site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

PLEASE-----------ILA TALIYA

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): PLEASE-----------ILA TALIYA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARXIYA

Saturday, December 09, 2000 - 04:52 am
WAXAAN AHAY GABAR SOOMAALIYEED OO KU NOOL NORTH AMERICA WAXAAN JIRAA 29 WAXAAN GUURSADAY WIIL AAN IS JECLAYN ANIGOO 18 JIRA WAXAAN U DHALAY GABAR LABA SANNO KA DIB WAAN IS FURNAY DHIBAATO NOOGA TIMID REERKIISA DARAADEED HADDANA WAAN ISKU LAABANAY ILEEN WAAN IS JECEL NAHAYE MAR LABAAD AYAY ISKU DAYEEN INAY REERKEENA DUMIYAAN WAA NALA DHAX GALAY WAX WALBA OO LA SAMEEYAY WAAN NOOGA DHAARTEEN INAAN ISLA JOOGNO SABABTOO AHAYD INAAN LABA QABIIL OO KALA DUWAN AAN AHAYN MAR KALE AYAAN IS FUNAY HADA WAXAAN KU NOOLNAHAY NORTH AMERICA ANIGA ISAGA IYO REERKOODIIBA WAAN JECLAHAY NINKEYGA ISNA WAA I JECEL YAHAY LAAKIIN FAMILY UU KA DHASHAY (AABO IYO HOOYO) AYAAN KA DHAQMI LA; NAHAY MAXAAN SAMEEYAA WALAALAYAALOOW ILA TALIYA DHIBAATADAAN I HAYSATA PLEASE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AADAN

Saturday, December 09, 2000 - 03:12 pm
Dhibaatadan waa mid ku badan dadka isqaba, waliba sii siyaadey markii la tagey wadamada reer galbeedka iyo Waqooyinka Americaba.

Marka hore waxaa fiican in la ogaado wax dhalinaya dhibaata ama loo aaneynayo, kadibna laga baaraan dago sidii loo xalin karo. Haddaba in kastoo aadan wax ka soo shoogin, haddana waxaan ku oran lahaa:

1) Haddey jiraan wax gooniya ama gaar ah, isku daya in aad isla xalisaan, adiga, asaga, waaridkiis, waaridkaaga, ehelada kale, iyo dadka xaqsoorayaasha ah diinta wax ka yaqaanna.
2) Haddii aysan jirin wax gooniya(sabab), oo loo aaneynayo, ee tahay kaliya waaridka baa isla kiin rabin, laba arrimoodba waa idiin furan tahay: a) In aad adinku iska samirtaan, oo ku gudaan wanaag, qalbi furan iyo hooyo iyo aabbe macaane adinkaa na leh Ilaah kasakow ee nadila haddii aad rabtaan oo nanacdeen, annaguse waxaan nahay ilmihiinii, waana ahaaneynaa, intaan nool nahay. b) Iyo in aad ka guurtaan oo tagtaan meel ka dheer, oo aad halkaas ka soo xiriirisaan markasta.

Waxaa kale oo muhiim ah in aad gurigiin ku dabaashaan wanaag iyo diinta Alle, sid Ilaahey idin kaga magan galiyo imtixaanada faraha badan ee la galiyey qoysas badan, kuwaas oo la iska dhigey dab iyo naar aan dameyn.

Waxaa ka fogaataan in aad xumaan ku gudaan xumaan.

BARYADA ALLE BADIYA MARKASTA, KHEYRKANA KU DADAALA, WAXAAN DAN IDIN KUGU JIRINA KA DHEERADA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nuur

Monday, December 11, 2000 - 07:16 am
hi farhiya waan ku salaamay marka labaad waxaan salaamayaa umada soomaaliyeed ee meeshan isugu timid
A$alaamu caleykum w.w.

RAMADAN AL-KARIM

hadii aan wax ka dhoho runtii sodoh waa shido fadhida laakiin sodohdaa ayaaba ugu daran maxaa yeelay meeshii laga rabay in ay salaan ka taliso wanaagna u hor seedo ayay xunaan u horeysaa, taa waa wax alo laga magan galo.
mida labaad een ku oran lahaa waa iska ilow ninkaa kuma jeclee, maxaa yeelay hadii uu ku jecelyahay ma uu yeeleen arintaa ah in uu reerkiisa dumiyo maxaa yeelay tusaale ahaan aabahay ama hooyaday talo ayay igu leedahay mooyee in ay ii sheegto ama igu dirto jeceyl keyga ma igu laha kama aanan yeeleen, sidaa darteed waxaan dhihi karaa jeceylkiisa ayaan sax ahayn EE iska ilow!
soomaali waxay tiraah hadal yar, shaqo badan ama (hadal ´haan ma buuxsho) ee nabadeey

wabilaahi al-towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu abdirahaman....

Monday, December 11, 2000 - 07:43 am
to:farxiya..
asalaamu calaykum..
bacda salaan .
walaashay waad ku mahadsan tahay sida qiimaha leh ee aad tidhi iila taliya..
balse hadan in yar ku idhaahdo..
walashay horta guurku sidiisaba waa raxmad iyo jacayl sida ribi yidhi..marka hadii labada lawayo guur maaha2 walashay somalidu waxa ay tidhaahda hadad aragto xajo degi weydey , ama mid meesha ku jira ayaa laga saarayaa ama mid aan ku jirin ayaa lasoo gelinaya" markaa guurkiina walal dib ugu noqo,, oo eeg waxa ku jira ..
hadii ay tahay waalidkiis keliya .. oo uu isagu kurabo waxa aad u guurta meel aan waalidkii joogin.. waxa laga yaaba in ay degtee,
hadii uunan ta ogolayn waa sidii laguu yidhi jacaylø majiree yuu wakhtiga kaa lumin markale,,,,
mahadsanid.. ifraax....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

garyaqaan

Monday, December 11, 2000 - 10:32 am
salaanta islaamka kadib walaal waxan kudarsan laha
a talo . waxan isjeclaanay gabar waxan wada soco
nay mudo dhan 4 sano kadib waxan kuheshiinay in.aa
n isguursano waxaa diiday reerkii ay gabadhu kadha
latay xaalku aad iyo ayuu uxumaaday sikastaba ha
ahatee hadii labada qof israbaan cidkala diri
kartaa majirto aakhirkii waan isguur sanay hadana
ciyaal badan ayaana noojaaga alxamdu lilaahi waa
lidkii way quusteen sidii ayaanu kuheshiinay marka
hadii jacaylku runkayahay isaga ayay kuxiran in uu
waalidkii kadhameeyo wax kasta laakiin malagayaa
baa in aad adigu sabab utahay arimahaas oo dhan
<1> in aanad ixtiraamin waalidkiis
<2> in aanad jeclayn qaraabadiisa
<3> in aatahaay qof dhinaca diinta ku xun
hadii aad intaas kanabad gashid arimaha kle oo
dhan waaladhamayn karaa .hadii aanad ninka kasamri
karin utag waalidkiis kadhamee sidaad isugu soo
noqon lahaydeen ilaahay naagbuu kaadhigee hadii
kale kasamir wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baarka

Friday, December 22, 2000 - 08:22 am
waan ku salaamey walaashis farxiya.
walaal hadaan ku iraahdo sidaadoo kale anigee igu dhacdey balse waxaan kugula talin lahaa jaceyl,jaceyl,hadan jaceyl waa dhibaato haduu ku doonayo oo ad adiga dooneysid waa iga talee ka guura meeshey familigiisa daganyahiin adoo xumeynin ilmahaaga waalidkood hadey ayaga garan.
hadaad sidaa ku sii socoto waxaa dhamaanaya jaceylka rerkaagana mar danbe dhismi maayo.
marka walaalo la dheeroow jaceylkaaga.baalo buulkaaga ka gal.
garabkaaga allaha galo walaashiis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

T-GIRL-QueenOfHearts

Friday, December 22, 2000 - 04:40 pm
Yahooy FARXIYO

Why don't U qabo your Nin's dhag and guur in another GOBOL? I think U should tag from the meesha aad degantahay.........Far away from his Xuux Family saxiib.......Ka dheeraaaw ASAP

PEACE :)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaashaa

Saturday, December 23, 2000 - 08:42 am
tg

ARE u speakin in somali or Eng,,,,, Why don't u qabo,,lol ur NIn's dhag Man,,,,,lol this is when i get mad when i see people who doesn't know how to write their language Dum. Abaayo farxiyo waxaan ku dhihilahaaba wiilashaas walaalaheyka ayaa ku dhaheen marka waxaan jeclaanlahaa in aan ku taro walaalo horta majiro ma ogtahay Wiilkaas uun Aduunka way buuxaan niman maxaa ALleh kugu tiray ninkaas Jecel warkiis Ha kutaayo maxaa yeelay familkiisa hadey ku naceb yhiin waxaasi wax wanaagsan ma ahan oo Hooyadiis iYo Aabihiis kuma jeclo kumana dhahayo Hamaqlin warkooda maxaa yeelay Hooyadaa lukaheeda dhexdiisa ayaa janada ah ayuu Nabiga c.s.w. yiri marka abaayo iska dhaaf oo iska sabir in uu ilaahay kuugu badalo nin ka wanaagsan kaas iskana iskaga ducee isaka iyo familkiisaba in uu ilaah ka soo waan doomaan

Haddii aan dhahi lahaa waa ogahay sidaa aad tahay Been ayaa sheekay maxaa yeelay mala iqabo mana ka dhalan Famili oo qabiil dan u dhika marka abaayo Alleh ha kuu fududeeyo anaga Alleh hana waafijiyo Qayr
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jamila

Tuesday, January 16, 2001 - 04:23 am
Farxiya adiga iyo ninkaaga ugu guura magaalada ee magaalo kale daga,,,,,,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARXIYA

Tuesday, January 16, 2001 - 08:06 am
AAD IYO AAD AYAAD U MAHADSAN TIHIIN KULIGIIN WALAAYAAL WAXAAN U MALEY NAYAA SIDII ILAAHEY KA DHIGO AYAY NOQON DOONTAA IDINKUNA II SOO DUCEEYA SIDA QAYRKU UU KU JIRO IN ILAAHEY I WAAFAJIYO SIDAA IYO NABAD GELYO MAHADSANIDIIN SALAAMA CALEYKUM

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.