site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Madhab baa madhalanteedaa mise anigaa mooda bal arintaan igala taliya

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Family Matters - Arimaha Qoyska: Madhab baa madhalanteedaa mise anigaa mooda bal arintaan igala taliya
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 15, 2001 - 08:15 am
walaalayaal waxaan is baranay gabar soomaliyed iskuna baranay teleefoon kasoo qaldamay ayadoo i mooday ruux ey taqaan kadibna isku sheegay inaan eheen ruuxey raadineeso runtiina si fiican ayaan isku baranay kadibna uwada sheekesanay waxayna iiga codsatay iney i soo wici karto waana ka ogolaaday oo sifiican ayaan isku baranay hataa waxaan kala qaadanay emil adereska waxaan u sheegay inaan xaas leeyahay iyo caruur weligeed ima eysan arag waxey hadana ila daba taagan tahay i guurso waxwaliba anigaa kugu jacel hadaba walaalyaal waxaan isku dayay inaan dhanwaliba ka qanciyo una sheegay ilaa heerka ey taagan tahay awoodeyda yurubna ey adagtahay sida laba dumar loogu dhaqo weligeyna kuma fikirin hadab walaalayaal maxaad igu la talin laheedeen arintaaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salma

Saturday, February 03, 2001 - 05:49 am
waxaan kugu latalinlahaay xaaskaaga kalatasho iga raalinoqo hadaan wax xun iri

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yasmiina

Saturday, February 03, 2001 - 01:49 pm
u sheeg inaad police u sheegayso maxaa yeelay waxay kugu samaynaysaa stalking. laakiin waxay ila tahay inay jileec kaa aragtay. maxaa yeelay intaas oo dhan kuma soo daba socoteen.hadaysan wax kaa arag.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, February 04, 2001 - 01:49 am
KU:SALMA
abayadiis mahadsanid marka hore hasa ahaatee aan wax yar ku iraahdee mawaxaa jirta ruux ogol in lala guursadao hataa hadey diinta kor ka taqaan runtii abaydiis arintaasi waamid cajiiba .
Laakin runtii waatalo wanaagsan hasa ahaatee intaan raadinaayo wanag amuugurigeygii soo galaa dhib hada iiga dheer oo aan ii dhaween waayo hadii aan dhabta u sheego laga yaabo iney is tiraahdo xaaskeyga waa arin soo dhamaatay tani oo lagaaga dhigaayo mid cusub marka taa salmoooy xoogaa waan kayara gaabsan ee maxaadkaloo igula talin laheed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, February 04, 2001 - 02:02 am
KU. YAASMIIN
Abayadiis horta waad iiga qosol siisay qeer alaha ku siiyo waxaadna ii muujisay inaad tahay ruux aad iyo aad u adagoo marna aan ogo leen guri islaameed inuu dudumo jisaakal laaha qeer.
Hasa ahaatee abaydiis tan aad leedahay adigey jileec kaa dareentay horta abaydiis ruux waliba ilaah naxariis u gaara ayuu ku maneesatay aqli ku filanan waa uu siiyay waloow mararka qaar aad iskaaga baahan tahay talo walaal adan marnana kamaarmin ileen adami ayaa tahee.
Waxuu damiirkeyga ii diiday inaan durbadiiba ku iraahdo hadalo aan wanaagsaneen waayo waxuu ilaah kuu qoray marnana gafi meysid waxaan kayara baqay inaan xumaan kalahortago malaga yaaboo inuu ilaah calaf isku keendaray ey qorantahay inaan wax isku dhalno anigu waxaan raadinaayaa igina kalifay inaan idin soobandhigo waxaan rabaa ayadoo aan iiga xumaan qaladna iiga fahmin inaan noqono dad walaala ah oo wanaag isu bartay ee taa sideen ku imaan kartaa?
koley anigu xaaskeyga marnana marabo wax xumaana iney laabteeda gasho inety aduunka ku nooshahay ee aan is qabno ileen ayadaba iima geesatee
ee abaayo macaan waxa aan raadinmaayo maahan guuree waxaan rabaa walaashey ayadoo aan wax xumaan iiga qaadin inan qanciyo ee sidee taa ku imaan kartaa?
asalaama caleytkum waraxmutulaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yasmiina

Sunday, February 04, 2001 - 06:02 am
horta aad og xaaskaaga dabacadeeda, laakiin hadaan kuu sheego gabdhaha maanta jooga ma aha kuwii hore oo oranayey ilaah baa u baneeyey. waxay ku leeyihiin labo soo gal.inaad taa aado oo tan aad hada qabto iska furto oo aan rajaynayo inaadan samayn. iyo taas inaad iloowdo. laakiin hadaladaada waxaan ka dareemay inaad rajo ka leedahay iska iloow. iyadoo xumaan kaa qaadata ayaa ka fudud inuu reerkaaga dumo caruurtaadana ay aabo la'aan ahaadaan.ruuntaa waaye ma jecli naag naag kale ninkeeda daba socota.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nimco

Sunday, February 04, 2001 - 07:26 am
salaan walaal.
runta u sheeg in xaaskaga aad jeceshahey daacadna u tahey aanad rabin in aad la guursato laakin hadii ay sxbnimo walalnimo kaa rabto aad diyaar ula tahey runta u sheeg hadal dabacsan ha ku oran qalbiga in ay ku gashato ma fiicna markaas wey kaa tashan i think.wabilaahi wa towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

huburow

Wednesday, February 07, 2001 - 02:20 pm
HUBUROW
ANON waan ku salamay
tankale waxa aan layaabanay waqtiga aad hayso badana mise taleefon la aanba ku haysa hadaad kajawaabtay teleefonka maad ka socotit xaasbaad leedahay maxaa kugu watay in aad ii meel qadato . sida aan kaa arko gurigaaga ayaad ku caajistay oo waxaad rabtaa in aad caro bedeleto eeana hana wareerin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HUDA

Wednesday, February 07, 2001 - 06:07 pm
SALAAMU CALYKUM ANIGA WAXAY ILA TAHAY WIXII DHACAY WAY DHACEEN MARKA SOOMAALIDA AA KU MAAHMAAHDA SIDEE XEEGO LOO XAGTAA ILKOSE KU NABADGALAAN TAA WAXAAN UGA JEEDAA SIDEE REERKAAGA KU HAYSATAA NAAGTAAS KALENA U QANCISAA WALAALOW RUNTA U SHEEG OO KUDHEH WALAALAUY XAAS KALE HADA DIYAAR UMA AHI WHY AAD U CARE GARAYNAYSAA WAXAY DAREEMAYSO IYADABA REEKAAGAY RABTAA IN AY KAA QAADEE WAR DABALNIMDA ISKA DAAYO NAAGTA BURI OO RUNTA U SHEEG MIDA AAD QABTIDNA HA U SHEEGIN WAAYO WAXAY KU FAKARAYSAA IN AAD ISLA OGAYDEEN TEEDA KALE NAAGTA MYDO BAAD WADA SHEEKAYSANAYSEEN ISHIIS LAGA ARKE U SHIISAA LAGU TUMAA CALAA KULI XAAL NAAGTA BURI SALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi

Thursday, February 08, 2001 - 01:28 pm
waxaan rabaa gabar somali ah waana igadhab oo gacmo iyo lugaleh haygalasooxiriito (maxamuud83@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUMAYO

Friday, February 09, 2001 - 10:34 am
Walaalkiis Shukaansi raadis adaa ahaa oo emil iyo tellBA kula xiriiray naagtaadana waad qayaantay oo qofkale ayaadba xiriir la samaysatay waqtigii guur la soo gabagabeeynayay ayey arinta kula xumaatay miyaa xaaskaaga hadaad jeceshahay waxaas oo dhan ma aad samayseen qayaanooloow baa tahay laba gabdhood baad qalad ka wada gashay SIIBA XAASKAAGA WAR WADNAHA HA ISTAAJIN EE KA DAA MINYARADA ANAA HADA MASAYR I HAYAA OO ODEYGII KA SHAKIYEY BARYAHAN OO ISLA HADLAYA TALA BAAN MARDHOW SOO RAADSANDOONAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdi

Friday, February 09, 2001 - 12:30 pm
to, sumiyo walaal waxaan umalaynayaa in aad qofkale imooday laakiin maahi ee kafiirso ani xaas malihi hada ayaan diyaar ahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, February 14, 2001 - 02:40 am
ASALAMA CALEYKUM DHAMAANTIIN
Walaalayaal yaasmiin,nimco,huburoow,huda iyo sumeeya, Runtii aad iyo aad ayaan ugu farxay waanadiinii iyo taladiinii qiimiga badneed waxaana dareen sanahay runtii in soomalida ey wada dhalatay runtana ey isku sheegaan.
waxaa layiri ruuxii ku jecel ayaa runta kuu sheego waan idin ka qaatay taladiinii kala duwaneed waloow qaarkood ey iiga qosolsiiyeen qaarna ey i xasuusiyeen qiimaha uu leeyahay adamiga.
walaalayaal mahadsanidiin marlabaad anigana isha alaah waan dadaalayaa intii awoodeyda ah hasa ahaatee waxa aan raadinaayay oo klaiya waxey eheed sidaan xal u heli lahaa una qancin lahaa gabdhaa walaashey ileen waxaan maqlay ruuxii adigoo jidka socda ku yiraahda kaalay wax ila cun haka diidin hadaadan dan ween u carareen, hataa hadaadan rabin u soo sunee qoolkii nebigeena ayuu ahaa N:N:H anoo taa ey laabteyda ku weentahay ayey markiiba ila suuroowi weyday inaan horay xumaan ku abuuro islaamnimaduna waa shey qaali ah una baahan in la ilaaliyo marka walaalayaal ruux islaan ah arin kula yimid ama xanuunkiisa kuu soo bandhigay waa inaad xal u raadisaa adoo aan wax qalad ah eysan kaa dareemin waana shey wanaagsanoo diinteena ina fareesa dhaqankii runta ahaa ee lagu garanaayay islaamkana ah hadaan iska dhaadhicin lahaa afar ayaa kuu banaanee iska guurso idinmaba soo bandhigi laheen amuurteyda laakin inaad walaalaha islaamka ah latashid waa shey banaan maanta hadaan reer yurub fiirinio dhaqan kooda inta badan waa kii islaamka laakin caqiidadaan ku kala duwan nahay nin aan meel iskala shaqeeno oo cadaan ah ayaan maalin waxuu iigaga sheekeeneeyay in naagtiisii uu qabay ey ku tiraahaday saaxibkaa ayaan jaclahay una dhimanaaya ee maxaad iiga oran laheed waxuu ii sheegay inuu niyada u dhisay sidey rabteyna u yeelay una furay saaxibkii markaan weediyayana sawabtuu taa u sameeyaya waxuu ii sheegay waa inaan bad baadiyaa nolasheeda iyo caafimaadkeeda waxaan kaloo qiimeeyay sidey runta iigu sheegtay sow kama darnaateen hadey hoosta kawadi laheed ileen waa naagee sidey caafimaadkeyga u bad baadisay ayaan anigana u bad baadiyaya hadana waxba iigama maqna oo midkalaan helay oo ijecel ayadana ey ku kalsoontahay.
Marka arintaasi soow arin cajiib maahoo waloow ey u keentay arintaa iney sameeyaaan caqiida la aanta hadana dhan waxey naga tusineesaa iney wataan dhaqan kii islaamka.
Marka walaalayaal anigana iigama aheen sida dadka qaarkood ey iigu yiraahdeen markii guurkii soo dhawaaday ayey kula xumaatay miyaa ama gabadha i tiri qayaanooloow ayaa tahay uma arko xumaanee waa qiirad iyo xanuun ka keenay iney arintaasi wanaagsaneen laakin aniga waxey arinteyda dhabtii eheed sideen u badbnaadiyaa walaaashey caafimaad keeda iyadoon wax qalad ah iiga dareemin imisaad aragteen ama aan wada aragnay gabar dheheesa wiilkaa xaaska qabo ayaan jeclahay mana aqaan saan arinteyda ugu bandhigi lahaa?.
Calaa kuli xaal weli waxaan ku guda jiraa sidaan xalkii kama danbeenta ahaa u gaari lahaa laakin marnana laabteyda kuma jirto inaan xaaskeyga 10ka sano i sugeysay 5sanan aan hada isqabno ilmana iiheyso inaan wax qalad ah ka galo ama lama filaan ey igala kulanto idinkuna waxey u badneed wanidiinii inaad iigu xoojineesaan inaan xaaskeyga ilaalsado ee aan dhib u keenin taa anigeyba iiga suuroobeen haduusan ilaah agtiisa igaaga qorneen shey walibana walaalayaal bilaaw iyo dhamaad eyey leeyihiin aduunyada nolasheeda waaba iska dhalanteed ee ilaah hanaga badbaadiyo waxii dhib inoo keenaaya.
ugu danbeen jisaakuma laahu qeer dhamaantiinba waxii kaloo rayi ah oon walaasheen ku badbaadin karnana waad ila socod siin kartaan idikoo aadan ii arkeen ruux rajo ka leh.
hadal waxuu taagan yahay ana sideen unabadgalaa walaasheydana aan u badbaadiyaa?
asalama caleykum waraxmatulaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nimco rumaan

Wednesday, February 14, 2001 - 10:13 pm
asalaamu caleykum.
walaal aada mudan mahadcelinta allaha talada qeyrka leh ku waafajiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sumaya

Saturday, February 17, 2001 - 04:25 am
Walaal waan ka xumahay sidaan kuula hadlay kun jeerna ka raali ohow ina cafi in Allaahku cafiyo daacad in aad tahay hadaan gartay oo aad waliba naxariis badan tahay waa waliba waxay gabadhu kaaga samri weyday WAli ma is aragteen gabadhaas muuqaalkaaga miyay taqaanaa mise sawiradaada bay aragtay bal ii soo sheeg jacaYLKEEDA baantiisa markaas baan kula raadinayaa nin jacayl dhab ah soo maray baad u egtahay sidaad gabadha dhibaatada uga ilaalinaysid ajar iyo xasanaad alaha kaa siiyo qudbasaro in ayrabto weydii xaaskaaga waligeed in ey ogaato aadan rabin haday yeeshana saas u qari fakansa ku aad meeshey dagan tahay<fasax>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, February 17, 2001 - 07:36 am
KU:SUMEYA
Jisaakalaha qeer abayadiis cafi ayaana iiga tahay wax xumaana kuma qaadin ee hadaladaadii waxa kaakeenay waxey ahaayee qiirad iyo sida aad marnana u ogoleen in ruuxa bini aadanka ihi layaqaano ama ladhaawaco qeer alaha ku siiyo abayadiis. Hadii aan usoo noqdo qoraalkaagii waad iiga qosolsiisay qudbosiro maashaa alaah abayadiis horta madhaqanbaa mise washey ey diinta noo baneesay qudbasiro ..Abayadiis sidaan aniga qabo waadhaqan meel uu kayimid aan lagaraneen denbigiisana aan laxisaabi kareen ileen ruuxaad qabto ilaah kuu baneeyaya cabsi daraadeed inaad u qariso denbi soow maahan hadaan soomali nahay afka wey kafududahay inaan niraahno afarnaag ayaa inoo banaan lakin mana qaan sharuudaha ey leeyihiin iyo culeeska dusha kaa saaran aadan qaadi kareen walaahi yaan ku dhaartee xaqa ey inagu leeyahiin dumarku cid kasoo baxda maba jirto inyar uu ilaah u naxariistay mooyee waxey diinteena ina fareesaa hadey xaaskaaga kuu dhasho caruur ey ku tiraahdo halkii mar aan nuujiyaba naaskeyga waa inaad lacag isiisaa iiga iibsataa xaq eyey u leedahay waa inaad siisaa mana diidi kartit majiraa abyooy nin taa sameen kara? maxaad u maleen markaad labo ama sedx aad guursato sow dhuunta isma qaban waa inaadlabadaba sintaa uusan dhana miisaankaaga u badan waakee kan saa yeeli kara ilaahoow jidka toosan inagu hanuuni.
Abayadiis sidey ileedahay walaashey oo aana karumeystay waan ku arkay eyey ileedahay waxeyna iigaaaga sheekeeysay iney lasocotay nolosheyda eyna ugu sheekeesay gabaraan jamacada isla dhigan jirnay talyaniga arimaha ugu waa ween ee aan lafajacey kuwaa ayaa kamid ahaa laakin kulan gaar ah maanan yeelan ilaahada laga yaabo iney aragtay sawiradeyda waloow aan wax xaqiiqa aan heyn laakin markaan warkeeda dhadhamiyay sida ey ii tilmaameyso waaruux i aragtay ama aragtay sawikeyga SUMEYA yaan warkuugu daalinee abaydiis arintu waa sidaa ee maxaad iga oran laheed?
asalama caleykum waraxmutulaahi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haboon

Saturday, February 17, 2001 - 03:46 pm
Assalaamu caleykum.
walaalkiis talo intii kugu filan waa lagu siiyey,laakiin qoraalkaagii u danbeeyey ayaa shaki i galiyey,kaas oo ah amayba xaaskaagu arintan ka danbeysaa oo ay saaxiibadeed kaa soo adeejisay, si ay kuu tijaabiso. Brother think again, waxaa laga yaabaa meel aadan filaneyn in lagaaga yimid.Ogow dumarku si kasta oo ay ugu kalsoon yihiin ninkooda amaba ay u ogyihiin jaceylka ninkoodu u qabo,hadana waxyaabo badan ayaa ka suuroobo.

Hadaba hadii aan ku oran lahaa u sheek xaaskaaga
si aykuu ogaado in aatahay ruux aan waxba ka qarsan,waxaan ka baqay in aysanba waxba ka ogeyn oo ay halkaas rabsho kabalaawanto.
Marka si aad labada dhinacba save u ahaato gabadha kale u sheek in aad xaaskaada jaceshay aadana rabin naagkale.Hadalkeeda danbana meeshaa ku ilow,beerjileeca dhaaf.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, February 18, 2001 - 05:53 am
KU:HABOON
Mahadsanid habooney waa hadal xigmad leh lana qaadan karo laakin xaaskeyga dhankeeda inuusan eheen wey ii cadahoo lamaba socoto ayadaa sideeda kale iskaaga mashaquulsan laakin isha alaah waan ogaan sidey noqoto.
mahadsanid abayadiis marlabaad aad iyo aad ayaana ugu qancay rayigaada ama wanadaadii ilaah hakaa abaal mariyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sumayo

Tuesday, February 20, 2001 - 10:36 am
Waan gartay,Warheedhe walaalkeeyoow, qofta mid suuqla` aan heyso, ku qabo oo isaga reeb , oo laakiin nin qurxoon ah, oo ay kugu iloobi karto, adoon u sheegeen inay adiga ku jeceshahay Tellkeeda iyo Emailkeeda sii qoftaas la xiriir dheh, Qof kale haday hesho waalaga yaabaa in ay kaa harto. ayada u sheeg qofkalaan ku baraa dheh walaaley ee qofkaas, haduu ku anfaco baro , mana u sheegaayi wixii na dhex maray ee ha ka cabsan,kalgacalkaad ii qabto dartiis baan rabaa in aan aniga kuu dooro qofkaad igu badali lahayd, walaalana aan ahaana waxaad ka qabto iyo waxay dhahdana nala soo socodsii talo keenayaasha xagee dagan tahay adiga

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sumayo

Tuesday, February 20, 2001 - 10:40 am
Cabdi ma anaa magacaaga soo qaaday baldib ugu noqo qoraalkeygoo cabdi ka fiiri, iga raali ohow qalad baad fahantaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISHWAAQ

Wednesday, February 21, 2001 - 04:01 am
ONON: somalidu waxeey ku mahmahda ilahoow niin aan wax ogeen hacadabiin ,,,, xaskaga miya guuriga kugu deeqi weydey..taas wax ayaan kagarana mise waad soyara gadisaneysey,,, hadaba nagta ku daba socota waxaad ku tirahda nayaa niin xasle ayaan nahaay marka waxa ila haboon inaad hawada igabaxdo ....dumaar wax garanaya hadi eytahaay wey iska kadeen hadi ey tahaay inaan yar oo candha buur ah dee HOGTAAY ....oo xaska ayaa labada calaal dibada ku sodhigi oo candhabuurtan ayaad u hoyaan ...

lakiin niin xaasle in u ukala fuuro meysan eheen naag kale dibnihisa ,,,hadi u damaac kaso galo moyaan ee ,,,, ileen ragga waxa lobaneyeey 4 dhaga diinta lakiin naagna kuma raceyso niinkeda in u lagursado..... sida awgeed waa candhobuur mise xaaskaga ... ADIGA OO HADAAL SAXIIYA SIYA AYAA KA ADAAG CANDHOBUUR

AFEEF:RALI KA NOQO HADI AAN ISTICMALAAY HADALO AAN KU GAFAYO DUMAARKA KALE(XAASKAGA MOYAAN EE INAANTA KALE)

ASALAMU CALEYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, March 02, 2001 - 02:50 am
KU: ISHWAAQ
ishwaaqey aad iyo aad ayaan ula dhacay rayigadee iyo waanadaadii mahadsanid umana arko hadal xun Ishawaaqeey jaceelku indho maleeyahay horta? ma miad sida loo doono loo adeegsan karaa abayoy miyaadan arag qoraaladeydii hore bal dib ugu laabo ugu danbeen ishwaaq ruux dhibaateesanoo candhadii dibada ku taal macaawini leheed mise waad iskaaga tagi laheed abaayooy hadii uu damac i gali lahaa halkaan iskuma soo bandhigi laheen ee labada aad tilmaantay mid un baan raaci lahaa ee warkeygu waxuu yahay sidee gabadhaa walaashey ah u bad baadiyaa? ileen anigu diyaar uma ihi inaan naag kale guursado.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISHWAAQ

Monday, March 05, 2001 - 04:48 am
ANON: THANKX JAWAABTADA
TAA KALE NAAGTA IDAA KU DHEEH WALAAL INTA MIYEEY KU DHIIBI EYSAN EHEEN ILEEN NIIN XAAS AH AYAAD TAHAY OO REER DHAQANAYA,MARKA INTA EY QOYSKA KADUMIIN NAKALA DAA DHEEH.
MAXEEY QOYS DHISAAN U DUMIIN?
WAXAAN KU RAJEYNAYA KHEYR LABADABA KEEY NOQOTO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, March 27, 2001 - 12:01 am
ASALAMA CALEYKUM WARAXMATULAAHI
Salaan ta kor ku xusun ayaan idin ku salaamay dhamaan walaaheygii qiimaha badnaayoow ee isiiyay waanooyinkii kala duwanaa walaalayaal maanta waxaan idin wadaa natiijadii ugu danbeesay oo aad weliba qeeb weyn kaqaadateen marnana aan idin iloobi karen. SALMA,YAASMIIN,NIMCO,HUBUROOW,SUMEEYA,HUDA,HABOON IYO ISHWAAQ, dhamaan tiin walalayaal marlabaad mahadsanidiin ilaahey ha idinka abaalamriyo waanadiinii aad ii soo jeedeseen hadaba bal iila fiiriya sidaan u bad baadiyaya gurigeyga iyo gaabdha walaashey ee ilaa heerkaa aan isla marnay
Waxaan raadiyay anigoo figradiina kaa shanaaya sidaann ku kulmi laheen gabdhii ayada aheed waxaan ku kulanay wadanka ingiriiska ama uk ayaan ku tagay dalxiis hal wiiga anigoo ka faaideestay koorso gaaban ey inoo direen halka aan ka shaqeeya
markaan laba maalmood joogay ayaan tel u diray u sheegay inaan joogo wadanka ey ku nooshahay habeen oo aan u bixiyaya habeen kii GODCUKA BADNAA
waxaanu ku balanay baar u dhawaa hoteel kii aan degeneen mar kaan indhaha isa saarnay ayaan labadeenaba wada is eegi weynay anigoo u muuseenaaya ayaan fariisanay baar kii dalbanayna casho fudud waxaan hadalo kaftan is dhaaf dhaafsanaba waxaan bilawnay inaan kawada hadalno arimaheenii waxaan u bandhigay mus uu liyada waxey tahay iyo xaqa ey naaguhu ku leeyihiin raga kadibna u sheegay hadaad kasoo bixi weydid qatarta ey leedahay iyo in ale xagiisa cadaab laga mudanaayo markaa intaa u bandhigay ayaan hadana u sheegay nolasheyda iyo sida ey tahay nolosha gurigeyga kadibna weediyaya su aal ah nin intaa mushaakil heysata maka soo bixi karaa laba xaas inuu guursado? xoo gaa eyey iiga aamustay oo dhana wey u qaadi weyday su aasheydii Kadib waxaan
ayadoo aan wax hadal ah afkeeda kasoo bixin ayaan hadana ugu sheekeeyaya dhibaatada iyo xanuunka uu leeyahay jaceelka uuna yahay cudr aad iyo aad u daran maskaxdana wax yeelo jirkoodhana ka awoodbadan waxaan ugu sheekeeyaya qisadii valantiina dey oo ay gaaladu aad ugu dabaal degaan ninkaas oo ahaa nin u dhintay jaceel daraadii ilaahadana aduunyada laga layahay dawadiisa laakin diinteena islaamka ayaa ina siisay dawadiisii taasuu ilaah inoogu tilmaamay in bini aadan ku uu ala ku abuuray cudur la yiraahdo HALUUC uuna kabad baadi karo oo kaliya ruuxii ale inta uu nootilmaamay kasoo baxa hadii aan iraahdo waan sharxaaya runtii halkaan lguma soo koobi karo markaan intaa ugu sheekeeyay eyey abaydey qanacday iina qirtay inaan wanaag laraadinaayo naceebna aan u qabin tusayna guurka inuu kamid yahay waxyaabahuu rabi inuugu yiri idinka ma ogideen anigaa idinka og ee haku halaagmina waxyaabaha qaaibk ah ama imaanaaya kama sheekeen krtaan waxaan aad ugu waaniyay ineey wax waliba ka hurmariso ale jaceel kiisa nolasheedana ey ale lamaana saarato alaa mahad lahee aad iyo aad ayey ugu faraxdey qaadatayna wanadeydii iyo figradeydii markaan laabteedii kamasaxay eyey iigu tiri iskakey cafi qalad ayaan kaa galee aloow raga oo dhami mey adigoo kale noqdaan intaan xoogaa wada kaftan ayaan siiyaya hadiyad aan u waday .
maalibkii xigay ayey i marti qaaday aydoo ii marti qaaday sida ruux walaalkeed oo ay isku barteen muslin nimo waxaan ugu danbeentii ku iri marwaliba oo aan salaada dukadana waan kuu soo duceen.
anigoo faraxsan ayaan ku soo laabtay hoteelkii aan degenaa dugtayna salaad aan ugu mahdinaayo alihii i uumay iina waafajiyaya arimihii mucjisada badnaa ee nafteyda kulamaaneed
Walaalaheugiyoo sidaa ayaan wax ku xaliyaya si eysan shaki u galina iyada iyo xaaskeygii waan isbaray taasna waxaa ugu wacneed anigoo go aan keyga uu yahay gabar eysan xaaskeyga garaneen inaan lasheekeesan ama aan meel lafariisan anigoo xilkii ale isaaray iska dajinaaya waxeyna isku barteen sida laba quf oo meel kuwada dhashay ilaa mudo 45 daqiiqo eyey wada sheekeesteen anigana aad ayaan ugu farxay sidii ayaan walaalayaal ku xaliyay arimihii wanadiiniina runtii figrado badan ayaan kahelay waad ku mahadsan tihiin dhamaantiin ilaah ayaan idinka rajeeyay inaan janada kuwada kulano mahadsanidiin
asalaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatu.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.