan soomaali man's losers,girl don't belive him soon or later he will marry again and then he leave u alone please don't wait that. wish u good lucky

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hile

Monday, November 13, 2000 - 09:56 am
waa maxay jaceel? mase jiraa sidiisaba

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Quman

Thursday, November 16, 2000 - 12:00 am
To Dagan: abaayo marka hore waan kusalaamay marka xiga abaayooy ma waxaa jira in ay soomaali is ku guursato jacaly saaxiib see kaa noqotay .
soomaali been iyo borobogaando bay is ku guursdaan kadibna isbuuc iyadoon la is qabin bay furiin iyo qaylo bilaaban marka waxaan ku dhihi lahaa jacayl majiree qiyaanada gees ka gal.
hadaad jacayl rabto cadaan ka baa loo daayey ee bal dhinacooda yara fiiri soomaali niman keeda waa jaa hiliin shuruf ka aan iska dhaqi aqoon.sidii xaya waan kii bay cagaarka cunaan marka kalana hurdaan sidii doofaarkii. jaaw qof yahay ee meesha is kaga carar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadija

Thursday, November 16, 2000 - 10:25 am
asalaamu calaykum
DAGAN sis iska samir waa iska xaal aduune oo waxad noqotaa mid ninkeeda waxii wanag ah ku adeecda. intaas ayaan kugula talinayaa.
waxan halkan uga mahad celinayaa walalhayga sida fiican walalshey ula taliyay waxan idin leeyahay mahadsanidiin.

to QUMAN walaal ma waxaad kula talinaysaa qof muslim ah inuu gaal hoos tago itaqulah ya ukhtii alah subxaana watacaalaa ka cabso sis oo waxa yaala qarkood ka fiirso sis khayr ayaan ku rajaynayaa hadaan u gafay raali noqo sis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zamzam

Monday, November 20, 2000 - 11:15 pm
Minfadlak,

aynu si private ah u sheekaysao ee emailkan igala soo xiriir waxaan u malaynayaa inyanu isku doon saaranahay.

zamzam@e247.com

nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nasteexo

Saturday, November 25, 2000 - 09:02 am
Walal dagan,

horta aad ayaan uga xumaxay walwalka ku haysta qofka wanaagsan waa la imtixamaa adigu matahay mid tukata xususan ALLAh subxana watacaale ma tahay mid u mahad naqda ALLAH wax walba oo uu ku keeno, hadaba macaney jeceloow ALLAH asaga ayaa awood u leh wax walba waxaadna ogaataa inan lagu wareeyn wanaag iyo dhib midna sabatoo ah aduunku waa jaran jar oo marna hoo ayaad ugu dagataa marna kor ayaad u racdaa ugu dabeyn waxaan kuu rajeyn ALLAH inuu kuu hagaajiyo guurkaga oo uu dajiyo qalbigaga ugu danbeyna taldaydu waa inaad jecelaatid ALLAH asaga ayaa kuu awooda wax walba, una samir wax walba, gool iyo farxad.

love nasteexo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dagan

Saturday, November 25, 2000 - 12:30 pm
To dhamaan walaalahayga sharafta leh oo iga laqayb qaatay mowduucaan waxaan idinleeyahay jazaaka llaahu khayr aad ayaad ugu mahadsantihiin waanadiina iyo waqtiga aad i siiseen idinkana miisa aakhira illaahay xasanaad ha idiinkugu badalo.aamiin walaal nasteexo haa walaal waan tukadaa waana ahay qof ilaah kuxirin sikastoo aad ilaah ugu xirnaato hadana shaydaan iyo aduunbaa lagu raacshay iyagaana dhibaatada badanaaba qofka tusa inshaa alaah ilaah baan kabaryeynaa in uu noo hagaajiyo rageena soomaaliyeed xoogaa qurbaha baa is tusay dadka. salaama calaykum waraxmatu llahi wabarakaatu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Friday, December 01, 2000 - 01:48 pm
comments to dagan
walaalo wax kasta aan odhan lahaa horay ayaa loo yidhi oo intii iga soo horaysay ayaa dhamaysay,
marka waxaan ku odhan lahaa samir ogowna in allah yidhi"INNA LAAHA MACA SAABIRIIN"waxkasta way kuu hagaagi hana iska burburin reerkaaga,ilaahna khayr ayaan kaaga rajaynayaa insha allah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RAGGII HORE

Friday, December 01, 2000 - 02:38 pm
Dagan iyo la taliyaasha

Intiina ku talisey samir oo dul qaado, wey mahadsan yihiin, oo talo dhaanta ma jirto.

Dagan waxaan ku oran lahaa, maadan sheegin wax cadeynaya in aad dhib ku jirtid, hal tusaale xataa maadan sheegin. Kaliya waxaad sheegtey in uu kaa fadhilo dad kale, mase sheegin kuway yihiin, ma hooyadiisaa , walaashiis mise dumar kale.
Tusaale hadday tahay hooyadiis, taas waa in aad ku jeclaataa oo tixgalisaa, waayo sidii uu hooyadi ula dhaqmo buu hooyadaana ula dhaqmayaa.
Waxaan ula jeedaa markaad talo dooneysid waxaad dooneysaa DAAWO, daawana ma daaweeyso cudur aan la ogaan.


Waxaan kula dardaarmi lahaa intiina dhibka sheeganeysa iyo inta la talineysey, waa in aad hubsataan waxa aad ku talineysaan iyo waxaad ka talineysaan ama isku beegtaan DAAWADA IYO CUDURKEEDA. Haddii kala dadaalkiinu waxuu noqonyaa naga daboola intii la daaweyn lahaa.

WAA MAHADSANTIHIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaaji Xaaraan

Wednesday, February 07, 2001 - 04:10 pm
TO: DAGAN
Xaqiiqdu waxay tahay 70% waxay isku guursadaan in ay nolol iyo magac wanaagsan helaan. 22 waxay isku guursadaan inay dhallaan helaan. 8% Jaceyl bey isku guursadaan, isagana waa 3da bilood oo ugu horreysa. Xaqiiqdu waa sidaas haddii aad been dooneyso sida Somalida inteeda badanna 110% jaceyl ayaa leysku guursadaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaaji Xaaraan

Wednesday, February 07, 2001 - 04:15 pm
TO: DAGAN
Xaqiiqdu waxay tahay 70% waxay isku guursadaan in ay nolol iyo magac wanaagsan helaan. 22 waxay isku guursadaan inay dhallaan helaan. 8% Jaceyl bey isku guursadaan, isagana waa 3da bilood oo ugu horreysa. Xaqiiqdu waa sidaas haddii aad been dooneyso sida Somalida inteeda badanna 110% jaceyl ayaa leysku guursadaa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.