site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Masayr!!!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): Masayr!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ilka case

Friday, December 08, 2000 - 03:36 am
Waad salaaman tihiin dhamaan umada soomaaliyeed

RAMADAN AL-KARIIM

Guryaha soomaaliyeed badan kood waxaa dumiya maseyr, marka aan leeyahay ma seyr ka ma wado naag uun ee both man & wommen waxaa is weydiin leh.
1: waa maxay maseyr?

maseyr waa jaceylkii labada qof ee isu maseyrsan isu qabeen oo dhamaaday, maxaa yeelay markii ay is jeclaayee maseyr iskaba daa ee wax u egna lagama maqleyn.so halkaa waxaad ka garan kartaa in uu jeceylkii labadaan qof dhamaday

2: maxay naaguhu u maseyrayaan?

dumarka soomaaliyeed waxaad moodaa badan kood in ay ka soo hor jeedaan sharciga islaamka ee raga u baneeyay 4 xaas (naag). runtii qofka binow aadmiga ah markii uu wax diidayo wuxuu ku diidaa qowl ama ficil, arintaa maseyrka ah waxaay iila muuqataa in ay taha diidmo shaati loogaliyay oo macneheedu wahay (ARINTAA MA OGOLIN)

WABILAAHI AL-TOWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadija

Friday, December 08, 2000 - 06:40 am
Asaalaamu caalykum

Ilka case suaal adiga hada xaaskaagi maakaa masayrtay?lol inasha alaah waa kaftan bro cafwan xumaan kama wado. Mida kale way ku qaldanyihiin naagaha somaaliyeed inay ka soo hor jeestaan waxuu ilaahay baneeyay.Nimanka soomaaliyeedna waxay maqleen Ilaahay baa afar idiin baneeyay markaas ayay iska guursanayaan iyadoon labadii xaas u cadaalad samayn karin ama aanba haysan wax ku wada filan Ilaahay waxuu yiri guursada hawaanka 2ama 3 ama 4 hadaydaan u cadaalad fali karina guursada 1xaas ama waxay gacantiina hanatay.Marka waxaa loo baahan yahay inay raga iyo dumarkaba ka fiirsadaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ilka case

Saturday, December 09, 2000 - 02:10 am
asalaamu aleyku w.w.

SOON WANAAGSAN

haa khadiija masayr ayay besteed tahay! lol
waa runtaa in uu eebe yiri hadii aadan u cadaalad saneyn karin guursada nid uun iyo wixii ay gacmihiina hanteen, laakiin talada ku dar ama ka soo qaad isagoo haysta wax labadoodaba ku filan ama uu ku guursan karo oo ay xaaskiisuna leedaha naag kale magaceeda ma maqli karo.

mararka qaarkood waxaa dhacda in naagtu ay koontroosho ninkeeda labiskiisa barafuunkiisa, sidoo kale ay habeenkiina koontorooosho,

wabilaahi al-towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

to ilkacase

Tuesday, December 12, 2000 - 10:36 pm
walaalaw waxaan ahay gabar soomaaliyeed oodiinta waxkataqaan hadana waxaa igu jira masayr aaduxun ninkayga mauuqabo xaaskala waanuiibalanqaaday inuusan guursandoonin ilaa aankuhishiino hadana waxaan kasuuwalwalaa hadii aydhacdo waxaan falilahaa waxaa igasuurooba waxyaabo aadanmalayn karin. marka masayrku diigeenanuu lashaqeeyaa idinkuna madaynaysaan naagakale eekudadaala sidaadnagu maslixilahaydeen iisha allaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ilka case

Wednesday, December 13, 2000 - 01:54 am
waan ku salaamay gabadhaadan soomaaliyeed ee aan mageceeda meesha ku soo qorin
intaa kadib hadaad diinta wax ka taqaanid ma'aadan maseyrteene ma iska sheeganeysaa "waa iga kaftan" ee haka xanaaqin
waxaan ku weydiiyay ilaah amarkiisa miyaad diidan tahay mise anaa mooday sikastaba ha ahaatee hadii ninkaaga uu kula guursado wax dhib ah ma leh, haa laakiin mar ayay dhib leedahay oo hadii uu cadaalad sameyn waayo uma banaana mid kale waadna ka saxsan tahay, laakiin hadii uu cadaalad sameynayo uusan idiin kala eexaneyn waxaad ka maseyr taa ama aad u maseyrtaa waxaan u arkaa kibir iyo ..........!.
hadaba hadii aad tihiin gabdhaha soomaaliyeed wuxuu alla noo baneeyay ha inaga hor istaaginee inoo daaya maxaa yeelay idinkaba eebe wax ayuu idiin baneeyay saas ooy tahay idin kama aanaan hor istaagineee seed wax u wadaan, xaalkiinu ma waxaa weeyay (BOGA JECLI BEERKANA JECLI)
taa horay ayaa la isugu waayayee aan kala ......................!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAAMAC

Wednesday, December 13, 2000 - 09:58 am
Middii labaad ayaan haatan diyaar u ahay...waxyaabo waxaa jirta ka masayrsiiya dumarka middaasoo aan gar ku siinay...sababtoo ah ragga qaarkii waa ay ka qariyaa...aniga haddeerto kama aanan qarin waan u sheegay waana ka dhaadhacshay inaan cadli u samayn doono...

Waan garan karaa inay qarracmayaan haddii naag kale lala guursado haweenka, laakiin ragga waxaan kula talin lahaa inay haweenkooda u sheegaan haddii aysan rabin buuq iyo wadno xanuun...Soomaalidu waxay tiraahdaa "Ama Afeef Hore Lahoow, Ama Adkaysin dambe"

I respect the women because they are my sisters, mothers, and so on...marka waa inaan u turnaa, u naxariisannaa...aynaan ku oran ALLAA noo banneeyay therefore waan ku dhaqaajinaynaa inaan afar haween guursano.....si dhimran, deggen, qabow ayaa wax loogu sheegaa, laakiin haddii aad la soo booddo ILAAHAA ii banneeyay, xoogaa waa laga fiican yahay Isagoo ALLE uu kuu banneeyay!!!

Marka ragoow waa iga talo...haweenkeena haween ka wanaagsan ma ay jiraan, haween ka nadiifsan ma ay jiraan, haween ka qurux iyo haybad badan ma ay jiraan, marka labo mid soo gala...ama Jamaicaan aan ku daawanno, ama aan gunta dhiisha isaga dhignoo si wanaagsanna aan ula dhaqanno our beautiful women...

JAAMAC........:)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ilka cas

Wednesday, December 13, 2000 - 10:53 am
wiil yohow naaga doonka ahi rageena ha nagu dirin ee orod waxaad guursaneyso guurso oo afaaraha aan ku quseyn iyo in aad naagaha ogoleysiiso in lala guursado isaga bax tan aad qabto ama aad guursan doontid ayaa kugu dhib qabto .ilka case

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cambaro

Wednesday, December 13, 2000 - 11:07 am
naago waxaanu aragnay naag horteed ninkeedu kala tageen iyo caruurtii ey u dhashayba ka masayrsan oo neceb ma kuwaas oo kale baan u ogolaan araa in in ey qoyskeena soo dhex galaan yey dab kugu shidin weeye noocoodu budaalo boodkeena alow hakeenin baan hadalkii ku soo gabagabeeyey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Analyst

Wednesday, December 13, 2000 - 11:32 am
Aniga laba hal iga hooya, Mid waa sheeko horoo dhacday, midna anaaba goobjoog u ahaa:

1-Tan hore waxaa lasheegay in qolo Nabadoonkoodii
dhintay ay iswaydiiyeen "war toloow yaan Nabadoon u dooranaa?" kadibna waxaa la isla gartay inay mudantahay jigadaas, naag caqli badnayd oo reerka
ka mid ahayd; kadibna markii loosoo bandhaigay inay reerka hogaanka u qabato waxay ku jawaabtay,
"Iisoo kulmiya dhamaan ragga reerka u dhashay oo wiilasha yaryarina ku jiraan, kadibna markii lasoo
kulmiyay, waxay tiri. "Intee ina minyaro ah dhinac
u saara, kadib waa lakala saaray, waxay tiri "bal fiirsha kooda badan" waa lagu soo nqday oo waxaa layiri "ina bahyaraa badan taban jibaar" waxay ku jawaabtay "kiina inuuku doqansan doorta, waxaas oo
raga may dhasheen hadii naag taladeeda la raaci lahaaye".

2-Tan labaad oo kusaabsan masayrka. baribaa laga sheekeeyay arintaan masayrka iyo inuu xataa xaasaskii Nabiga (NNKH) uu dhexgalay, marka anaa waxaan iri "Xataa nabigu (SCW) asagoo u cadaalad samaynaya ayuu hadana Caaisha aad isii jeclaa" isla markiiba waxaa soobaadday qof dumar ah oo wayn oo waliba reer diineed ah, waxana si kadisa oo xanaaq ku jiro iigu jawaabtay, "Caaisha maxay ahayd? dhoocil xunuu caloosheeda la ciyaaraysay ahayde" Erayga dhoocil wixii aay raacisay mahubo, kolbase wax sidaa u egbay tiri. waan naxay oo sidegdeg ahbaan irida uga baxay, wax dambana meeshii kama oran.ayadu uma danlahayn inay Caaisha wax ka sheegto waxaase ka keenay masayr ay ayadu nafteedu arrintaa ka masayrtay.

Runtii markii lafiiriyo kuwaas iyo kuwo kalaba waxaa kasoo baxaya inaan naag diini kareebaayn masayr, ragoow adaa lagaa rabaa sidaad wax isugu wadi lahayd.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AADAN

Thursday, December 14, 2000 - 08:59 am
RAMADAAM KARIIM

MOWDUUC KULUL BAA KALKAN KA SOCODDA, WAXAANA LA IS DHAAFSADEY HADALO AAD U SAREEYA INTII AAN ISHA MARIYEY, WAANSE SII DHAMMEYSAN DOONAA, HADDII ALLE YIRAADO.

Haddase waxaan waxyar ka sheegayaa Maseyrka.
Maseyrku waa macno badan yahay oo wuu galaa meel kasta ee nolosha, waxuuse u badan yahay maalka, cilmiga iyo quruxda(wax kasta). Maseyrka la xiriira noocyadaas waxaa gambar(aasaas) u ah XAASADNIMADA ama XIQDIGA iyo wax la mid ah, waana kan ugu xun oo waxuu qatar kaliyaa iimaanka(caqiidada) qofka, waayo xaasadka in towbadiis la aqbalo iyo in kale baa su'aal adag ah.

Micnaha kale aan kuligeen u naqoono Maseyrka waa kan dhexmara labada is qabta(nin iyo naagtiisa).
Maseyrkani waa ka duwan yahay kuwa kale, waxaana gambar u ah JACEYL, waana mid lala abuurey nafta aadamiga, soona fuf baxa markii la heshiiyo ama la iska doorto inta kale. Maseyrka waa loo baahan yahay, waxaase sharuud u ah in uusan ka baxin xeyndaabka caqliga iyo xuduudda ama soonka Alle u jeexay dadka, gaar ahaanna labada isqabta.
Haddii maseyr(kan wanaagsan) la waayo, waxaa la soo baxayaa waxba iyo dareen la'aan, ugu danbeyn waxaa la gaaraa martabad(darajo) lagu noqdo DAYUUS AMA DAYUUSIIN(waa marka midba midka kale uusan kala jecleyn haddii naagtu nin kale heysato, ninkuna naag kale ku howl yahay).
Dayuusnimada waxaa loogu kala dhowyahay sida loo kala caqiido(iimaan) iyo diin yar yahay.

Haddaba markii labada isqabta ama midkood ku yaraato caqiidadu, waxaa daciifa iimaankiisa, kadibna waxuu gacanta u galaa sheydaan iyo insi isla shaqeysta, markaasey halmaamaan ama ka tilaabaan xuduudii luugu tala galey. Waxaa yaraata xiriirkii iyo xaq dhowrkii ka dhaxeeyey, markaas baa maserkii ku dhisnaa jeceylka u shaqeeyaa naceyb iyo dagaal dhibaateeya naftooda, qoyskooda iyo sharaftoodaba, kadibna burburiya reerkooda, halkaasna ku dayaca maslaxadoodii iyo carruurtoodiiba. Intaas oo dhanna waxey galeysaa xisaab lagula xisaabtamayo, ha ku heleen adduunka ama aakharaba.

Ugu danbey, hala maseyro, laakiin yaan la waalan!
Dumarku ragga ha u daayeen masuuliyada, Ragguna ha ilaaliyeen oo ha ka soo baxeen masuuliyadaas lagu aaminey, oo ha tixgaliyeen dumarkooda, hana ka daayeen xuuxinta iyo afar baa diintu ii ogoshahey, oo yeynan u isticmaalin LA JIIFIYAA BANNAAN, ee ha fahmeen micnaha afarta iyo sida diintu noogu sheegtey.

RAMADAAN KARIIM!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

serji

Friday, January 12, 2001 - 07:50 am
maseer majiro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ilka case

Saturday, January 13, 2001 - 02:29 am
salaan dhamaan

serji sxb ayaa kuu sheegay in uusan maseyr jirin, maseyr waa wax jiro waa shaki batay waa wax shaydaan sameeyay waa niyadoo xumaatay waa is aaminkii oo lumay waa wax laga duceysto, ilaah nooma keeno waa wax lala waasho waa wax ka yimid jaceyl batay (ninka ama naagtu hadii uu kan kale aad u jecelyahay waxaa ka dhalan karto hadii uu qof uusan aqoon salaamo uu ka maseyro) waa wax la daweeyn karo laakiin daweyn tiisu adag tahay. anyway sxb ilaah ka bari in uusanm kuu keenin cudurka maseyrka, waxaad arkeysaa nin ama naag darbi cidlo ah ka maseyrsan ....hada xaaskayga maseyr ayay tacbaan la tahay ! ee ila taliya maxaan sameeyaa

nabadeey ......... ilka case

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.