site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Saaxiibayaal Waxaan U baah-Nahay Talo!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Relationships - Shukaansi: Saaxiibayaal Waxaan U baah-Nahay Talo!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, January 26, 2001 - 09:53 am
Marka hore waan idin sallaamay dhammaan aqyarta.
Waxaanan soo dhawaynayaa taladdiina.

Waxaan ahay wiil dhaliyaro ah
Saaxibayaal waxaa jirta arin aan garn laahay meelaan kaga haggaago, waxaana weeye.

gabadh ayaan aad iyo aan isku jeclayn gabadha waxaanu wada dhigan jiray secondary school,ilaa iyo bilawgii laga soo bilaabo markii aan gudsiga bilawnay(oo ahayd birigii aan yarayn).

Arintu sikastaba ha'ahaate, waxaa dhacday inaan anigu waddankii kasoo tago laakiin waxaan u sheegay inaan balankii aanu kala galnay ka soo bixidoono, haddaba markii aan ka soo tagay waxaan anigu u soo baxay si kadisa taasi waxan ula jeedaa markii aan soo baxayay isku magaalo ma'anaan joogin ee anigu waxaan joogay magaalo kale. mana aanan kaheysan wax cinwaan ah oo aan habayaraatee ku laxirriiro.

ilaa iyo haddana saaxiibayaal Gabadhii kama warhayo meel ayku sogan tahay.
waxan isku dayay inaan waydiiyo saaxiibaddii aanu isku maggaalada ahayn laakiinwaxay ii sheegeen ayan wadanka katagtay.

haddaba saaxiibayaal bal ilatiya arintan maxaan kayeelaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, January 26, 2001 - 12:12 pm
Talo waa laguu hayaa, ee marka hore maxuu ahaa balankiinu mid noocee ah? Maxaadse fali laheyd haddaad fursad kale u heyshid la xiriirkeeda?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, January 27, 2001 - 09:38 am
Asallaamu caleykum Aqyaarta.
Wallaal haddii aan jawaabkooba kaa siiyo su'aalihii aad isoo weydiisay.
Marka ugu horaysa horta saaxiib waxaan wada ogsoonahay inay dadku wada balamaan hase-yeeshe wixii lagu balamo ay kala duwanaan karaan inkasta oo uu dhinac isaga midyahay(dhinaca guurka marka loo eego).

Haddaba saaxiib waxaad adiguba iska fahmi kartaa arinta aan meesha u imid.

mida kale haddii aan u helo fursad waxaan filayaa inaadan taasi lafteeda garawsho la'aani kaa haynin.

Haddaba saaxiib haddii talo macquul ah igu biirinayso waa loo baahan yahay.
mida kale wallaalayaal waxaan ka cudur-daaranaa wixii cay iyo aflagaado ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon#2

Saturday, January 27, 2001 - 12:36 pm
Saaxiib in kastoo aadan jawaabtii afka ku dhufan, haddana waxaan u qaatey dhanka wanaagsan ee ah guurka.

Marka midda ugu fududi waa inaad bilowdid BAAFIN ku wajahan dhammaan ardadii iskuulka, gaar ahaan intii aqoonta aad isku laheydeen ee idin taqaaney labadiinaba, adoo cadeynaya magacyadiina, iyo cinwaankaaga ama meel kale oo lagaa heli karo. Waxaad adeegsan kartaa inta meel ee lagu baafiyo dadka dhumey, xataa Somalinet-ka waxaan ku arkaa dad badan oo baafinayaa ardadii iskuulkooda, xaafadahooda, magaalooyinkoodi, bal meelahaasna ka baar, laga yaabo inaad ka aqootid asxaabihii.

Markaad dad badan ka warheshid, waxaa soo dhawaaneysa markii laga sharqamin lahaa aqbaarta yartii aad raadineysey.

Waano: Marna magaca gabadha toos ha u baafin, haddaad aqbaarteeda heshidna ha isku hoorine, marka hore wareyso, haddii kale waxaa dhici kareysa inaad reer kaa danbeeyey dumisid, taasna waa dambi weyn.
Anniga gabar baan sheekeysaneyney markii la kala qaxey, Waxaan maalin maalmaha ka mid ah telefoon ku kala warhelney ayadoo wiil leh, oo yurub joogta. Waxaan ku iri: Allaha kuu barakeeyo reerkaaga, maalintaas baana iskugu kaaya dambeysey. Waxeyna aheyd iga dhab ducadaasi, waxaana ula sii xiriiri waayey: wali waxaan ahey calaf raadis, marka la xiriirkeedu wuxuu ku dhalin karaa inay niyada ku xirto, oo maalintey isqilaafaan ninkeeda istiraahdo, maxuu iskugu kaa waalayaa, waxaaba diyaar ah jaceylkii hore, oo markii horaba aad ka fududaatey. Halkaasna waxaa shaqo uga abuurmeysaa ninkii sheydaan ahaa.

Marka Saxiibow dadaal intii aad dadaali kareysid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, January 31, 2001 - 10:26 am
Waan ku sallaamay saaxiib.
Saaxiib waad ku mahadsan tahay taladdii
aad ii soo jeedisay.

mida kale saaxiib arimaha aad ii sheegtay
qaar badan oo aan qabtay wey jiraan laakiinse
majiraan ilaa iyo hadda wax lataaban karo oo aan ka helay.
haddana bal wan siiwadayaa ilaa iyo inta aan helayo sida ay runtu tahay.

kolay Rag talo kama dhammaanto soomaaliuna waxay ku maahmaahdaa "Nin Buka Bol u talisay"
ee xaalku si'unbu ku dhammaan. adiguna saaxiib waad mahad santahay.
wabilaahi-tawfiiq.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.