site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Teen baan doortaa

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Family Matters - Arimaha Qoyska: Teen baan doortaa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yaaban

Saturday, January 27, 2001 - 01:52 pm
waxaa jirtay gabar aan aad iyo aad saaxiibo u ahayn dagaalka ka hor isku school iyo dugsi quraan baan dhigan jirnay, dagaalka wax yar ka hor saaxiibtay waxaa mehersaday wiil ay saaxiibo yihiin wiilka aan markaas ku mehersanaa waxayna waxbarasho u soo aadeen USA.ka dib markuu dagaalka dhacay qoyskeena dhakhsaba somalia way ka soo baxeen.waxaan imaaday USA. mudo ka dib saaxiibtay waxaa u suurto gashay inay imaato. jaamacad bay gashay way dhamaysay mar walba oo lagu soo hadal qaado inay aqal gasho waxay samaysaa marmarsiiyo ilaa ay dadkii oo dhan fahmi waayeen. maalin ayaan ku khasbay inay ii sheegto sababta and i wish i never did. waxay ii sheegtay in intii ay dagaaladu socdeen la kufsaday. aysan rabin inay guursato oo waxay ka baqaysaa inuu ninkeedu rumaysan waayo. waxay i waydiisatay inaan ninkeeda u sheego inaysan jeclayn oo tashado. hada waxaan fahmay sababta ay saaxiibaday ay u farxsanayn oo ay isku badashay. waxaan ka balanqaaday inaan cidina u sheegin sidaas aawadeed ninkayga uma sheegi karo. waxaan ahay dhakhtarad oo waxaan u bandhigay inay qaliin isku samayso laakiin waa ay diiday oo waxay tiri noloshayda khayaano kuma bilaabi karo. anigana intii afartaas bilooda farxadii waa ay iga tagtay oo xitaa ninkayga wuxuu i waydiiyaa waxa uu sameeyey oo noloshayda badashay. saaxiibatay sirteeda ma fashili karo nolosheedana ma burburin karo. ee dadoow maxaan sameeeyaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, February 17, 2001 - 12:46 pm
Ha u sheegto haddii uu rumaysan waayona ha soo cadeeso , adiguna haddii aan inantaasi ku odhan arinta dadka u soo weydii waad khaldan tahay waa family issue sis.
Thanks

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaaji Xaaraan

Monday, March 05, 2001 - 08:15 pm
TO: YAABAN

Waar inantu miyey waalan tahey mise waxbaa kasiya. Ina adeer ma dhabbaa haddii weli aaney qodbaneyn I mean lost virginity cid dooneysa in aaney jidhin. waaryaarahee waar hurdadiibaan ku raageye bal ii warrama. Ina adeer aniga ayaa ku jeclaanaya, oo ku doonaya ee ii kaalay waaxay cuqdatu nafsigaan aad isku abuurtay.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.