site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Yaa talo haaya?

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Relationships - Shukaansi: Yaa talo haaya?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MRilatali

Tuesday, January 23, 2001 - 09:08 am
Assalaamu caleykum.

Waxaan ahay wiil da'diisu u dhexeysa 30-35, waxaa jirta inaan ahaan jiray wiil dumarka aad u soo jiita, laakiin xishood badan, waxaan xiriir kadiiday dumar farabadan. kadib markey da'deydu gaartay 28 ayaan bilaabay inaan dumarka lahadlo si aan guur u helo. weligeyna mashukaansan naag kaweyn 23. kadib waxaa dhacday in dumar badan aan guur kala hadlay welina mid aan faraha kuheynin. marka walaalow/walaaley taladaadu maxay tahay?

waxaan ka cudur daaranayaa aflagaado
haddaa talo haynin iska aqriso dadka
wax lataliya hadalkooda.

waad mahadsan tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warta

Wednesday, January 31, 2001 - 02:24 am
horta saxiib wiil matihid ee nin ayaad tahay taas maskaxdaada geli weli qabweyni ayaan kaa dhadhan sanaa bye ilaahey wax qayr qaba hakuu sahlo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

luwisham

Wednesday, January 31, 2001 - 06:06 am
waa mahadsantahay marka hore inaadan dhibkaaga qarsan marka xiga waxaynu ognahay in hadaad dumar doo tahay anad wayeyn dumar maxaa yeelay
dumarka somalaiyeed wy fara badan yihin
koloytana cidi gaar kuuma diidana
taas awadeed ma cade arinkaaga ee wax kale ayaad qarinaysaa
30/35 wali waa da aad u yar 60 jir ayaa 20 jir dumara ku fadhiista
marka waxaan dhihi karaa inaad kaftan u iri hadalkan
marka masuuliyad ayaa kaasaran barnaamijkan ilatali
ka jooji cayaarta
wanaag ayaan kuu ra jeynayaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

~Kusseey~

Wednesday, January 31, 2001 - 10:45 am
luwishman

loooooooooool@ 60 jir iyo 20 jir.istaaqfurulaahi

taas danbi waaye..miskiinta awoowe koris ayaaba nolasheeda ku dhamaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrIlatali

Friday, February 02, 2001 - 05:44 pm
To: luwisham

Walaal marka hore wax maqarinaayi ciyaarna mawado. Wallaahi waa dhib meeshaan iyo guur la'aan, mar-mar waxaan is weydiiyaa, yaa kula kulmiya dumarkii waa hore ku garan jiray, waxaan aad u kahday kuwaan cusub ee kula soo boodaayo aan isbarano oo meel ku dhamaad laheyn.
Waxaan xusuustaa gabar ii qabatay waqti hadana markii waqtigii soo dhawaaday keentay sheeko kale (in mudada lasii dheereeyo) ugu dambeyn natiijadii waxay noqotay in lakala cara gedisto. Marka waxaa u maleeyaa dumarkan jooga yurub in ay yihiin dad aan qalbi laheyn. Waxaa kaloon lakulmay dumar iska ogol in lays taabto laakiin dhib ku ah in ladhameeyo arinta guurka. Anoo hadalkeyga ula jeedin inaan ceebeeyo dumarka soomaaliyeed, laakiin waxaan jirta in dumarkeena caga jiid badan yihiin oo waxay doonayaan xiriir iska socda, ama meeshii qof go'aan ku gaari lahaa dhowr maalmood, waxay ku gaaraan sanooyin, taasna waxay keeneysaa in marwalba aad barato qof cusub, sababtoo ah qof waxeeda aan dhamaan karim waxey kuu waddaa iney maalin ku tiraaho 'walaal iska tag aniga diyaar maahi'.

Waxaan jeclahay inaan runta kahadlo, waxaa laga yaabaa iney dumar badan ka caroodaan sidaan u hadlay, laakiin iga talo ah dumarow inaadan caroon ee wax aad iska bedeshaan.

Walaal 'luwisham' waad mahadsan tahay.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.