site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

10 aad ku hormarin karto guurkaaga.

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): 10 aad ku hormarin karto guurkaaga.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xareed

Wednesday, November 29, 2000 - 06:03 am
Walaalayaal waxaan halkan ku soo bandhigayaa tobankan qodob ee wax ku oolka ah balse midbaan ka cudurdaaranayaa qofwalba si ayey ula muuqataa fikradiisa marka hadii aad ku aragtaan amaba aad doonaysaan in aad wax ku darsataan waa fasaxan thiin.
1.XUSHMADA.
in labada qof qofba qofka kale xushmeeyaa,weneeyaa,la socdaa talooyinkkisa.
2.GARAB ISTAAGA.
waxaa lagaa rabaa ninkoow/haweentooy in aad garab istaagto,wax ka qaadato adigoo ku darsan kara talooyinkiisa iyo habka uu uu rabo amaba ay u rabto in uu ku hormaro odeygaaga/haweentaada.
3.KA FARXINTA.
qodobkan waxaad moodaa in uu aad noogu yaryahay soomaalideena ama dadka ka farxiya haweenkooda /nimankooda ay aad u yar yihiin,haweeneydu waa hooyadii guriga,shaqada guriga oo dhan ayey ayadu isku xilsaartay waanu wada ogsoonahay in ay naga hayso qayb balaaran oo reerka ah in aad ka farxiso bishiiba mar amaba labadii asbuucba mar waa ay wanaagsan tahay u keen hadiyad qaali ah,amaba hadal wanaagsan iwm.
4.KA ILAALI DHIBKEEDA.
waxaan ula jeeda ha ku sameyn wax aysan kugu sameyseen,sida ka jeedsasho aad ka raacdo haween kale,hadalada dhiba oo la xiriira arinta maserka.
5 NOLOSHEEDA KA DHIG MUHIIMADA KOOWAAD.
qofta nolosha kula qaybsaneysa waa aad garan kartaa in ay kugu weny tahay hadaba sii xaqeeda,ha ku cayaarin,nolosha kugu sareysa la jecloow,adiguna haweenyahay sidaa oo kale odeygaaga ha kuu ahaado dahab iyo wax ka qaalsan.
6.XIISAHA.
in labada qof isxiiseeyaan waa arin wanaagsan oo aan soo jeedinayo waxaanse ka reebayaa haweenka in aysan bilaash uga bixin gurigooda xaajada ay u baxayaana ay tahay arin weyn,balse waxaan raga waxaan leeyahay iska soo horjeedka badani waa la siku dhibsadaa xoogaa soo maqnoow waxa aad ku maqan tahayna ha ogaato xaaskaaga.
7.HA U CAROONIN XAASKAAGA/NINKAAGA WAX KA BADAN SADEX CASHO.
hadii qilaaf idin dhex maro waayo waxaa horey loo yiri carab iyo daan ayaa isugu dhow iyaguna waa isqabtaane ha ka tagin guriga,ka shaqee xalinta arinta yaanu sheydaan idinka dhex faaiideysan adigoo si wanaagsan u fiirinaya xaalka islamarkaana hadii aad qaldan tahay garowsanaya qaladkaaga kana cafis dalbanaya xaaskaaga/ninkaaga.
8.CAYDU WAA INAAD KA ILAALISAA AFKAAGA.
hadii xanaaq dhaco ha caytamin walaal afkaaga ilaali waayo haweenku inta badan ma ilaawaan cayda xumi ee lagu yiraahdo afkaaga bar eryada wanaagsan sida xabiibi,gacaliso,iwm
9.WAXTARKA GURIGA.
guriga inaad ka caawiso haweentaada waa kuu wanaagsan tahay hadii aad rabto reerkaaga inuu waaro oo ilaahay idinka dhigo kuwa isku waara guriga oo aad ka qabanqabadaa waxaa ay u aragtaa haweentu in aad jeceshay islamarkaana u naxariisaneyso.
10.SAMIRKA.
qodobkan aan ugu dabadamariyay fikradaheyga waa kaalin muhiim ah oo aan la,aantiis aysan waxba kala soconeynin in qofba qofka kale u samro waa la idinka baahan yahay hadii aadan u samreyn dhibkeeda xanaaqeeda,caradeeda yarta ah gabadha waa ay balaaraneysaa waxaana suurrgal ah in ay sabato ilaa heer bubur marka ha la siku samro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Haatuf

Thursday, November 30, 2000 - 12:11 pm
Walaal Xareed,

Eebbe ha kaa abaal mariyo weedhahan haboon eed walaalahaaga soomaaliyeed ugu deeqday.....

Waxaa xaqiiq ah in haddii talaabooyinkaa lagu dhaqmo ay guryo badan oo dumay jiri lahaayeen. Waxaanse rajaynayaa in Eebbe xaqa ina garansiiyo, shaydaankana inaga dhex saaro oo ummadeenu noqoto kuwo garta kasana xaqa ay ay isku leeyihiin iyo waajibaadka ay kala mudan yihiin.....

Waa walaalkaa Haatuf oo ku leh halkaa ka sii wad..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nadira

Friday, December 01, 2000 - 04:46 am
Xareed walaalo intaad qortay ba waa run laakiin mantaa waa laga guuray waxaa soo dhan oo waxaad arkaysaa nin iyo naag is qaba oo respect aan isu hay ood is odhanaysid labadan maxaa isu keenay.Waxaad moodaa in la isku khasbay ninku naagtiisa wuu ka cararayaa yadna way nacaysaa markuu agaarkeeda joogo markaa banad fahmay in ay dadka somaliyeed oo dhami sidan yihiim mise waa qaaar.

Anyway walalo waad sax santahay 100%.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xareed

Saturday, December 02, 2000 - 08:14 am
to haatuf iyo nadiira asalaamu caleykum
walaalayaal waad ku mahadsantihiin sida aad ii sharafteen allaha idin sharfo,walaalayaal waxaa hubaal ah hadii soomaalidu sidiina oo kale u fakari lahaayeen in uu aad u yaraan lahaa arinta reerka.
hadii aan u soo noqdo nadiira suaasheeda.
abaayo dadku waa isqabanayaan oo taasi waa qasab laakiin qof walba ilaahay si ayuu dabeecad ugu sameeyay waxaa laga rabaa inaad xasuusnaato in ay qofkan aad la nooshahay amaba xaaskaaga ah/ninkaaga in ilaahay dabeecad u sameeyay sidaana aad ku soo raacday markaad dadka kale ka soo xulaneysay hadaba weli waxaa lagaaga baahan yahay inaad weli sidii kula sii joogo.oo aad aragtaa wanaageeda/wanaagiisa kale,ha arko qofba qofka kale wanaagiisa,ilaahay waxaan ka baryayaa in ilaahay xaasaska soomaaliyeed isu wanaajiyo tusana wanaagyadooda aamiin. asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

morgan

Friday, December 08, 2000 - 12:45 am
u know what i love this pach and i am not even marrid.thanks bro i realy like this hope it helps other than me too.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.