site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HEPL, TUUGO ayaan ahay

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): HEPL, TUUGO ayaan ahay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TUUG

Wednesday, January 17, 2001 - 02:43 pm
Ma aqaan waxa aan qabo, laakiin wax xadis ma aan joojin karo.
Lacag la'aan ima ayhayso, laakiin xaditaan ayaa ilaahay igu saliday.
Si aan isaga daaweeyana ma aan aqaan, Maxaa talo ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sara

Wednesday, January 17, 2001 - 11:40 pm
Wax hadaa xadeysid, xad waxbarasho. That's my advice.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARDOWSA

Thursday, January 25, 2001 - 08:38 am
TO' TUUG AMA TUUGO
MARKA HORE WAAD SALAAMAN TAHAY TUUGANIMADU WAA CUDUR XUN OO AAN DAAWO LAHAYN MANA FIICNA GAAR AHAAN HADAAD GABAR TAHAY ILAAHEY KELIYA AYAA KU DAAWEYN KARA ISAGA BARI WAA QAFUURU RAXIIM SOOMAALIDUNA WAXAY KU MAAHMAAHDAA GACANTII QAAD QAAD BARATO HADII LA GOOYO XATAA GUMADKEEDA AYAA NUUXSADO
GOOD LUCK TO YOU AND WISH YOU ALL THE BEST

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A222

Thursday, January 25, 2001 - 01:51 pm
Waxaad heshiis la gashaa dad kale sida saaxiibada, waxaanad kula gashaa inaad dooneysid inaad wax ka qortid xaalada tuuganimada iyo howlaheeda sidaas owgeedna aad dooneysid inaad bal iska dhigdhigtid ama u dhaqantid sidii tuugii. Marka u sheeg inay kuu dulqaataan markaad kujileysid sida wax loo xado, una soo celin doontid, waxii aad kaga guuleysatid inaad ka xadid.

Kadib markaad muddo yar sidaan u dhaqantid, waxaa kaa ba'aysa cuqdadii ku hesey ee aheyd wax xad, waayo cayaal cayaal bey kuu noqotey.
Waxaad mar kasta ku dadaashaa inaad celisid wixii aad xadid, taasna waa kuu sahlan tahay, maadaama aad sheegtey inaadan u baahneyn, oo aad ka maarantid.

Waxaad kaloo raacisaa midaas inaad diinta wax ka baratid, oo tagtid meelaha lagu hayo wacdiga iyo Alla ka cabsiga, taas baana ah mida daaweysa qalbiga xumaanta iyo wasaqdu ku dheehanto.

Ilaahey ha daaweeye, adiga iyo intii dhibkaasi heysataba!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Usama Said

Thursday, January 25, 2001 - 03:21 pm
Salaama Caleykum

Walaal tuug Xadida daawadeeda waa fududay insha Allaahu waa in Gacanta Midig lagaagooyaa, markaa ayaad joojin very simple

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.