site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ila taliyaa arintaaan

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): Ila taliyaa arintaaan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ayaan

Monday, December 11, 2000 - 04:31 am
walalayaal wiil ayan isjecelnahay waxana isla soconay mudo 4sano ah intaa aan is aragnay way yartay maxa yelay labadena bisi ayaan nahay. sidas daraded ayan waxaan isaragnay 10beri ka hor oo aan gurigiisa ugu tagay hal habeen ayaan la jogay markaas ayuu wuxuu i weydiyay ama waa markii ugu horeysay uu arintaas i weydiyay wuxuna i weydiyay tan dumarka iyo raga ka dhaxeysaa marka ay guri wada galan ama guur xalal ka dhaxeyo. markii aan u shegay in aan sugaayo markii aan isgursano ama calaf isku yelano wuuba xanaqay oo wuxu ugu jawabay aniga intaas oo dhan ayaan ku sugayay oo waan ka xushoynayay sidas daraded ayan ku weydistay caawa kama yelin lakin u niyad xumaday oo wuxuu igu yiri adiga ima jeclid ayan u maleyaa maxa yelay waxas aad ku hadleysina wa laga tagay maxaa yealy gabar maanta waxa lagu gursadaa dabecadehedaa laguma gursado jirkeda lama soo marin.

laakin aniga man ogaalaan laakin adinkaa maxay idinla tahay dhalinyarada jecelkaa soo maray ama wax ka yaqaan isoo shega fikrad ahantiina waxa ay idin la tahay
idinkoo ku mahadsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kici

Monday, December 11, 2000 - 06:17 am
to ayaan

asalaamu caleykum ramadan kariim
abaayo waadba haysaa taladeena maxaan kaa dhahnaa.
waxaa uu warkaan sheego oo dhan isugu imaanayaa ha ka yeelin inuu kugu socodsiiyo sida uu doonayo. waxaana isaga qasbaya shahwo ku kooban mudo gaaban oo aan ka badnayn haday kor ku kacdo labaatan daqiiqo ninka nin ka tagay ayaana labaan qaadataba kuwa kale waaba shan sida haween qaar yiraahdaan.waxaad kaloo tiri wuu i jecelyahay hadii uu ku jecelyahay waa uu qadarin lahaa hadalkaaga iyo wacadkiina marka waxaan ka cabsanayaa ineysay jirin wax saa u sii buuran oo jecayl ah.anigoo sooo gabagabeynaya horeyna uga cudurdaartay warkaygaan tirada badan waad haysaa arintee ku soco hana ka aqbalin in ay idiin taliyaan shahwooyin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alxaaji....

Monday, December 11, 2000 - 07:57 am
to.. ayaan..
aslaamu calykum..
walashay mahadsanid marka hore .. walal jacaylka wax maka taqaan mise haduu kugu bilowday....waa suaal?...
takale waxa aad na weydiisay wax aad garanayso oo ah tii aad diidey, markaa walashay is weydii hadii uu wax ka heli laha maxuu kugu samayn lahaa,,. marka anigu waxa an ku leeyahay waxa an ahay walalka somaliyeed kumana aqaan ,,majiro wax jacayl hadii uu kuu quudhay isii jidhkaaga,, marka yuu wakhti kaa lumin...
murti baa ahayd "hadii laguu qoslo hamoodin in lagu jecelyahay"....
walashay taladu waa in aad ka fiirsato jacaylkaaga iyo mustaqbalkaaga.....
byeeee alxaji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aniga_walaashaa

Monday, December 11, 2000 - 09:40 am
Assaalaamu calaykum

walaasheey ayaan abaayo marka horeba waad ku qaldaneeyd inaad nin aan waxba ku ahayn gurigiisa ugu tagtid. marka ku xigana siday walalahayba ku sheegeen qof ku jecel xumaantaas kuma quuro . intaas waxaaba ka sii daran sinada ilaahay sw waxuu leeyahay ha u dhawaan sino waa wax xune. ilaahay tawfiiqda hana waafajiyo.Waxaan kugula talin lahaa sis ilaahay sw meel walba aad joogtid inaad ku xasuusatid oo xumaanta dartiis iskaga dhaaftid. khayr insha alaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hanad

Monday, December 11, 2000 - 04:40 pm
to: ayaan abaayo marka hore waan ku salaamay salaan kadib abaayo su,aashaada waa macna badan yihiin marka abaayo anigu waxaan kugala talinlahaa
waxaa tahay gabar sugeeysa mustaqbil marka abaayo
waaan aragnaa sida ay tahay xaalada adigu maxeey
kugala tahay abaayo anigu waxaan kugala talinlahaa
hadii aad tahay gabar sugeeysa mustakhbil waxaa kuu roon in aad is ilaaliso waayo dhalinyarada
hada jira ma aha ragii hore ee waxaan umaleenayaa
in aad tahay qof wax kala garanaya nin kaa muka
jecla waayo beri markii at timaado xalada dhabta ah meel cidla ah ayuu kaaga tagayaa waayo hadii
aad dhasho ilmo kuma dhalin meher ee waa xaaraan
taasina kuma roona ninkaa waxaad widii saa in uu diyaar uyahay guur ? hadii uu kurabo taasi ayaa ka garaneesaa abaayo runtii kuma soo koobi karo
talo ee wixii in taa dheer fadlan reer email

by ayaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ayaan

Tuesday, December 12, 2000 - 01:28 am
to:hanad

aad ayaad ugu mahadsantahay sida ficaan aad ugu soo jawabtay waxaa aad shegtaana waa wax run hah

sidas daraded wax intaas dheer hadad heysid emailkeyga waa gabar@ofir.dk

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cajiib

Friday, January 26, 2001 - 07:43 pm
S/caleekum kuligiinba. Ayaan abaayo horta waanad saxsantahay mana saxsanid waayo 4sano ayaan lasocday ninkan oo magaalaan wada joognaa mana i oga inaan guurlasugaayo sex maxaa kudhacay xidhiidhkii telephonka miyediin iswareesanba markii ugu horeese sheekadu bilaabaneysayba why waqtigaa farahabadalne aad ulumineyseen. my sistah wake up ok takale sideed gurigiisa useexata miyanad ogeen lajoogistaasi iney xaaraan tahay miyaanad ogeen inuu ninyahay markaa abaayo isna haduu kujeclyahay 4sanaba wuukusugee hadana hasugo koley labadiinaba waxbaad mooda inuu waxidinka maqanyahee mashquulbaan aheyn oo 4sano iskumaanan baran wax imaraaya maaha GOD BLESS U

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.