site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Weli maan helin NIN i qanciya!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): Weli maan helin NIN i qanciya!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suuban

Sunday, January 07, 2001 - 10:44 am
Salaaman tihiin Dhammaan,
Aniga oo ah gabar soomaaliyeed, kuna nool qurbaha welina aan helin nin i qanciya sababta oo ah midkasta oo aan isbarano meel un uu ka dhiman yahay.. Maxaa igula talin laheydeen idinka oo ah walaalahey soomaaliyeed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qumane

Sunday, January 07, 2001 - 12:38 pm
Talo
Adigu maka hore raga maqancisaa
waxaa ula jeeda
Ma qurxoontahay
madabeecad wanaagsantahay
Diinta sidee kutahay

Mida kale

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cali ugaas

Sunday, January 07, 2001 - 10:43 pm
suuban .
abaayo waxaan umalenayaa in aad radininaysid nin perfect ah sidaa awgeed ayaad ki aad barato ba u nacesaaa markaad ogaatid in uu san ahayn perfect.
waxaan kugula talin lahaa in aad il naxariis leh ku firisid dhalin yarada markaas adaa heli doona mid aad is qancisaan.

cali ugaas..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suuban

Monday, January 08, 2001 - 03:09 am
Thnx Qumane & Cali ugaas,

Qumane, walaalkiis sida aad u maleysey sheekadu ma ahan oo qanciskaa eh, sababta oo ah anaga dad muslim ayaanu nahay oo waa xaaraan waxyaalahaa I.W.M. Quruxna Ilaahey wuu isiiyey in igu filan Alhamdulilaah, Dabeecadna wiil ale wiilkaa barto ereyga ugu horeeya uu igu yiraahdo waa gabar kaa dabeecad fiican weligey lama kulmin...

To Cali ugaas

Waa runtaa qof perfect ma jiro, haduu u dhow yahayna sida aad ku heshidna wey adag tahay oo wakhti ayey qaadaneysaa...Laakiin waxaan la yaabsanahay maxaa badankood wiilasheena beenta ku xaqsadey markii ey waayaan waxa ey doonayeen..

Waxaa kaloo iga yaabiyey labadii iigu danbeysey hal si ayaan ku wada arkey oo ah hadii aan wada socono waa in aan wax kasta isu quurnaa inta ka horeysa guurka, taana maskaxdeyda ayey ka weynaatey..Ma ilbaxnimada reer yurub ayaa sidaa noqotey?? anigaba muddo 10sano ayaa wadanki kasoo tagey oo hadda soomaali dhan ayaaba i heysa inaan ka leexdo...

Suuban

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qaasim

Monday, January 08, 2001 - 07:09 am
Suuban

Aad iyo aad baan u dareemaya micnaha hadalkaaga, waana arrin jirta oo ku soo badaneysa dad badan oo guur doon ah, gaar ahaan kuwa wanaagsan.

Annigu waxaan ka mid aheyd, wiilasha fara ku tiriska ah, ee ka walwalsan helitaanka gabadhii naftu ku qoboobi laheyd.
Waxaan arkey gabdho badan oo u hadlaya sidaas aad u hadleysid, markaan is iraahdo aleylehe waa ayadii, ee yeyna ku dhaafin, geedkaasba ilama gaarto oo waxey ku dhacdaa kalmadaha ugu horeeya ee aan weydiiyo. Kadibna waxaan la yaabaa sababtey u raadineyso qof aan u qalmi ama eysan isku figrad aheyn, waayo waxaa fiican in aad raadisid qofkii aad isku nooc tihiin, si naftiinu ugu yaraan iskugu soo dhawaato, oo u wada noolaan kartaan.

Talo: Ilaahey talo saaro, oo raadi wiil iska roon, oo Alle kaa siiyo carruur aad ku rabeysatid wadada toosan, waayo haddii gabdhu fiican tahay, qoysku waa sii jiri karaa, waxaase daran, haddii gabadhu ka xun tahay reerka, waana tan meesha reerku ka hurgumo(jirado ama burburo).

Alle reerkeena ha hagaajiyo Asagaa Qani ahe!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

king

Monday, January 08, 2001 - 08:27 am
alla inantu perfect qof ah ayay raadinaysaa!!!!
gabadheey runta haddaad rabto qof perfect ah ma jiro mana jiri doono walaal.
qofkastaaba iin buu leeyahay ee ogoow adba waad leedahaye!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maymuuna

Tuesday, January 09, 2001 - 02:43 am
Suuban

Abaayo horaa loo waayey nin dadka qanciya, kuwaan waa kuwo laga yaabey. ee ilaah ha noo toosiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DARBI - JABIYE

Tuesday, January 09, 2001 - 09:09 am
TO SUUBAN;
My advice is to refer to the famous phrase
"nobody is perfect", once you come in terms with that, then remember to exercise on that, meaning set out objectives or qualities that you would like your man to have, for example, say ten objectives or qualities, then put them into action, and remember to reference them with the famous phrased, so if he has five out of ten them he is perfect anything beyond five is a dream come true.take care yourselves and one another.

(rose it's me)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bigbrother

Tuesday, January 09, 2001 - 02:43 pm
Hi;

Walaashiis, waxaan u maleynayaa in aadan si fiican u raadin. hadaad raadiso I am sure in aad heleyso. mida kale, adiga maxaa ku tusay kuwa beerta kujira kaliya? mise adigaa ka hela kuwaas?
Hadii runta laga hadlo Soomaalida beerta kujirta waa in kayar boqolkiiba toban (<10%).
Aniga waxaan ku noolahay Ingriiska, inta aan aqaanana soomaalida meeshan degan sidooda badan waa dad fiican.
Taladeydu waxay tahay aaqwirkii 'waad helysaaye, si fiican u raadi'.

BB.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed Jama

Tuesday, January 09, 2001 - 06:40 pm
Salaama Caleykum

Sis Suuban Abaayo qof prefect ah majiro, marka waxaa kugu jira shaki ee iska saar shakigaa Soomaalidii hore waxay ku maahmaahi jirey "GUURKU
WAA UL HABEEN MUGDI AH LATUURAY, MEESHA AY KU DHACAYSO LAMA OGA" Marka walaal Shakiga iska saar hadaad Wiil barato akhriso Ducadii Nebiga (SWC) oo ladhoho Istikhaaro

bye Ahmed

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.