site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Jacayl miyaa loo samraa mise waa laga samraa??

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Relationships - Shukaansi: Jacayl miyaa loo samraa mise waa laga samraa??
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fahad

Saturday, December 30, 2000 - 12:20 pm
Waan idin sallaamay dhammaantiin aqyaarta
Saxiibayaal waxaa marwalba maskaxdayda ku soo Noqnoqda su'aal aan aniga maahee dad badani Isweydiin karaan runtii su'aashu aniga oo kaliya Ma'igu saabsano laakiin waxay ku saabsantahay Dhammaan dadka inteeda qaan gaadhka ah ee jacaylka wax kata qaan su'aashuna waa

"JACAYL MIYAA LOO SAMRAA MISE WAA LAGA SAMRAA??"
Su'aashani bal saaxiibayaal iga soo haqabtira(qanciya)su'aashani waxay u furantahay wiillasha iyo gabdhahaba:


Waannad mahad santihaiin:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daadah

Sunday, December 31, 2000 - 01:24 am
Dear Fhad
walal su'ahsda waxa aan ka dhihilahaa ma aqaan wayo anigaba sidada oo kale ayaa dhibaato iga haysaa dhankaas hadii aan ku dhihi lahaa ka sabar waa adagtahay sida logu sabro qof aad jeceshahay hadaan ku dhihi lahana wax waliba hakugu qadato ilaa iyo mesha ugu danbaysa la istaag iydana waa dhib oo qof aan ku rabin lama sii daba cararikaro ,ma ii shegi kartaa sida xaalkinu yahay?
Anigaba waxa aan kaga bahanahay talo taas oo ah waxan la saxib ahay gabar tasoo ah mid ku barbartay dalakan yurub ayadoo u fakaraysa sida yurubiyanka ah oo markaan iraahdo waan ku jeclahay oo ayadna igu dhahaysa malin baan kuu shegi donaa hadii aan ku jeclahay ana runtii waan jeclahay marka ma fahansani in ay i jeceshay iyo inkale sidena ku ogadaa taas marwaliban waxay igu tirahdaa balan ma qaadikaro in aan ku rabo!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hebel

Sunday, December 31, 2000 - 11:34 am
Jacayl saf aa loo galaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

koolman

Monday, January 01, 2001 - 06:14 pm
jacayla waa lagu dabo dhiman waxii nool goorma laga daala ilaa waxa ku jacal aad heesho jacayla ma maduwyahay misa waa cadyahey warbiyada i sugu xoqa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Tuesday, January 02, 2001 - 06:32 am
jacayl miyaa loo samraa mise waa laga samraa?
waa su'aal fiican fahad,anoo isku dayaaya inaan ka jawaabana aan idhaahdo:
1:waa loo samraa......
haddii aad rajo qabto is leedahay waxaad rabtaa marbay hirgali...................
2:laga samraa>..............
haddii aad quusato aragto in aad waqti kaaga lumaayo....................

waa loo samraa haddii rajo kugu jirto,laga samraana haddii aad rajo goyso............

waxaan filaa inaankaaga jawaabay........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdiraxiin

Thursday, January 04, 2001 - 08:41 pm
Abdiraxiin
waxaan ahay ninka ku soo qoray ila tali walaal ,waxaan ku dhowahay in aan waasho ee soomaaliyey tallo. dhibaatadaas waxaa igaliyey gabadh aan jeclaaday oo laba sanno ka dib igu tiri kuma rabo.
the best way waa ka samir oo laba ragco oo sunno ah tuko ilaah bari inuu kaa dembi dhaafo waad iloowi jawaabtayda waa ka samir yuusan kula dhaafin 1year waa tallo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

looyaan

Friday, January 05, 2001 - 12:14 am
FAHAD
waxaan rabaa inaan kuu soo gudbiyo argtidayda
jacaylka sidiisaba waa dareen raaxo ah markii lagulo wado

waa dhib iyo naar markii lagu diido.
hadab qofku isagaa garan heerka jacaylkiisu marayo
jawaabtaadu waa [DHEXEDA ISTAAG DHINAC HA U BADAN]

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Madoobe

Friday, January 05, 2001 - 10:53 pm
Waad salaamantihiin.
Ha dagadegin saaxiib waxa aad sheegtay inaad maraysid meel xun oo aad ku socoto in aad waalato,waxx ku waalayaan waa inan yar oo aad jeceshahay haa,waxa laga yaabaa in aanad qancin oo anay kuu jeedin haa
Noomaad sheegin in inanta la qabao ama ay mehersanatahay.
Waxaan ku oran lahaa aad u xisaabtan naftaada la dood runtana u sheeg hana u jilcin jacaylku wuu jiraa wuxuse leeyahay wakhti hadii uu dhaafo wuu gubtaa waana la ilaawa waa run taasi oo isoomar anigaba.
Hadii sida saaxiibada hore kuugu sheegeen jaanisku yara banaanyahay isku day waa dumar oo way qalbi jilicsanyihiine ina aad soo jiidato hadiise ay arintu tahay mid quus aha saaxiiba ha waalana oo inan yar ha u waalan naftaadaa ka qaalisan midla mid ah iyo mid ka wanaagsanba waynooshay ee sami oo samir ialaa ianat aad kari karto Ilaahayna ha kuu sahalo.

Waan ka baxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 08, 2001 - 01:35 am
Waa yaab wayo manta waay yaryin dadka noloshooda ku happy ahi wayo rag iyo dumarba waa la cabanaya khasatan xaga jacaylka anigu imika ismaan lahayn qof dhibatada oo kale qaba aya jira lakin waa layla wada qaba wiil ayaan jecelay mudana waan wada soconay isaguna sido kale ayu igu yidhahda wax kastana uu ii sameya lakin markan ku idhahdo haye side baan wax u wadna wuxu yidhahda waxba yaan dagdagin marka waxan darensanay inaanu ii jeclayn hadana sidu wax uu wada markad arakto adaba yabaya lakin magaranayo waxan sameyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

2deep

Monday, January 08, 2001 - 05:14 am
Anonymous

Waxay u eegtahay inuu ninkani ku jecelyahay
laakiin ay u badantahay inay waxyaabo kale jiraan, markaa waxaan kugula talinlahaa inaaad inanka inataad wada fidhiisataan aad runta u sheegtid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, January 11, 2001 - 07:09 am
2deep thanks as you said waay jiraan waxyalo kale but waa laga wada hadlay oo imika waxkale oo jira ma ogi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

2deep

Friday, January 12, 2001 - 05:12 am
Anonymous
Wixii aad kawada hadashaan maxuma lakiin hadalkii
labadiinuba ma ku qanacdeen, mise intaad wada hadsheen ayaad iska kala dhaqaadeen. Waxa kale oo jira wxa idinku dhex jiraa wax laga wada hesheen karo ma yihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

T-GIRL

Friday, January 12, 2001 - 03:46 pm
DR TROUBLEBOY
Qatar saxiib Alla ya cizak. Waaan ka helay jawaabtaada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 15, 2001 - 06:48 am
To 2deep
hadalki aan kawada hadalnay anigu kolay waan ku qancay isaguna wuxu igu yidhi sido kale lakin uma ega wayo markastaba oo aan wada hadleyno hadlki oo aan ku jirno ayuumban aragna which aniga ii dhibaysa wayo aniga aya khalad sameyay lakin sidas ay tahay waan kawada heshinay ee dhibatada jirta waxa weye hadi anu ilabi kareyn inu ii shego ayaay tahay lakin wuxu ku jira berka jecli xaydha jecli which anay labadayadaba anay uu ficnayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamila

Tuesday, January 16, 2001 - 04:15 am
To fahad,

fahad adeer taladeyda waa ku jeesteey oo ku daaadi hadeysan ku soo daba kicin aniga qof expert ah ma ihi hahaaaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

igdir

Tuesday, January 16, 2001 - 10:03 am
Dear Fahad
jacaylka u samirkiisa iyo ka samirkiisuba ma loo adkaysan karo ayaan dhahayaa ee walaaleey bal ila eeg dhacdadan anigoo jecel wiil ila asaag ah oo labadayaduba shaqaysano oo dhaqaalahayagu uptoday yahay ayaanu kana samri waynay kuna samri waynay qof jacayl haleelay jiif iyo joogba diid ee labada u samirka ayaa la qaatay waayo "Samraaba Sadkii Helaa'
Mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sweat lady

Monday, January 22, 2001 - 11:55 pm
Jaceylka sidiisaba waa loo samraa hadii kale laboda qof oo isjecel hadii ayan isu samrin midba midka kale haduu u samrin markuu qalad suubiyo jaceylkaas waqti dheer ma soconaayo

I think when you love someone you have to be understanding at the same time

Peace to all ya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhibane

Thursday, January 25, 2001 - 07:59 pm
Nin dhiban.
Saaxiibayaal bal ila soo taliya waxaa jirtay inaan inan jeclaa mudo dheer oo aan wada soconay iyadoo joogtay wadan kuyaala Asia dhiganaysayna school markii ay dhamaysayna timid wadan yurub ka mid ah. Markaa anoo ku nool US aan ugu tagay meeshii ay joogtay ee yurub ka midka ahayd markaana ay hadal iyo wax aan loo baahnayn bilowday iyadoo igu rtidhi markii hore kaalay aan dhamayno arinta ee markaa kadibna aan heshiin waynay markii ay soo istaagtay suurtogal maaha inaan dhamayno ilaa aan is raacno.
Markaa maxaad iigala talin lahaydeen arintaa iyada ah bal ii soo jawaaba.
waadna mahadsan tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahra

Saturday, January 27, 2001 - 11:57 am
Hey! wallaal waxaan rabaa inaan kulataliyo laakiin su' aashaada mafahmin markaa markale ma ifahansiin kartaa gabadha markaay timi xagee isku raaci lahaaydeen? walaal isoo fahansii waan kusugayaa iminka good lucky,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sacdiya

Thursday, February 01, 2001 - 05:57 am
fikradeyda ahaan jaceylka sabarkiisa waa adigoo wax lagula wado.adigoo u dulqadanaya dhibaatoyin badan wax kuu dhimaya si qofka oo qeyr mas'uulka ah oo kale ama jecel in si walba lagaa yeeli karo. aniga ahaan almost qof ayaa jeclaa sanad iyo bar waxaan go'aan ku gaarey inan qofkaas ka calool goosto anoo jecel oo u dhimanaaya. marka sabarka sidiisaba waa waqti go'an. waxaan kuu soo jedin lahaa sabarka badan waa dhibaato niyadana adaa go'eyn kara qofkaas kana samri karo waa sida aad iska dhigtey!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

2deep

Thursday, February 08, 2001 - 05:45 am
Anonymous

Hadaad ogtahay inuu isagu dhinacna raacsanayn oo uuna ilaabain khaladkaad samaysay, miyaanay kula ahayn inaad dantaada ka raacdid, ama aad isaga u sheegtid waxaad dareen santahay.

Waxa kale ee ay aniga ila tahay inuu qofkani wali aaminin jawaabtii aad siisay maadama aad tahay qofkii khaladka galay, khaladaduna way kala dhib yar yahiin, lakiin hadaad gashay mid ka mid ah kuwa waawany (i.e Cheating) waxay ila tahay inaanuu qofkani wax wanaag ah kuu wadin.

Hadaad jeceshay inaan arintan iyo kuwo kaleba gorfayno email addresskaaga halkan kaga tag

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, February 11, 2001 - 07:35 pm
walaalayaal waad salaamantihiin,waxaan rabaa dhib i haysato in aad igala talisaan, waxaa jirta wiil aan jeclahay mudo badana aan wada soconay balse uu markii hore sifiican iila dhaqmijiray hadana uu is bedelay oo uusan ahayn sidii aan ku aqaanay,
markaan weydiiyo guur ama mustqbalna ma, iigama jawaabo ama wuu is ka kay dhego tiraa. markaan iraahdo aan kala harnana ma,ogola aniguna kama cad goosan karo oo waan jeclahay, marna waan xanaaqaa oo waxaan iraah mardanbe ha,arkin balse marna waxaan is iraahdaa balu yara kaadi wuu is bedeli doonaa marka walaalayaal ila so taliya.
by
suleeqa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, February 20, 2001 - 07:22 am
2deep aad ayad ugu mahadsantay wanada aad isinayso emailkayguna waa (sabax1@hotmail.com)wanan ka waar sugaya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sugaal

Tuesday, February 20, 2001 - 08:31 am
suleeqa
walaal mid ogow, heesbaa tiraa.
cad ceediyo harkaa,geed waa laba cayn,
cisha noolba weeye.
markaa walaal, aadmiguna,wuu isba dalikaraa ee
ogow, hadana isku day, dhanka wanaagsan,
had iyo jeer,sida waanada,la talinta,iyo
wax ka badelka xiriirka.


oky walaal.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.