site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

**** yaa talo teeda ugu fiican rabo waa tanee qaado ayadoo bilaasha lacag lagaama rabo****

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): **** yaa talo teeda ugu fiican rabo waa tanee qaado ayadoo bilaasha lacag lagaama rabo****
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeqo

Tuesday, December 12, 2000 - 01:53 am
SALAAMU CALAYKUM:

TO: ALL MUSLIM:

walaalayaal waa talo waa dardaaran waxaan alle ka rajaynayaa inabadn oo idan kamida inay qaataan,

f,g

maxay tahay sababta uu alle aduunka kuukeenay laguu abuuray?

maxay tahay mahadcelinta lagaa gabaahan yahay?
mafahansantahay kudhaqanka diintan islaamka eed ku dhalatay?

ma'ogtahay inuu alle sir iyo caadba ujeedo waxaad samaynayso?

maka fakartay siduu xaalkaaga ahaandoono maalinta qiyaame hadaadan amarada alle u qumin/raacin?
su'aalaha inaynu iswaydiino ubaahan cadad/tiro malaha eebal kuwan ayno eegno

waatuu alle lahaa insi iyo jino umaan abuurin inay icaabudaanmahane,
cibaadadu waa wax walbaa oo alle adoonkiisa uu kufaralyeelo soon salaad sako iwm
waxaa xaqiiqa qofka muslimka ah haduu salaadiisa wanaajiyo inuu xumaan dhan ka fogyahay salaadu waxay qofka kamasaxdaa katirtaa xumaanta oo dhan dabcan wanaaga oodhana waykuduwdaa marka ikhwaanii aynu salaadeena hagaajino.

waxaytahay mahad celinta lagaaga baahanyahay inaad alle si dhaba u adeecdo amarada alle fuliso waatuu alle lahaa ii mahad celi waan kuu mahadcelinayaaye i xus waan ku xusayaaye hadaba u fiirso siduu alle inoo shafrafayo anagaa sharafta iska qaadaynee ilaahay waxaad ugu mahadcelisaa majiran waxaan ka ahayn awaamirtiisa qaadato,ma'ogiye. aduunka oo dhan hayday u qumaan awaamirta alle mulkiga alle kuma kordhinayaa waxaan ka ahayn cerbad bada lagaliyay inta qadar la eg ay biyo sooqaadikaro maahee haday xaqa wada diidaan gaaloobaana waxba kama dhimayaan muliga alle waxaan cirbad caaradeeda ka ahayn
marka halkaas waxaan ka qaadanaynaa inuusan alle inoo baahnayn ee anagu aan u baahanahay
maadaama aan anaga ubaahanahay waa inaynu amaradiisa u qunaa.

ma ogtagahay diinta islaamka ee alle kgu dhaliyay isagaamahad dhamaanteed lehe inay diinu sharaf tahay diinu karaama inay tahay diin aqlaaqda iyo aadaabta qofka muslimka ah dhista inaytahay diin qofka muslimka damiirkiisu uusan waxyaabaha qaar uusan ku dhici karin inuu ku hadlo ama qoro amadhagaysto ama fiirsado calaashaan istaxi xishood dartii ma ogtahay!
diin qowlka wanaagsan macaan dacabsan nabaraysa inay tahay ma ogtahay

sidaad ula mucaamiloonlahayd bulshada qaraabada waalidka saaxiibadaa familkaaga nabaraysa inay tahay ma'ogtahay! inaan is ceebayno is xaqirno is cayno is masabidano inay diinteeno xarimtay malasocotaa.
hadaba diinteeno waa diintaas waxaas oo wanaaga iyo kabadanba ay ku jiraane marabtaa oo ma baranaysaa ama hadii kale kor gaalo lahoow kabo munaafaq lahoow oo meelkastaa wareeg gaarahaan gabdhaha muslinimada sheeganaya
carab gaalo lohoow waxaad ka xishootaaba yaysan jirin wax walbaa ku hadal wax walbaana qor xadiiskii rasuulka waxuu ahaa hadaadan xishoonayn sameey waxaad doonto.

ma ogtahay inuu alle ujeedo/ogyahay waxaad siraysanayso iyo waxaad cadaysanayso
dad baa jira alle samada cirka un ku tirsha dad baa jira inuu alle meel kastaa joogo qaba
alle wuu inooga dhow yahay xididka xablulwariidka layiraah ee dhuun teena ku yaala haduu doonana uu naqaban karo markaynu fusqiga ku dhax jiro ku hadlayno qorayno fiirsanayno-

dadka magacayada dumarka isticmaalaya iyadooy sidaas ahayn kuna hadlaya waxyaabaha akhaska ah waxaan leeyahay alle kabaqa oo ha masabidanina dumarka walaalihiina oo ha ceebaynina, xadiiskii rasuulka c,s,w waxuu ahaa qofkii qof muslima u ceeb asturaa ilaahy ceebihiisa aduun iyo aaqiraba wuu asturaa, asturaad aynu walaalkeena muslimka ah u ceeb asturno iska daaye somalinetka iyo meelo kaleba waxaan ka helaynaa dad dadka muslimiinta inay iska ceebeeyaan wax kasheegaan un shaqa ka dhigtay war alle hii idan abuurtay kabaqa oo waqtiga waa nala waydiinayaaye aynu wax faa'iido uleh mustaqbalkeena danbe ee dhabta ah aynu ku lumino.
qofka muslimka ah waxaa loo baahan yahay inay diin tiisa caymiso xakamo u noqoto haday iyada diinta ku qaban waydo adigoo yaqaana yaa ku qaban allaahu aclam: hadaadan aqoona baro oo alle kabaq.
alle ha ina wanaajiyo asagaa wax walbaa awood ulehé alloow diintaada nabar kadibna kuwa siday tahay ugu dhaqma inaga dhig, nagu dil naguna soo saarmaalinta bacthiga.

walaahu waliyul aclam
waxii aangafay naftayda iyo shaydaan bay ka ahaatay waxii aan saxayna alaa i waafajiyay mahad dhamaan teeda allaa iska leh
salaamucalaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiilka

Tuesday, December 12, 2000 - 06:04 am
Ilaahey ha kaa ajar iyo xasanaad siiyo.
Walaaley waxaan jeclaan lahaa in aad raacisid, sida iyo nidaamyada hablaha muslimiinta ah ku habboon inay u maraan guurka iyo waliba noocayadiisa wanaagsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Tuesday, December 12, 2000 - 10:52 am
Assalaamu calaykum

Iaahay ducadaa noo ducaysay haanga aqbalo ilaahay waxaan kaaga baryayaa aduun iyo akhiroba inuu ku dhanbi dhaafo ku naxariisto abaalkagana ka dhigo Janatul firdawsal aclaa iyo kuligeenba . JIsaaakalaahu khayra barakalaahu fik ilaahay cilmiga ha ku siyaadiyo sis ukhtii E mailka ma i rabi kartaa waxaan jeclahay inaan la xariiro gabdhaha ehulu khayraka ahe KHAYR AAN LA KOBI KARIN ILAAHAY HA KU SIIYO JISAAAAAAKA LAAHU KHAYRAA ABAAYO ILAAHAY DARTIIS AYAAN KU JECLAHAY EHELU KHAYRA OO DHANA U JECLAAHY. KHAYRA INSHA ALAH ASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeqo

Tuesday, December 12, 2000 - 01:07 pm
TO: Wiilka
walaal salaanta islaamka bacdigeed, walaal waxaa jira meela badan oo looga hadlay arintan aad iwaydiisay bogan soomalinetkaba ha ahatee marka insha'allaah waxaan rajaynayaa inaad heli doonto kana bogandoonto.

TO:Khadija
jazaakallaahu qayran abaayo waxaan alle kuu waydiinayaa danbi dhaaf bishan barakaysan iyo naxariistiisa janatul firdowsal aclaa"
alle hakuu jeclaado sidaad noo jeceshahay!
ana sidoo kale waan jeclahay inaan xariirno gabdhaha muslimaadka ah meel kastaa ooy joogaan
waa sidan maylkayga-
deeqo2@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadro

Tuesday, December 12, 2000 - 03:41 pm
salaamu calaykum aamiin alaha naga dhigo kuwii isaga u noqdo. jazakalaahu qayran kathiiran walaashiis. man sha laah. wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Monday, December 18, 2000 - 02:26 pm
Asalaamu calaykum

Walaal Deeqa jazaakallaahu khayraa, runtii in lasoo galo netka waxay u baahan tahay sabir baababkaaba kala ahe qaybtan oo kalena waxay u baahan tahay marka lasoo galayo sabir kale, in la siiyo wakhtiga ay abaayo Deeqa siisay oo sidan cad cadna dadka wax loogu sheegana waa sabir kan ugu wayn; waxaan oo sabir ahna waa mid lagu helo fadliga Rabbi ee walaal Deeqa Allaha kuu saa´idiyo fadliga.

Runtii Deeqa ma´aqaan hadaad tahay gabadh ka qayb qaadan jirtay mawaadiic ka socday netka horaantii 99kii iyo mid kale marka aniga waayadaa baa illaa iyo xad iigu danbaysay netka oo ay ka qayb qaadan jireen walaalo fara badan oo aad ku jirto oo ay ka mid yihiin Ismaaciil, Muslim, Abdalla, Yaasmiin iyo kuwo kale oon hilmaamay waanse ka xumahay.

Waxaana caawa oo ah bil Ramadaan 23aad aan Allaah inooga baryayaa inuu nagu kulmiyo anaga, waalidiinteen, intii xaq naguleh iyo dadka mu´miniinta ah oo idil FII MAQCADI SIDQIN CINDA MALIIKIN MUQTADIR.

ALLAHUMA ARINAL XAQQA XAQQAHU WARZUQNATTIBAACAHU WA ARINAL BAADILLA BAADILLAHU WARZUQNAJTINAABAHU

Walaashiin Deggan

Wabillaahi Towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeqa

Friday, January 12, 2001 - 08:12 am
to.deeqa,
fram.deeqa.
asalaama calalkum deeqa waxan kuleeyahay ilaah hakaa abaal marayo sida aadhalkan ugu soo bandhig tay xaqailaahay ooxasuusta mudan lagana yaabo in dad badan aykuwaan tooban ilaahna unoqdan .ruahantii sida aan qoraal kaga uguriyaaqayay ama ugu qiiroodaywalaahan horay uarag una akhriyin waayo markaan isdhahaba arag figradaaha somalida wax iga yaabiya baan arkaa markaas ban cararaa waayo sidaad lasocto waaxad moodaa dadkii in ayanshaxiika tageen iyo alla cabsgiiba . walaaley ilaah hakaa abaal mariyo ilaahna hanaga dgigo kuwo xaqa kutaagan .aamiin.d


katagenrar


xa

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.