site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Jacaylka (online) la isku barto ma wax dhab ahbaa mise waa dhalonteed?

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): Jacaylka (online) la isku barto ma wax dhab ahbaa mise waa dhalonteed?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daacad

Thursday, November 30, 2000 - 09:06 am
Marka hore waydun salaaman tihiin dhamaan, salaan ka bacdi waxaanu is baranay gabadh joogta (europe) oo in mudo ahba aanu kuwada xidhiidhaynay chatroomka! Arintu si kastaba ha ahaatee gabadhii waxaanu is weydaarsanay telephonada si toos ahna waanu u wada xidhiidhi jiray mudo 4 bilood ku dhow. Runtiina anigu waxaan is lahaa gabadha sida n fiican ee degen kuula hadlaysa waa gabadh kaa damacsan mustaqbal oo rabta xidhiidh rasmi ah.
(waligayna kula aanan sheekeysanin wax SEXUAL la xidhiidha xaga telephonka iyo online labadaba).
Adigu waxba yaanan hadal kugu daaline mudo aan dheereyn ayay gabadhii ila soo hadashayoo waxay igu tidhi nin yahow sidaan ku moodayay iyo cidaan ku moodaayay midna ma tihid ee in kala wadda!!!
Anigu markii hore cidayda iyo cideedaba si fiican ayaan isugu waranay ma aanan ahayn nin gabadha wax ka qarinaaya ama been u sheegayaba.
Hadda,aniga hore jacayla iima soo marin laakiin wali gabadhii aan on line kula hadli jiray een an la sheekeysan jiray ayaad moodaa inaan tabay oo aan is leeyahay malaha waxa ku haya waaba jacayl lollll.
Anyway , waxaan idinka rabaa in waxani i hayaa jacayl dhab ah yahay iyo in dadka lagula kulo chatroomka dhamaantood ay sheekadoodu tahay dhalanteed, aan waxba ka jirin.

Waad mahadsantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A.222

Thursday, November 30, 2000 - 09:15 am
U qaado qibrad ahaan, mid iyo laba kalana ku siidar, ka dibna saaxiib waxaad ku soo biireysaa talabixyaasha goobahan oo intooda badani ka soo baxeen iskuulka kuu bilaamey hadda.
Waxaan u maleynayaa in aad fahamtey hadalka aan kuu dhigey meesha fog.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdalla

Friday, December 01, 2000 - 12:31 am
walaal daacad arinta online qofka aad ka barato waa dhalanteed waxaana taas aniga iigu filin arinta iga qabsatay gabar aan islahaa waad ku dhamaan doonaa maxaa iga raacay waxaa la igu yiri sidii hadalka laguugu sheegay maba tihid qofkii aan sawirtay marka waxaan kugula talin lahaa inaad iska ilowdo qofaad online ku baratay.welina ma dhicin labo soomaaliyeed oo ku faaiidey online sxb iska daa mardanbenaiska jir.dhalanteedkaas oo kale

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nuriin

Friday, December 01, 2000 - 04:38 am
oooooooops imisaan idiin sheegay ha moodina run waxa aad chat roomka kala kulantaan.Inkastoo ay wacnaan lehayd in ay dumarka aad lasheekaysateen idiin sheegaan runta marka hore ba oo ay yidhaah daan waa hadal un waxani.Laakiin waxaan arkay inamada badan koodu marka aad ku tidhaah did waxani ma aha seriouc in ay xanaaqan xitaa adoo u cadeeyay.Hablaha war uma hayo intaan aqaano iyo ani mooyee waxa kali ya ay meesha u yimaadaan in ay la hadlaan walaaladoda somaliyeed yogaan rabin wax ay halkaaska sii wadaan.Sabab too ah familyada ay ka yimaadeen oo aan jecleyn ama yadoo ay la xuntahay qof ay chat ka kubarteen in ay la sii wadaan waayo chat adaa qabtay in aad la hadashid dadka lakiin in reality habluhu waxa loo qatay in uu ninku isagu u yimaado.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daacad

Friday, December 01, 2000 - 05:13 am
Waydun ku mahadsantihiin talada aad i soo siiseen dhamaantiin. Somalidu horey ayay ugu maahmahday (NIN WAX KUSIIYA MA WEYDIDE EE NIN WAX KUU SHEEGA AYAAD WEYDAA)!
Aniga hada waxa illa gudbon in aanan gabadh yar oo danbe oo intay internetka igala qaado hadana igu tidhaahda waan ku jeclahay dib danbaysa ula qaado.
Tanina hadda waxay ii noqotay inaanan gabadh somaliyeed waxay tidhaahdo oo dhan wadda rumaysanin.
Sidaa iyo nabad-galyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IsMaa

Friday, December 01, 2000 - 10:26 am
A.222 LOL LOL UR SO FUNNY

IsMaa weeye salaamucalaykum.
Salaan ka dib waxaan aad ugu qoslay waa ekisbiiriyinsi iyo waxyaabo uu A222 i soo xasuusiyay.
marka daacad daacadnimadaada iska wado iskana samir oo waa jab iyo guul isku jirtee iska samir hung in there..
lol lol A22 LOL LOLLOLLOL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAA

Friday, December 01, 2000 - 10:30 am
ANIGA HADA KA HOR WAA IGU DHACDAY JAB MARKA FAAIIDANA WAAN KALA KULMAY OO JACAYL DHABAAN KA HELAY OON NOLOSHA HADA LA QAYBSADO RUNTII WALAAHI DAACAD WAA DHACDAA ANAA MARKHAATI KA AH JAB IYO FAAIIDABA OO WAXAAN GARANAYAA ILAA SADEX REER OO INTERNETKA KA DHISMAY MARKA ADIGU HA ISRAACIN WAA SIDA XIRIIRKA CAADIGAA OOKALE MARNA WAA SAXMAA MARNA WAA QALDAMAA MARKA GOOD LUCK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RICHGIRL

Sunday, December 03, 2000 - 07:24 am
Waryaaada DHALONTEED maxaa waaye neh? Serious q?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.