site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Gabdhaha soomaaliyeed Su'aashan ka jawaaba!!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Family Matters - Arimaha Qoyska: Gabdhaha soomaaliyeed Su'aashan ka jawaaba!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaynaan

Saturday, January 06, 2001 - 09:26 am
Inkasta oo aan ogahay inay dhammaan
Gabdhaheena soomaaliyeed ay leeyihiin
Sharaf aad iyo aad u sareysa haddana
Waxaan jeclaystay inaan su'aalo
Weydiiyo gabdhaha soomaaliyeed
Su'aaluhu waxa ay tahay sidan:

1)"WAA MAXAY SABABTA KEENTAY INAY LABISTAAN SUWAAL KU DHAGAN IYO SHAATI SIDOO KALE ASNA KU DHAGAN GABDHAH SOOMAALIYEED EE KU NOOL WADAMADDA QURBAHA?"

MAXAASE U DIIDAY INAY U LABISTAAN SIDA AY DIINTU TADHI U LABISTA?"

WAA MAXAYSE SABABTA AY TIMAHA U QAAWIYEEN?

Jawaabuhu waxay u furan yihiin
Gabdhaha kaliya maaddaamo ay su'aaluhu ku Salaysan yihiin ayaga
Fadlan wiillashu doodan Hadhageysteen kaliye:

THANKS

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, January 10, 2001 - 02:26 am
horta dadku isku mid ma aha dadka isqaawiyana waxay u badan yihiin dad dhaqan doorisah ama uu sheydaan ka badiyay inkasto o ay u fiicnaan lahayd in ay is asturaan sababto ah saturaada waa calaamada islaamka hadaad qaawantahay laguma ogo in aad tahay muslim marka markasta waxay noqon in lagu weydiiyo diintaad haysato marka iyo dad dhahana way jiraan waan isqaawineynaa si aan gaalada shaqo uga helo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maryan

Wednesday, January 10, 2001 - 03:57 am
waan kuslaamay kaynaan
walaal aniga oo garbar somaliyeed oo europa joogta waxaan rabaa inaan kaaga jawaabo su"aashad ah maxay gabdhu isku qaawiyaan.
Horta gabdha somalida oo dhan ma ah wax isqaawiya laakiin waxaan shaki ku jirin in"ay dhabdho badan oo somali ah ay shabahaan galada gabdhahooda oo kale
2( shay ayaan ugu waxan waxay ay islaqaawiyaan
1) nafsadooda ayeey uqdadkaqabaan oo waxay isleeyihiin waa laydan ka qurux badan yahay markaa waxay iska raadinayaa ilbaxnimo iyo u ekoow gabdha wadanma qurba ah oo kale

2) waxay sileeyihiin ayaan laydan ka qurux badan oo wiilasha idin karaacin gabdha galaad oo dharka iskudhajiya saas ayaa ugu wacan in ay gabdhu somaliyeed qaarkood isqaawiyaan iskuna dhajiyaan dharka ama labiska oo ay gaadadooda iyo cawradooda badaanka soo dhigaan hadhowna ay magaca guud ee gabdha somaliyeed ku ciyaaran.

laakiin qurux waatan alle markii hore siiyey dumarka isqaawinayaa dhar laysku dhajiyo iyo wax kale makasoo saarayo qurux dheerad ah

walaahi bilaahi waxaan arkay 10 gabdhood oo somaliyeed oo aan aqaano oo qurux alle siiye haddna isku qaba inay fuul xun yihiin oo kuda dhacay surweel iyo shaar kudhagan quraxna ugu siyaadin caasinimo iyo ialahay beenis ma ahne
ani waxaan ahay gabar somaliyeedwaxana ka mid ahay gabdha asturan laakiin waan walaahi markii aan arko gabar soomaliyeed oo qaawan waayo magaca gabdha somaliyeed oodhan bay wadataa balse waa qof walba iyo alihiisa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somalisist@

Wednesday, January 10, 2001 - 08:13 pm
Assalaam Calaykum

Marka hore waa idin wada salaamay salaan kadib,

To;kenaan,,,Walaale horta ma fiicno in aad isku wada tartid gabdhaha soomaliyeed dhamaantood oo tiraahdid maxay isla qaawiyaan,,,,Maxaa yeelay Gabdhaha soomaliyeed waxaa ku jira kuwa fiican oo Alleh kabaqa oo asturan,,,,,Marka yaa la isku tarin dad wanaagsan iyo dad xun,,,,,,


GABDHAHA QAAWAN,,,,,,Waa wax war meel kuu yaalo haddii aad isku qaawisid in aad qurux raadiso ,,abaayo waxaad astur ku heli weeydo walaahi aadan ku heleen isqaawis ,,,,aniga iku ogowtaas,,,,Been there Done that ,,,,,,,so let's not act dumb,,here alright ,,,,,Alle wuu ku waydiini waqtikaaga sidaad U isticmaashay,,,,,Marka abaayo intii koor koor ah oo aad wax iska badeli kartid iska badal,,mar haddii ay dhimasho imaato ,,,waa qalaas,,bas waaye oo wax kadaal kuu celindoona majiro,,,,,,,Halkaas ayaa uku baxay

Iga raali ahaado qofkii aan aflageeye ama haddii aan si xun u hadlay
Wasalaama Calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaynaan

Tuesday, January 16, 2001 - 11:04 am
Asallaamucaleykum Wallaalayaal dhammaantiin:
Wallaalayaal waxaan ka cudurdaaranayaa inaan iddinkala dibdhacay mahadcelintaydii.
Wallaalayaal aad iyo aad ayaan idinkaga mahadcelinayaa jawaabihiina aad isiiseen:

TO; MARYAN:
Wallaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay jawaaabtaada aad isiisay,
iyo waliba sida wannaagsan ee aad u soo bandhitay.
Haddaba wallaashey maryan waxaan kaacodsanayaa in haddii aad waxka qaban kartid 10-ka gabdhood ee sheegtay inay dharkii raga qabaan fadlan bal isku day inaad latalisid. madaama oo aad taqaanid oo aynu nahay dad muslimiin ah haddii aynu xumaanta agteena lagu sameynayo iska qabanayno waxkastaba way iska haggaagayan.
waanad mahadsan tahay:

TO;SOMALISIST;
Wallaal mid aan ku idhaahdo waxaan fillayaa inaad fahantay wixii aan qoray,wallaal igu haba yaraatee ma'aanan odhan ama iskuma aanan wada darin Gabdhaha soomaaliyeed oo dhan marka bal isku day inaad fahanto billawga hadalkeyga
Gabdhaha soomaaliyeed ee sharata leh wax kama aanan sheegin taasina waxa u dalliil ah billawga Haddal kayga(inay Gabdhaha soomaaliyeed leeyihiin sharaf aad iyo aad u saraysa)
Marka waxaa halkaasi laga fahmikaraa inay su'aaluhu ku kooban yihiin kaliya kuwan shaydaanku duufsaday ALLAH ayaan kamagan galaynaye


WAAD HAMADSANTIHIIN:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

~Kusseey~

Tuesday, January 16, 2001 - 01:20 pm
Keynaan

adiga dumarka soomaaliyeed oo idil maxaa dusha kuu saarey..hadaad xaas leedahay iyada ka waani..hadii kalena walaashaa ama habaryarahaa

Culeeskaa kale adiga kuuma taalo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maryan

Friday, January 19, 2001 - 03:14 am
TO keynaan
walaal waan ku salamay marka hore salan kadib waad ku mahasantahay sida shafataleh ee aad u gu qanacday jawaabtaydii.
Intaa kadib waxaan kuu sheegayaa waan la talinayaa gabdhaha walaalahay ah ee somaliyeed in kastoo ayna dadku iskumid ahayn,
walaahi xataa mar marka qarkood waan ku iraahada saaxibayaalo maad iskabada shaan labiskaan waa laga fiicanyahaye adi maad is kaayadaysid ayaa qarkood igu jawaabay markaa dadka wixii wax maqalyaa waa haboontahay inlala taliyo
waan isku dayaa inaan inta aan wax u sheegi karo aan ku shego
waad mahadsnaitay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaynaan

Saturday, January 20, 2001 - 10:18 am
TO,MARYAN.
Walllaal sallan iga guddoon(muda muslimiinta)
Mida labbaad
Waxaynu wada ogsoonahay inaanay dadka oo dhani is Caqli,figra,iyo aqoontoonah ahayn.
Haddan waxaa lagama maarmaan ah inaa mar walba xumaanta laiska reebo wannaagana lays faro sida ay diinteenu ina farayso.

Mida aad adigu aragtay ee gabdhaha ku saabsan
Aniga laftaydu waan ku laqabaa tani oo kale sababtoo ah marnaba lama weynayo qof xumaan kugu agsameenaya,

waxaa kale oo iska jira wiillal iyaga laftooda uu shaydaanku leexiyay runtiina markii aan qaarbadan lahadlay intooda bandan wannaagii aan u sheegay way iga aqbaleen inkatoo ay iska jiraan qaarkale oo aan ilaa iyo hadda aan daba socdo
Marka waxaa la'inooga baahan yahay inaynu dabasocono ilaa aan jidka toosan ku soo ridayno
Inkastoo hannuunka uu ALLAH hayo
Marka waxaan mar labbaad ku leehay daddaal

MY ALLAH BE WITH YOU!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gaatame

Tuesday, January 23, 2001 - 05:18 am
maxaad gabdhaha karabtaa raga ayey kusoo jiidanayene badankoona mahan ee waa mida leh jir fiican oo indhaha soo jiidanaya hadii aad gabdhahas kamid tahy pls aan isla xriirno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOOFLE

Tuesday, January 23, 2001 - 11:00 am
waryaaaaaaaaa doqontan/nacaskan fiirin dee adigu waxaad kamitahaybaan filayaa misaadiyiinta dumarka xumaanta kala taliya.
FIRST U HAVE TO ANSWER THE QUESTIONS
OTHERWISE.
please you must keep what U.R WRITING

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, January 25, 2001 - 07:18 am
Aad ayaad ugu mahadsan tahay su aashaadii layaabka badaneed ee aad nasoo weedisay
hadi aan maskaxdeyda yarta ah kashaqeysiiyo aan wax yar ku su aalee adiga su aasha naweedinaaya wax makataqaanaa diinta islaamka?
tan labaad walaalo ma ogtahay in bini aadanku haduu san ilaah xukun u suu dejin inuusan ku filneen caqli giisa hadii ladhihi lahaa bal caqli gaada kaliya kaasho aan kadari laheen xayawaanka weliba aan la imaan laheeh waxuusan xayawaanka sameeneen sida gaalada aama dadaka aan caqiidada laheen fiiri waxaad arki nin ninkale guursanaaya ama dumar dumar kale guursamaaya taasi masameeyo xayawaanka marka adiga su aasha nasoo weedinaayoow
Ma ii sheegi kartaa wadanka maanta lagu dhaqmo diin islaam oo dhab ah liiskuna xukumo?
Mala soco taa manta aduunyada inuu kadhamaaday dagaal kii qoriga liisku heysatay ee caqliga liiskaga dagaalamaayo ilaa hadana aan fahmi la nahay dagaalkaasi?
Waxaan kaloo ku weediin halkey diinta kaga qoran tahay in aan isku jilcino gaalo oo aan isku luuluudino markaan dan kaleenahay aaway ayadaihii ilaahey uu inagu yiri idinkaa aduunka ugu qiimo badan hadaad muslin tihiin waxaana idinkaga dhigay qaliif arlada oo dhan miyaan cadkeenii goosanay?

Maxaa ugu wacan in wadaadaii iska horyimaadaan weliba markey arkaan gabar qaaban ey ka cuuda bileestaan intey waanin lahaayeen?
Waa su aashii iigu dan beysayee gaalada dhaqan koodu halkee bey ka keeneen ama ka faaideesteen soow maahan dhaqan kii laga rabay muslinka maxaa ugu wacan taaaa?.
Layaab maahoo inaanu dardarnay ayadii ilaah aanu baneesanay waxuu ilaah inaga reebay ayadihiina u fasiranay rayi aan jeeb keena kala soo baxnay soowtuu ilaah inagu yiri kulamada lakulmaayo ama faqadi lafaqayo ama shiraraka leysugu imaanaayo har iyo habeen wax faaida malahan inta badan ilaa sedex mooyee imsisaa maalinwaliba ku kulanto qabiil hadana aan wax faa ida ah ka gaarin
walaal sedexduu ilaah inuu sheegay mid kamida ayaa inoo tilmaameesa inaan wax isku sheegno lakalana caajisin ee maku taaganahayw?
Ha ila yaabin war badnideyda adaa ilabtee goormaad walaalkaa wax u sheegi kartaa markuu dabeecadaada dhabta ah barto ee uu kuu arko inaad tahay ruux waxgaradoo aamin ah markaa ayuu ku aamini fiiri nabiigeena naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee intaan loocaleemo saarin nabinimada maxaa loo yaqaanay maxamadal amiin maxuu intaasi ku gaaray kalsooni iimaan iyo caqli meyeeysan eheen?
Hadaba eedo malahan gabdhahee waxgaradku saar ama wadaadada aan taaba waxba u arag waana liis weediin maalin uu ilaah ogyahay adiga su aasha ina weedinaayo makaa dhab baa hadeyse kaa tahay ma gabdhahaa qaladka leh mise raga isku sheego inuu cilmi leeyihiin, hana eedeen waad u baahantahay gabar kuna dhashay kulana dhalatay sidaad ku waa ugu laxawsaneeso kuwaana ugu laxawso .
Ma ii sheegi kartaa xijaab micnihiisa madhar cayiman baa jira uu inuu sheegay ilaah mise is xijaaba un baa layiri .
walaal soow cajiib maahan hadii lagu yiraahdo war halkaa hamarin bahal dad cunbaa fadhiya ee aad tiraahdo waan mari ilaah ayaa ila jira ilaah mawaxuu ku yiri naftaada halis geli mise dadaal ana waakula jiraayee.
wadaada maanta aygoo og inuu gaalka yahay cadawga islaamka aan wax horumarna u ogoleen markey isu muujiyaan oo ey u soo qaataan surwaalo gaagaaban iyo gar dheer dhulkoodiina aad ku nooshahay miyaaney isku muujin galadii soo xabad xabad looma ugaarsanaayo taasi weli ma isweediisay soo lamid maahan waxaan rabaan sameen alaa ila jira ?
bal kugu dheereeyaya hadal kee gabdha timaha qaaban u tag oo weedii heerkey islaamka ka taagan tahay wey jeceshahay weyna sheegan gaal yiraahdo islaamkaan nacbanahayna wey ladagaali ayadoo waxba aan ka garaneen jirkeediina banaanka yaal marka walaal ruuxa muslinka ahi soo dhawee ayaa lagu yiri ee sii dheeree laguma dhihin dhibkoodhana waxaa leh dadakii ina keenay wadan gaalo hadana gooni isugu raacay oo anagoo dhan inoo arkay dad dhumay aan lasoo celi karin
waxaan warkeyga ku soo gaba gabeen maheysaa iskuul u gaar ah islaamkii,maheysaa dal si dhab ah loogu dhqamo diinta islaamka,maheysaa caadil aan wada raacnoo ilaah si dhaba u aaminsan ?
Iftiinkaa yar ee rabi uu wadan keenii kasoo saaray imisaa wadaad isku sheegeeso oo kasoo horjeedo hadeyse aamin san yahiin dhibka aan ku sugunahay iyo halista aan ku jrno jirayba madax ha kanoqdo wadenkee waanu taageeri laheen laakin uma jeedno hadal un baan meel lafadhinaa adigaa su aasha naweedinaayo hadii lagu yiraahdo dawlad baa dhalatee ina celi walee yeeli meysid inaan jano ku jirtaad isu mudaa laakin ogoow doonidu waanu wada saaran nahay dhana uguma baxsaneesid .
asalama caleykuma waraxmatu laah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, January 25, 2001 - 09:57 am
Asalaamu Calaykum,

To Keynaan,
Su'aasha aad soo jeedisay jawaabo badan bay leedahay hase yeeshe aniga tan ugu muhiimsan een halkan ku darsanyo waa dhaqan hore inooga soo halaabay in aan meeshaan tagnabo ku dhexdhuno haddii ayeeyooyinkeeniiii ay is asturi lahaayeen xaga ay ka xiran jireen garaarka ! oo ilmo walba ku soo kori lahaayeen aqal asturan >>>>
Anyway, Ilaahay waalidkeena ha cafiyo anagana ha ina soo hanuuniyo (aamiin)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaynaan

Friday, January 26, 2001 - 03:14 pm
Asallaamu calyakum, marka hore salaan.
wallaal marka hore waxaa wannaagsan ayn
u fulino
arimihii aan unimid meeshan ee ahayd inaad ka jawaabkooban igasiisaan su'aalihii aan idin soo waydiiyay ee ma'ahayn inaad islamarkiiba su'aalo keento, haddana taasi waxa dhib ah igumahayso.

marka Waxaan rabaa inaan soo koobo su'aalihii ay isoo wayddiisay wallaasheen jawaabahoodii intii aan wakhtigu ii ogolaado.

1)wallaal bini aadan ku isku wada mid ma'aha oo dhinac kastaba waa lagu kala duwan yahay,hadddii ay ahaan lahayd dhinaca diinta,dhaqanka,dadnimada caqliga,iwm.

marka waana lakala daddaal badan yahay haddaba maanta waxaa jira wadamo badan oo islaam ah laakiin aanan ku dhaqmin diinta islaamka balse waxaa jira ayagu dad ku dhaqma diinteena oo aan la xaqiri karayn because haddii aysan dadkaani jiri lahayn khatar ayaan ku jiri lahayn.

2)waxaan wada ogsoonahay inay jiraan siyaabo baddan oo lagu daagaalami karo ayda oo la'adeesanayo habab kala duwan waana runtaa oo waxaa jira inaa maanta caqli lagula daagaalamayo meelo badan oo adduunka ka mid ah because taasina waxaa inooga filan tusaale ahaan waxaa jira arimo badan oo maanta inaga lafteena laynagu hayo sidda SUNTA loo dhoofinayo wadankeena ee islamar ahaantaasina lagu aasayo dhulkeenii laakiin bulshadeenu maanta arintani wayka dhaga xirantahay.
3)
4)runtii marka wallaal lafiiri arimaha ay dad badan oo muslimiiin ahi ku sugan yihiin waa wax laga noxo marka waxaa jira inay dad badan oo culimo ahi daddaal ku jiraan, laakiin haddana wax lama hayo wax faa'ido ah oo la'oaran karo arimahaan wax ku oolka ah yaa laqabtay,taasina waxaa inoo guwacan waa dhinaca waaliddiinta sababtoo ah haddii ay waaliddiintu guddan lahaayeen waajibaad ka saaran maanta dhibkan iyo burburkan ina haysta kuma aynaan jireen,haddab ma'aha inaan nidhaahno waddaadadii ayaa ka soo bixi waa yay xilkii lasaaray because dadka qurbaha jooga waa dad isla weyn oo aan wax loo shegi karin sababtoo ah haddi aad isku daydid inaan wax kadhaadhiciso wuxuu kuugu jawaabayaa "HAYE"
laakiin run kama aha ee halkii ayuu dhibkii ka sii miisayaa.
ugu dambeytii wakhtiga ayaa inaan sii wado ii ogolayn ee wixii iiharay anaa dhameen doona
"INSHA'ALLAH" wakhtiyadda soo socdo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADRA

Saturday, January 27, 2001 - 07:33 am
TO KAYNAAN

WALAAL WAAD SALAAMAN TAHAY

WALAAL HOR TA QOF KII ILAAHAY HAGAAJIYO UUN BAA HAGGAGA
HABLIHII SOO MAALIYEED IN TII ILAAHAY ILAAL SHAY UUN BAA ILAASHAN EE SUNIHII NABIGA KUDHAQAN
ALE HA INAGA YEELO KU WAAS EE

RUNTII QURUX BAY MOODEEN LAKIIN WALAAHI SE WAA BEEN TII AS TURAN UUN BAA QURUX LEH

SHAYGA DIBADA YAALA EE DABEESHA IYO QORAXDU KU DHACAYSO IYO KA ASTURAN IS KUMIDMAAHA WAANA IN AAN NAFTOODA KU KAL SOONAYN
ALE HANA SOO HANUUNIYO WAX ASTURAADA KADARAN AYAY SOOMAALIYI KUDHEXJIRTAA INIYE

KUWA LEH JIDH LAQAAWIYO BAY LEEYIHIIN MEESHAAD KATAGI MAALINTA LAIS XISAABINAYO ADAA YAQAAN

WALEE SURWAAL KUDHAGANAY
WALEE MADAX CASAYSOOY
WALEE HOTEELKACASHAYSOOY
ADAA CIRKA ROOB KU OG
EE ALE HAKUSOO HANUUNYO AMIIN AMIIN AMIIN

FATLAN RUNTA HALA IS KUSHEEGO XAQA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, January 28, 2001 - 07:35 am
KU:QADRA iyoKEENAAN
Asalama caleykum
Salaan taa kor ku xusan kadib aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin mar kii aan arkay qoraalkiinii,waxaase layaab badan is weediin mudan aan u hormari yo walaashey khadra.
abaayo macaan horta dhamaan teen ilaah ha inoo wada naxariisto oo ha ina hanuuniyo.
KHADROOY waxaad o gaataa is laamnimada waxey leedahay sharci iyo xeeer uu ilaah inoo dejiyaya waana shey qaaliyoo ruuxii uu ilaah ku ilhaamiyo un baa fahmaaya
abayadiis miyaadan ogeen in nabigeenii caleehi salaatu wasalaam uu aad iyo aad ugu dadaali jiray siduu xaqa u tusin lahaa uu marnana ka caajisin hanuuninta aadamiga oo uu dhib waliba kala kulamay una dulqaadan jiray.
adiga abaayooy mawaxaad warkaada ku soo koobeesa ogoow in lagu xisaabin madax feedneedaa amam goono gaabneedaa ama baar kacasheen laheedaa.
ma intaasaa waanadaaada .
ma ogidmiyaa in uu yahay islaamku dad hal dooni wadasaaran ee uu haduu hal quf doontaa dhan kaduleeliyo oo dhamaan dadaka wada saaran biyaha wada xarqinaayaan mise waxaad leedahay anigu gooni ayaan kahay? bal ma isku dayday inaad wax u seegto gabadha walaashaa ee lunsan.
Bal waxyar ila fiiri ruuxa bini aadanka ihi waxaa ku xeeran shan waxyaalood eyna adagtahay inuu kabadbaado ilaah inuu naxariistiisa ninkuu ku habsiiyo mooyee.
miyaadan ogeen nafwaliba iney laxiriirto
1..sheedaan oo aan oganay cadaabada uu u qabo bini aadan.
2..naf oo had iyo goor kuu jiideesa dhanka xun.
3..hunguri oo had iyo jeer kugelinaaya meelaan habooneen raadintiisa.
4..hawo oo marwaliba ku gaarsiineesa melaadan gaari kareen kuguna diraaya hataa inaad ninkaada ku imtixaanto waxuusan awoodiisa eheen.
5..aduun oo raadin tiisa kasaaraaya ama kuugu ridaaya waxaii lagaa xarimay.
intaasi macid ka bad baadi kartaa jirta ileen waxaanagula yiri intaa nin kii ka adkaada waxuu kaqiiman badan yahay malaaigta yaa sameenkara?
Marka walaashaa lunsan markad aragto ha u arkin quf xunee u arag in intaasi dagaal ey kula jiraan gaalkana uu lacag uugu sii daraayo maisku deyday intaas inaadkala dagaaltanto.
masa awoodaa? gaalka baadariga ah waxuu tartan ugu jiraa sideysan dib ugu noqan diinteedii adigu maxaa kaareebay tartan kaa ?
waxaan oran lahaa waa howl inoo taalo oo inaga maqan dadaalna u baahan ...,maahan in gabdhaha walaalaheen ee lunsan inaan u aragno dad xun aan waxba fahmeen ee waa inaan ceebtooda asturnaa kuna dadaalnaa sidaan wax u faham siin laheen laakin hadaanu anaga gurigu isku xirno afkana aan kaniraahno waaduliyad anagan lamid ayaanu nahay taa ogoooow ama agaada inta aqrisatoow.
hadii caawo lagu yiraahdo hooyadaa ayaa xanuunsan ama walaashaa ayaa xanuunsan ninkaada dhuunta ayaad u galeesaa sidaad lacag ugu diri lahaa dadaal baad galeesaa saad cudurka haayo ugu bad baadin laheed miyeysan eheen?
maxaa kuwakan kuu diiday saakuwaas ugu murugootay inaad ugu muru gooto uguna dadaasho? xaqkuguma lahan miyaaaaaaa? hadaba hadaadan awoodin markaad salaada dukaneeso ilaah u bari inuu tusiyo xaqa ama ku habsato naxariistiisa taa ayaa lagaa rabaa eelagaama rabo inaad u aragato dada xun.
Walaal keenaan adiguba waad ku jirtaa su alahaa lamid ayaa tahay ee maxaad ka qabatay makuu siman yahiin kuwa kula dhashay iyo kuwaas aad sheegoosa ee qaaban? mise waxaad leedahay kuwaana wey ila dhasheen kuwaan afka un ayaan kala hadli ama hayeelaan ama haiska dayaan taasi weli xilkii ku saarnaa ma aadan gudan ee waxbaa kuu labanee raadi.
kuwa aad leedahay haye iney ku yiraahdaan eyey meeshoo dii kasii wadaayaan bal walaaloow fiiri markaadwax u sheegeysay wey ku dhageesanaayeen soo maahan sidan ka arko warkaadii maxaa kucelyey hadana falkoodii miyuusan sheedaan iyo inta aan kor ku soo xusan laxiriirin sow ma adka sidey ugu bad baadi lahaayeen. intaadan wax u sheegin horta isku day inaad lasaaxibto tusi dabeecadaada macaanigeeda laakin mar la arag hadaad noqoto cid warkaada yeeleeso arki meysid sheedaankuna waxuu gaarsiin markey meel fog kaa arkaan iney yiraahdaan gardheeraa soo socdee halkaan nagu leexiya ma been baa ?
anigu marnana idinkuma racaayo in loo arko dada xun xun laakin waxaan u arkaa ruux xanuunsanoo caafimaad uu kamaqan yahay ilaah ayaan u baryaayaa inuu caafimaad siiyo dhihina maayo waaduli dhunsan ileen anigaba igama dhereeee.
KHADRA.. waxaan kuu sheegayaa abaydiis baarka fadhiisigiisa manoo diiday diinteena taasi waan kuugu heystaa ee bal ii sheeg? malasocotaa sidey ku soo islaameen jijniya berigii cumar bini qidhaab uu hugaaminaayay islaamka madagaalbaa lagu qabtay dalkooda maya waalooga guulasan waayay dagaal markiidanbe heshiis baa dhexmaray oo ganacsi ah markey arkeen islaamka imaankooda iyo dabeecadooda qiimiga ey leedahay sida ey balanta u oofimayaan jaceel ey jeclaadeen eyey islaamku ku qaateen marka anigu waxaan qabaa markey ina arkaan gaalada inaan fadhigooda ugu tageeno edeb iyo asluubna kula dhaqmeeno in ey islaami lahaayeen ayaan aamin sanahay laakin hadaad tiraahdo meley cag dhigaan yaan la aadin ma nabi danbaa u imaan oo hanuunin soow anaga lagama rabo soow ma aheen qoolkii rasuulka naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee gaarsiiya risaalada inta aan weli maqlin anagse yaa nasoo gaarsiiyaya rag dadaalay maaheenoo aaway asxaabtii badan kooda halkee ku aasan yihiin sow yurub uma badna maxaa keenay balan ey oofinaayeen sow maa heen walaalayaal anagabo si dhab weli u fahmin diidnteenee maxaan wax sheegnaaaa,
raali iiga ahaad asalama caleykum waraxmatulaahi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaynaan

Monday, January 29, 2001 - 11:55 am
Asallaamu calaykum
Marka hore waad sallaamantihiin.

MIda kale wallaasheen aad iyo aad ayaan ugu Raacsanahay arimaha ay ka hadlayso.
Maanta horta marka loo fiirsado dad badan oo inaga mid ah yaa aad iyo aad ugu baahan in wax loo
Sheego laakiin waxaa aan arligaba joogin dadkii wax u sheegi lahaa, marka waxaa in la'is weydiiyo ah. waa maxay sababta keetay isdhaxyaaca haysta dadkii?,xageese loo socdaa?,miyaan la'is xisaabinayn?.

Haddaba runtii qofka uu iimaanku ku jiro masameeyo wixii uu doono. because tani waxaa loo baahan yahay inaan ogaano ayaadaha qur'aanka ah ee uu ALLAH inooga digayo inaa qof walba wixii xumaan ah ee uu sameeyay lahor keeni doono,maalin aan shaki lahayn marka wallaalayaalow waxaa dhammaanteen la'inooga baahan yahay inaan xaqa iyo runta isku sheegno,haddii aan taasi lahelina wax inoo haggaagaya malahan.
Qofkastana waxaa saaran sidda aynu lasocono mas'uulayado badan.

Rutiina ma wannaagsano in uu qufku marka loo sheego xaqa iyo jidka toosana inuu iska indha-tiro
oo uu iska dhigo qof aan wax garaneyn ama aan wax loo sheegin.

haddii aa u kuur-gasho dad badan oo muslimiin ahi waxyaalaha ay samaynayaan aad iyo aad ayaad u layaabaysaa.

Arimahaasi oo dhana waa kuwo inooyaala inaga(intii uu ALLAH xaqa ku hanuuniyay).
Haddii kale runtii dhibaato ayaa inoodambaysa.

waxaan rabaa inaan u soo laabto haddalkii wallaasheen, wallaal horta aad iyo aad ayaad uu mahadsantahay haddaladii aad inoo soo jeedisay,waana wax loo bahan yahay inaa xaqa iyo runtaba laysku sheego.arimahaasi oo kalena waan kugu raacsanahay.haddii aan tixraaco haddalkaaga ah "Makuusiman yihiin kuwa aad ladhalatay iyo kuwa aad sheegayso inay qaawan yihiin?"
jawaabteeda oo run ah waxa ay tahay,wallaal qof walbaa asaga iyo ALLAH(S.W.T.)ayuunbaa is og.

haddaba wallaal runtii anigu ma'ihi dadka u kala eexda labba qof oo midna xigo midna uu ka dheeryahay.(aan xigtadiisa ahayn) laakiin aniga dhammaan dadka islaamka ahi waa ay iisiman yihiin.
Iska daa-cidkale runtii wallaashay ama wallaalkey iyo qof soomaaliya oo aan qurbaha ama aan wadamada kale ku arko waxaan ula dhaqmaa sidda aan u ladhaqmo qaraabadayda(allah dartiis ayaanan ku jeclaadaa wixii aan ku dhaamana u la-qabtaa)
waxba yaanan haddalkugu badini'e intii ay tamartaydu tahay waan daddaalaa
Waxaanan marwalba jeclahay bal inaan arko dad wallaalahay ah oo diinta sifiican ugu dhaqma.

WABILLAAHITAWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yaasmiina

Tuesday, January 30, 2001 - 06:42 am
waxaa su'aal iga ah soomaaliyeey, diinteena oo dhan ma waxay ku kooban tahay naagaha asturkooda. hadaan soomaali nahay waxa ka xun ayaan ku kacnaa. mar aan soomaalia tagay dadkoo badankoodu waxay lahaayeen gabdhihii soomaalida way dhumeen oo madaxay qaawiyaan marka ay saas leeyihiina ninka jaarkooda ah dagaal buu galay oo dad buu soo dilay laakiin waxaa kala wayn danbiga uu galay gabadha madaxeeda qaawisay. diinteena double standard ma aha gabadha qaawan waxaa ka xun kan dadka dila. soo inta aan ka fakarayno tima qaawan kuwii ka waawaynaa ayaan iloownay. i agree with you xijaabku inuu farad yahay laakiin diinta intaas kuma koobna. and please hadaad aragtaan gabar madax qaawan ha u arkina inay fadaraysan tahay waxaan aqaanaa gabdho badan oo xijaab qaadan laakiin aysan salaad ka tagin, so, waxaan aaminsanahay inay kuligood gabdho soomalia oo walaalahay ah ay yihiin xisaabtoodana uu ilaahay leeyahay so qof walooba intaad gabar ku mashquulsan tahay tan naftaada mo toosisay. waxaan mowduucan usoo galay waxay tahay waxaan arkay in ka badan 20 topic oo gabdhaha looga hadlayo walina ma arag hal meel oo lagu leeyahay salaada hala tukado. so guys give a rest oo waxayaalo ka muhiimsan ka hadla.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

halima

Tuesday, January 30, 2001 - 07:05 pm
fadlan qoraalkiina soo gaaabiya waad-mahadsantihiin!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sadiaya

Thursday, February 01, 2001 - 06:13 am
woow qoraalkiina tirada badan ee macnaha ku dhisneyn. qof walba dooq ayuu leyahay ilahana xisaabta ku leh adiga ma ahan!! hadii ay jecleysato sida ay rabto iney u labisato waa xisaab iyada u taala. laakin adiga maxaa dusha kaa saarey gabdhaha oo dhan inaad ka wada dhigtid isku labis iyo dooq.teeda kale(1)maryan dhaar looguma baahno meeshan qofka kuula xisaabtamayo waa ilahey adiga dadka ma 'judge' gareyn kartid hadii aad 200 pound aad tahay oo adaan labisan karin qaraarka dhaaf.waxaas aad shegeysid in ilahey kasoo hanuuniyaa dhici marka qof walba waqti ayuu ku jiraa ogow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SALMA ALI

Thursday, February 01, 2001 - 09:09 am
TO KEYNAN WAAN KU SALAAMAY SALAAN KADIB WAXAAN AHAY GABAR SOO MAALI YEED OO KU NOOL YURUB MANA QAATO DHAR GAALEED EE WAXAAN QAATAA DHAR KEE NII DHAQAN KA AHAAY EE LAGU GA RANAAYAY INAAN MUSLIM AHAY MAR KA WAXAAN KAAGA JABAA BAA YAA SU AASHAADII MAR KA HORE MA AHEEN INAAD GABDHA HA DHAN EE SOO MAALIYEED ISKU DARTO MICNA HA ISKU MID MAAHA KU WA DHAR KU DHAGAN QAATO IYO KU WO KALE OO ASTURAN AYEEY KALA YEHIIN MAR KA WALAAL WAXAAN KU WEE DIINAAYAA ADDOORAALI AH MAXAAD UTIRI GABDHAHA SOOMAALIYEED UQAATAAN DHAR KU DHAGAN KUSSEEY ADIGA WAXAAN KU DHAHAA MAFIICNA INAAN TIRAAHDO KEENAN GABDHA HA SOO MAALIYEED SHA QO KUMA LIHID MA OGTAHAY HADEE GABDHA HA SOO MAALIYEED SHARAF LAHEEN YACNI SIDA GAALADA KU DHAQMAAN INEESAN ADNA SHARAF KUU OOLIN OO WAXAA LA LEEYAHAY GABDHAHOODA MAFIICNA MARKA WALAL KAYNAN MID 100% WAAKAAGA FIICAN YAHAY
BYE ADAAN WAX XUN IDIN IRI HALA IGA RAALI NOQDO 100% ASALAAMUCALAYKUM AAL OFF U

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaynaan.

Saturday, February 03, 2001 - 11:37 am
Asallaamu caleyku.
Wallaalayaal horta waxaa wannaagsan in lays fahmo silayku fahmana waxaa wannaagsan in qofkii raba inuu figradiisa dhiibto horta waa inuu fahmaa waxa uu yahay mawduuca laga hadlayo taasi marka aad fahanto ayaad gali kartaa dooda wixiiaa rabto inaad dadka u soo jeedisana marka aad fahanto ayaad keeni kartaa hadal macna ku fadhiya.

laakiin haddii aad daf soo tiraahdo adiga oo aanan waxba fahmin isla mar ahaan taasina garaneyn mawduuca laga hadlayo waxa uu yahay iyo sida ay wax u dhacayaan,taasi waxay keenaysaa booq iyo wareer iyo waliba is fahan la'aan ugu dambayta waxaa ku xigi doona cay iyo aflagaado faa'ido la'aan ayaan kasii dhalta.
arimahaasina halaga fiirsado wallaalayaal.

Haddii aan u so laabto dhinaca wallaasheen(Salma Ali) wallaal horta aad ayaad ugu mahadsantahay Su'aasha aad i soo waydiisay waana wax loo baahan yahay oo aan meesha ka maqnayn waana wax laga doodi karo. Su'aasha jawaabteeda aan ku siiyo:-

Wallaal waxaad ogtahay ama aan ogahay ama lawada ogyahay inay dhammaan Dumar/Gabdhaheenu ay leeyihiin sharaf aad iyo ad u saraysa laakiin markii aan anigu su'aasha keenay ujeedadaydu maysan ahayn inaan u lajeedo Dhammaan Gabdhaha oo dhan laakiin waxaan ka watay u jeedo gaar ah oo ku wajahan gabdhaha ayagu is takooray Gabdhaha Sharfata leh ee haddana aygu isku haysta inay haggaagsan yihiin.

Ujeedadayduna waa taasi ee yaan loo qaadan inaan si wax kale ujeedo.

WABILLAAHI TAWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gab-gable

Friday, February 16, 2001 - 08:39 am
AAN KUUGU DAREE QAARBAA TIMAHANA JARTO
SIDII WAX AY RAG YIHIIN OO KALE

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.