site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxaad xaaladayda iga dhihi lahaydeen?

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Family Matters - Arimaha Qoyska: Maxaad xaaladayda iga dhihi lahaydeen?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Taladoon

Thursday, January 04, 2001 - 02:09 pm
Aniga iyo xaaskayga iyo 3deena ilmood waxaan ku
deganahay wadan ka mida Yurub.Ilaa iyo saan u qaa-
danay dhalashada wadankaa isbedel wayn ayaa ku yi-
mid xaaskayga,Taas oy ugu wayn tahay iyadoo rabta
inaan sinaano,dhinac kastaba anigana way igu adka-
atay waayo maadaama aan shaqo badnahay meel kalena
aanay waxba naga soo gelin,taana markaan fahansii
is iraahdo ayeyba qar sii fuuleysaa,xaaladuna sii
xumaanaysaa.Hadaba laba wax ayaa ii gudboon tan
1aad oo ah in aan shaqada ka tago oon lacagta cey-
rta u xaadirno,gurigana joogo oo sidaa ay ku hesho
sinnaanshaha ay raadinayso ama tan 2aad oo ah ina-
an reerkayga u shaqaysto buuquna saa ku sii socdo.
Mana ihi qof balwad leh ee maxaad Somaliyey igula
talin lahaydeen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salma

Friday, January 05, 2001 - 04:38 pm
taldoon waxaan arinta kaa weydiyey maxay kawada sinaanta ay rabto waxay kawada guriga hoowshiisa mise wax kale haa ka teegin shaqada sababto ah wellfare wax uu fa iido malahana aboowe nin shaqeeya waa nin fiican hadii aan wax kale jirin aniga kula hadlaya waxan leeyahay caruuur badan qofka reerka wadana waa ani marka dhibku hadii ay deen weydo family kiina u sheeg Good lucka byyyyyyyyyyyyyyyyy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabar xaas ah

Saturday, January 06, 2001 - 03:19 am
Asalaamu aleykum.
Talodoon runtii si fiican uma aanan fahmin waxa aad kaga jeedo sinaanta, laakiin waxaan kuusheeki lahaa in hadii ninku wanaagsan yahay uu xaaskiisa qancin karo.Mida kale in badan oo nimankeena soomaliyeed ka mid ahi waxay moodaan hadii uu sheqeeyo in uusan shaqo ku lahayn howlihiikale ee reerkiisu u baahnaa.

Waxaa laga yaabaa gabadhii in ay maantoodhan howshii guriga iyo ciyaalka ku jirtay oo iyadiiba ay aad u daalan tahay in uu markuu yimaado iyadii cago u riix riix iyo soo dhaweyn saaida ka sugo haduu waayana intuu qol isku xirdho oranaayo iga aamusi qiyaalka qeyladooda.

ugu danbeyn waxaan oranlahaa raga soomaaliyeed dumarkiina u sabra oo arka dhibka ay hayaan, ciyaalkiinan waxka heysta oo idinba waad dhasheene howsha dhinaceeda hasta.

Koley gabar wax garaneysaa uma maleynayo in ayninkeedii oo shaqo ka yimid oraneyso jikada ila soogal.Balse waxii muhiim ah oo aanaan markaas aweedin xaq ayaaan u leenahay in nalala caawiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Taladoon

Saturday, January 06, 2001 - 03:45 pm
Salma iyo Gabadha Xaaska ahba,labadiina aad baad
ugu mahadsantihiin sida dhibaatadayda idiin taaba-
nayso.Haddaan si gaargaar ah idiinku jawaabo.
Salma abaayo sinnaanta ay rabto oon diidanahay Xa-
askayga waa ayada oo ku andacoonaysa inaanan haws-
ha guriga aanan wax ka qaban,Taasna macnaheedu ma
aha inaan si dhaba u diidanahay,Waana jeclahay in
aan reerkayga wax walba u qabto,laakiin shaqada
aan hayo ayaan ii saamaxeen inaan tan gurigana ku
daro waayo intaan shaqada ku maqnahay waa ay ka
badan tahay intaan reerkaysa la joogo,taasna waxa ay nagu abuurtay isfaham la,aan iyo isdifaac wayn
oy markasta ku jirto.Salma shaqadayda waan wadan
saa taasaa sharafi ku jirtaaye,Intaan badbaadin
karo Gurigaygana waan badbaadin...
Gabadha xaaska ah,abaayo anigu ma ihi nooca Afad-
iisa ula dhaqma sidii wax uu leeyahay,umana quuro
xataa hadal xun,dilna warkii daa.Waxaana jeclahay
inay markasta ahaato Marwada ugu sareesa adduunka
oo idil.Mana ilaawi karo dhibkay ka marayso guriga
Carruurteena korintooda.Mana ihi nooca aad sheegt-
ay ee raba in cagaha loo riixo.Laakiin ma ogtahay
haddaad istiraahdid u dagaalan xuquuqda Dumarka
Somaliyed oo aad ka bilaabtid odaygaaga oon danbi
ku lahayn arintaa inaad qatar gelinaysid reerkaag-
a?Hadaba dhibaatada xaaskayga haysata waa midaa!!.
Habeen Wanaagsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaakim

Saturday, January 06, 2001 - 04:08 pm
sxb hadal badan wax mataraaye ee iska fur ama hadii kale lafaha ka jabi iyada oo dhan markaa ayada ayaa is dajinaysa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

naasir

Sunday, January 07, 2001 - 10:21 am
talodoon walaal arintaada way wanaagsan yahay waayo ma aha arin saa u dhiban waayo waxa aad sheegtay in aad reerka aad ka maqan tahay in badan
oo aad ku maqan tahay shaqo marka walaal iska day in aad familkaada aad waqti aad siiso si aad iyagana ay kuu fahmaan gabdhaha walaalahaa ahna oo taloda ku siiyayna waxba ha u caroon ilaan adigaa talada waydiistaye thanks

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aalg

Monday, January 08, 2001 - 06:54 am
First Don't quit your job because it is your responsbility to provide your family. second, wife don't complain if their husbands work but complain when they don't work and jew chat all night. The other thing is what you mean by equality? I don't understand that and were you working before you get your citizenship? The other thing is if you work when you come home you have to share the work at home. The work at home with kids is 24/7 = 148hrs per week. While at work 40-60 max per week. See the difference!
My advice to you when you come home help your wife and kids. Teach your kids and give your wife breaks so she can be better wife and mom. she is with the kids all day, let she go shopping by herslef or visit her friends. If your is happy you will have happy home.
Good luck

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

tiiraanyo

Tuesday, January 09, 2001 - 10:39 am
salaan kadib waxad moodaa in uu isku cudur ina
hayo walaahi waayaab saaxiib sidaada ayaan 3ciyaa
l ah ayaa ii jooga waxan ku noolahay USA laakiin
dumarka yurub kuwa waadan kan ayaa dhaama sikasta
ba ha ahaatee balaayo waa isugu kaamid. waxan ku
oran lahaa waxani waa wax yaableh waxa la arki
jiray haween raga xushmeeya. waxan kabaqayaa in
aad naag kulul qabtid. hadiise ay kulushahay daa
wo maleh taas iga qor wax kasta waan isku dayay
xaal kayguna wali waa sidiisii hadii aad furtana
ciyaalkii kaa lume saaxiib war mayaal soosheeg
waxan kaba qayaa in aad naag kulul qabto sidaas
iyo nabad galiyo ilaahoow naagaha noodaji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AADAN

Tuesday, January 09, 2001 - 04:12 pm
Taladoon iyo dhammaantiinba

Reerkiina kala dagaalama in aad ceyr iyo kaalmo kalaba ku tiirisaan, dhinac kasta ha noqotee.
Waana middaan midda baabi'isey xushmadii ka dhaxeysey labada isqabta iyo carruurtiiba.
Markii la soo cesho xushmadaas oo reerku isku filnaadu waxaa imaaneysa kala denbeyn iyo in qof walba lagu tixgaliyo booskiisa ileen waa la isku baahan yahaye.

Midda labaad, reerka waa in la xasuusiyaa adeeca Alle, oo loogu dhaqmaa adduunka sidii naloo sheegey, aakharana loogu camal fashaa sidii ayadoo la dhimanayo berri.

Dhinaca kale, qof kasta ha ka soo baxo waajibka ka saaran dhankiisa kan kale, kadibna, Alle baa kaa celinaya waxii dhib iyo xaqdarro ah ee kaaga yimaada dhinaca kale ee howshu ka dhaxeyso, haddii uu ku dhaafana, waxaa laguugu badalayaa mid ka wanaag badan.
Balse xasuusnaada inay jiraan cuduro badan oo dadka uga dhaca maskaxda, asagoo u eg sidii qof fiyow, tan waxey u baahan tahay CAQLI IYO CILMI KAA BADAN si aad dadkaas ula tacaashid kaalmeyntooda, iyo in diinta lagu soo dabaalo, intaan daawo looga doonin in la iska dhiciyo, oo aan lala cayaarin, "tit for tat", oo macnaheedu yahay, "Ninba waa mare mus ma kula korey", ama "tii daran dooro" iyo wax la mid ah.

WAX KASTA WANAAG BAA LAGU DAAWEYN KARAA,HADDAAN LA ISYEELYEELEYN, WALAALAYAALOW.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Naag- yaqaan

Thursday, January 11, 2001 - 10:12 am
TO:talodoon
Salaan ka bacdi dhibatada ku haysa ma aha mid yar laakiin waxaan kula talin lahaa in waliga dumarka ka yeelin wax dhibaato u keeni ka diintada iyo dadnimada,waxaadna xasuusataa in aad tahey abaha guriga masuliyadana ay adiga ku saran tahey hadalkeyga waxaan ku soo geba gebenayaa taloyinkan
1-xaaskaga caawi laakiin ha ka yeelin 50%
2-shaqadada ha u dayacin raaligalinta xaaskaga
3-madama ay caruur ku hayso sabarka badi si aysan caruurtada kaga dayacmin.
4-ogoow hadii dumarka ay ka arkaan in u yelaysid wixii ay rabaan in
ay malin walbo kula imaandoonto sharuudo cusub.
5-ogoow in aqiro lagu waydiin doona xaaskaga iyo caruurtada EE KA SOO BAX WAAJIBKAGA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qareen

Thursday, January 11, 2001 - 11:27 pm
Waa leydin salaamay dhammaantiin Gaar ahaan TALODOON.

Waxaan marka hore kaala talinlahaa lacagta la yiraahdo ceyrta, sababtoo ah waa lacag lugooyo, haddii aan idiin sheego taariikhda lacagtaan waxaa bilaabay Ingiriiska isagoo rabay inuu uga hortago dadka loo yaqaano Auborgins(dadka madow ee ku nool Australia)Weyna u suurtowda dadkaa illaa iyo hadda waa mashaqeystayaal.

Waxaan kugula talinlahaa saaxiib inaad u sabarto xaaskaaga maxaa yeelay waxay qabataa shaqo ka dhibbadan tan aad qabato oo ah shaqada guriga, Sinaanta aad sheegeyso ma fahmin laakiinse wax micna ah malaha maxaa yeelay qof qof ka sareeya ma jiro, waxaad sameysaa adiga shaqada dhin ilmahana waqti sii iyadana shaqo u dir waa haddii loo helayo. waxaan rajeynayaa iney wax weyn tari doonto sxb.

wasalaamu caleykum waraxmatulahi wabarakaatuhu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 15, 2001 - 06:56 am
asalama caleyku taladoonoow
Aad iyo aad ayaan ula dhacay war kaagii haduu uu yahay mid kaa dhaba uu san aheen dhalanteed.
hadaba walaal taladoonoow bal aan waxyar maskaxdaada dib u celiyo soo xasuusu berigii aad gabadha jacleed ee aad raadineysay habeena maadan o goleen iney balantiina baajiso ruux walboo ku yiraahda kahar gabadhaana ifka waad ugu nacbaneed ileen waa jaceel kaadiyee ayaduna runtii aad ayey u xiiseen jirtay hadal kaada oo hadhicin ha kufin ayaa la is weedaarsanayaayhadaba markii geedkii la abuuray mirihiisiina bislaaday masidii mirihii loo cuni lahaa muyuu muran ka taaganyahay? cajiib
walallkiis aan maskaxdeyda yarta ah kaali taliyee xaaskaagu markey bidixda ka laafyooneysay oo ay isla weeneed waataat soo xera gelisay wax walibana ka dhameesatay aaway saaxib maskaxdii iyo waa ya argnimadii aad ku soo xera gelisay miyey hada kaa dhuntay maya aboowe ha u eegin hana is oran wadan shisheya ayaa joogtaa sidaa ayaa keenay isbadalka may taasi maahan aboowe caqligaagu meel waliba aad joogto waa un kii wax isbadal ah majiraan ee gabadha qancis un baa ka maqani qanci adiguna dib iskugu noqo halkee wax ka jiraan ma dhan kaadaa mise dhankeeda keeda maba noqon karee marwaliba kaada u badi.
waxaa intaas saaxib kuugu dari guri waliba waxuu ku xiran yahay sida ilaah loogu qiimeeyo gurigaadu maguri uu sheedaan waayeelkayahaa mise mid ey ma laaig waayeekl katahay taana raadi waa mu hiimee ileen mas uuliyadu waa shey adag haduuna ilaah garab kuugu siin walaahi ruux celinkara ama qaadi kara inuusan jiran ee saaxib halkee wax kajiraan dhanka gabadha maahee raadi.
waa walaalkaa oo kuleh ilaah hakuu fudu deeyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, February 08, 2001 - 08:14 am
to taladoon
afkaaga marakh kulul & muufo khamiir ah iyo bakeeri dangawis ah ha lagu qabto,
wax reer xamar ah ma joogaan miyaa agtaada,
raadi la sheegeyso waa dhamanee,haddii kale faradheertaan la sheekeyso,ka bacdina waxey ku dhahaayaa (WELCOME TO THE CLUB)
caio

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmed

Friday, February 23, 2001 - 04:54 pm
Slaan ka dib

Saxiib wax aan kaala talino noomaad sheegin waxaadse carabaabtay in ay xaaskaagu rabto in aad sinaataan.

waa maxay waxa aad ku sinaanaysaan,ma dhaqaalaha,ma waxa ay rabtaa in iyaduna shaqo takto,mise waa xaga maamulka reerka.

Horta tan dhaqaalaha hadii aad shaqayso iyo hadii ay iyadu shaqaysaba waa wax loo baahanyahay in aad ka wada tashataan oo aadan isku qufulin ninbaad tahaye kaligaa tali oo goaanka gaadh,Waayo adna Aabo ayaad tahay iyana waa hooyo labadiinana waxa idin saaran masuuliya caruurtiina,hadii aad tan caruurta kuu leh ka tagtana ta danbe ee aad guursatana waad isku khilaafaysaan ee fikradaada ku miisaan xaalada iyo goobta aad joogto.

Hadii aad shaqayso oo ay rabto ina iyana ay xoogsi tagto sidii suurta gal ah ka wada hadla.

Xaga maamulka reerka waad u simantihiin waliba iyada ayaa masuuliyada wayn leh hadii ay tahay hooyo ka fikiraysa danta ubadkeeda,baahida reerka iyada ayaa kaa og adigu marna waad shaqaynaysaa marna waad hurudaa,ogaw waxa aad u shaqaynaysaan in ay iyaga yihiin xaaskaagana u arag in ay tahay ubadkaaga hooyadood cid u dhaantaana ayasanjirin iyada u qaadao in ay tahay JACAYLKAAGII,XAASKAAGAAGII IYO TII AAD NOLOSHA LAWADAAGAYSAY, Dumarku inaga daacadsan hadii aan rag nahay ee adigu tus inaad iyaga u ordayso hana iska dhigin sidii qof aad xoog ku haysto oo dastuur nin hore qortay ku dhaqayaa.


Hadalkii waxaan ku soo koobay soo xoogso oo ubadkaa xaaskaga iyo ubadkaaga ugu deeq.

Naagtaadana kasbo qalbigeegaa naxariiste leh ee aad seddexda kaga dhashsy tcabkaagan talo xumo yayna kaa qaadin.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.