site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waxan ahay waayo arag taladoona

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Family Matters - Arimaha Qoyska: Waxan ahay waayo arag taladoona
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

taladoon

Friday, January 12, 2001 - 10:00 am
salaanta islaamka kadib dhamaan akhyaareey waxan
ahay nin xaas iyo 4 ciyaala ujoogaan waxan ku noo
lahay USA runtii waxan ahay waayo arag laakiin
waayo arag kasta hadaad tahay mar ayaad adiga laf
taadu waayo arag kaacilmi badan ubaahan tahay?
waxan tabanayaa arin aniga igu culus waxan rabaa
daawa deeda inad isiisaan.
<1> xaas kayga hadii aan is khilaafno oo ay waliba
iga gar daran tahay waligay sifiican iimaysan raali galin
iyada oo iga gardaran ayaan anigu oran jiray raali
ahaw laakiin hada waan daalay ana umafuro iyaduna
iima furto waanay iga gardaran tahay
<2>runtii waxan ahay nin xaga dumarka uroon dhan
kastaba hase ahaatee habeen iyo maalin xaaskaygu
way dhawaa qaysaa aniguna waan daalay hadaad is
way diisaan maxay ka cabanaysaa wax dhib ah oo si
yaado nagu ah majiraan
<3>waxan shaqeeyaa 10 sacadood oo 5 maal mood ah
markaan shaqada kasoo boxo waxan is iraahdaa
maxaad caawa reer kaagii kala kulmi xaalku makac
san yahay mise waacaadi hadaad is waydiiseen maxaa
jira waxba majiraan ee bal adba sheeg
dhamaantiin waxan idiin rajaynayaa caafimaad iyo
khayr wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahra

Friday, January 12, 2001 - 10:33 am
walaal waan ka xumahey dhibka aad sheeganeyso, dadka bin,adanku wey isqabtaan,dabadeed heshiiyaan,qofku waa xaq haduu qaldamo in uu raali galiyo qofka kale, balse waa dhib qaladkii mooge,walaal iminka reer weyn baa tihiin ilmo badana isu leh waa muhiim in aad ilmihiina mustaqbalkooda ka fekertaan,2da qof mid baa lagu socdaa isku dey in xaaskaaga aad dhinacyo badan wax ka tusto, bal una kuur gal laga yaabee wax ay kaa tabaneyso in ay jiraa, alah maslaxad qeyr qabta idin dhex dhiga.aamiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

asad

Friday, January 12, 2001 - 10:37 am
asalaamucalaykum..
salaantaas kadib,walaal waan kaxumahay waxa idin haysta adiga reerka waxaana ilaahay idiinka rajaynayaa inuu iskiin fahansiiyo muwaafaqo khayrna idn dhaxdhigo,walaal talada waan ku darsan lahaa laakiin arintaas wax khibrad ah uma lihi oo wali ma guursan laakiin ilaahay ayaan idiin baryayaa inuu qalbiyadiina isu soo dhaweeyo
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Friday, January 12, 2001 - 02:03 pm
Ilaahey ammuuraheena ha sahlo!

Saaxiib, horta marna ha ka daalin raali galinta aad caadeysatey oo aad bartey xaaskaaga markii horaba, reerkiina iyo carruurtiina dartood.

Marka labaad, ku dadaal sidii aad labadiinuba u baran laheydeen Xaqa labada isqabtaa isku leeyihiin, oo u soo qaad xaaska muxaadarooyin diini ah oo ku saabsan reerka iyo sida loo wada dhaqdo. Mararka qaarkood xaaska iyo carruurta u kaxee oo gee meelaha dadka wanaagsan laga helo sida Masaajidda iyo guryaha muuminaadku ku nool yihiin, sey ula qeybsato tabashadeeda haweenkaas kale, oo u fahamto haddey kaa gardaran tahay iyo haddaad ka gardaran tahay labadaba.

Midda saddexaad la sheekeyso xaaskaaga oo waqti sii, si aad u ogaatid waxey kaa tabaneyso iyo haddii cid kale meesha ku jirto, ka bilow baarista saaxiibada dhowdhow ilaa iyo kuwa aad u aragtaan cadowgiina, taasna waaxaad ku ogaan kartaa adoo la saaxiiba xaaskaaga oo ula sheekeysta sida carruurta, marmarka qaarkoodna kula wareega caddeeya qolka fadhiga ama deyrka marka aad kaligiin tahiin. Arrintan ha dhayalsan, uguma tala galin in aan kaa qasliyo iyo hadal jaceyl, ee markaad ku dhaqaaqdid kadib wixii miro ka soo baxa ii soo sheeg, haddii Alle yiraado.

Illaahey isfaham ha dhexdhigo guryaha musliimta!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hadia

Saturday, January 13, 2001 - 11:22 am
Taladooon, xaaskaagga wax bay tabaaneeysaa ma is tiri? Maalintii oo dhan haadii ee keligeed guri joogto marka adigana shaqo aado, caruurtaana iskool. Oo markii aad guriga ku soo noqotaan uu qof kasta "hooyo" wax ka suugaayo :- raashin , caabitaan, attention. Oo markaad heeshaan ilmihiina t.v. iyo play statioon ku mashquulaan, adigaanna BBC iyo somalinet surfing. Ma kuula tahaay markaa ineey xaaskaaga dareemeeyso inay "neglected" tahay oo loo qaatay "granted" Yacni, waxaay uu nooshahay ineey uu adeegto qanciiska ninkeedda iyo caruurteeda. Lakiin iyaada malaha Life? Taladoon, isku day inaad fahanto waxay tabaaneeyso iyo waxaa qanciin karo xaaska.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAHAD

Sunday, January 14, 2001 - 03:06 am
Walaal si aad ah ayeey ii damqeeysaa dhibka idin dhexyaal adiga iyo xaaskaaga,talada aan ku siin lahaa waxaa bixiyay saaxiibkeey Adan, waxa kaliya oo aan raacinayo ayaa waxeey tahay in aadan ka goosan oo aad lahadasho xaaskaaga,waxaa tihiin labo qof oo islaam ah isla markaana xaq isku leh, labada qof oo muslimka ahna ma banaana saddex cisho wax ka badan in aay kala xirtaan, waxaan alla idiinkaga rajeeynayaa in aad isfahantaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ILHAAN

Sunday, January 14, 2001 - 05:40 am
TALADON, WALAAL WAAN KU XUMAHAY ARINTA KA DHEX TAAAGAN ADIGA IYO XAASKAAGA,
Walaal waxaan kugula talin lahaa inaad baarto arinta keentay iany xaaskaadu had iyo jeer kacsanaado, aniga waayo arignim ahaan waxaan odhankaraa waxaa jirta cuqdad ay gabadhu kaa qabto dhankasta ha ahaatee oo wax bay tabanaysaa..
taas waxaan ula jeedaa waxaa dhacda mararka qaarkood arin laga heshiiyay ama aan laga wada hadlin oo qofku tabnayyo wali. Waxaa markaas dhacda in qofkaas cuqdadaysani uusan rabin inuu ka hadlo xaalda dhabta ha ee dhibaysa, laakiin markastoo wax yari qaldamaan ama aad isqabtaan uu aad u karo waa meeshii Soomalidu ka tiraah: ( oohintu orgiga ka wayn)

Walaal marka ilaa aad dawayso boogta runtaa arintu hagaagi mayso, mideeda kala waxaa jirta inay Dumarku had iyo jeer imotion yhiin oo wax adiga kula sahlan ay la,adag yihiin..

walaal yaan hadal kugu badine aniga wxaan kusoo gabo gabaynayaa gabadha si daacada ula hadal baarna inay jirto wax arina oo ay tirsanayso siiba mar aad wada faraxsan tihiin ku soo qaad .haday gorwsato wax dhiba si haboon uga qanci ,hadii ay tiraah dhibi majirtana taad usheego..

Walaal Alaha awooda lihi hadadiin sahlo arinta....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 15, 2001 - 07:56 am
asalama caleykum
Taladoonoow saaxib waan kaxumahay arinta ku heysata laakin sidaad sheegtay aqli kuuguma yara wayaragna inkuugu filan waad leedahay ilaah hakuu siyaadayee.
hadaba walaal aan maskaxdeyda yarta ah figrad kuugu darsado walaal tan ku heusata walaahi anigey isoo martay ilaahna waa igaag gargaaray alxamdulilaah.
hadaba walaal waxaad dib ugu noqotaa wagii ey bidixda ka laafyooneysay ey dumarkoo dhan ugu sareysay waxey rabtay ha kuugu qaadatee sootaat gacanta ku soo dhigtay kana guul gaartay ..saaxib haa dheh..hadab hadoo ay naqotay warshad guriga kuu joogta ilmahaadana kuu korineesa raashina kuu karineesa saaxib madheera ee waxaa jira wax yaabo iska yaryaree raadi saaxib .
fiiri
1- armey guriga kasoo dhaxdaa?
2-ilamaheeda soow kama fikirto?
3-markaad guriga timaado ayadoo soojeeda soow uma timaadid?ama hurda beena kujira?
4-markaad tiraahdo magaaladaan aadi erey aadan kafilaneen maku tiraahdaa?
saaxib hadaad intaas ku heysato wey ku jaceshay laakin shaki maseer ayaa jiree saaxib qanci
waxaadna sameesaa maalmaha wiikendhiga maalin sii oo habeenkii hadaad gaari leedahay kaligeed kaxee u tusi inaad hada jaceel abuureesaan kadibna markaad aragto iney degtay bilaaw inaad latashid uguna sheekeesid sidii horumar loo gaari lahaa .
hadey waalidkeed kafikireeso uusan faamilgeeda cidina kajoogin dfibida hadaba hana waalin cilida waa halkaasee isku day sidaad faamilgeeda wax ula qaban laheed saaxib lacagwaliba aad u dirta waxaa ugu farxad ween adigoo yiraahda quf ayaan kasoo kaxeen reerkiina si uu u biilo cidii ama aad isku garabsataan fiiri marka sidey isku badaleeso
saaxib naag ilmo dhashay madheera walaahi madheera ee intuusan cadaw kaa faaideesan raadi cilada saaxib.
saaxib aniga a soo maray uu ilaah ila ogyahay hadana waxey ii jaceshay sida labadii dhashay waxey ila daba taagan tahay naagtaat doonto guurso waan kuu ogolahee .
raali gelinta dhankaadana ha joojin gar iyo gardaro adigu raali ahaaw dheh taasi saaxib diintaaba nafareeso ee hana ceebeen raali garee gar iyo gardaro hataa hadii indhaha calyo lagaagaseero waxba ha u arag ilmahaada fiiri ileen waa warshadaadii aad maalgelisay oo yara halawdee haduu gaarigaada kaa halaawo waadsameen maahoo lacag baad gelin maahoo ayada waa sidoo kale ha fiirin calyadeeda ee raali ahaaw ugu dar walaahi iyadaa isla yaabeysa .
waxaan hadal keyga ku soo gaba gabeen saaxib isii hadaad leedahay emil kula soo xariiree.
ilaah garab kaada hagalo weligaa haku fukirin inaad furto.ilmahaada fiiri hana iska dayacin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAANO

Monday, January 15, 2001 - 10:32 pm
ADIGA HA KU DHIBTEE ILMAHA SIDAY U TAHAY?HADAY ILMAHANA KU DARTO SOOMALIYA U CELI OO INDHAHA KA SOO BAJI.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waxan ahay waayo arag tala dona

Tuesday, January 16, 2001 - 02:47 pm
salaanta islaamaka kadid saa xiibayaal dhamaan tiin waan idiin soo ducay nayaa sida sharafta leh ee aad iila taliseen waxanan rajay nayaa in ay ari
mahayga wax iska badali doonaan inshaa alaah waxan
idin leeyahay mar labaad saaxii bayaal waad mahad
san tihiin waxan idiin rajay nayaa iin aad idinka
iyo family giinuba nabad ku waartaan qofkii wali
singal ahna ilaahay usahlo qofkii ama qoftii ay
naftiisu ku dagi lahayd waxyaala badan oo aan ku
qoslay ayaa ku jira fikradaha oo aad moodo in aad
arintayda laba socoteen< lakiin kor waayeel waa wada indho > ayay soomaalidu ku maahmaahdaa
qofkii su aal qaba diyaar ayaan ula ahay
wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, January 18, 2001 - 07:39 am
TO:tala doon
Maashaa alaah aad iyo aad ayaan ugu farxay sida aad ugu faraxday wanadeenii iyo rayigeeenii kala duwanaa ilaah xaas kaaga hakaaga dhigo mid baari ah walaalkeygiyoo wax waliba aad lakulantana ha u arag arin dhib badan ee u raga waayo aragnimo kuu saa iday ducadii aad noo duceysayna ilaah hakaa abaal mariyo aamiin.
walaal aniga waxaan ahay ruuxii ugu danbeyay ee ku lahaa aney isoo martay taa oo kale runtii nin ilaah aamin san mooyee nin kale wey ku adagtahay siduu u adkeesto naagina runtii rasuul keena naxariis nabadgelyo korkisa ha ahaatee asagaa inoo sheegay inaan waxba lagu kareen lana toosin kareen inuu ilaah kuu naxariisto moo yee iskaga dul qaata ayuu inagu yari marka aqii isha alaah dulqaad badan ayaan kuu rajeen.
weligaana waxaad o gaataa inaad leedahay cadw aan waxba kuu ogoleen ogaana kari meysaid ilaah ayaana inoogu tala galay si uu inuu imtixaamo anaga ruuxaan is dagaalno un baan u naqanaa cadawgeena laakin kaasi waxaa kadarn kuwa wax kula cunaaya kuuna qoslaaya niyadana kaa naceb ilaah ha inaga xijaabo ee ilmahaaga iyo xaasklaaga adigaa ka mas uul ah runtii mas uu liyadoona waamidaan laqaadi kareen runtii imtixaan badan arki meysid shan maalmood oo isku xigta oo maskaxdaada degentahay waxaan waxba eheen ayaad arki oo meelsare lagaarsiin marka walaalkeygiyoow qeer ayaan kuu rajeen ilaah gurigaada hakaaga dhigo guri qeereesan malaaigtana ey kataliso .
wabilaahi towfiiq asalaama caleykum warax matulaahi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xanash

Sunday, January 21, 2001 - 01:55 pm
walaal waxaan u maleynayaa ninka kugula taliyey soomaliya u celi ee indhaha ka soo baji inuu doob yahay ama ay shacuurtu ku kacday intaa markaan kaftankii uga baxo dhibaato badan ayaa rag iyo dumar kala qabsata waliba markey carruur badan isu dhalaan waxaan kugula talin lahaaba horaa loo dhameeyey arrinta gunteedu waxay isugu soo biyo shubatey samir kaasho haddaad iyada ka samri karto carruurta uu ilaah idinka dhex beeray kama samri kartid. wa billaahi towfiiq.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.