site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAXAAN LEYAHAY XAAS HADANA INAN KALE AYAA JECLAHAY

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): WAXAAN LEYAHAY XAAS HADANA INAN KALE AYAA JECLAHAY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qorane

Monday, January 15, 2001 - 10:51 am
waxan ahay nin dhalin yaro ah oo xaas leh waxaan xaaskayga kala maqanahay mudo halsano iyo dheerada (separet)waxaan bartay gabar somaliyeed oo aad iyo aad u qurux badan marka laga eego dhinacyo badan hanaqoto dabeecad naagnimo runtii gabadhas waxaan aqaan mudo aad u yar hadana sida aan uga fakaro waxaad moodaa inan aqaan mudo dheer sabata taas kentayna waxaan filayaa waa waqtigii quruxda badnaa ee aan wada qadanay waxa aan kala kulmay gabdhan waa wanaag iyo ixtiram fara badan hadii ay aniga idhaftana ninka hela waa nin aad u nasiib badan hadab inantani aad ayay iigu dheratay oo maskaxdayda kama maqna marwalba ee maxaa talo ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 15, 2001 - 04:41 pm
To Qorane.
Get divorce and go marry the new lover, if she makes you happy, if you are serious about relationship otherwise don’t do it for god’s sake and don’t cheating the old lover either.
Just tell the truth and that you love someone else and that your feels for her are gone.
But what I don’t understand is what made you thinking you are in love other lady.
You wake up one day and you said yourself Oh my god. I’m in love with someone else lol, Man I feel sorry for your present woman or next ex wife. But would be help if you go divorces and you decide to tell the next wife the truth if you don’t, believe me she will figure out sooner of later. I suggest you to tell the truth.
Good luck if not see you in Jerry Springer Show lol.

peace all and I'm out just like that.

Btw:I'm born to be "Anonymous"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falxad

Monday, January 15, 2001 - 09:43 pm
Qorane,
Haddii aad runta rabtid gabdhaha Soomaaliyeed markii la shukaansayaayo aad ayey u yihin macaan. Laakiin markii aad guri la gashid ayey la soo baxayaan miciyo dhaadheer. Sababta ay tahay waxay raadinayaan in ay ku xukumaan si dhab ah ayagoo kaaga baqaya inaad mid kale guursato. Adigana Ilaah ay ku khalqay wax walbo uma dulqaadan kartid. Haddii dabeecadda general haween ay sidaa tahay. Ma u maleyneynin maxaa ka rabtaa. Orodoo naagtaadii hore ku noqo maslaxo ee talada u dhiib haddii ay Ilmo kuu hayso. Wayoo waxaad ku kala maqantihiin sidaa ayey u badan tahay. Mahadsanid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nimco

Tuesday, January 16, 2001 - 11:21 am
aboowe waa arin adag oo waxan dareemayaa nin wax jeclaadey baa tahey. iga raali ahow su,aalo baan ku weydiin si taladu halkaas uga soo baxdo. gabadha cusub ma ogtahey in aad xaas leedahey?saperata aad sheegtey ma mdkiii galada mise waa mid dani idn heyso.waxa ilaahey raga u baneeyey 4 dumara,inkastoo ay mida qeyr badan tahey waayo xaqa in aad sinto baa laga rabaa oo bibiaadan ba tahey.gabadhaan ku qanciseyna sii daa kuma oran karo oo waxaa laga yaabaa in mar walba aad xusuunaato hadey maanta ku dhaafto.guul baan kuu rajeeyey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KIIN

Saturday, January 20, 2001 - 06:18 am
TO.Qorane.
...I`m sorry brather that you`re in love!
..talo ahaan aniga waxay ila tahay in aad guursato gabadha aad jeceshahay waayo diinta ayaa kuu ogol in tii aad ku dhici lahayd danbi ka culus dooqaada tix gali laakiin iska hubi gabadhu waxeeda yeeysan dhalanteed kugu noqon.weey yartahay inta aan runta sheegno waana in aad wanaajisaa xaskaada ogow in xaq laguugu leyahay waayo iyadaba waad jecleyd waagii guurkinii weyna kuu lig xirantahay.
.......NASIIB WACAN....BY.KIINEEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QORANE

Saturday, January 20, 2001 - 03:54 pm
salan kadib waa mahadsantihiin talooyinkina kala duwan waxaan ka cudur daranayaa inan ka soo jawabi wayay suaalo la isoo waydiiyay taas oo sabab u tahay shaqo badan oo waqtiga ayaa ii diiday taasna ha layga raali noqdo walal nimco aad ayaa u mahdsan tahay hadii aan kaga jawabo sualahagii walal inantu waa ogtahay inan xaas leeyahay oowaan u shegay sida ay wax u jiran suasha kale oo ah separetka walal aniga iyo xaskayga hal magalo ayaa wada daganhay lakiin waa kala maqanahay ee ma aha mid aan labo wadan kala dagan ahay walalayaal runtii ma aha arin sahlan mana aan rabo inan ku dagdago waayo xaaskaygu waxay ii haysaa inan yar oo aan aad iyo aad u jeclahay mana aan rabo inantayda yar inan dayaco waayo waaba nolashaydii marka walalyaal taladu aad ayay iigu culustahay inantan kalana waan ka fakaraa marwalba inantaydii yaradna doonimayo inan ka tago ee maxaa talo ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nimco

Sunday, January 21, 2001 - 11:59 am
qorane:
walaal waan gartey xaaladaada,walaal waxaan dareenayaa in xaskaaga jaceel aadan u qabin oo kaliya aad ka walweleysid gabadhada yar,ogowna hadii jaceelkii idiin dhaxeeyey adiyo xaaskaaga uu dhamaadey jaceelka gabadhaada yar happy kaama dhigi karo in aad kula noolato xaaskaaga,aniga fikrad ahaanteyda waxaan aaminsanahey in aad la noolato qofkaad jeceshahey ee qalbigaaga aadan ka saari karin, gabadhaada yarna aad ka warqabto oodan dayicin meel walbood joogto, haddiise aad labada gabdhood aaad wada dhaqan kartid iyaguna raali ka yihiin waa waxaaga wax laguugu dar.
wabilaahi tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maryan

Monday, January 22, 2001 - 03:40 am
TO QURANE
Walaal waan ku salamay marka hore
salaan kadib waxaan akhriyey dhanbaalka aad talada kusoo codatay oo ah mid aan kanaxay:
waalaal marka awaxaan doonaya inana taladayda ka dhiibto ama aragtidayda ee su"alahaan iga jawaab ?
1) gabadha aad hadda qabto markii aadgursanayay ma jeclayl bada isku guursateen mise waa layskiin siiyey?

2) ma dhibaata idinkala dhextaal xaaskaaga oo waadna uqabin jaclayl ?
walal inta aiga soo jawaab

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QORANE

Monday, January 22, 2001 - 01:00 pm
MARYAN MAGACAYGU WAA QORANE EE MA AHA QURENE WALAL HADII AAN KAGA JAWABO SUAALAHAGA MARKA HORE WALAL XASKAYGA IYO ANIGU WAXAN AHAYN DAD AAD IYO ADA ISU JECEL MANA LAYSKAYA SIIN EE ANGA AYAA ISDOORANAY WALAL WAXAAD OGAATAA JACAYLKU WAA WANAG HADII LA WAAYO WANAGANA WAA DHIBATO BADAN YAHAY WAXAN FILAYAA INAN KAGA JAWABAY SUALAHAGII

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hanad

Tuesday, January 23, 2001 - 07:06 am
Cadkaa keligaa u bisil baadan cuni karayn sow maaha, war raggeedii ka jibakeeni jirey sii telephonekeeda haday kaa ag dhow yihiin, haddii kale hadhow kolkay ajnebi u gasho ayaad barroor ku waalan doontaan.

Darmaan jare u qoofalan
ma qabsade ma quusbaa?
doob qalanjadiisii gabay
ma da' lagu qasaaraa?

Hanad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maryan

Wednesday, January 24, 2001 - 03:22 am
To qorane
walaal sorry magacaaga an sida qaldan u qoray ujeedo igama ahayn okey.
walaal waad ka jawaabtay su"ashaydii mahadsanid
walaal waxaan ku weydinyaa haddi aad markii hore adiinku is dooraten oo aad iyo aad isku jeclaydeen maxaad adiga hadda ku badalay oo aad doga cararaysaa xaaskaga waxaad noo sheegtay in aad kurabto ilmaha ay kuuhayso ?
ma dhibaata idin dhaxtaala oo sidii aad karabtay baad kaweyday xaaskaaga ?
Walaal anigu waxan ku oran lahaa haddi aadan rabin xaaskaga haisku ciriiryin aduunka iyadan danbi hakagalin ee u sheeg runta adiguna iska guursu gaba aad rabto hayd iyadauna ku doonayso ? maxaayeelay reerkuma dhismo kuma qaboobo wanaag & isxushmayn la"aan iyo jacayl la"aan intaba. hadii aad an xaaskaga ku qansanay oo aad jeclaatay dumar kale ama aad isku dhibaataysan tihin ilmaha aad isku dhasheen, wanaag gina ma keeni karo sida aan anigu u arko rayigayga!

Hadii kale oo aad rabtit xaaskaaga oo aad jeceshahay haiska dubinine iyaga ugo oo dhaqo gabadha kalana isgadaa
wadankeeni niku 2diisa reeba waa isku dhaqan
jiray oo dhibaato saas u weyn malayn laakiin hadda waa wadanqurbo ah meeshan joogna waa iska dhib badan yahahay 2 reerna iskuma hayn kartid

walaal adiga meeshii kuu roon oge alle hakuugarab galo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaaji Xaaraan

Saturday, February 03, 2001 - 07:05 pm
TO: QORANE

Walaal maxaa ku qaaday, inanta ha xumeyn maadaama ay weli ku jeceshahay. Guurka badan waa lagu waashaa. Iska jidh oo yaaney ku hodin. Inantii aad horay u caashaqday iska sug, dhulkaa kalena ka kalluumeyso. Iska jir inay ilmo kugu dhalaan uun

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samawado

Sunday, February 04, 2001 - 04:08 pm
ASALAAMU CALEYKUM waad salaaman tihiin, kuwa caayey hablaha adinkey idinka arkeen waji libaax iyagana miciyey la soo baxeen, waxaan oranaayaa ninkii is qarshow gurigaaga aa dumaa marka hore runta hala istuso daacad ha la,iskula hadlo alaah halaga baqo, nin wax qaba wax ma jeclaadaa? jaceylku soodareen maahan maad iskaga damisid midaadii hore xadiis ayaa ahaa aan umaleenaa hadaad aragto gabadh ku soojiidato ku noqo ehelkaagii oo xaas kaagii laseexo, kamaa qaala rasuululaah csw waad ilaawisaa markaa walaal waxaa kuugu wacan sidan waa xaaskaagii macaaneyd oo aadan habeenadaan uun sigeedii arag, hadaad 4 dooneysana dee alaa kuu baneeyey ee oradoo guurso hadaad ka soowada bixi karto xaqooda laakiin qof sabab la,aan looma furo nabsina lama amaahdo,sidaa iyo ka baaraan dag arintan nabadeey.ASALAAMU CALEYKUM.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.