site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waxbaa ka dhacay warbal eega meeshan garoobadii iyo gabdhihii baarey isku soo wada sharaxeen

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Relationships - Shukaansi: Waxbaa ka dhacay warbal eega meeshan garoobadii iyo gabdhihii baarey isku soo wada sharaxeen
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 01, 2001 - 08:20 am
Maalinba waxbaad arkeysaa hadey ugu darnaayeen garoobadii iyo kuwii baarey oo isku soo sharaxeen boga cusub ee isbarashada iyagoo isleh rag ayaad heli doontaan meeshii aad intaas ku gaadheen waxaan kawadaa da'daas soddomeeyada ah ama ku dhow oo aad rag kuweydeen waxkale ayaa idin heysta ee dib isugu noqda oo ciladu halka ay kajirto garta illaaheyna isaga samra waxaan filayaa waad dhaafteen da'dii gabadhnimada iyo guurka ama heermo oo meesha aad joogtaan kataga oo meelkale taga jewiga bedela waxaa laga yaabaa mid iska hurda inaad heshaan laakiin u maleyn maayo in hadii gabadhu dhaafto da'da labaataneeyada in wiil ay heleyso waxaase suurto gal ah in illaahey idiin sahlo odey daaley
intaas ayaan uga baxayaa salaamu caleykum iyo sanad wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

amran

Tuesday, January 02, 2001 - 05:00 am
waan ku salaa may ninka raga ahoow yaa ku yiri waxaa baray gabdhihii taas adaa niyada gashtee dib iskugu noqo sxb

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dumar

Thursday, January 04, 2001 - 01:00 pm
As/caleykum,
Waryaa Magac laawe waad hurudaaye wakeup man,
waryaa waad dambeysaa addunyadu dadku horumar ayee gaaren ee maxaad hablaha walaaladaa ah u sheeganeysaa wax iskula har oo xishoo,waxaan ku eleeyahay ma wax kaloo aad qabataad waysay Ninkoow ordoo meherad yeelo oo adiga wixii dan kuu ah u tasho don't put your nose other peoples business!!!waad qaraareysaa ee waa kugu kaligaa Magac laawe so get a life:)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badbaadiso

Thursday, January 04, 2001 - 02:52 pm
Ninyahow naag la'aanta ay hayso:

1. wax kuwaso ayaad wayday,sababtoo ah wax mawasi kartidee.

2. Naag la'aan ayaa kugu dhacday, marka waxaad doonaysaa in aad naagaha dhan hoos udhigtid

3. Waxaad lacaaytamaysaa BIYIHII AYAA SI YAABLE KUUGU RAAGEY,••• BALAQ YAHOW!!!

4. Teede kale mar key naag walba is tiraahdo waxaan doqonka ah bal ka nax oo lahadal...bey huurodaada bar bar uladhacada!!

5. Naag kuma ay doonayso, sababtoo ah shuunkaaga ayaa ciidaas iyo caadaas kabatay.

6. Meel walba oo aad timo kuleedahayna side shuunka, shiirka iwm, injir ayaa kaaga jirta oona ku goygoysey!

7. Ugu dambayntii hooyadaa naag aan ahayn kuma ayrabto in ay kuwasto, so go •••• her, cause that is what you are good at.

Now that you know that you contain the seven deadly sins...you can begin to comprehend why no self-respecting woman in her right mind wants to have any kind of contact with you and that includes spitting on your sorry,boney,black ass!!

Sidaas iyo nabad galyo...Eebe ha ka caafiyo cudur ka baas ee aad la sakaraadsantahay!

AMIIN!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LOOYAAN

Friday, January 05, 2001 - 01:13 am
TO;JAAHIL
WAA INAAN KUUGU QORAA FAR WAAWEYN
WAXAAD U GAFTAY DUMARKII SOOMAALIYEED GAAR AHAAN
1-HOOYADAA 2-WALAASHAA
HADALADAADA MARKAAN AKHRISTAY MA MATASHID CODKA
RAGA SOOMAALIYEED,

INAAD TAHAY JAAHIL AAN WALIGII GABADH SHUKAANSAN
BAA CADAATAY,HA GA FIN MAR DANBE CAFISNA DALBO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

amama

Friday, January 05, 2001 - 08:27 am
TO' dadka halkan u gafey wiilka talada siiyey
waxaan idinleeyahay ninkaas talo ayuu idin siiyey ee inaad afkiina ku taagtaan maaha doqonka isna dumarka u nacamleeyey afkaaga uraaya raga kala leexo naag ismoodyohow
dhinaca dumarka weligii ragu isma taago maxaa dumar kugu darey raga safkooda istaag
gabdhoow ninkaas aan magaca laheyn xaal siiya waayo wuu idiin duceeyey waxna idin tusaaleeyey
sidii aad ugu bixi laheydeen guun ninada iyo baaritaanka
xaal haloodiro ninkaa
sxb magac maleh raali ka ahow hadalada aan ku qabin ee ay dadka waxmagaratada ahi kuugu jawaabeen
wuxuu yiri ninkii gabyaaga ahaa
MEESHAAN MAQAAN SHARAFLEH IYO MIDHAX KA EEGEYNEY
HAFMIYAAD LATIDHI XAYDH SIDAAD HAAN KU DHAYANEYSI.
ma istaahilaan in loo jawaabo laakiin aniga ayaa kaaxaal mariyey dadkan qaraaraya
byeeeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

afgooye

Friday, January 05, 2001 - 06:56 pm
anonymous=amama

waa calaamadaha doqonta lagu garto.wax sheeg baad
is leedahay hadana dhibaato ayaad abuuraysaa.
oo hablihii yaad meel kaga dhacaysaa war wax is
ku fal.ma ogtahay waxaad ku dhaliilayso inaad
adigu sabab u tahay markaad la hadli waysay cabsi
kugu jirto darteed markay kaa tashadeena caay baa
kaa soo hartay.waxaan maqli jiray
ma wase lagamana waso.
marka iskaga har gabdhaha

you just a whimp


later

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ducaale

Friday, January 05, 2001 - 10:40 pm
Waad salaamantihiin dhamaantiin.
Ninka furay tobigan maan fahmin waxa uu rabao, ma guurdoonbaa oo habkii hukaansigiisaa sidaa naoqday. Mise isaga laftiisa Gabadhi cawda u jartay oo cadhadii buu hablaha oo dhan kula dul dhacay?

Guur waa calaf Inanyar iyo mid wayanba midba wakhtigii calafkeegu soo baxo ayuunbay guursataa ee ha ku habsaamina wax ka sheega dumarka,waxa ka roon in aad wixii aad rabtaan ka hadashaan si la idiinka caawiyo.

Yaan la kala xanaaqin oo waalidiintana lagu gafin Hooyo iyo Aaabo toona habaleheena iyo inamadeenana Ilaahay ha isku sakhiro.
Waan ka baxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nin iqyaar ah

Saturday, January 06, 2001 - 05:43 am
Salaamu caleykum.
Waar midka wax sheegayoow inagaa hablo raadisee deemeeyeeen hablahaad sheektay.Aniguna four years baan raadinayaa inan wanaagsan oo guurdoona gabar iyo goraab waa isku mida dee inan diin iyo edeb leh miyaad heysaa,warka soo daa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, January 06, 2001 - 06:05 am
war xishood oo gabdhaha meel ha uga dhicin marna wey ku dhaleen marna kula dhashen marna iyaga baad xaas wanaagsan ka rabtaa wax iskula har afku yuu ku qaloocan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 08, 2001 - 11:11 am
To dadka caytamaya

Waad salaaman tihiin dhamaan laakiin
weli jaahiliyadii ayaa idinka muuqata
waayo qof haduu waxsoo bandhigo horta waa la eegaa inta aanad u jawaabin hadii aad sidii duqsigii iska wada dalaq tiraahdaan waa jaahilninada waxyaalaha lagu yaqaano kafiirso hadaka aad oraneyso iyo sida aad u oraneyso
anigu intaas ayaan kaga baxay dooduna waa furan tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fajac

Friday, January 12, 2001 - 10:21 am
warbal kaalaya oo maxaa lagarabaa ninkii runta
sheega ma afkaa lagoo sanayaa hayaay waarun waarun
waxad raga kuxidhaan lacag iyo aduun garoobadii
qurbaha ku kibray ayaa isa soo roray daaya ninka
afka la idi goosaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

peace

Saturday, January 13, 2001 - 10:05 am
walaahi aniga walaalkey wax danbi ah oo an ku caayo maaqaan marka iska daaya fikradiisuu dhiibtee peaceeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

~Kusseey~

Sunday, January 14, 2001 - 08:16 am
Anonymous

loooooool

duqadaada si ee dadka u wada gaadho..Raga duqooshinkana u soo duceee....Nin iyo Naag duco lagama maarmeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

~Kusseey~

Sunday, January 14, 2001 - 08:17 am
duqadaada=Ducadaada

Walee gawoowey wax ma qori karo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, January 14, 2001 - 04:50 pm
Sheekh, haddalka adaa si xun ju bilaabay. intaa wax cayneyso waxaa la rabay inaan soo jeediso tan wax dhaama. Gabadhaha uma maleynaayo inay dhib ugula jeedeen, haddaase taa ka xumaatay maxaad fikrad kale u soo jeedin la'dahay.
Gabdhow, waxaan ogahay in dhibaato guurkii ka taagan tahay taa waa inaad wax ka qabataan. Haddii aad sharuudaha dabcin lahaydeen iyo haddii aad walaaladiin u afmaacaanan lahaydeen waa mid idiin taal. ka tashada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sumayo

Saturday, January 20, 2001 - 07:34 am
Naa nin hooyadaa aad in aad ku tiraahdo maxaad ku keentay Allaahba uma banayne Waxaad ku hadlayso ka fiirso qof weyn baa tahaye oo allaah ka cabso cayda adiga un baa isu jisaysey ee isaga waxba ma aad yeelin si kale ula dood laakiin hooyo waxka raadi waa ceeb badbaadisooy ha u noqon waxaas oo kale igana raali ohow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, January 25, 2001 - 11:36 am
to fajac ,peace kuseey,sumaya, iyo dhamaan inta waxgaradka ah ee sida wacan uga soo qeybgashey maqaalkan qiimaha weyn leh
xaga ceyda waxba ka oran maayo waayo walaalaheyga kale ayaa intii aan oran lahaa yiri laakiin doodu weli weyfuran tahay waxayna u furan tahay inta caqliga u saaxiibka ah ee maskaxdooda ka shaqeysiinaya
waad mahadsan tihiin byeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samiya

Monday, January 29, 2001 - 07:41 pm
nin yahoow afkaga qurunka ah haku soo taagain hablaha waxaan ku shegaya tan ad dhalitoonto ama hadii ad haysit amay waqtiga ad hablaha ad ku caynaysit ay ku garta ee waxan waa calaf ee cayda iska dhaaf way ku dhaleen wayna kula dhashaten

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, April 12, 2001 - 07:02 pm
WWWWWWwoooooooooooooooooooooowwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
war dadku hadey runta sheegaan mala afduubanayaaaa
anigaa runta idiin sheegayaa inta uu sheegeyba waa run
gabdhihii waxay wada noqdeen garoob iyo guumeys
waana su'aal u baahan in laga wada hadlo
waxa sidaas gabdhihiiu galey
HADII AAD MAQASHEEN BAL U FIIRSADA MAANSADA
SIRTA NOLOSHA
HABLAYOHOW SIDEE WAAYE
ILBAXNIMADU SAAS MAAHA
SANKA OO LAMUDO MAAHA
SARTA IYO LAFAA DUUDKA
SADEX GOOR JEJEBI MAAHA
DHAQANKAAGA SEYDH MAAHA
SOOMAALI DIID MAAHA
SIDAAD DOONTO YEEL MAAHA
DHULKA OO KU SIDI WAAYEY SAMADOO LAKORO MAAHA
KUSALIYA RASUULKIINA
SALKA DHIGA GURYAA SEEXDA
WAA TAAS SIRTA NOLOSHU
GABARINA WAA TII DHOWRSOON
EE AFKEEDA IYO ADINKEEDABA DHOWRTA

HADABA QOFKII WAX IS BIDAYOOW HADALKU WAA KUU FURAN TAHAY CCEYDUNA WAA REEBAN TAHAY WABILAAHI TOWFIIQ


SELELKABA HURDAA KEENTA
HABA SEEXAN GOORBAAS LEH
BELO SAACADEED JOOGTA
SABTI NABADA HOW RIIXIN
ADUGUBA SAMEE MAANTA
BERITONA SARGOO HEEDHE
NOLOSHABA INAAD SAAFTO
QAABEYSO SOCODKEEDA WAXAAN SUUROGELIN MAAHA


WAA INOO KULANTI DANBE
EE HALA DHOWRSADO GABDHOOW
BYEEEEE A.M.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.