site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ILTALI AQRISTOO WAXAAN JECELAHAY NIN BALWAD LEH

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): ILTALI AQRISTOO WAXAAN JECELAHAY NIN BALWAD LEH
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muna

Thursday, November 30, 2000 - 07:10 am
salaan dhamaantinba ramadaan wanagsan
waxaan rabaa talo in leysiiyo waxaan jecelahay
wiil soomaaliyeed wiilkaas wuxuu cunaa jaad anigana kama helo jadka sideen wax yelaa kama marmee marna wuxuu cabaa qamri walidkeyna ima
ogolo maxaan kayelaa lataliyoo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Thursday, November 30, 2000 - 07:26 am
salaanta islaamka kadib ramadaan kariim
walaal anigu waxaan ku oran lahaa jaadka waalaga
yaabaa inxal loohelo lakiin hadii uu khamradana
kudaray waxan kuleeyahay nin kaas faraha kaqaad
sababtoo ah <1>khamradu waa shay ilahay nagareebay
waana wax aad iyo aad uxun qofku siduu uga haraana
way adagtahay <2> waxa dhici karta in uu naftaada
halis galiyo ama kudilo ama dhaawac xun kuugaysto
<3>kutala gal qofka khamrada cabaa inaanu hal qof
ku ee kayn ee uu naagtuu arkaba kutaago ilayn isma ogee <4>waalidkaa waxad kudiidi kartaa wixi
macsiyo ah laakiin hadii ay nin sidan ah kuu dii
daan way kaa saxan yihiin hadaad diidana kufaa
iidi maysid marka waxan ku oran lahaa iska
dhaaaaaaaaaaaaaaaf raadso midkale

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A222

Thursday, November 30, 2000 - 09:06 am
Haddii ninku asagoo ku qaba uu shaqadaan la yimaado baad talo u baahnaan laheyd.
Balse, hadda xaalkaagu waa igala taliya in aan qasaaro doorto in aan ka joogo.
Taasna waa wax u cad qofkii aan waalneyn.

Haddii aad tahay qof dhowrsan, iska ilaali ninkaas oo kale. Haddii kalese waa adiga iyo sidii kuu roon.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nuur

Thursday, November 30, 2000 - 05:58 pm
muna walaal waxan kugola talin lahaa ninko horta in oo iska daayo balwada maa ogolyahey?if not walaal iska daa illah baa nin kale oo kaa fiican ku siin doona insha allah,waayo nin balwad leh waay adaktahay sii oo iskaga daayen lahaa balwada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HANAD

Thursday, November 30, 2000 - 08:09 pm
HANAD

WAXAAM KU ORAN LAHA WALAAL HADII AAD RABTID NINKA GUURSO HA U NICIN KHAMRO BUU CABA, KHAMRADU WAA WAX CAADIYA QOFKU HADII UU U CABAYO SIDI LOOGU TALAGAY.
ANIGU WAXAN CABAYEY KHAMRIGA 9 SANO HADA WAXAN JIRA 25, WAAN SHAQAYSTA WIIL LABA SANO JIRA BAAN LEEYAHAY, XAASKAYGU SIDAAS BAY IGU JECASHAHAY, KHAMRIGA WAXAN CABA MARKAN FASAX LEEYAHAY AMA WEEKEND TAHAY, HADAAN DOONO MA CABO, LAAKIN WAXA DARAN HADUU SIDA SOMALIDA U CABO OO U MA SHAQAYSTE YAHAY.
HADU YAHAY MA SHAQAYSTE HA GUURSAN, AMA HADII KALE ADA NIN KA DHIGI KARA, U CAN MAKE HIM A MAN , RIGHT SISTER.
MARKA WALAL HA U NICIN KHAMRI BUU CABA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadija

Friday, December 01, 2000 - 03:32 am
asalaamu caalykum

subxaana laah HANAD, alaah haduu hanuun kula doonay ilaahay ha ku soo hanuuniyo. subxaanalaah subxaana laah ma khamri qof cabo ayaa rajo leh subxaana laaah. walaahi waa wax laga naxo in aad qof kula talisid qof khamri cabo guurso. waxaanaba is leehay qofkaas xayaewaamkaaba dhaamo. subxaanalaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hanad

Friday, December 01, 2000 - 06:22 pm
to khadiijo

horta mar ka hore aflagaada jooji, ha i oran xayawaanka dhaama, maxad i dheertahay iganma cilmi badnid, igama fiicnid, gabadh 100 iyo 10 jeer ka qurux badan waan qaba cunug waa leeyahay, marka waxad sheegta waxa aad i dheertahay, kula yaabi maayo shalaa laga soo qaaday kenya flight 13 hortii ma jirin adiga mooye.
gabnadha la tali la iskasma hadlee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muna

Saturday, December 02, 2000 - 02:21 am
salaamu caleku aqyaarta lataliyaha eh waan idin
salaa may marka hore waad mahad santihin sida
wanagsan aad ila soo taliseen marka waxaan ilaah
uga baryayaa in uu ka soo hanuuno qamriga anigana
qof wanagsan ilaah ha ii sahlo
mahad ilaah ayaa iska leh mahadaasanidii walaala yaal ilaah ha soo hanuunsho

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadija

Saturday, December 02, 2000 - 11:05 am
Aslaamu calaykum

HANAd bro ilaahay xaaskaaga iyo cunugaagaba ha kuu barakeeyo . intaas ka dib I
laahay Sw waxuu leeyahay ha u dhawaanina khamri . marka qof waxuu alaah SW amray aan sameeynayn waxaa dhaamo xayawaanka ilaahay SW waxuu leeyahay gaalada waa xayawaan oo kale bal xayawaanka ayaaba dhaamo kuma lihi gaal ayaad tahay laakiin waxaan leeyahay qof khamri cabo xayawaankaa dhaamo. Alaahuma calimnaa cilman yan facunaa wan facnaa bimaa calamtanaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Iftiin

Saturday, December 02, 2000 - 03:16 pm
Mar haddii aad maqashaan kuwa isticmaala "FLIGHT 13", waa kuwii dalka mareykanka ku soo galay tahriibka, oo markey ku rafaadeen intoodii badney baqtiga cuneen sida cabidda qamrada, oo lagu yiri qabowga baa ooga badbaadaa, guursiga ama iskala noolashaha gaalada intoobadani ahaayeen kuwo nolosha ku dhintey. Ama waa kuwo la saaxiibey, oo sheekada kuwaas baqtiyey, moodey inay reer magaalnimo tahay.

Qofbaa is og markay ka taalo, oo is qariya, bal fiiri midka ka dhacey tareenkii nolosha, ee gabadha kula doodaya, "Maxaad idhaataa ..."

Subxaana Laah!

Waa gorayadii madaxa ciida la gashey, ee moodey in aan loo jeedin.

War ninyahow isku sheex, oo ka baq Allihii ku abuurtey, oo ummaddiisa ka xiishood, naftaadana qadari xaq bey kugu leedahaye.

Haddii kalana, bal afkaaga ka adkow, waxba waxbey dhaamaane.


Walaalayaalow ha loo soo duceeyo, ugu soo duceeya in Alle qalbigiisa ka tiro madowga, oo ugu badelo nuur.

Ilaahayow dhammaanteen na hanuuni!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muna

Monday, December 04, 2000 - 09:18 am
waa idin salaa may aqyaarta SOON WANAGSAN
walaal khadijo maxaad hanad ku heysataa waa wiil
wanagsan oo qiranajo bal wadiisa abaayo ma ogtahay
wiilashena in ey been badan yihiin asaaba roon
oo xaas leeh hadana kule dinta waan kabadiyaa
abaayo ilaah ha soo hanuniyo waxaas waa dhalin yaro nimo waxaa laga yabaa hadu waqtiga ka dabayimaado wuu arki donaa dhalin yaro nimadu
wexey tahay waa iska caadi ha ubixi jiija yareey
okey abaaydiis aan dhahno ilaah ha soo hanuniyo
oo kaliye iftin haye warka isii adigana maxaad
heysaa waxaad ku magac tahay gabadheyda aa iftin
ladhahaaa haye ha idii macato aqyaarta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HANAD

Monday, December 04, 2000 - 06:21 pm
TO MUNA
MUNA WAAD MAHANSANTAHAY SIDA FICAN EE AD JAWAABTA U BIXISAY.
DADKANA ISKU FIKRAD MAAHA.
ANIGU BALWADAYDA CID KA LAMA BAQO, WAXAY NAFTAYDU RABTO ANA WAA RABA.

TO IFTIIN
MA RABO IN AAN KU CAAYO SIDA AAD I SOO CAYDAY.
NOLOSHA KAMA DHICIN EE XAQIIQDA BAAN OGAHAY, ANIGU MARAYKANKA TAHRIIB KUMA SOO GALIN, SAAXIB LABA DHALASHO BAAN LEEYAHAY MID NORWAY IYO MID USA.
MARKA HA IGU KHALDAMIN.
WAA MIDA LABAADE CILMI ADUNYO IYO MID AAKHIRO LABADABA WAA KA BADIYA

JIIJA OGOW NINKAAD JECASHAHAY HA U NECBAAN SHEEKO SOOMALIYEED

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IFTIIN

Tuesday, December 05, 2000 - 07:25 am
MUNA IYO HANAD

Muna

Mustabalka haddii Alle yiraado, ma jeceshahey in gabadhaada(Iftin) guursato, ama ma u guurineysaa nin cabba, cunna, neefsada ama isku dura waxyaalaha bedela caqliga iyo dareenka aadamiga?

Ogow wixii aad dadka kula talisid, waa keed kuu yaala ama waa beer ubadkaagu u aayi(guran) doonaan mustaqbaka gooray noqotaba.


Hanad

Waxaad sheeganeysaa in aad ka badisid diinta iyo cilmiga kalaba dadka, laakiin su'aashu waxaa weeye sidee ku tahay fahamkeeda?

Ogow haddii la tiriyo oo kaliya inta buug la dhameeyey, in "LIBRARIES" noqonayaan kuwa ugu cabqarisan adduunka. Marka xaggee aadamigu soo galayaa?
Waxaa laga yaabaa in aan iskaga dhicino CAQLAAN LEENAHEY. Okay. Caqligu maxuu taraa? Wax baan ku fahamnaa. haddaba waa tan midda la isdheeryahay waxeyna ku timaadaa doonista Eebbe.
Marka haddii aad fahamtey cilimigaad baratey, ma kaa celin waayey in aadan bedelin(waalan) caqligaaga waqtiyada qaarkood ee aad ka nasaneysid shaqada dhibkeeda sida "Weekends or holidays"?
Waxaa la iisheegey nin cabsan, xaaskiisu u sheegtey in wiilkoodii yaraa humadeysnaa(qandheysnaa), kadibna uu wiilkii seexiyey qaboojiyaha cuntada dhexdiisa, si feebaruhu u daayo. Sidaasna wiilkii ku jiitey(dhintey). Ninkaasi nin madax ah buu ahaa, dabcan dad badan buu ka aqoon badnaa.

Mid kale, waxaad kaloo tiri waxaan qabaa xaas ka fiican gabadhii ku waanineysey, taas ma maahan mid loo xisaabiyo xaasas is qaba ee kala duwan, waxaana tusaale kuugu filan:
Fircoon iyo xaaskiisii(oo ayada adduunka loogu bishaareeyey), Nebi Luut iyo xaaskiisii(oo ayada loogu goodiyey adduunka, loona sheegey sida loo jirabi doono).

Walaalkayow iga raali ahow!
Dhammaanteena Illaahey ha hagaajiyo ciribteena danbe!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MURUGO IYO CIIL

Tuesday, December 05, 2000 - 10:03 am
TO HANAD SALAAMU CALAYKUM MADHAHAYO MAXAAYEELAY
IN AAD ISLAAM TAHAY IYO INAAD GAAL TAHAY MA AQAAN
INAALI LAAHI WA INAAILAYHI RAAJICUUN
WAXAN KU ORANLAHAA AAD IYO AAD AYAAN UGA XUMAHAY
IN AAN ARKO QOFKII UGU HOREEYAY SOOMALIDA OO KU
FAANAYA KHAMRI IYO USA. WAXAN KU ORANLAHAA ILAAHAY
WAXAN KAAGA BARYAYAA IN UUKUTUSO HANUUNKA. WAAD
LUNTAY OO WAAD KHASAARTAY DADKANA HA UGUYEERIN
JIDKA SHAYDAANKA IYO MARINKA NIJAASADA. WAAD
HOOGTAY OO KHASAARTAY DADKA HA UGU YEERIN KHAMRI
HADII AAD KUFAANTAY REER MAGAALBAAN AHAY WAXBAAN
BARTAY WAXAD BARATAY KHASAARA WAXAD LAMIDTAHAY
QISADII KADHACDAY MASAR NIN SIDAADAAS OOKALA AH
AYAA MAALIN MAALMAHA KAMID AH BAKHTIYAY MARKII
GODKII LADHIGAY AYAA WAXAA ISKU DUUBTAY ABEESO
DADKII WAYKALA CARAREEN WAXANA LUGU SHUBAY CIID
IYAGA OO ISKU DUUBAN KAWARAN ADUUN KA AYUU CADAAB
KII RABI UGUYIMID INTAAS KADIB . WAXAN KU ORANLAHA
A ILAAHAY UNOQO ADUUNKU WAALABA BARI .
MUNA ADIGANA WAXAN KU ORANLAHAA HADII AAD JAWAAB
RABTID NAFTAADA WAYDII WAAD OGTAHAY WAXA XUN IYO
WAXAFIICAN NABADEEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HANAD

Tuesday, December 05, 2000 - 04:44 pm
TO ALL

ADEERAYAL HA ISDAALININA TAASI WAA WAYGA AAN U NOOLAHAY EE NIN WALBOOW TAADA KA TALI
JAAW

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUNA

Wednesday, December 06, 2000 - 01:44 am
WAAN IDIN SALAA MAY DHAMAAN WALALALAL YAAAAAL
TO IFNTIIN abaaydis taas waa cadi aniga ubadkeyga
waan ayaan ku leyahy ee kuma lihi wax kale wexey
sameesato ilaah ayeey kala hortagesaa marka abaayo
aniga waxaan qabaa qofka bal wada leh in uu ka
soo hanuni karo marka abaaydis dinta ilaah ayaa
ibaray xadiisna waan aqaab xaqna waan aqaan lakin
lama rabo in aad tiraah ala kan ma ficna waa ciyaal suuq abaaydis ilaah ha soo hanuniyo inta
ilaah ka dheratay waxaa laga yabaa hanad in uu
cabo qamri ama u sameyo wax ilaa kacaronayo lakiin
aan loo tilmameen cabsida ilaah dukado koley
ilaah ha naasoo hanuuniyo kuli geenba abaaydis
waad kaqaldantihiin hanad marka ilaah hana cafiyo
nin walba wuxu samesto ilaah ayuu kala hortaga
TO HANAD ABOOWGIIS ADAAMUDA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mudane

Wednesday, December 06, 2000 - 01:49 am
asalaamu caleeykum kuligiin salaan kadib
TO ninka isku sheegay hanad waxaan ku leeyahay marka hore balaayo hano!marka labaad qofbaa waxeey ku leedahay ila tali markaas baad waxaad halkan la soo gashay WAXAAN LEEYAHAY LABA JINSIYADOOD IYO WAA SIDA AAN U NOOLAHAY EE NIN WALBOOW TAADA KA FIKIR!!!!!!!sxb waxaan ku leeyahay adiga iyo mida aad qabtidba waxaad tihiin kuwo illaah iyo rasuulba ka furtay ee umada talada u baahan waxaas hakula talinin-TO khadiija adigana walaal qeyrkii aad la timid badalkeeda ilaahbaa ku siin doono,TALO TO MUNA munaay adiguna walaal waxaa iga talo ah nin qaad iyo qamri iyo balaayo isku darsadey adigana waxba kuma taraayo isagana waxba isma taraayo ee mid kale illaah hakuu sahlo ok? waxaan saas kuu iri aniga waxaan in mudo ah ku noolaa yurub waxaanan deganahay norway laakiin norwayda aan ka imid maaha tan uu ka yimid ninka labada jin siyadood haysta ee waa norwaydikale marka waxaan maalin walba la kulmaa gabar soomaaliyeed iyo nin qamri cabsan oo kalarka (kuleetiga)ishaysta marka hadii aadan rabin in dhibaato aad la kulanto midkale doono aniga iyo inta rayiga fiicana oo ay ka mid tahay khadiijana waan kuu soo duceeyneeynaa wabilaahi toowfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nadiira

Wednesday, December 06, 2000 - 02:56 am
RABADAAN WANAAGSAN DHAMAANTIIN
TO HANAD HANADOOW WALAAL WAXAN KU LEEYAHAY BALWADAADA HADAANAD CID KALA BAQAYN(ALLAHII KU ABUURAY UN KALA BAQO) RABADAAN WANAAGSAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAARAX

Wednesday, December 06, 2000 - 07:11 am
HANAD WUXUU ISTAAHILAA ISAGA OOTAAGAN IN NAAGTA
UU SHEEGAYO LAGUHOR NIKAAXIYO ISAGANA LAKARBAASHO
ILEEN WAX KALE MA ISTAAHILEE DULI DULIKALE AANU
JIRIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alxaaji .j

Wednesday, December 06, 2000 - 08:11 am
to dhaman ..
aslaamu calaykum..
horta waxa an leeyahay muna walaal doorashada aad dooranayso nin ku dooro kitaabka rabi hore aya laguu yidhi.. tas ..
hanad . waxa wax lala yaba ah adiga oo sheeganaya nin in aad hablo somaaliyed oo wax kuu sheegay in aad caydo oo weliba ad ku faanto gabadhbaan qabaa oo caruur baan leeyahay , dhib malaha oo waxa aan joogna aduun sabaan iyo dadsabaan iyo waqti sabaan marka kuwaa ku hoosnool ayaad tahy waxa laga yaaba in aad dadku caayaysid reerbadiye adiguna aad katimi baadiye oo ad indhaha kukala furtay qurbaha ladhkiisa oo aad moodey in aad jano joogto ,, dabadeed khamri bilowday ilayn wa aqoon laawe camalkiise ..waxa aan ku leeyahay raac hablaha somaliyed taladooda iyaga aya ku dhaamee ..
hablaha waxa an lee yahay wad mahadsan tihiin ,, idinka waxa idinsaaran sheegid .. waxa an leeyahay ilaah hayna hanuuniyo dhamaanteen.....
aamin ....aamin...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaa

Wednesday, December 06, 2000 - 09:36 am
AHLAAN DHAMAAN ,,
Hanad aboowe ma tukataa mase soontaaa waa iga suaal ha u qaadan atack........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaaa

Wednesday, December 06, 2000 - 09:40 am
Muna abaayo waan ku salamay,,
waxaan ku leeyahay dadka uun baad danbaajinaysaaye cidna talo kama rabtid ee orodoo ninkaaga hoosta ka gal..
waxaan ku dhaaran karaa in dadkaaga iyo asxaabtaadaba ay kaa samreen sida kuwo aan life u aqaano marka dadka islaameed oon is aqoon baad wax lagaala samray ku wareerin ka har ama raac adlee ku jirtaa naagaha nimanka balwada leh raaca cidba lama tashtaan hadaad jeceshahay horta ha lagu soo xaraarad gooyee guurso nabadeeeeeeey,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Iman

Wednesday, December 06, 2000 - 10:01 am
Asalaamu Calaykum dhamaantiina & Ramadaan wanaagsan....

Waxaan kaliya oo idin waydiinayaa intiina u malaysa in aad Ilaahay ka xigtaan Mahad >>>>>>>>>>>>>>>>>>>>
Ha iloobinina in ilaahay uu yahay Qafuuru Raxiim uuna cafiyo qofka uu doono teeda kalana just because kuma camalfalo ma ahan macnaheeda in uu jahil yahay ee idinka naftiina ma hubtaan in ay qamro ka daran nadiif ka tahay?? Qofna ma mudna in la aflagaadeeyo >>>diintee idiin fasaxday in aad caytantaan?

Kuligeenaba ilaahay ha ina soo hanuuniyo (AAMIIN)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

liibaan

Wednesday, December 06, 2000 - 11:49 am
muna hadaad diinta taqaan ma taqaan caruurtaada waajibaadka kaa saaran waxan qabaa markaad leedahayna diintu ma aha waxan qabaa ee waa wuxuu ilaahay yidhi oo hadaad xadiiska iyo qur,aanka taqaan su,aashu waxa weeye ma ku dhaqan taa

ninka leh khamri baan cabaayoow iyo waa sidan u noolahay iyo diinta waan aqaan waxba ma garanaysid ilaahay ka xishood aadmigiisana ka xishood ta adigoo khamri caba kugu jecel walibana waxba kuma dhaanto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zuleeqa

Wednesday, December 06, 2000 - 12:42 pm
hi ppl
Hanad ilaahey ha ku soo hanuuniyo, haddi aad west ku nooshahy ha u maleynin in aad tahay, ha ku faanin wax laga xishoodo. khadiijo abaayo waan kugu raacsanahay qamringa wax laga cuudi bilaysto waaye. haddii aan usoo noqdo gaabadha rabto in ay wax la wadaagto wiil balwad leh waxaan kugula talin lahaa abaayo iska dhaaf, jeceylka waa wax weyn laakiin dhowr sano ka dib labada qof oo is guursato haduu ilaahey siiyo waalid ayay noqonaayaan, caruurtaadaa aabe balwad leh uma fiican, waxaan kuu rajeynayaa in jeceyl kaas ka badan aad la kulantid iyo wiil kuu qalmo oo edab leh,
luv to all
zuleeqa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Iftiin

Wednesday, December 06, 2000 - 02:50 pm
Hanad iyo inta u xaglineysa

Waa xaq in la idiin sheego qaladkiina, oo la idinka waaniyo waxii Alle naga reebey. Midda kale, waxaad rabtaan oo danbi ah qarsada, laakiin ha ku waanina dadka kale, haddii aad sidaan sameysaan waxiinu waa dagaal aad uga soo horjeedaan amarkii Alle, kadibna waxaa xaq noqoneysa in la iska kiin dhiciyo, oo qofkastaa adeegsato waxii uu kari karo. Tii Allana waa idiin dhiman tahay, oo waad la kumi doontaan adduun iyo aakharaba.

Kuwa leh: dadka maad diinta ka xitaan, waxaan ku leeyhay hal mid: Walaalayaalow cayaar cayaar ha u shaqeysanina Caadaabka Alle, ee waxii aad sameyneysaan qarsada, haddaydaan deynkarin.
Waayo, waxaa dhici karta barri in aad ka soo noqontaan dambigaas. Haddiise aad dad kale ku hanuunisaan, oo dadkaasi ku dhaqmaan, waa arrin la idin su'aali doono, mana awoodi doontaan in aad ka goysaan ama ka reebtaan dadkaas. Dhammaanteena barri marqaati cad baan idin ku nahay, Ilaah baa isku keen uruurinaya, ayadoo aan baryo ahayn, cidina diidi karin.
ILAAHAYOW WAAN U SHEEGNEY OO U SHEEGNEY
ILAAHAYOW MARQAATI BEY KA YIHIIN
AWOOD KALANA KUMA LIHIN, KUNA RAACI MEYNO
KUNA JECLAAN MEYNO WALIGEEN, INTEY KU JIRAAN WAXAAS AAD NAGA REEBTEY!!!

Walaalkiin Iftiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

OMAR

Wednesday, December 06, 2000 - 04:34 pm
TO.
. HANNAD
SXB NIN QAMRI CABAA WAA MEHERAD LAAWE .
WAANA AALKULIISTE . REERNA MASKAX UU KU DHAQO MALEH
WAAYO MARKUU SARQAAMABA . WAX UU KALA OGYAHAY AYAA ISKA YAR WAX ALAALE WAXUU DAMCO AYUU KU SAMAYNAYAA XAASKIISA .MARKA SXB HA KULA TALININ
AALKULIISTE GABAR WALAASHAA AH OO KU WAYDIISATAY RA,YI FIICAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HANAD

Wednesday, December 06, 2000 - 06:48 pm
to faarax

AQOONTA AAD SHEEGANAYASA MA TAN KU SIISAY IN AAD TIRAAHDO XAASKAAGA IN NIN KALE LAGU MEHERIYO WEEYE MA SAASAD DIINTA KU TAQAN.
ANIGU KU AFLAGAADAYNMAAYO LAAKIN KA FIIRSO WAXA AAD QORAYSO.
TO ALXAAJI
WAX AAD KU DHAANTIN IN AAD AMUSTO MA JIRTO.
TO OMAR
MA OGTAHAY OMA MA TAQAAN MICNAHA ALKUULISTE, MARKA AAD BARATO SOO HADAL
TO MUNA
WAXA AAD JECASHAHAY NINA HA KALA BAQIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAMA

Thursday, December 07, 2000 - 04:07 am
HANAD

SAAXIIB NIN AALKULIISTE AH, NIKAAX MA LEH, OO MAALINTEY UGU OGAATO BEY KAA DHAQAAQEYSAA, OO TAGEYSAA SHIIQA UGU HOREEYA, HALKAAS OOY KAA FASAQANEYSO. WEYSE DHAMEYSANEYSAA WAQTIGII CUDADDA.
DEE KADIBNA WEY U FURAN TAHAY INAY NIKAAXSATO NINKII ISLAAM AH.

KALMADA AALKULUUSTE WAA "QOFKA SARQAANSAN" EE ASAGU SI KAS AH CAQLIGA ISKAGA QAADA, HA KUTIMAADO WAX KASTA OO UU JIRKIISA U GUDBIYO SIDA QAMRIGA.

BALSE MIDA AAD GAALADA KA MAQASHEY EE AAD U HEYSATID WAA: MAADAAMA GAALO BADANI ISTICMAALAAN
CABIDA QAMRIGA, AALKULUUSTE WAXEY U YAQAANAAN QOFKII KU DAWAQA OO KU DHACDHACA MEELAHA KA DHEER GURIGIISA.
ADIGUNA WAAD KU DAWAQDAA, WAAYO ADAA SHEEGY IN AAD CABTID MARKA AADAN SHAQO LAHEYN.

BALSE TANI KUMA BIXINEYSO, SHAAHA QOFKII HAL KOOB CABBA IYO KII TODOBO CABBA, LABADUBA WAA SHAAH CABBAYAAL.

WAXAA LA YIRI, "WADAR IYO WAAXID KEEBAA WAALAN?", MARKA HADDA WAX FAHAMTAYE, DIYAAR MA U TAHAY IN LAGUU SHEEGO SIDII AAD ISKAGA GOYN LAHEYD?
MISE AALKULUUSTAHAAGA BAAD SII AHAANEYSAA, INTAAD KA FOGAANEYSID SAAXIIBADAADA REER MAGAALKA AH EE GODKA KUGU SOO XOOREY?

SAAXIIBKEY HANADOW WAAD FAHMI LAHEYD WALAALAHAA, HADDII AAD WAX AQOON AH LAHAAN LAHEYD, AMA AADBA KA BIXI LAHEYD DUGSIGA SARE.


MUNA WAX WAA OGTAHEY, EE WAXEY LA DAWAQSAN TAHAY JACEYL AALKULUUSTE, WAANA KA DAAWOOBEYSAA HADDII ILAAH YIRAAHDO!
MUNA SOO MAAHAN?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alxaaji.j

Thursday, December 07, 2000 - 07:27 am
to dhaman ..
aslaamu calaykum.. sxb jama horta waxa la yidhi waano abuuris ba ka horeeysey.. marka sxb hanad waa nin soo xiirtay oo ka dhacsan nolasha dhab ta ah mana uusan fahmin sirta nolasha marka waxa aan lee yahay "HANAD go back to school" waayo qof in yar oo aqoona leh ma ahaadeen qof dhego adag sida hanad..aqoontu waa ta waxa wanaagsan ku tusta ,, marka walaalayal haloo duceeyo hanad iyo muna .. ........
aslaamu calaykum.......
alaxaaji. j

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hanad

Thursday, December 07, 2000 - 07:30 pm
to jamac, alxaaji
warya khamriga waxa caba rag kaa cilmi badan,
kaana lacag badan.
qaxooti xun oo la soo qaaday baad tihiin.
anaad leedihin school aada aloow nimaan wax ogeyn ha cadaabin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mudane

Friday, December 08, 2000 - 01:56 am
asalaamucaleyku dhamaan
to hanad dhuuso badne
waxaad tahay duli uusan duli kale jirin
waan ku wada garaneeynaa dhamaanteen oo waxaad tahay nin ku dhashay meel u dhaxeeysa norway iyo usa oo adiga qaxooti ma tihid (DHUUSO BADNE)(lol lol)marka hadii ay cilmigaaga iyo caqligaagaba ku siiyeen adiigoo ah nin muslinimo ku dhasha inaad waxaa oo kale dadka kula soo neefsato waanu kuu soo wada duceeyneeynaa WALAALAYAASHA SOOMAALIYEEDOOW AANU U SOO DUCEEYNO HANAD marka labaadna muna sidaas iyo nabad galyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alxaji .j

Friday, December 08, 2000 - 08:45 am
to..hanad..
saaxib cilmigu waa ka wax ka celiya ee maaha ka gutusa khaladka mana jiraan rag caqli leh oo caba khamri hadii uu jirana waa wiil ilaahay qaaday ..
saaxiib hore ayaan kuu sheegay adiga oo waxa aad tahay wiil saban.. waqtigaagi ayaad haysataa ee ilahay haku hanuuniyo,,
murti soomaliyeed baa ahayd sidan,......
"oday baa waxa uu usoo iibiyey gabadh uu dhalay toob iyo googarad waxa uu arkay gabadhii oo qaawan dabadeed waxa uu weydiiyey suaal ah aabe goorma ayaan kuu soo iibiyey dharka waxa aytiri gugii dhawaa.. waxa uu ugu jawaabay waxba kuma tarin..
yacnii wad ka qaawan tahay..
saaxiib hanad cilmigii aad baratay waad ka qaawan tahay ee "go back to school"..
maaha cayaar ee waxa aan ku siinayaa talo..
raalina iga noqo...
dhaman u duceeya hanad hadalkii baa u gooyaye......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HANAD

Friday, December 08, 2000 - 05:30 pm
TO AL XAAJI

HORTA NIN FIICAN BAAD TAHAY HADDA D II DUCAYNAYSO, LAAKIN SAAXIB CILMI IGU FILAN WAA AQAANA, LAAKIN TAASI WAA NOOCA AAN DOORTAY IN AAN U NOOLAADO, CIDNA WA UMA DHIMIN
OK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

T-GIRL-QueenOfHearts

Friday, December 08, 2000 - 10:36 pm
HANAD
Qamri caboow cilmi maas naqdi.....Meeshaada aad ku salaamantahay sxb. Raaali ahaw...If drinking Qamri Kordhineyning Cilmi.....I'd rather stay Cilmi-less ThanK U

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muna

Saturday, December 09, 2000 - 02:42 am
asalaamu calekum aqyaarta w.w. ramadaan al-karim

waxaaa waajib ku ah waalidka in uu caruurtiisa baro xaqa, sida
salaada
dhaqanka wanaagsan
in uu ilaah mar walbo ku xirraado
maxaa yeelay nabigu wuxuu marar badan ka dardaarmay in ilmaha la baro jidka wanaagsan mar uu nabiga ka dardaarmayay in ilmaha salaada la baro wuxuu yidhi (7 KU AMRA 10 KU GARAACA 15 KU KALA TAGA) yacnii hadii uu 15 markii uu jiro aad ka aragtid isagoo vilaah aan ku xirrayn waad u sheegeysaa hadii uu kaa diidana waad kala xamaalaneysaan.

so waalidku ilmihiisa xil weyn ayaa ka saaran.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muna

Saturday, December 09, 2000 - 02:51 am
marka walaala yaal xaqa waasidaas dinta ima baresaan laakin jecel indho maleyahay ,,,,,,,,,,?????? jawaab adinkaa la idnka
sugaaa hadii ilaah laga cabsanaayo marka horaba
qamri lama cabeen marka walaala yaal aan
uduceno umadaa halagsan ilhaa hasoo hanuuniyo amiin insha alaah ilaah idinkiisa marka waxaan '
waan arkay ra aygiina manaxuma koleyba waxaan idinka¨qadanayaa midka wax tar iileh waad kumahad santihiin dhamaantiinba
hanad ilaah waxaan uga baryayaa in uu soo hanuuniyo amiin amiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raaxeeye

Saturday, December 09, 2000 - 07:02 am
RAMADAAN KARIIM. Salaan ka dib, Munay, talo waa ta ilaah, hase yeeshe haddii aad ka fursanweydey in aad ka hesho talo wax ku ool ah walaalahaa, aniga waxay ila tahay sidan hoos ku qoran anigoo filaya wiilka balwaddiisa isaga oo wata in aad sidaas ku jeclaatay.

Munay, waxa la yiri "kama raysto hadalkuba run inaad ka sheegtee", haddii aad arrinta xaqiiqada ka sheegtid waxa laga yaabaa in aad talada runta ah heshid. Sidaas darteed, Munay, waxaan adiga ku weydiinayaa su'aalahan si aan talda runta ah kuugu soo gudbiyo.

Waxaad noo sheegtay in aanad raalli kaga ahayn wiilka balwaddiisa, bal waxaad noo sheegtaa waxyaabaha gaarka ah ee aad runtii wiilka ku jeceshahay?

waxaad kaloo noo sheegta goormaa kuugu horeysey in aad ogaatid balwadiisa? jacaylka ka hor mise ka dib?

Raaxeeye(baandheeye)

E-MAIL: yufle1@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Saturday, December 09, 2000 - 02:44 pm
Muna hadal macaan baa ka soo yeeraya, ma diidantihiin in ducadii lagu hurgufayey bisha barakansan ee la sooman yahay, Rabbi maqbuul uga dhigey, waxaan idinka rajeynayaa in aad sidaas ugu wadaan ducada, intey ka soo wada kabaneyso.

ILAAHAYOW HANUUNKA U SIYAADI, MID BAARI AHN U SAHAL!

Hanad laftigiisa yaan laga daalin in loo duceeyo, waa addoon Alle, oo qalbigiisu ka raagey diin, wacdi iyo kheyr loo sheego.

Hana la yaabina, waayo waxaa la yiri: kulamaa qofka ku siyaado sameyta xumaanta iyo camalka sheydaanka, waxaa ku yaraada arkidii ama dareenka kheyrka iyo waxa wanaagsan, ilaa wax kasta ka madoobaadaan oo uuba la yaabo waxa iyo kheyrka la sheegayo waxey yihiinba.

Runtii waan arkey dad gaarey meel ka dheer Hanad oo xaqaba meel iskaga tuurey, kadibna mar qura Alle qalbigooda u soo jeediyey xaqa, oo noloshoodii noqnotey cibaadeysi iyo qoomameyn joogto ah, ayagoo xasuusanaya markasta siday uga daboolnaayeen xaqa.
Gaar aan ninkii iigu danbeeyey waxuu ahaa nin Madaxnimo iyo maalba u daayey cibaadeysi oo iska daayey in uu raaco baabuurtii uu lahaa, ee yiri nafta baan la dagaalamaya oo ka goynayaa intay ugu soo jirabtey. Ninkaasi asagoo iska lugeynaya magaalada geys ka geys baa dadkii uu yaqaaney u joojinayaan baabuurta si loo qaado oo looga naxariisto socodka badan iyo xannuunka dabeysa iyo qoroxda. Waxaanse la yaabey Ninkaasi asagoo aad u dhibsanaya una jixin jixeyn wax kasta oo dadkaasi yihiin(madax ama saaxiib) ama yiraadaan buu iska soconayaa, asagoo kaliya gacanta diidmo u lulaya, ilkana yara cadeynaya, wajigiisa camaamadi kor kaga soo rogon tahay oo aan loo wada jeedin.

HADDABA YAA SIDAAS U BADALEY, ILLAAH!
KALIDIIS BAANA HANNUUNKA HAYA, ANNAGASE
WAXAA NAGU WAAJIB AH IN AAN KHEYR ISFARNO,
XUMAANTANA ISKA REEBNo MARKASTA.

ILAAHAY DHAMMAANTEEN HA NAGA DHIGO KUWII UU KA RAALI NOQDO ADDUUN IYO AAKHARABA!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RAAXEEYE

Saturday, December 09, 2000 - 06:36 pm
To: Muna Jacayl

Munay, haddii jacaylkaagu dhab yahay, oo curuuqaha kaa galay maxaad su'aalihii Mr. Raaxeeye ku soo weydiiyey uga soo jawaabi weydey, si laguu furdaamiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

OTTAWA

Sunday, December 10, 2000 - 11:54 am
WHATS UP WHATS UP LADIES MY NAME IS LIBAAH1. I AM 20 YEARS LIVE IN OTTAWA. I AM SEEKING MY DREAM GIRL IF YOU THINK YOU ARE A DREAM GIRL DONT BE HASITATE TO EMAIL ME BACK AT LIBAAH1@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amaal

Sunday, December 10, 2000 - 10:44 pm
ku:MUNA
walaal salaan aad u qiimo wayn leh ka dib adoo iga raali ah wiilka majeceshahay jacaylkuse ma yahay mid kaa dhab ah maxaa yeelay dhalinyarda hadu waxay isu qaldaan jacayl iyo xiise,waa su aal kalee wiilku ma ku jecel yahay intaa hadii aad si daacad ah iiga soo jawaabto ayaad maqli doontaaa wixii iga talo ah.waa walaashaa oo guul kuu rajaynaysa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muna

Monday, December 11, 2000 - 02:52 am
asalaamu calekum aqyaarta w.w. ramadaan al-karim
walaal waan ku gartay raxeeye waxaan jeclaa lakiin
balwad maku ogeen markaan maqlay waan kanaxay lakiin wax aan sameyo ayaan garan waayay walaal
ini balwad leh horta waan nin noloshiisa gabay
marka waxaa jira jecel mana ah mid iska yele yee
marka aniga waan ogahay ninkaas in uu waxba itaren waaba nin aqira raja kaleheen marka mustaqbal
ma inoqdo ninkaas lakiin jecel baa ihaayo
su aal yaaqaba ................??????????
waad isoo weydin kartaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alxaaji.j

Monday, December 11, 2000 - 08:12 am
to muna ...asalamu calaykum..
walaahay yaab baad leedahay waadna na xiijisay..
suaal .. jacayka ku hayaa waa midkee afartan..
1. love.. afsoomali ahaan... jacayl,oo u qaybsama 4nooc,1.jeclaan,2. caashaq,3. cishqi..4. jamasho.
2. like... xiiso
3.need..rabid
4.want..doonis..
muhiimadu waa ka hore markaa kii ku haya soo sheeg waxa aad heli talo aad ku gaadhid waxa aad doonayso..
qaacido xisaaba ayaa ahayd,,,,
ujeedo+doonis+adkaysi=guul...
hadii kale ha ku ciyaarin jacaylka anagana hana xiijin walaashay........
waa walaalka oo ku leh ha kuu macaanaato..
alxaaji .j

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUNA

Monday, December 11, 2000 - 08:59 am
WAXAA IHAAYO JACEELKA DHABTA AH WAXAAN DAREEMI KARO ANIGA IYO QOF KAAN JECLAHAY MARKA ABOOWGIIS MA IHAAYO KAHELIYAAN IYO WAX LAMID AH WAXAA IHAAYO JACEEL DHAB AH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hani

Tuesday, December 12, 2000 - 02:37 am
waw hanad talada kaa carartay wasqaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alaalax

Wednesday, December 13, 2000 - 06:10 pm
Muna..!hadduu ninkaagu aalkuliiste yahay horta wuxuu u baahan daaweyn ,haddaad tuurtana adaanba dad ahayn waayo waa markuu u baahnaa qof gacan qabta tusa inay jirto nolol kale oo ka wanaagsan waxa dhalada ku jira.tan kale
inta badan raggu waxay ku soo sarqaamaan baararka,marka intuu wax badan bannaanka ku soo hallayn lahaa dee guriga ku sii nafaqona u raaci ,hadalka wanaagsana ugu dadaal siduu mar walba u jeclaysto la joogidaada...xitaa si uusan u cabbin wax badan waa loo baahan yahay markuu baararka aadayo inaad raacdo....waa shaqo adiga kuu taalla ,haddaadan garab qabaneyn markuu tabar daran yahay dee ha jeclaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alaalax

Wednesday, December 13, 2000 - 06:27 pm
asxaabta..wax walba waxay leeyihiin xad possitive side and negative side.
BEER....liquid bread(rootigii dareeraha ahaa),4 dhalo ama gasac waa ok, oo waa adoo rooti cunay,laakiin haddaad ka badsato waxaad tagtay dhinicii xumaa,
YAY MAMNUUC KA TAHAY....qof waalan,gastric ulcer,stones(stones in gallblader,kedney etc),uus buuran(cayil,xaydh).
WINE...wax wanaagsan weeye oo janadaaba lagu sheegay,subixii haddaad hal bakeeri ka qaadato waxay kordhisaa wareega dhiigga,waxay ka hor tagtaa wadne xanuunka ,hadduu shaki kaaga jirona faransiiska ka wareyso.
HANAD....duqa kuwaan waad isku wareerteene xaggey ka cammiran tahay todobaadkan?
"kaasu nahar (egypt)oo nalku u shidan yahay,oo nin walba middiisii hoo u nuugayo,nimcadaan helay nacas ma garan karo"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muna

Thursday, December 14, 2000 - 02:22 am
qayaarta talo mahesiin maxaan sameyaa waa yaab
waa yaab aduunkaan wax walba waad arkesaa
walala yaal jacel majira mise,...........?
jecelka waa sidee nolosha mexeytahay ?
raga maxaa badalay mantay ?
jacelbaa lafaha iga galay ma anigaa indhole
ileen jecelbaa ihaayo waxaasna ma arkaayo
walaal yaal wax aan sameyo garan waaye
talo iga dhunte talada itoo siya
jawaab macaan asxaabta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alaalax

Thursday, December 14, 2000 - 06:15 am
MUUNA....qajajacda naga daa waxba jacayl ha ku marmarsoon,haddaad ninkaa jeceshahay balwad daraadeed ha u nicin ,daaweyso ,daryeelo ,dhaqo oo ha dhibin,u naxariiso oo yuusan kaa nixin,hana la yaabin kaligii ma cabbo oo balaayiin(bilions) baa cabta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sumayo

Saturday, December 16, 2000 - 01:30 am
waad salaamantihiin kuligiin laba qamriyocab mar aadan cabsaneyn talada soo dhex gala qamriga qofka caba janada alaah ma galo naxariistiisana waalaga fogeeyaa tanjanadalagu cabaana ma cabo qofkii aduunka ku caba macnaha janadaba ma galayo naagta aad qabto hanad naag wanaagsan nin qamro caba maguursato marka naagtaadu nooca ay tahay waan fahmi karnaa waa dumarka darajooyinka igu hooseeya qofwanaagsan nin qamri cabo nolol lama qeybsankarto dhibaatana kuma dhex noolaanlaheyn waxbadan baan arkey naago ey qabaan niman qamriga caba naago wanaagsana kuma aan arkin ee kuwa la nooc ah ama ka sii daran bey ahaayeenkuwo sodohdood qabsadey naagtiina ey kula joogto oo damiirkusiin waayey xataa arintaa in ey uga tagto gabadhaada baadba ha weysaneysaa iyo hooyadaa yaa nolol kugu aaminan karo walaal muna hadaad gabar fiican tahay allaahna u dhaw iska daa ninkaas hooyadaa iyo gabadha aad u dhasho sharci ka celinaya aysan jirin oo waxka doonaya caloolxumo dad aan aragnay ay ku dhax nool yihiina ha dhex galin hadaad dadka dhumey ku jirtidna hana daalin walaal ee qamriya cabku waa qeybtaadii marka hadaad gabar wanaagsan tahay nafta saad uga baabi in laheyd jacaylka nin kaas ku dadaaliyo in uu san aheyn kii u qalmay alle dartiisna uga tag isagaa kaa baabin jaceyl kiisa talana saaro qofkii wax alle dartii iga tago wax ka wanaagsan ayuu helaa naftuna waa cadow ee ha israacin jacayl shil kugu dhacay ah ka soo qaad alaahna bari in uu niyadaada kaaga tirtiro haduu dhintaba waadka samri laheyd qof kaa geeiyoodey ka sooqaad labo aqmriya cab allaah ha idin soo hanuuniyo
salaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dantii yaqaan.

Tuesday, December 19, 2000 - 08:46 am
Ifin.

yaa walaashiis labadii habeen ee u dambeysey waan kaa seexan waayey, figradahaagaan akhriyey dhawr mar wayna i soo jiiteen ilaa iyo xad garanse maayo meesha ay igu wadaan,ma oran karaa I´m in love with you!, Allaahu yaclam.
Walaashiis xagee ku nooshahay? ma lagu qabaa? aan badheedhee mase ku baran karaa???

Dantii yaqaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amaal

Tuesday, December 19, 2000 - 11:22 pm
KU:Muna
walaal hadal badani haan ma buuxshee waxaad ii cadaysay in aad wiilka jeceshahay hadaba adigoo iga raali ah mar labaad waxaan kaa codsanayaa
in aad ii sheegto wiilku ma ku jecel yahay haday jawaabtu haa tahay ilaa heerkee.
intaa kadib waxaad iga maqli doontaa wixii
anigu aan kugula talin lahaa adiga oo ah gabar walaashay ah oo talo u baahan.
dag dag iigu soo jawaab walaashayey.
nabadey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IFTIIN

Wednesday, December 20, 2000 - 10:03 am
Dantii Yaqaan

Ma garan in aad u jeedey magaceyga, waxaadse qortey mid u eg, "Ifin".

Haddaba inta aanan kuu soo jawaabin, aan ku weydiiyo in aad ujeedid magaceyga oo ah IFTIIN.
Haddii aad u jeedid IFTIIN, ma gabar baad tahay mise wiil? Maxaa ka mid ah erayada macnahoodu ku soo jiitey?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muna

Friday, December 22, 2000 - 04:14 am
waan idin salaa may aqyaarta amaal walaal waxaan ku shegayaa wiilka in u ijecel yahay laakiin adigaba su aal waligaa wax ma jecelaa tay mese lagu jecelaaday ?????
walaal waxaan idin weydiyay waa maxay jecel iska yel yeel mise wax jiro waa yaab midaan walaal yaal
waxaan kanax sanahay nasiib keyga meshoo galay
iyo qofka aan jecelaaday marka waxaan inid leyahay jecel ka indho malaha dooqa waa cajiib meel xuun ayuu galaa idu ceeya in uu ilaah iga madobeyo inikaa jecelkiisa dadoow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dantiiyaqaan

Friday, December 22, 2000 - 09:44 am
Iftiin.
Walaashiis waa adiga waxaan ujeedaaye, iftiin kale oo meesha ka baxaya indhahaygu ma arkaane, wiil baana ahay oo waad aragtaaye, shir looma wada uunsiyee, keen gurigaaga muftaaxa lagu soo galo aan dhexdiisa kuugu sheegee, ( af maldaha malaha ma taqaanide, yaadan mar kale boodine waxaan ka wadaa e-mailkaaga)

Haddala waxa aad netka ku qortay oo dhan ma inaan kuu soo wada qoraad doonaysaa, way badan yihiine, haddiise ay adiga kula kala macaan yihiin, anigu kelmed la tuuroba kuma arag, haddaanse nuxurka asiibi lahaa, waa layna wada arkayaadee, yay kolka inaga xishoodsiin dadkuye, cidla maysugu keen saari karaysaa, aynu isku akhrinee?
Dantii-yaqaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IFTIIN

Monday, January 08, 2001 - 06:36 am
Dantiiyaqaan

Saaxiib, maadan wada akhrin hadalkeyga, waayo waxaad kala garan laheyd oo kaliya qofka qorey in uu yahay wiil ama gabar,bal dib ugu noqo, oo aqri labada kalmadood ee ugu danbeysa qoraalkii, DECEMBER 06, 2000.

Waxaa ku qaldey hadelkii Muna, marey sheegeysey in gabadheedana la yiraahdo Iftiin, oo igu magac tahay.
Taasna waxaan uga jawaabey qoraalkeygii ku xigey oo aan ku soo xirey: "Walaalkiin Iftiin".
Adiguse maadan akhrin hadalkaan, saaxiib.

Kaftan:

Saaxiib, annigoo gabar ah, waa midaan waayey, sidaas owgeed kuma dooq xumid haddii aad jeclaan laheyd in gabari qori laheyd hadalkaas, kadibna aad ku dadaashid sidii aad nolosha ula qeybsan laheyd.
Ugu danbeyn waxaan u maleynayaa in aan isku dooq dhownahey ee ii soo sheeg, haddii aad la kulantid, qoftoo dooqeena ah(waa haddii aan la kulantid hal ka badan, halse waa adiga).

Waad ku mahadsan tixgalinta qoraalkeyga(hadalkeeyga).

WAALAALKAA IFTIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DANTIIYAQAAN.

Monday, January 08, 2001 - 11:18 pm
Waa wareeeeeeeey!
ILLaahoow ceeb astur.

ma maantaan saan u socdey nin shukaansaday?

cosobsaan is lahaaye, ceeb miyaa iga raacday?

Illaahoow nimaan wax ogayn ha caddaabin.

Saaxiiboow i cafi if iyo aakhiroba.

naag dambena qoraal ku shukaansan maayo ilaa iyo aan la kulmo mooyaane.

Waxaad i tiri waa dookh wanaagsan tahay, Saaxiib dookhaygu dookh maaha. ma dookha nin ii geeyey baa dookh ah, war iga tag waxaas haygu amaanine.

War ninyohow waan ku sigay'e raali ahaw.

Walaalkaa dantiiyaqaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amaal

Wednesday, January 10, 2001 - 12:21 am
KU: Muna
walaashiis iga raali ahoow jawaab la,aanta
aan kuu soo jawaabi waayay waxan aaday fasax
walaal waan fahmay sheekadaadii dul ilaa dacal
hadaba waxaad i waydiisay in aan wax jeclaaday amba la i jeclaaday,suaashaadaasi waxay ii fur furasaa taladii aan ku siin lahaa horta waxaa jira dad badan oo halkan sheeko ahaan uun ugu qora waxaan waxba ka jirin,laakiin taada waxaan u arkaa in ay run tahay.
walaal waa sida aad sheegtee jacaylku indho ma leh, mana dooran kartid jacaylkaaga, laakiin ilaahay maskaxada wuxuu inoo siiyay in aan ka shaqaysino marka ha ku ducaysan in ilaahay jacalkiisa kaa madoobeeyee ficilna la kaalay ilaahayna wuu ku caawine
bal intaa aan uga daadago ujeedadaydee aqri halkan meesha ka hoosaysa haday badato sheekada xiiso uma helaside.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amaal

Wednesday, January 10, 2001 - 12:23 am
Ku: Muna
walaashiis sheekada halkii kala sii soco:

walaal anigu waxaan wiil la socday sadex sano oo dhow dhow sanadkii ugu horeeyay waxaan la waday jacayl aan jirin runtii anigu maan jeclayn sida dad fara badan uu uga kala qasan yahay jacayl iyo xiise amba ka helid qof aad ka heshid ayuu ana iskaga kay qasnaa waan xiisaynayay laakiin waxan la jilayay jacayl aan jirin,run ahaantii isagu maalinba maalinta ka danbaysa wuxuu ii jeclaanayay sidii iyo si ka daran.
waxba yaan hadal kugu daaline sanad ka dib waxaan dareemay jacayl run ah jacaylku maaha wax afka uun laga yirahdo laakiin waa hibo eebo ku siiyay
laakiin waa cudur hadaad waydo qof kula wada.
aaan intaa ka sii gudbee wiilku wuxuu lahaa balwado jaad,sigaar iyo waxyaabo aanan rabin in aan halkan ka sheego isagoon raali ka ahayn.
aan soo koobee sanadkii ugu horaysay raali baan ka ahaa wax kasta oo uu sameeyo, sanadkii labaad waxaan isku dayay in aan ka joojiyo balwad kasta oo uu lahaa xataa sigaarkii ilaahayna wuu ila qabtay isna wuu igu raacay ilayn waa naf i jecele wuxuu raali ka ahaa wax kasta oo aan idhaahdo, ka gadaal waxaan ogaaday in ay taasi iigu wacnayd maadaama aanan jeclayn sanadkii iigu horaysay wiilka wax kastood jeceshahay la jecloow naftaadana isaga laftiisu wuxuu iga reebay waxyaabo badan oo aan wanaag u arkayay iyo waxyaabo fiican oo aan ilaa hada faa,idadoodii hayo.
walaal Muna warka waan farabadiyay marka adoo ka raali ah waxaan suaalaha kuu waydiinayay ah maad is jeceshihiin waxay ahayd haday labada qof run isku jecel yihiin waxay isla wadaagaan dhib iyo dheefba,hadaba waxaad naftaada waydiisaaa ma dhab baa jacaylku mise waa xiise iyo wax la mida
haduu dhab yahay waxa aan sida wadkayga u hubaa in aad ka joojin karto balwad kasta oouu leeyahay amaba aad leedahay laakiin mid waa inaad ugu tala gashaa faa,ido iyo khasaaraba markaad wax samaynaso ha ugu talo galin uun in aad ku guulaysanaso hana fududaanin waa intaasood jacaylkaagaba ku waydaaye.
waxaan ku soo af xirayaa sheekadayda amaba taladayda ku kalsoonow naftaada iyo nafta aad jeceshahayba,waxaanan kuu rajaynaya guuul,guul.
waa walaashaa soomaaliyeed oo ku leh wixii suaal ah waad isoo waydiin kartaa.
nabadeey iyo is fahan wacan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ILHAAN

Wednesday, January 10, 2001 - 03:16 pm
to muna.
abaayo waxaan hawada kusoo marinayaa salaan,abaayo dad badan ayaa kula taliyay waxaana umalayna yaa inaad heshay waano kugu fila.Aniga abaayo waxaan jecelahay inaan wa yar kudarsado;aBAAYO HORT NIN BALWAD LEH KA AMIR <
hana is oran waad ka goyn kartaa waayo badanaa ragu intay ku dhahaan waan ka go aynaa bay hadan ku noqdaan ayagoo kaa qarinayao, marka hadaadan rabin inaad meel aadan wax ka qaban karain ka oydo hada in tay goori goor thay ka har..

PS walaalayaal asxaabta halkaan ku qortay waxaan dhamaan idin xasusinayaa in Somalida aad u neceb tahay qamrada waayo aad uma isticmaalaa. waxaan saas u iri muna waxay hadal keeda ku bilowday (in ninku qaadna cuno) mana arag qof kala taliyay qamro mayee qaad, mara ogaada in qaadku ka darn yahay Qamrada xaga dhaqaalaha ,ma shaqayste nimada iyo wax kastoo xun ,, taasna halagu baraarugo.. Maahan inaan leeyahay Qamradu way fiican thay laakiin aan isku meel galino ayada iyo qaadka iyo dhamaan maan dooriye yaasha kalaba.


waa wlaashiin

Ilhaaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alaalax

Friday, January 12, 2001 - 06:33 pm
amaal.......wallee laguma dhaamo oo wax kaa caqli badan meesha waa ku yar yahay,waxaase nasiib badan kaad ka soo agtoosto....la soco markaad kala tagtaan ha i hilmaamin "bankiino" aan kuu fadhiyaa.
sumaya....wallee kuma guursado,ilaahna janno iiguma kaa dhiibo....why are you so bias!!!!alaska aan joogaa oon baraf ka xaaqaa intaanan qabowgu i qalajin bakeeri whisky ah qac..xaaax...i am feeling hot hot....how you feeling?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 15, 2001 - 07:07 am
KICK HIS STINKY BALWAD ASS OUT AND BY THE WAY WHEN U KICKING HIM WEAR BOOTS LOL HAAAAAAAAAAH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUNA

Monday, January 22, 2001 - 01:39 am
asalaamu caleeku w.w. waan idin salaamay
aqyaarta shekada xagee maresaa waanka xumahay waan kaharay shekadii warka isiiya heeeeee walaalaha gabadheeyda iftiin maxaad shegtay heeeeee mesha shukaansi malagu hayaa mise waladaalay?
by hadiin macaato jawaabna waan idinka waayeeee maxaad shegteeeeen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amaal

Tuesday, January 23, 2001 - 02:16 am
KU:Muna
abaayo ma inaad nagu ciyaarto ayaad
rabtay talo doon maad ahayne balse anigaa hadlkaygii iska qasaarshee oo mooday gabadh soomaaliyeed oo dhib qabtee,waad mahadsan tahay
sida aad noogu dheeshay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hanad

Tuesday, January 23, 2001 - 06:58 am
Amaaleey munadu iyadaaba sakhraansan!

Hanad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ASLUUBBADAN

Tuesday, January 23, 2001 - 07:40 am
WALAAL KAA HA GUURSANIIN INKASTO UU JACALYKU MARMARKA QAARKOOD UU YAHAY DOQON HADAN NIYADA AYAAY KU XIRANTAHAY MARKA KA DHEEROOW KAAS ILAAHAY WUXUU XAARAANTIMEEYAY BUU XALAALEYSTAY JAADKA XAL BAA LOO HELI KARAA LAAKIIN QAMRI WAA QADAR MAALINTA DANBANA ADIGUU ILKAHA KAA SOO DAADIN BAAB SHIDAYA MALAHA QOFKAAS OO WALA WATAAS TALADEYDII HADAY KU ANFICI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amaal

Tuesday, January 23, 2001 - 11:35 pm
KU:dhamaan dadka halkan wax ku soo qori doona:

walaalayaal idinkoo raali ah gabadhan soomaaliyeed may doonayn taloeee yanay wakhtiga idinkga ciyaarin anay hore iigaga ciyaartee.
waa mahadsan tihiin dhamaantiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Iftiin

Wednesday, January 24, 2001 - 10:30 am
Muna

Muna adiga cayaarta dhaafhee, ha kaa guurtee Iftiin gabar ma aho, asaga IGAAR WAAYO.
IGAAR WAAYO, IGAAR WAAYO, SEE CAMALKAA WAAYO.
Dadka ha wareerin hee.
Iishoo hargal hee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

duqa magaalada columbus OH

Wednesday, January 24, 2001 - 09:37 pm
TO :Hanad inta ka soo hor jeeda.
ma fiicno af lagaado in loo gaysto qofkii runta sheego hanad wuxuu ka hadlay noloshiisa no body knows. waxaa laga yaabaa in uusan aqoon diinta ama normal u tahay .kamri ilaah baa inoo diiday. somaalida ku nool yurub iyo north ameerica 10% way cabaan or35%. hala yaabin qof balwad leh wax uun baa ka qaldan.
hadii ay xaaskaaga happy ku tahay way ka sii xuntay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hanad

Thursday, January 25, 2001 - 08:10 am
To: duqa magaalada alaalxyada.

sxb ceel bay kaaga dhacday, Hanad weligii khamri ma cabin, hablaha aad maqaaxiyaha ka aadaan buu idinku sii simaa, marka waaban kaa shakiyee malaha adigayba kuugu jirtaa,mise alaalax baad igu qaldaysaa nacasyohow xumi,,,, xaggeebaad iila baydhay, mise gaadhi bilaa bireyg ah baad wadatey oo ila soo kaa galay,,,,, afkaaga buqul u tol,,,mar dambena waxaa haygu tilmaamin, kana fiirso intaadan wax qorin,

Hanad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUNA

Monday, January 29, 2001 - 07:46 am
amaal iyoiftin waan idin salaamay
marka xiga waxaan salamayaa walaalaha soomaliyeed ee isiisay talada
walaal amaal waan gartay warkaga waana ku mahad santahay sidi aad isoo xasuusateen adiga iyo gabadheeyda iftin ciyaar ma aha talada waa iga ruun abaadiis hada maad iheysiin heeeee

ilhaan waad mahad santahay sida aad ilahadashay
ra i wacagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

iftiin

Monday, January 29, 2001 - 08:29 am
Muna

Yaa qeyto see waaye adiga

iftiin= Wiil, Wiil, Wiil
iftiin waa igaar, igaar, igaar

iftiin is a boy.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUNA

Tuesday, January 30, 2001 - 03:16 am
TO IFTIIN WAAN KU SALAAMAY WALAAL SEECAMAL
S.X.B. IFTIN WAA GABAR SEE KAA NOQO TAY ADIGA
MISE QOB MOOS AAD IDHIGOSAAAA ? IGA DAA DHEESHA
WALAAL IFTIIN CADEEY ABAAYDIIS BY
MUNA
WAAN IDIIN SALAAMAY AQYAARTA KALE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Iftiin

Tuesday, January 30, 2001 - 02:30 pm
Muna waa wiil

Markaan higaadiyey kalmadaha qoraalkaagii u danbeeyey, waxaa ii cadaatey inaad tahay wiil la baxay Muna, waana taas midda laguugu wareerey ee la garan waayey meel aad ka jeedo iyo meel aad u jeedo.
Laga bilaabo haddana waxaan kuug yeerayaa MUUNYE

Ee Muunye dheesha noo wad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUNA

Wednesday, January 31, 2001 - 11:25 pm
salaan dhamaan umada halkaan iguu soo caawisay taladooda

TO IFTIIN WALAAL WAAN KU SALAAMAY LAKIIN MAFILAAYO IN AAD WIIL TAHAY LAKIIN DHIB MALAHA WAACAADI HADAAD WIIL ISKA DHIGESID MARKA WALAAL
ANIGOO WIIL AH MAXAAN MAGAC GABDHEED IGU SOOGALAA
ISHEEG WALAAL LAGA ROONAA LABOXO MAGAC GABDHEED
ÄNIGA WAXAAN AHAY MUNA MUNANA WAA GABAR MA AHA WIIL IGA RAALI NOQO ABOOWE AMA ABAAYO
BY MUNA

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.