site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maku saxsanahay inaan Ilmahayga kawado hooyadood?Talo isiiya

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): Maku saxsanahay inaan Ilmahayga kawado hooyadood?Talo isiiya
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi

Sunday, December 17, 2000 - 04:37 pm
walaalayaal waan idin salaamay marka xigta waxaan idinka rabaa talo.Waxaan deganahay Denmark dhawaan ayaa ilmo aan dhalay geeyay soomaaliya anoo kala cararayo hooyadood,sababtana ay ugu wacantahay hooyadii oo aan ka,arkay dhaqan xumo joogto oo aan loo adkaysan karin,diinteenana wax u dhimayso.taasaana igu dhalisay inaan falkaan gaysto ee runtii majeclayn inaan kawado Ilmaheeda
laakin dantaa saas tiri, ilmaha mustaqbalkooda ayaa iiga sii darnaaday.Marka hada dacwo ayay igu haysaa,oo dhanka dowlada ah.marka waxaan sameeyo ma,aqaan waxaan kufakarayaa wadanka inaan iskaga cararo.Ee walaalayaal taladiina ii soo gudbiya
waana mahadsantihiin. nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Sunday, December 17, 2000 - 06:34 pm
waad ku saxsan tahay action-kaad samaysay haday arini saad u sheegtay tahay,kana haajir wadanka aad joogto.
ilaahayna dhanka saxsan ha kuu duwo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa

Monday, December 18, 2000 - 04:06 am
waan kugu taageer sanahay abdi arintaas ee waxbo hawalwalin walaalkiis siuu ilaahay kadhigo beey noqon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nadiah

Monday, December 18, 2000 - 05:19 am
Abdi, caruurtaada yeey Somalia la joogaan?
Waxbarashadooda iyo caafimaadkoodda muxuu ku suggan yahay?
Mid ogow, Somalia duulinimmo iyo caasi kuma yara. Maxaad grauntee heystaa inay caruurtaadda ku nabadgelyeso Somalia?
Bal wax inooga sii sheeg dhibaatadda aad curuurtaa hooyadood ku aragtay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aabe WalWalsan

Monday, December 18, 2000 - 12:25 pm
ninkaa aabaha ah ayaaan la hadlayaa

horta ilaahay arintan hakuu fududeeyo laakiin Saaxiib si fiican maad yeelin, waayo horta caruurta hadii aanay hooyadood la joogin wax yaabo badan ayay tabaan oo aanay cid kale u buuxin karin ku waasoo il maha ku noqda xauun haday ku waynaadaan. Markaa hadii ay gabadhaadu diinta ku fiicnayn oo wax yaabo aanad jeclaysan sameen taasi waa mid iyada iyo ilaah ka dhaxeeya ee mid iiga jawaab.
gabadhu caruurta ma daryeeli waydayoo xanaaneey wayday hadii ay tahay haa waad sax san tahay hadii ay tahay maya waxad samaynaysaa ilama sax sana aniga.

ta kale hadii caruurta hooyadood aad ka kaxaysay maxad aigu u korsan wayday intaad somali ku gaynayso. Ilmahaasi aabihii iyo hooyadiiba wuu waayay, markaa hadii aad tahay aabo caruurtiisa jecel oo taasi dhab kaa tahay ilmahaa murugada ka ilaali oo hooyadii u celi hadii kalena adigu korso laakiin waa inaad ilmahaa aanad wadankii ku dayn.

Taasi waa iga talo iyo siday aniga ila tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

miskiinka

Monday, December 18, 2000 - 12:59 pm
bacda salaan ilaahay waxan kaaga bar yayaa adiga
iyo intii muslin ah ba inuu ilaahay kurbada kafay
do xaqiisana inagu hanuu niyo dhamaanteen intaas
kadib waxan ku darsan lahaa aniga oo aan khibrad
ulahayn meesha aad kunoo shihiin hadana waandaree
mayaa waxa jira xaalku sikasta ha ahaadee ciyaal
ka hasoocelin isku day sidii aad iyada xalkale
uga samayn lahayd ama inaad sidaas ku kala maqnaa
taan iyo in ay waxka badasho dabeecada heeda bal
se waxa mihiima oo jira naagta wali ma isqabtaan
hadiise aad ciyaalkii ka kaxaysay oo aad isqabtaan
saw hadana kuwakale kuudhali mayso walaaloow dada
al isku day sidaad ayada ula xaali lahayd oo wanaa
ji waxa laga yaaba in ilaahay sooha nuuniyo waa
ilmahaaga hoo yadood uguna naxariiso wax kastoy
latimaad wabilaahi tawfiif taasi waafik radaydii

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.