site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Sabab?! ....................... Why?!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): Sabab?! ....................... Why?!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nuur

Wednesday, December 06, 2000 - 01:44 am
waad salaaman tahay aqristoow
RAMADAN WANAAG SAN

salaan ka dib waxaan idin waydiinayaa
maxaa isku diray dumarka/gabdhaha &raga/wiilasha europe jooga?
hadii aad gabdhaha la sheekeysato waxay ka cabanayaan wiilasha wiilashana waxay ka cabanayaan gabdhaha
so qasku ma qubahaa mise waa qoonsimaad hore?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mudane

Wednesday, December 06, 2000 - 03:02 am
TO nuur
ramadaan wanaagsan dhamaantiin)
sxb gabdhaha soomaaliyeed waxey yiraahdaan anugu horey raga somaliyeed noosoo gumeeysteen anaguna imikaan ka aarsaneeynaa markawaa(qoonsimaad hore)sidaas iyo nabad galyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A.222

Wednesday, December 06, 2000 - 07:51 am
Saaxiib kuligood maahan, balse xumaantaa wax ka ordheer. Kuwaasi waa kuwii isku dooney, isku heley, iskuna aqalgey howl sheydaan, kana wahsadey inay isku sheegaan xaq iyo wanaagga, iskana reebaan xaaraanta iyo xumaanta.
Tusaale, hunguri(Ceyrta) dartiis waxey qariyeen oo been ka sheegeen isqabidoodii dhammeyd, oo ilmahoodii xalaasha ahaa ku sheegeen xaaraan.
Haddaba maxaad ula yaabeysaa, sheydaankii kaxeystey baa bari ka soo noqonayee.

Markaad aragtid waxaad ku tiraahdaa: dadyahow adkeysta ama u noqda Allahiin!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rag u dirir

Friday, December 08, 2000 - 03:19 am
waad salaaman tihiin
RAMADAAN KARIIM
laakiin hadii ay wax ku qaadan waa yaan maxaynu samayn a.222 ragaaba roon oo haye iska kaa oranayo ee dumarku hadii ay awooodaa isla markaaba dhulka ayay kula goyn lahaayeen.

to: mudane;- saxiib ma aha hadii ay aar goosanayaan ay u dhaqmaan sidii cayaa´lkii maxaa yeelay waxaa la rabaa hadii uu qofku aar goosanayo uu caqli ku daro eee in uu qofkii isla soo qayaxo waan kaa aaar goosanayaa sow isna aaargoosiga dhiniciisa ka wadi maayo

1;- dumarku soomaaliyo ma lagu gumaysan jirin ee iyagaa iska dhaadhacsiyay.
2;- yurub ma aha meel raga lagu cadaadiyo ee dumarku iyagaa qala u fahmay.
3;- waxaa loo baahan yahay in ragu dumarka wax fahamsiiyaan ee ma aha in ay iyagana ´gadaal u sikadaan/guuraan maxaa yeelay aniga ma oran ee horaa loo yiri (DUMAR WAA CARUUR CAG WEYN)

iwm so markaa waxaa dhaceysa in la is af garto hadii la iska daayo is garab galinta ama yaan lagaa badin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amaal

Sunday, December 10, 2000 - 11:38 pm
ku RAG U DIRIR
waad salaaman tahay intaa ka dib waxan u malaynayaa in anad ahayn wiil wax bartay amaba in uun wax kala garanaya hadal intuu afkaaga ku jiruu amaano yahaye ma ogatahay. wiilyahow aan maahamaahaha iska samaystay mar rabo inaan warkayga intaa ka sii badiyo waayo uma qalantid
nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rag u dirir

Monday, December 11, 2000 - 06:45 am
taas waa wax aad iska dhadhicisay amaaleey laakiin soomaali ayaa horay u tiri (AF CAYTAMA NINKIISUU KU YAAL)sidaa daraadeed ma rabo in aan kula caytamo waayo waxaad tahay dhoocil yar anigana dhoocilaha hadalkooda ama caydooda kama xanaaqo
ee barasho wanaag san!!! hahahaha

hadal haan ma buuxsho ee mar labaad barasho wanaag san!!!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.