site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ila Taliyaa walalayaal si degdeg ah waxaan isjecelnahay wiil laakiin

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): Ila Taliyaa walalayaal si degdeg ah waxaan isjecelnahay wiil laakiin
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dacaad

Monday, December 11, 2000 - 04:05 am
walalayal waxaan ahay gabadh somaliyed oo jirtaa 21sano.
waxaan isla soconay wiil mudo ah 3sano iyo bilal
wilkaas waan isjecelnahay laakin xirirkiisa ad ayu u yaryahay waxaan ka wadaa tlf cusbucyo markii laga soo warego ayu tlf i soo diraa mararka qarkodnaa maba i soo diro markaa aan u diranaa aniga tlf oo aan weydiyo sabataa u tlf ugu soo diri wayay wuxu shegtaa cudurdar iyo shaqada oo ku badatay aniga oo keliyaa ma aha dadka ka cabanayaa tlf diridaa waa saxibadiisa iyo familgiisa xataa. waxaan umaleyaa inay shaqada ku badan tahay maxa yelay habeenkii aya shaqeyaa ilaa subaxdii markaas sidaas daraded waan u samraa.
mararkaa qarkodna waxan isweydiya wiilkaan kuma jecle ee iska dhaf marka aan weydiyanaa inuu i jecelyahana wuxuu dhaha inuu rabin qof aniga ahayn. waxa kale oo aan garan wayay hada ka hor 10beri ka hor ayaan waxan ku soo boqday gurigiisa markii aan isaragnay aniga hadalkii aya ugu dhagay oo wax badan ma dhihi karo sidaa aan dadka kale ula shekeystana ma ahi isaga xataa sheko badan ma dhahayo anigana wan iska camusanahay.

walalayaal ma garanaayo wax badan oo qoral ah ayan qoray laakin hadii ay jiran dhalinyaro wax ka yaqan ama soo maray arin sidas la mid ah ila soo taliyaa
adinkoo ku mahadsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdalla

Monday, December 11, 2000 - 06:26 am
daacad
walaal arintan waa caadi siday aniga iila muuqato hadiise ay jiraan waxyaalo la tuhmi karo oo aad is oran karno waa suuragal inay jirto tu kalena ma aadan soo sheegin marka waxaan anigu u arkaa inay ugu wacan tahay shaqadaa aad carabaabtay mida kale ragu ragii la yaqaanay maba aha oo dunidaana kumaba sii jirtee ragu sibuu wax u iloobaa u daalanyahay,hadalada ugu yaryihiin marka waxba ma aha adigaa naga yaqaana odeygaaga eebal u dhuulgal arinta hadiise aysan waxba kuu soo bixin waxba ha ka xanaajin odeyga hadiise ay kaa dhacdo CAFIS ka dalbo mida kale miyaadan isku calool fiyoobayn waa maxay tuhunkan baasi xiriirku waa inuu ku dhisan yahay aamin,turxaan bxin hadii turxaan timaado,qalbi fiyoobaan,u dhimrin,iwm iga raali noqo warka waan badiyaye warku wuxuu isugu soo koobmayaa wax hadeyn jiraan waad helaysaa hadeysan jiran hooskaaga haka cararin ee cagaha meel dhig.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdinaasir

Monday, December 11, 2000 - 04:18 pm
dacaad
walaashiis ma garanaayo kan laga hadlaayo inaan ahay iyo in kale waayo sheekadayday u eg tahay,walaal aamin waayo sida aad noo sheegtayba kaligaa maahan ee waa lakula qabaa arintan,aamuskiisana waa tira dhaafka jacayl markuu aad u haayo qofka,taasoo keenta inuu qofku hadli kari waayo,so just trust him.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dacaad

Tuesday, December 12, 2000 - 01:20 am
to: cabdinaasir

aboowe waxaad i shegtay inay adiga arintaas oo kale ku heysato waxaan rabaa inaad isoo shegto sidaa ay shekadu kula tahay adigu
aboowe ma waxaad ledahay wa jecel ayaa ku camusinayaa. aboowe aniga wiilka dacaad ayaan u jeclahay lakin asaga shaki ayaa igaga jiraa maxaa yelay waxaan kala degan nahay labo magalo oo kala foog.lakin aboowe ma fican tahay inaan u shego inan jeclahay oo aan rabo inaan nolosheyda la
qato
mise waan iska camusaa maxa yelay dad badan ayaa dhaha hadad wiilka u shegtid inaad jeceshahay u ka niyad jabayaa
maxaa yelay isaga ayaan rabaa inuu i dhaho waxaan rabaa inaan noloshaa kula qeybsado. qalad miyaa hadan aniga weydiyo árintaan
aboowe maxaay kula tahay arintaan
adigoo ku mahadsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aboowe dacad

Tuesday, December 12, 2000 - 02:03 am
abaydacadey ismarji!!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 12, 2000 - 02:25 am
Hi Daacad,
Walaalo arin layaab leh ayaad so shegtay lakin waxad ogata qofku si kasta uu busy uu yahay qofkad jeceshay busy kama noqonaysid famligisa iska ilaw wayo isaga ayay ka dhexesa hadu laso hadlo iyo hadi kale but adigu naftada uu hadal walaalo waxad donayso hadad qofka uu shegi waydo ciid kalana kuguma shegayso.marka waxan ku odhan laha intad uu tagto lahadal oo waxad donayso uu shego than arag wuxu kugu yidhahdo.somalidu waxay ku mahmahda WAX IS WAYDIN MAXUME WAX IS WAYDARSIGA AYA XUN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ExperienceGuy

Tuesday, December 12, 2000 - 10:57 am
sidaad sheekadan u sheegayso waxay aniga ila muuqataa labo siyood ninkani inaanu dan kaa lahayn oo markuu cid waayo uun kuu yimaado iyo in waxan aad sheegaysaa wax ka jiraan oo uu mashquul yahay. markaa anigu waxaan kugula talin lahaa inaad sheekadan gunta ka gaadho oo bal hadii inankan aad sheegaysaa uu ku rabo bal adigu ha la hadlin in mudo ah oo eeg in uu isagu ku xasuusto waxaan saa u lee yahay hadii ay in yarna ku jecel yahay nin kaasi wuu soo hadli hadii kalena waxaad ogaanaysaa inuu wakhtiga kaa luminayo oo waad ka tashan. markaa inan wanaagsan baad u egtahay laakiin this is the time you should make your move or otherwise you will remain that darkness and never know if he loves you or not
good luck

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Tuesday, December 12, 2000 - 09:20 pm
WAXAY ILATAHAY. walaal waansoomaray arintaas ookale waxa aad kufakarayso ookale ayaan kufakari jiray mararka qaarkooda biliyokabadan ayanan islahadlijirin markiiaanwaydiiyana wuxuu iigujawaabijiray adigama ahanee cidkalemajecli ugudanbaystii wiilkii waan isguursanay waxaanaleenahay laba wiiloomataanoah maybe inaysaasookale dhacdo eewaxaan kuoranlahaa wiilka hasiidayn mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faliscadeey

Wednesday, December 13, 2000 - 11:56 pm
dacaad
Abaayo waan ku salaamay
abaayo waxaan ku sheegay arinta ku haysata waa mid layaab ah oo hadan dhici kartaa maxaa yelay qofka bili adanka ah wuu mashquuli karaa
lakiin mid ayaan ku sheegaya qof qof jecel waxaa celiyoo ayaa iska yar haduu dacaad ku yahay meel walba uu joog wuu kula soo xiriirilahaa oo
maxaa yelay maha jeceelka waxaa la iska dhahoo
ooo uu ka amuusnaan karoo malmoom xitaa habeen kuma mogadeen haduu dacaad ku yahay marka waxaan ku sheegaya kaas meel ka raadsoo oo mid ku an facoo doono oo jecelka kula wadaago
midkalee abaayo ma ogtahay in ay dimbi tahay in ad nin an ku qabin ku soo boqotiid gurigiisa
oo ILAAH MABNUUCAY NIN IYO NAAG IN AY KU KILIYOOWAN GURI OO QOFKALEE JOOGIN
ILAAH HANA CAFIYOO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dacaad

Thursday, December 14, 2000 - 09:16 am
to:ladan

abooyo waad ku mahadsantahay sidaa aad ugu jawabtay lakin abayo waxan ku weydin lahaa wiilka hadu ku soo waceyn maxaa lagu garan kara inu ku jecelyahay iyo inkale markaaad tlf u dirtidna tlf ma la qabanayo.

adiga side isku gursateen hadii u ku soo wici jirin walaal waxan jeclan laha inaad i fahfahisid sidii aad ku xalisen arinta tlf. gurkana ma adiga ayaa weydiyay mise asaga aya ku weydiyay in u gur ka rabo abooy sababta aan ku weydiyay waxaay tahay ma wiilka ayaa gabadha sugta intu weydinayo guurka mise wa iska cadi aniga hadan kaga hormaro maxa yelay waxan sugaya isaga maaxaa yelay waxay ila tahay inay sidaas tahy sharafta abaayo adiga oo ku mahasantahy adiga maxad ka oran laheyd adiga oo ku mahadsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sumaya

Thursday, December 14, 2000 - 10:52 am
walaal daacad arinkaaga oo kale waaya arag nimade- yda leyn kale ayuu kujiraa oo wuxuu rabaa inuu hal dhagax laba shimbirood ku dilo oo qofkale oo kaaga horysa ayaa jirta ee kontoroola iyo baadido- doonka arintan gal qof ku jecel marna waxkaa mash-quulin karaa majiraan ee daacad buusan arinta ka aheyn ragioina saas beyba hada u bateen xiriir hal qof in eysan ku ekaanin oo dumarka ey saas u lugooyaan arintan oo kale aniga waan soo arkey marka walaaley allaahna talo saaro arintanaiska giiji waxyaabo badan waan kuu soo sheegi doonaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDI

Thursday, December 14, 2000 - 11:46 pm
Marka hore waan ku salaamaye salaan ka dib Ramaadan kariim ilaah hakula garab galo maraka xikta ilaahey talada saro waxaa nacaaci karato inaad is gursataan maa ka osabare waa hadii ay ka tahay gure xalaal ah maa yahaye nin diinta ku fiican maa ogtahay labadina waxaa ku sheega inu ilaah ku sahalo midka fiican arlo wascan kaa radso mitkale oo ka fiican oo ahl diin ah ilaah yaqaano !!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDI

Thursday, December 14, 2000 - 11:51 pm
Marka hore waan ku salaamaye salaan ka dib Ramaadan kariim ilaah hakula garab galo maraka xikta ilaahey talada saro waxaa naci karato inaad is gursataan maarka osabare waa hadii ay ka tahay gure xalaal ah maa yahaye nin diinta ku fiican maa ogtahay labadina waxaa ku sheega inu ilaah ku sahalo midka fiican arlo wascan kaa radso mitkale oo ka fiican oo ahl diin ah ilaah yaqaano !!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismalura

Sunday, December 17, 2000 - 01:02 am
Waxaan u malaynayaa arrintiinu abaayo hadal uma baahnee faraha inaad ka hadashaan bay u baahan tahay haddii kale wallee labadiinuba inaad cirada tidcaysaan intaad is eegnaysaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, December 17, 2000 - 11:47 pm
waxaan ku dhihi lahaa hadii uu kujecelyahay waa inuu waqti fiican kusiiyo mada kale adiga xataa haka xishoon sababtoo ah xaaskiisa baad noqonaysaa .hadii aad calaf isku yeelataan.labada qofna waa iney100%97 is fahmikaraan hadii kale katashoo .mmidaad isla wadi kartaan raadso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khalaf

Monday, December 18, 2000 - 02:00 pm
To Daacad.
Abaayo horta waxaan u malaynayaa inuusan wiilku kuu jeclayn sida aad u jeceshahay, sababtoo ah hadii uu ku jecelyahay wuu kula soo xiriiri lahaa ama habeen ha shaqeeyo ama maalin ha shaqeeyo.
anigu waxaan ahay wiil, gabar aan is jecelnahayna waa jirtaa hadii anaan codkeeda maqlin maalmo waxaaba igu dhaca xanuun XIISO la dhaho, micnaha aad baan ugu xiisa ayadana sidoo kale, codkeeda baa wuxuu ii yahay SHIDAAL ama BANSIIN.
Marka abaayo iska iloow habeen buu shaqeeya iyo maalin buu shaqeeya, ee ninku kuma xiiseynaayo, WAA KU JECLAHAYNA daacad kama aha ee wuxuu kaa dhiganayaa qof uu mid kale ku sugo.
Waxaan aqaan dhalinyaro badan oo saaxiibaeyd ah oo sidiisoo kale u dhaqma, maxaa isku daciifinaysaa hadii uusan asagu ku waydiineyn in ku guursado, Ha waydiin sababtoo ah jaceyl badan oo uu kuu qabo iima muuqdo.
Waa walaalkaa Khalaf.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m&m

Wednesday, January 24, 2001 - 02:20 pm
i agree with khalaf 100%
don't put yourself that low girl

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waayo arag

Thursday, January 25, 2001 - 12:43 pm
to:daacad....
walaal waan ku salaamayaa,walaal waxaan ku oran lahaa waxba ha isku cuslayn arinta way fududahaye,walaal arintaan ku haysata oo kale ayaa isoo martay aniga waxaan is jecleen gabar waxaana lahadli jiray maalin walba iyaduna waxaa laga yaabaa bishi inay hal mar isoo wacdo marka aan waydiiyana waxa ay iigu jawaabi jirtay waxaan ahaa mashquul oo habeenki ayaan shaqeeyaa markaan akhyaar la tashaydana waxa ay igula taliyeen inaan ayaamo ka jaro xiriirka markaan ka aamusay ayaamo kadib ayeey ila soo hadashay waxaana ku iri mashquul ayaan ahaa al xaasil qofti saaxiga ayeey keentay,marka walaal wiilku wuu ku tijaabinayaa wuuna ku rabaa ee waxaad samaysaa ayaamo ha lahadlin fiiri bal waxa uu sameeyo haduu kula soo hadli waayo bil guduheed ka tasho talo badan kuuma hayo wuuna ku lugoonayaa hadi uu kula soo hadlana u sheeg inaad mashquultahay oo aadan wici karin isaga ayaa saxiga keenayee,tan kale hakala hormarin adigu arinta guurka waxaa laga yaabaa inuu kaa shakiyo waxaad uga sheekaysaa guurka iyo xaalkiisa kuna boori inuu meesha iska qaado aakhirka isaga ayaa kula soo doonanaya...
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nimco

Friday, January 26, 2001 - 08:14 am
waayo arag waan kugu raacey nice advice.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waayo arag

Saturday, January 27, 2001 - 08:08 pm
Nimco abaayo aad ayaad ugu mahadsantahay,waana ku faraxsanahay sida aad iigu raacday,waana kaaga mahad celinayaa mar labaad...
mahadsanid

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.