site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Walaalayaal ila taliya

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Family Matters - Arimaha Qoyska: Walaalayaal ila taliya
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, January 06, 2001 - 08:05 am
asaalamo caleykum walaalayaal talo ayaan idinka raba culumada iyo aqyaarta waxaan degenahay aniga iyo xaskeyga yurub waxaan is qabnay 10 sano wax ilmo ah ilaahay dhamasiin aniga xaaskega aad baan isku jecelnahay taqaatir waan u tagnay waxaad qabtiin ma JIRTO AYEY LEEYIHIIN WAXAAN NAGU TALIYEEN IN AAN SAMEYNO ILMAHA DHALADA LAGU ABUURO KA DIBNA LAGU WAREEJIYO CALOOSHA HAWEENKA WAXAAN RABA DIINTA MAXAY KA QABTAA ARINTAAS IYO WIXII TALO KALE AAD I SIISAAN MAHADSANIDIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi

Wednesday, January 10, 2001 - 07:56 am
Waa su'aal wanaagsan in wax laga ogaado, waxaana iska leh culumada FATAAWADA iyo intii maqashey jawaabtey ka bixiyeen.

Balse, waxaan kugu waanin lahaa, in aad markasta xasuusnaatid in arintaani tahay qadar Alle, mana ogid inay tahay mid kuuroon iyo mid kuudaran toona.
Tusaale: Haddii qof dhalo 20 iyo ka badan oo dadibna gaaloobaan ama si kale u dhumaan, ma waxaa u rooneyd inuusan wax dhalin mase inuu dhalo kuwaas? Sidoo kale, qofbaa dilkiisa sabab looga dhigaa ilmihiisa, ama dilkooda asaga ama ayadaba, haddaba soo kama rooneyn inay is dhalinba?

Ugu danbeyn, in kastoo dadaalku fiican yahay, haddana Illaahii laba qof aan u xukmin inay wax kala dhalaan muddo intey doonto ha noqotee, Asagaa haya qadarta tilaabadii kaloo la qaado sida Dhalada iyo waxii kale la mid ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QAREEN

Thursday, January 11, 2001 - 11:54 pm
to Anonymous

Saxin waan ku salaamay, Su'ashan naftirkeeda waxaa la weydiiyay nin sheekh ah waxa uu na ku jawaabay waxaad badisaan istiqfaarta(inaad alle u towba keentaan), waxaana u daliil ah aayad qur aan ka ku jirto waane laga bilaabo aaya 10-aad ee suratu NUH.
(faqul tustagfiruu rabakum inahu kaana gaffaran, yursilu sama'a caleykum midraaran, wayumdidkum biamwaalin wa BANIINA).

SXB MICNAHEEDA CULIMADA WEYDII.

HADDII AAN QALDANA ILAAHEY HA II DHAAFO...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

asad

Friday, January 12, 2001 - 10:48 am
asalaamucalaykum..
walaal salaantaas kadib,ilaahay haku siiyo ilmo khayr qaba,walaal waxaan ku oranlahaa arinta ku haysata waa arin u baahan kafiirsasho badan iyo in lawydiiyo dadka diinta si fiican u yaqaan marka waxaad waydiisaa culumada,culumana wey joogtaa euro umana malaynayao inaad meeshaan ka heli doontid xog badan,waxaan idiin rajaynayaa awlaad baari ah
hadaan khaldamay ha laiska key cafiyo
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 15, 2001 - 07:28 am
Asalama caleykum
Waa arin mu hiim ah una taal inta cilmiga uu ilaah ku maneesatay walaalkeygiyoow horta ilmo alaa haaya asagaana og waxuu idinku talagalay haduu ilmo inuu jirkiina kasoo gooyo ugu talagalay xabaal lagalimeysaan waa kuwii dhala haduusan idin ku´tali galina weligiin dhali meysaan laakin waxaan kuugu hambalyeey nayaa hadii aatihiin laba ruux oo qadarta eebe ku qanacsan niyadoodana daacad ey tahay alana aad caabudeesaan janadiino isweediin malahan
ilaah hanoo wada kaso dhamaanteen janada.
walaal tan kale ee aad leedahay sidaa ayaa nagula taliyay idin key idinku xiran tahay ilaah dadaal ayuu ku yiri gaalo waxba ma awoode ilaah ayaa usaqiray kuna yiri quraan kiisa insaankii waxaan xageyga kabary waxeesan cilmi u laheen (calamal insaana malam yaclam) taasina hadaad idinku u aragtaan maslaxadiina waxdenbi ah kuma leedihiin ileen ruux bini aadan ah ruux uumi kara oon ilaah ka eheen majiro hadey labadiinii biyo oolahubo ey yihiin shkina idinka galeen waad ku dhaqaaqi kartaan idinkoo kahormarinaaya inaad ilaah aamintaan salaat sunana aad dukataan hadey idin san tahay iyo hadey idin daran tahay aad asga tala saara taan taa ayaan kula talin walaal laakin idinkoo shaki qaba ama midkiin shaki qaba inaad sameesaan arintaa mawanaagsana .
hadey xaaskaaga adkeysi iyo iimaan leedahayna waxaa kasii wanaagsan inaad ku aamin qabtaan siduu ilaah idinku tala galay oodba iska dhaaftaan ileen caloolsha hooyo iyo dhalo marnana isku mid maahan gaalna lama aamini karo oo intaasoo cudur oo kanooc ayaa aduunka kasacda idnkama naxaayaan ileen muslin lama tusin karee ilaahna waxuunagu yiri ha aaminina oo ha iku luuluudun ilaah iyo rasuuskiisa ku wii beeniyaya ma adey kuu turaayaan hadeyse ku qanacsantahay adoo dhanwaliba ka waaninaaya kana afeefsanaaya waxii kayimaada ineysan kahadli kareen kuna aamin qabto ku dhaqaaqa .
ileen xasaskiina qanciya ayaa nala faray oo abaal mariya ayaa nala yiri oo kaqosolsiiya ayaa nalayiriyee
abayadey waxaan kula talin lahaa ineysan iska dhaawacin ajarkeeda ey ninkeedana ku darto weliba naagtey lajaclaato waxey noqon gabdhihii uu ilaah amaanay ee saalixiinta ahaa ninkoodana ka ajardalbaday hadeysan taa niyadeeda siin kareen oo ay nafta ka awood badan tahayna adiga u yeel sidey ayada jaceshay xaaskaadoo kuu daacad ahina yaan lagula talin midkale guurso ilaa aad ayad kaqanciso ileen waamiskiin dumarkee qeer alaha ku siiyee maskax aan maskaxdaada eheen weligaa ha isticmaalin.
aslama caleykum waraxmatulaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ayan

Saturday, February 10, 2001 - 07:44 am
taladoonoow waxaan kugu la talin lahaa inaad ilaahay iska sugto wuxuu kuu goro mawaynayside ilahay sw wuxuu yiri......... qarkin waxan siinay wiilal iyo gabdho qarkina wiilal kaliya qaarkiina gabdho kaliya qaarkin will kali qarkiina garbar kali. Marka ilahay wuxuu kuu qoray mawaynaysid godna malagalaysid ee ilahay iskabari inuu ilaahay ilmo qayr qabo oo baari ah kusiiyo laakin wadaada adka dinta uyaqaano warayso arintaan.
good luck...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, February 10, 2001 - 07:48 am
AYAN WAXAD HILMANTAY ILAAHAY INUU YIRI QAARKIINA WAXBA MASIININ WAANA ABUURIS ILAAHAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salma

Wednesday, April 04, 2001 - 09:41 pm
anigu waa iga talo naagta fur oo naag kale guurso oo istijaabi ayadana sidoo kale marka baad ogan qofku yahay dhinac ilmaha sababato aha waxaa la yiri dadka qaarkod ilmaha ilaahey iskuguma darin waxa dhici karka qof walba imuu ilmahiisu meel kale ay ku jiran waxan a qaana nin iyo nag aan waxa isu dhalin waxa badan waa is furen mid ba qof kale buu guursadey naagtii baa hada waxay dhashay caruur badan nin kii nag buu guursadey ilaahey waxa masiin ilaa hada marka is tijaabiya waa iga talo ilaahey hadiin sahlo muraadkiin dhaladu waa xaaran ogow ilaahow aan gaadana aragin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, April 05, 2001 - 07:37 am
subxaana_alaah salma, why baad reer dhisan u duminaysaa. aboowe iska sug ilaahayna talo saaro.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.