site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SOONKA BISHA RAMADAAN YAY KU WAAJIBAYSAA

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): SOONKA BISHA RAMADAAN YAY KU WAAJIBAYSAA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Sunday, November 26, 2000 - 09:08 am
Assalaamu calaykum
walaalayaal sida aad lasocotaan waxaa nagu soo food leh bisha barakeeysan ee ramadaanka ah marka waxaan jeclahay in aan kala ogaaano cidda ay ku waajibayso iyo cidda kale si annagoo aqoon u leh aan u soo dhaweeyno bisha ramadaan waa marti nagu soo socdee.
walaal soonka bisha ramadaan waxay ku waajibaysaa qof walba oo ku sifoobo sifooyinka soo socda, rag iyo dumarba ha ahaadaanee :-
1- (Al-islaam)waa inuu muslim ahaadaa.
2- (Al-tamyiiz)waa inuu ahaadaa qof kala sooci kara xumaan iyo wanaag.
3- (Al-baalig)waa inuu qaangaar ahaadaa.
4- (Al-muqiim)waa inuu magaalo joog ahaadaa.
afartaan sifooyin waa afarta sifo oo qofka hadii laga helo soonku waajib ku noqonnayso, hadii uu midkoodu uu maqan yahay soonka qofkaas waajib kuma aha.
idan waxaan u maleeynayaa in aan fahannay cidda ay ku waajibayso soonka bisha ramadaan,
walaalayaal ramadaanka waa bil barakaysan waa marti nagu soo food leh ee aan soo dhaweeyno oo barakadiisa aan ka reebano, barakadiisa waxaa kugu filan inta magac uu leeyahay halkaas bil (shahrul-mubaarak,shahrul-gufraan,shahrul-raxmah,shahrul-citqi,iwm)
nabigeena naxariista rabbi iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri(shahrun awwaluhuu raxmah, wa'owsaduhuu maqfirah, wa'aakhiruhuu citqun minan naar).
idan waa hal bil oo sanadii halmar timaada waxaa laga yaabaa in aan gaari wayno sanadii dambe ee aan ka faa'iidaysano sanadaan oo aan ka reebano barakadiisa iyo khayraadkiisa.
intaas iyo nabad galyo
sadiqalqa@hotmail.com
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, November 26, 2000 - 11:37 am
Haaji

Bal ku noqo #2 iyo #4, waxaa laga yaabaa in xagga tarjumidda kaala qaloocatey. Waayo dadaal baa kaa muuqda.

Mar kale soo sax qodobada 2 iyo 4.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadija

Monday, November 27, 2000 - 06:07 am
asalaamu caalykum

Jisaakalahu khayral jisaa.
walal qobadka 4 ma waxaad ka wadaa inuusan safar ahayn oo uu dagan yahay misa kuma fahmin ee ma noo sii sharixi kartaa waxaad ka wadid magaalo joog. yacni qofka baadiyaha joogo ma soomaayo miyaa. walaal kama wado inuu ku sii dhibo laakiin waxaan jeclaystay inaad noo sii fasirtid waxaa ka wadid . mahadsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Monday, November 27, 2000 - 07:44 am
To:anonymous iyo khadija
assalaamu calaykum
walaalayaal waad mahadsan tihiin sida wanaaga badan oo aad ula socoteen casharka gaaban iyo fahamkiina oo qaaliga ah, mida kale raali iga ahaada hadii aan faahfaahinta aan gaabshay.
qodobka 2- (Al-tamyiiz) waa inuu ahaadaa qof kala sooci kara xumaanta iyo wanaaga micnaheedu waa inuu ahaadaa qof caqli leh oo aan waalnayn.
qodobka 4-(Al-muqiim)waa inuu ahaadaa magaalo jooge micnaheedu waa inuu ahaanin qof musaafir ah oo uu ahaadaa qof dagan baadiyo ama magaaloba ha ahaatee.
wixii kale oo ishkaal idinka gala waad i waydiin kartiin mahadsanidiin.
intaas iyo nabadgalyo
wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadija

Tuesday, November 28, 2000 - 05:27 am
Asalaamu caalykum

walaal maa mahadsantahay jisaakalahu khayral jisaa waan famay hada. Ramaadaan wanaagsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Tuesday, November 28, 2000 - 08:29 am
To khadiga
assalaamu calaykum
walaal adigaa mudan ilaahay ajir iyo xasanaad hakaa siiyo hadalkaaga wanaagsan iyo fahamkaaga sareeya ramadaan kariim
wassalaamu calaykum

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.