site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Asalaamu caalykum waxaan rabaa inaad iga la talisaan arintan

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): Asalaamu caalykum waxaan rabaa inaad iga la talisaan arintan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadija

Tuesday, November 21, 2000 - 07:19 am
Asalaamu caalykum

waxaan ahay gabar 17jir ah waxaa dhacday inaad la kul may maalin maalaha ka mid ah wil mansha alaah sunada ka muuqato oo aan khayr badan u ´daninayay walalhi wilki waan la dhacay oo waan ka helay maxaa yeelay qofka diinta ku dhaqma wuu ka fiican yahay dadka kale nasiib daro wilka ma daganayn meeshaan daganahay waxuu ku soo booqday kaliya familigiisa ka dib wuu noqday. hadaba suaalshaydu waa ma danbi baa inay gabadha ku tiraahdo wil waan ku jeclahay. walaalyaal insha alaah waxaad cilmi u leedahiin kaliya iga sheega iyo figradihiina waan mahadsantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jama

Tuesday, November 21, 2000 - 09:37 am
to..khadiija
asalaamu calaykum.
bacda salaan ..
suaasha ad naweydiisay . waxa kaga filan .. gabadhii asxaabiyada ahayd ee isu bandhigtay nebiga naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaate .. marka walaal hadii ay run kaa tahay waad u sheegi kartaa in aad ka damac santahay nolol guur oo aad rabto isaga wax dhibina kuma jiraan laakiin ilaali diinta islaamka marwalba hala khilwoon.....
wixii talo intaa dheer igala soo xidhiidh...
daacad62@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Tuesday, November 21, 2000 - 09:48 am
Asalaamu Caleykum

Walaal su'aashan oo kale waa mid dad badan qalbigooda ku wareegeysa, waana su'aal laga faa'ideysan karo. Runtii aad iyo aad bey u ballaran tahay una dheeraaneysa in cid walba laga dharjiyo jawaabteeda. Waayo KALMADAAS kaliya baaba ah mid xanbaarsan SHAROO DHAN markii sheydaan ka qaalib noqdo, KHEYRNA xanbaarsan markii calaf ku jiro ee Rabbi nogu toosinaya wadada toosan.

Haddaba, aan uga jawaabo su'aasha si tala siin ah:
Horta ha ku dhihin waan ku jeclahay oo toos ah, waayo laga yaabo inuusan diyaar u aheyn, ama uu kaa xishoodo oo iska yiraahdo waa hagaag, waana tan mida inta badan lagu galo dabinka, marar badan lagu dhiso guur aan barako laheyn kuna dhamaada burbur iyo dagaal joogto ah.
Balse dad wadaado ah u dir waliba wiil, soo baaraha in uu yahay nin guur doon ah iyo in kale.
Haddii ay suuragal adiga kuu tahayna, u sheeg oo ku amaan sida uu diinta ugu wanaagsan yahay, sidaas owgeed aad la dooni laheyd mid ka mid ah gabdho wanaagsan oo ehlu diin ah oo saaxiibadaa ah. Tan waxey sahleysaa in uusan ka xishoon waxii uurkiisa ku jira oo ah haddii uu guurdoon yahay iyo haddii kale. Haddii uu guurdoon yahay waxuu ku sii wediin doonaa su'aalo iyo waxyaalaha aad ku ammaaneysid saxiibadaa. Haddii tani timaado u sheeg oo u sharax dhammaan dabeecadahaaha adoon wax been ah ku dareyn kuwooda fiican iyo kuwooda xun ee wax ku kordhin karta qofka guur doonka.
Haddii uu la dhaco, u caddee warka oo u sheeg in aad tahay qofta ku sifowdey howshaan, una raaci waxii kugu qaasbey in aad sheegtid waxaan been u ekta ah iyo waagii aad la dhacdey iyo sababteedii.

Haddii aad calaf isku leedihiin Illaahey ha isku kiin sahlo, hana idin ka dhigo kuwii u adeega diintoodaa islaamka ah!!!

Walaalka Aadan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FREEMAN

Wednesday, November 22, 2000 - 02:50 am
Asalaamu caleykum!!
Qadiija aad iyo aad ayaad u fakertay sababtoo ah fikradaadu ma xuma maadaama aad muujisay rabitaankaaga aadna tixgelisay diintaada iyo dhaqanka islaamka labadaba!!!
aniga waxay ila tahay in aad u sheegi kartid asaga ama hadii aad kataqaan familkii uu soo salaamay qof!!
Nasiib wanaagsan!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dayax

Wednesday, November 22, 2000 - 06:20 am
TO:KHadiijo
Salaamu calaykum
Walaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay su,ashaas qiimaha leh eed ina soo waydiisay Run ahaantii da,daada iyo dadaalka aad ku dadaalayso sunada waa arin layaableh laguna farxo waadna ku mahadsantahay arintaas. Asaagaa (waa gabdhaha Yurub joogee ee kula dada ah (intooda badani) waxa ay ku mashquulsanyihiin jeeniskii ay xidhan lahaayeen iyo habka ay u bushumaha u casaysan lahaayeen!!!!!!??.
Marka KHadiijo mar labaad ayaan kaaga mahad celinahayaa su, aashaada. Amaa jawaabtu waa side ay akhyaartu ku jawaabeen. intaa wixii dheer adiga oo mahadsan waxaad igala soo xadhiidhi kartaa Email-ka ah sidatan (socdaal76@hotmail.com).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ANNONMOUS

Wednesday, November 22, 2000 - 08:50 am
I LOVE YOU KHADIJO.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Runcadeeye

Wednesday, November 22, 2000 - 09:53 am
Khadiijo ma taladiina bey idin weydiisey?
Mise adinkey idin weydiisatey kaalmo jaceyl?

Waa maxey E-mail-ka iska dabadhacaya iyo "I love you ...?

Waar xishooda, oo Alle ka baqa!
Haddaad wax dooneysan soo sheegta, dad badan baa ayaguba dad raadis ah.

Raali iga ahaada, runi waa lama qarshaane.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadija

Thursday, November 23, 2000 - 06:20 am
asalaamu calaykum waxaan halkaan uga mahad celinayaa walaalhayga sida qaaliga ah igula taliyay waxaanan idin leeyahay jisaakumu laahu khayra . walaalkay Aadaan waad ku mahadsantahay figradahaaaga qaali ah . laakiin waan ka xamahay wiilka waxa xariir ah nagama dhaxeeyo oo si aan wax ugu sheegto ma garanaayo walaal. insha alaah ilaahay iga barya inuu i sahlo haduu khayrka igu jiro inuu i sahlo . intaas ka dib waxaan ku fahmay jawaabtaada ama kuwa kale oo walaalhayba inay banaantay inay gabar ku tiraahdo wilay jeceshahay waan ku jeclahay. mar kale ayaan waxaan idin leeyahay waad mahadsantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadija

Thursday, November 23, 2000 - 06:26 am
asalaamu calaykum waxaan halkaan uga mahad celinayaa walaalhayga sida qaaliga ah igula taliyay waxaanan idin leeyahay jisaakumu laahu khayra . walaalkay Aadaan waad ku mahadsantahay figradahaaaga qaali ah . laakiin waan ka xamahay wiilka waxa xariir ah nagama dhaxeeyo oo si aan wax ugu sheegto ma garanaayo walaal. insha alaah ilaahay iga barya inuu i sahlo haduu khayrka igu jiro inuu i sahlo . intaas ka dib waxaan ku fahmay jawaabtaada ama kuwa kale oo walaalhayba inay banaantay inay gabar ku tiraahdo wilay jeceshahay waan ku jeclahay. mar kale ayaan waxaan idin leeyahay waad mahadsantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jama

Monday, November 27, 2000 - 07:32 am
to khadija
asalamu calaykum,,

walal marwalba arin taada u bandhig diinta .. hadii alla idmo....
rabadaan kariim ..
ilaahayna hakuu sahlo arin taada,,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A222

Monday, November 27, 2000 - 02:48 pm
Khadija

Walaaley waligaa ha jeclaan wiil aadan guri u joogin macnaha aan aheyn ninkaagii, waxaayo wadne dumar ma qeybsamo, ragna lama hubo.

Midda kale, sidee ugu sheegeysaa in aad jeceshahey, haddii aan xiriir idin ka dhaxeyn cid idiin dhaxeysana jirin? Mise waa dhalinta Internet-ka?
Tan xataa waa la xalin karaa, hadduusan nagu dhaga adkaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Saturday, December 02, 2000 - 07:33 am
to walaashay islaamka ah khadiija
assalaamu calaykum
walaal waad mahadsan tahay su'aashaasi oo meelahaan lagala xishoodo marna ay haboon tahay waa markii aad xaq doon tahay, walaal waxaan ku leeyahay sharciga islaamka ma'ogolo in rag iyo dumar oo ajnabi kala ah in ay hadaladaas iyo wax lamid ah ay is yiraahdaan ama midkooda uu ku yiraahdo hadalkaas iyo hadal lamid ah, hadaba walaal in sharciga islaamka laga tilaabsado mahaboono, waxaan rajaynayaa in aad ku qanci doontid wixi sharciga islaamka qabo oo aad iska dhaafi doontid wixi talo iyo caqli ah.
to walaalkay Jama
walaal ilaahay hanoo kordhiyo cilmiga diinta islaamka, walaal tusaalaha aad u soo qaaday walaashaa khadiija oo ahaa saxaabiyada oo isku hibaysay nabigeena naxariista rabbi iyo nabadgalyo korkiisa ha'ahaatee, arintaas waa arin ku khaas ah nabi muxamed (s.c.w)waxaana u daliil ah aayad ku jirta suurada al-axzaab, marka walaal adigana sidoo kale waxaan u maleeynayaa in aad qanci doontid maadaama halkaan uu yaalo daliil qaadic ah.
intaas iyo nabadgalyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadija

Saturday, December 02, 2000 - 10:54 am
Asalaamu caleykum

HAAJi jisaaka laahu khayra waa mahadsantahay bro insha alaah waan ku qancayaa waxay diinta islaamka na fartay. hadaysan banaanayna ma sameeynaayi bro mahadsanid mar la baad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Saturday, December 02, 2000 - 01:39 pm
comments to haaji
walaal salaamu calaykum ugu horayn,marka xigta walaal muddo ayaan baranaayay diinta islaam,waxaana aan islahaa wax badan ayaad ka taqaan ilaa maanta aan akhriyay taladaadii aad siinaysay khadiija ahaydna inaan labo qof (male&female) ah aysan isku sheegin dareenkooda gaar ahaaneed taasoo aad tidhi waa wax diinta ka soo hor jeedo,marka waxaan kaa codsanayaa inaad arintaa aad noo sharaxdo bal si aan kaaga faa'iidaysano.
fadlan dhib hayga qaadan inaan ogaado uunbaan doonayaaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Sunday, December 03, 2000 - 08:45 am
to khadiija
walaal waad mahadsan tahay sida wanaaga badan oo aad ugu qanacday jawaabta wajazaaka allaahu khayran.
to dr.troubleboy
walaal mahadsanid sida xikmada leh aad u hadashay walaal cilmiga waa baxar cid soo koobi karta majirto qof banii'aadam ah oo cilmiga ka kaaftoomo ma jiro, qofwalba wuu u baahan yahay cilmiga, cilmigu madhamaado ee insaanka ayaa dhamaada ilaahay cilmiga hanoo kordhiyo alle wuxuu leeyahay (caalim walba cid ka cilmi sareeysa ayaa jira, wafowqa kullu dii cilmin caliim), walaal arinta ahayd raga iyo dumarka in ay isku bandhigi karaan dareenkooda walaal arintaas waxaa kugu filan kutub uu qoray sheekh albaani raximahu allaah oo uu sifiican uga faaloonaayay su'aalaha noocaas isagoo kuu soo bandhigaaya daliilkooda hadana waxaan filaayaa in aan halkaan lagu soo koobi karin, walaal waxaad daalacataa kutubta mucaasirta ah sida (fataawi) yacnii kutubta ka hadlaaya su'aalaha iyo jawaabaha.
intaas iyo nabadgalyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Sunday, December 03, 2000 - 10:20 am
comments to haaji
walaal waad ku mahadsantahay soo jawaabidaada,balse waxaan filayaa inaadan uga jawaabin su'aashaydii sidaan rabay.....igana raali ahoow sxb,
sxb wax aayad ah ama xadiith ah oo si cad uga hortagaaya ma jiraan?
mar hore ayaad tidhi suratul ax-zab,balse anaa taas soo baaraayo haddii aad wax kale hayso fahlan ila soo socod sii.
mahadsanid
and
jazaakal laahu khayran.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi xakiin

Monday, December 04, 2000 - 09:02 am
to.haaji- salaamo caleeykom.
waxaan wax kaa o ranaayaa fikradaad siisay walaasheen khadiijo ilaahey qoraankiisa waxow ku yiri[fa in tanaasactom fii shayin faruduuho illa laahi wa rasooluhu.marka waxaan kaa rabnaa in aad na siiso aayad qoraan ah ama xadiith saxiix aha. ama kuligeenba rayigeena ayaan ka hadalnay oo markaasna khadiijo waxeey qaadaneeysaa mid keenii u wanaag sanaad0.
wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Wednesday, December 06, 2000 - 06:55 am
to troubleboy and c/xakiin
assalaamu calaykum
walaalayaal aad ayaad u mahadsan tihiin maadaama aad ka hadlaysaan aayad qur'aan ama xadiis nabi muxamed (s.c.w) maxaa yeelay qofka mu'minka mar walba wuxuu ka danbeeyaa aayad qur'aan iyo sunnaha nabi muxamed(s.c.w) jazaakumu allaahu khayran,
walaalayaal waxaa jira aayad ku jira suurada al-axzaab aayada 31,aad oo ah(falaa takhdacna bilqowli fayadmaca alladii fii qalbihii maradun waqulna qowlan macruufan) micnaheedana waxaan u maleenayaa in aad fahmaysaan marka walaalayaal dalaa'isha aad ayuu u badan yahay waxaana u maleeynayaa in halkaan aan lagu soo koobi karin ee waxay noogu diyaarsan yihiin kutubta ee aan daalacano.
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jama

Thursday, December 07, 2000 - 07:41 am
to xaaji ..
aslaamu calaykum ..'
sxb horta aad ayaad u mahadsan tahay waxa aan kuu rajeynaya khayr ...
balse arinta gabadha waa masalo diini ah oo u baahan qiyaas ..waana qodob asaasi ah oo ay ku dooranayso nolasheeda..markaa sxb nebigu c.s.w waxa uu yidhi ku doorta guurkiina afar shay . qurux, maal , nasab, diin ,, waxa uu ka soo reebayu diinta oo qofka lagu dooranayo markaa hadii ay gabadhu ka heshay wiil diin leh way u sheegan kartaa wax diina oo u diidayana maleh sxb waayo tusaale caqli ah hadii wiilku uu gabadha doorto yaa u sheegaya in wiilku rabo gabdha . ilayn waa isu ajenebiye.. sas oo kale majiraan xadiis iyo aayad u diidaysa gabadhaa in ay u sheekato wiilka arin taa oo ahiyada oo ka doonaysa guur xalaala...
marka sxb waxa an ku leeyahay aayadaha iyo axaadiis tuba waxa ay leeyihiin fahan iyo qayd marka ..hadii aad hayso dalaa,ilu diidaya gabadhaa arin taa xalaasha ah noo keen wa kaa su gaynaaye sxb,,
rabadan kariim.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Thursday, December 07, 2000 - 09:41 am
haaji
sxb waad mahadsan tahay runtii(jazaaka laahu khayran)waan helay daliilkii kana helay suuratul al-axzab,
mahadsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Thursday, December 07, 2000 - 09:56 am
Dhaammaantiin ajar Allaha idin ka siiyo dadaalka iyo talooyinka wanaagsan.

Madoonayo in aan sheego wax aan la sheegin, laakiin kaliya waxaan rabaa in aan ku adkeeyo qof kasta oo doonaya in uu talo siiyo walaalkiis, in uu aad iyo aad uga fiirsado sida uu talada u deeqsiin lahaa, Qofkaas iyo kunka kale ee aqrisanaya talada. Dadkani waxey iskugu jiraan mid aan aqoon la heyn ilaa iyo mid aqoon leh. Waxaa ku jira kuwo aqoon leh balse aan diin laheyn, ama iska fududeysta oo doonaya inay aqoontooda ku qayaan inta kale ee daacadda ah sida gabdho badan, oo si fudud loo qayaano.

Jawaabo badan baa wada sax ah, marka laga eego sida ama dhanka uu ka fiiriyo qofka jawaabaya.
Balse marka laga eego dhinaca qofka qaadanaya abuuri karta in lagu galo baxar iyo fidno.

Ka soo qaad in jawaabta lagu koobo in gabadhu ku oran karto wiil waan ku jeclahey, ee aan la raacin wax kale, waa arin keeni karta in dad badani u qaataan ama u adeegsadaan inay bannaan tahay in wax lawada qasto.

Marka waa in wax kasta la faahfaahiyaa, oo ugu horeyn laga duulaa, in wiil iyo gabari kala xijaaban yihiin. Marka kaliya ee sheeko dhexmari kartana tahay, markii guur yimaado. Guurkaas oo gabadha wakiil laga yahay sida waaridkeed, walaalaheed, ama maxkamad islaami ah(duruuf owgeed). Markii howshaas qaban qaabadeeda guud la soo dhammeeyo ee u baahdaan inay is arkaan labadii isguursan laheyd, ayagoo jooga makaan mucayin ah, haddii wiilku u soo jeediyo gabadha inay ku dooneyso ama ku jeceshahey xaaladdaas, haddey gabadhii tiraahdo: walaal waan kugu doonayaa ama kugu jeclahey, waa arrin qiimo sameyneysa waayo waxey ka beysaa oo soo qatimeysaa aqalkii dhismihiisa la wadey, waana loo baahan yahay.

Ugu danbeyn walaalayaalow qofka yaan loogu jawaabin sidii asagoo ku maqlaya ama kula fahamsan sida aad ka waddid, ee ha loo jawaabo sidii ayadoo dadkoo dhan wax loo sheegayo. Weyna adagtahay in isku mar dadkoo dhan hal wax laga wada qanciyo, midbaa doonaya xataa in qoraalka la fahamsiiyo.

Mar kale iga raali ahaada, walaalayaalow

ALLAAH KNOWS THE BEST!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Friday, December 08, 2000 - 08:54 am
To dr-troubleboy and aadam and jama
assalaamu calaykum
walaal dr-troubleboy aad ayaad u mahadsan tahay sida wanaagsan oo aad ugu qanacday jazaaka al-laahu khayran.
walaal aadam adigana sidoo kale waad mahadsan tahay waanadaada qaaliga ah jazaaka al-laahu khayran .
walaal jama adna sidoo kale waad ku mahadsan tahay sida wanaaga badan oo aad uga hadashay fikradaada ama sida aad u aragtay ilaahay hanoo ziyaadiyo cilmiga diinta walaal xadiiska aad soo qaadatay wuxuu ahaa (dumarka waxaa loo guursadaa afar waxyaalood oo kala ah maal,qurux,sharaf,qabiil, ka dooro diinteeda gacantaada habooroowdee) marka walaal xadiiskan macadaynaayo in ay dumarku ay u sheegi karaan arintooda raga ajanabiga ka ah iyo in kale ee wuxuu u baahan yahay daliil qaadic ah oo arintaas banaynaya mana jiraan, walaal sideeda arinta raga iyo dumarka ilaahay aad ayuu u kala dhowray markii culimada ay ka sheekaynayaan arinta zinada waxaa fududeeya aragtida,hadalka,balanta,taabashada, intaas oo dhan waxay yiraahdeen waa muqaddimaat azzinaa waana xaaraam alle subxaanahu watacaalaa wuxuu yiri (qullil mumuniina yaqudduu min absaarihim, iyo waqullil muminaati yaqdudna min absaarihinna) idan maadaama uu ilaahay faray in isha lakala laabto hadalka muxuu noqon karaa walaal sideedana naagta ajanabiga kaa ah codkeeda waa cowro mahaboono in ay raga aktooda ku dulhadaho, marka walaal arintaas si fiican iskaga eeg oo kutubta u daalaco.
intaas iyo nabadgalyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jama

Saturday, December 09, 2000 - 07:22 am
to xaji
aslamu calaykum..
saaxiib bal wa inoo markale waxa an dib ugu noqonayaa daalacasho markaa wixii soo siyaada ilaah ha ina tuso....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Sunday, December 10, 2000 - 07:14 am
To jama
assalaamu calaykum
walaal aamiin ilaahay hana wada tusiyo wixi khayr noogu jiro, walaal ajir iyo xasanaad hakaa siiyo dadaalkaaga iyo xaqdoonkaaga wanaagsan,
walaal aan isku soo duceeyno (dacwatu alqaa'ib waa mustajaaba) sida uu nabigeena muxamed s.c.w oo inoo sheegay.
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fartunmalaaq

Sunday, December 10, 2000 - 12:19 pm
walaal qadiijo waxaan raacsanahay talda walaalkaga xajia iyo jaamac.
nasiib wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

geele

Monday, December 11, 2000 - 01:57 am
dear sister in islam,
may the blessings of ALLAH be upon u ,after that iam happy with u sister for your ideas that you are looking for a holy man .with me that is what i could advice with amuslim sister so i pray for u so that ALLAH help u .but be in the right as successor are always in the right way and also i wish to contact with u in advance.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, January 18, 2001 - 09:24 am
asalaamacalaykum khadiija aniga waxay ila tahay in aad la socodsiiso ninka aad jeceshay adigoon u qaadan in ay tahay dambi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kiin

Friday, January 19, 2001 - 07:02 am
TO:ALL OF U.
Assalaama Caleykum Waraxmah.
Waxaa wax lagu farxo ah sida aad isku maqleysaan oo aad wax ukala korarsaneysaan,Allaah hanoo siyaadiyo is adeecida dhexdeena ah Aamiin.
markaan kusoo laabto khadija sis.waligeey wax kuma qorin som.net laakiin runtii adiga waan kuu damqaday, waxaan aniga ku dhihi lahaa jaceylka aad qabto sheeg taas waxan ku waafaqsanahay Jama ee ka qaado laakiin kuma waafaqsani in aad isku hibeyso sidii gabadhuw tusaale usoo qaatay waayo kad jeceshahay qalbigiisa malagjibriil looma soo dirin oo lama dhihin jeex kanadiifi xumaan. arin taas waa ku gaar nabi M.S.C.W. Habka sheegista ka qaado Aden waan ku waafaqsanahay laakiin maya in aad u dirto dhaliyaro, ku koob arinta labadiina oo kaliya waa in taas oo aay ayaguba ku dam caan markii aay ogadaan in aad guur doon tahay,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kiin

Friday, January 19, 2001 - 07:48 am
F.GAAR AH.
Uqti filaah khadija.
HAAJI.hadalkiisa goska danbe ku qabso waayo waa kuu kaalmo iyo garab qof kii xishood ku amra Anigana waan ku qabsan doo naa, waana uu noorun sheegay marka uu yiri (kalmadaas ayeey shar kuligeed ku jirtaa )Runtii Fidno ayaan ku nahay raga Wiilasha som.na wadna hoodu aad ayuu ujilicsanyahay wali ma arkin nolasheyda wiil som.ah ama lama hadlin illaa aay dhacdo waxaan ka dareemaa in uu idamcay taasina qatarteeda ayeey diinta uleedahay, sikastaba ha noqotee adiga ayaa naftaada iga og hadii aad xaq ku taagan tahay oo aad daacadtahay wiilka isku day in aad hesho kana dhabeey oo guurso xataa hadii aad gadaal ka aragto waxyaaba ka qaldan dabeecadiisa marba hadii uu ku fiican yahay diinta, waayo heli meysid 100% qof ah adeegso xishoodkaada oo jecaylka yuuwsan kugu xibaarin in aad sanbariiraxato ama aad sibqato.I Love u. sis. liwajihillaah!
WABILLAAHI TOWFIIQ:
hadii ey qof idin ka mid ah aragto wax aan qallday gadaal waad iga sixi kartaan
FLYATAFADAL!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

galimoow

Monday, January 22, 2001 - 02:15 pm
to;khadiijo abaayo waxaa dhahadaa ninkaa waa kaheleyna lakiin waa jeclahay hadhihin maba isabarneena hadii aad ulatagto waxaan rabaa guur wuuba kayabaya ee marka hore adoon waxa u sheegin caadi ubaro walaal tinimo kadibna waxa walaba waa sheegi karta mudo kadin aniga sidaas ayaa wano iga ahna ilaahey hakuu fududeeyo

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.