site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Laba nin baan jecelahay

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Family Matters - Arimaha Qoyska: Laba nin baan jecelahay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, February 01, 2001 - 12:19 am
waxaan ahay gabadh soomaliyeed oo xaas leh, mudo shan sano ah , markan ninkan is qabnay hal sano,waxaan ogaaday inaan isaga jeclayn ilaa xad balse aan qofkale jecelahay shanta sano qalbigayga kamu bixin ninkaan jecelahay, isaguna hada xaas bu leeyahay, marka talo fiican bana u bahanahay, markaan ninkayga la joogo waxaan nafta ka soo qadaa ano la joga kaan jecla, talo baan idinka bahanahy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ergo

Thursday, February 01, 2001 - 06:05 pm
Anonymous abaayo shaaqo la'aan baa kugu wacan inaad labo nin jeclaato! Walaal ma shaqeeysaa, wax hobbies ah ma leedahay, cilmi kororsi ma ku fakartay? Aniga mid baan waqti aan ku jeclaado waayey adna laba ayaad isku heeysaa. Attention span-kaaga aad buu uu wanaagsan yahay.
Talo: labo reer ha uu baabiin riyo aad iska dhaadhacsiisay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daauud

Friday, February 02, 2001 - 10:31 am
Waxaan aad uga naxsanays sidda diinta looga tagay
Haweenka waxey ahaayeen kuwa dhowrsan oona ku qanacsan gurigooda laakiin adiga waxaad igula muuqagtaa mid aan sidaas ahey marka walaal iska daa waxyaabaha qaarkood ee dhaqo qoyskaaga kana fiker AAQIRADAADA
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sugaal

Friday, February 09, 2001 - 01:46 pm
walaal kulama yaabo oo tani duniya yaabkii
wuu iga dhamaadey.
balse aan ku xasuusiyo,heeskii ahaa,
shinbiri,laba geedwada,gurato
qalbina,laba,ruux,ma,wada,qaado.
markaa,mid.ku ekaw.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sumayo

Saturday, February 17, 2001 - 07:42 am
Abaayo arintaada aad baan uga naxay walaaley waxaan anigu ku oranlahaa hadii aad shan sano ku dhex nooleeyd jacaylka nin kale in aad hadana ku sii jirto sababo badan adoo fiirinaya ninkaaga qiimeynaya ninkaad jeceshahay qiimaynaya xaaskiisa qiimaynaya caruur hadaad u leedahayna caruurtaada qiimaynayaninkaaga xaqbadan buu kugu leeyahay oo 5sano buu kula noolaanaftiisa oo dhana ku raaciyey mustaqbalkiisa kugu aaminay 5sano qof aad nolol la qaybsanaysay wax yar ma aha xaqbadana waad isku yeelateen xili aad nin kale uga baxdo uma arko ee Allaah tala saaro oo qurqqnka aqriskiisa badi ninkaad jeceshahay qiimay oo haduu xaas leeyahay dhibaato ha ku furfurinqoyskiisa oo adigaba ninka aad la nooshahay in ey naagi kugu daba socoto maad jeclaateen ee u daa gurigiisa alaha u qayro ana kayga alaha igu qeyro dheh caruur hadaad u leedahay ninkaaga caruurtaada qiimay oo Aabahood bay ayagu ka jecelyihiin ninka aad adigu jeceshahaymarka in caruurtaada jacaylkooda waalid ey waayaan iyo in aad adiga wayso jacaylkaaga guur waxaa ila wanaagsan in aad adigu kaaga wayso tan kale walaaley ninka aad sheegayso waxaaba laga yaabaa in uu kaa rumaysan waayo in aad intaa jeclayd marka miro gunti ku jira kuwo geed saaran looma daadiyo tan kale ninkaa aad jeceshahay xiriir miyaa idinka dhaxayn jiray? Jacaylkiisa sidee kugu soo galay?ma markii aad madaxa banaaneyd buu ku diiday? seed markii hore ku gaftay Jacaylkaas waa mid kaa daahay ee Alle dartii uga samar CAruur in aad leedahay iyo in kalena ii soo sheeg Walaashiis qayrka alaha ku waafajiyo AAAAAAAAAAAAAAAAmIIIIIIIIIIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamac

Saturday, February 17, 2001 - 12:35 pm
Runtii waa wax lala yaabo adigoo nin leh inaad ninkale niyada ku hayso waase wax dhaca wakhtiyadan dambe runtii. waxaan ku odhan lahaa riyada ka bax oo ninkaaga ku ekow intaad Illaahay ka baqato wuuna ku arkayaa waxa niyadaada ku jira.
Wasalaamu Calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nuur

Wednesday, February 21, 2001 - 02:28 am
Waa Cajaaib
waa wax lala yaabo in aad shan sano ninkaaga kaaga muuqday nin kale malaha JINI baad tahay oo insi ma tihid.

Walaal miskiinka ha lu goyn ee suuqaaga dhinac ka gal shantii sane ee uu sawirkaaga qabayna u sheeg si uu kaaga sii cararo adna dadka suuqa jooga ka dhex arag kaad jeclayd oo iska fasax sxb kayga cadilan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISHWAAQ

Wednesday, February 21, 2001 - 03:10 am
sumeyo ilLahaay hakaga abaal mariiyo wanada wacaan ...

ANON: WALAAL WAA WAX LALA YABO LAKIIN WAA WACDARAHA ADDUNKA IYO WAYAHEDA..
WAA XAGI XABIIBO TOOXOW "NAFTEYDU NAFBEYRABTA NAFTUUNA NAF KALE RABTA" ...
MARKA WALAAL NIINKA AAD JECESHAHAY NAF KALE AYUU U JEEDA MARKA NAFTADU YEEY KU SEGIIN INTA AAD MIID KALE HEYBINEYSID ...

HADI AAD JECLEED NIINKA KALE(KAAD JECESHAHAY HADA) MAXA KAAN KU GEYEEY HADA KU QABA?,,,,MISE WAXAAD KU RACDAAY DUUYO!! ILAAH U TOOBE KEEN ...NIIN ADO KU QABO INAAD NIIN KALE HAWEYSATIID DIINTEENA WAA KA XARAAN ,,, SIDA EY SUMEYO KU TIRI QURANKA AKHRIISO TOOBO ILLAHAY WEYDISO ,,,, ANAKANA WAXAAN KU LENAHAAY ILAAH HA KU FUDUDEYO AMUURAHA

ASALAMU CALEYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sumayo

Wednesday, February 21, 2001 - 07:05 am
Jisaakalaahu Qeyr ISHWAAQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

murugo. ku yaqaan

Friday, March 09, 2001 - 06:26 am
adigoo kale waan aqaanaa waan agahay adiga iyo
ninkaaga waxa idin dhexyaala labadiinana waxan
uaqaanaa si xaqiiqa hadii aad kahari waydo arimaha
aad ku jirto walaahi waan ku qar xinayaa? anagaad
hada noo keenty in aad intarnetka kusoo qorto ari
maha dhilay nimad ah hadii aad jeceshahay nin ka-
le sidee ayaad nin kan ula noolayd 5 sano waxa
halkaas ka cad in aad iswasi jirteen walaahi waan
qar xinayaa hadii aadan ka tanasulin arimahan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

afgooye

Friday, March 09, 2001 - 11:34 am
to abaayo
ala kacabso cadaab ka baq maalinta yoomulqiyaamaha xasuuso
hadaad kiiskaan kisii fakarto cadaab baad ku galeysaa iska jir.
waa ehlunaarnimo cad .
marka aaqiradaada unax baan ku lee yahey .
ninkaasna iska ilow kaaga ku qabana ku iimaanso
ilaahna bari inuu xaqa ku tuso salaadana tuko toobadkeenka badso waad ilobeysaa ninka inshhhhhhhhhhh alah .
maahmaahdaana horey uqaado hadaad labo faras isla mar fuusho ogow inaad dhexda ka kala dilaaceyso .
oo markaas aaad cawaaqib xumadeeda arkeyso.
jaaaaaaaaaaw talo wacan isma dhaafno .
bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MR.ADVICE

Sunday, March 11, 2001 - 11:26 am
TO: ANONYMOUS SALAAN HORTAHORE. HORTA WAXAA TAHAY QOF BINI AADAM WAXNA WAAD JECLAANKARTAA OO KU MAANLIHI WAX HAJECLAANIN. MID KOW DHEH WAXAA TAHAY QOFLA QABO WAXAANA TIRI MAJECLI NINKA IQABO EE WAXAAN JECLAHAY NINKALE. HORTAHORE WAXAAN RABAA IN AAN KU SIIYO WAXYAR OO WAANO AH WANO KALIYA MA'AHAN EE WAA WALAALTINIMO. MAANTA WAXAA TAHAY GABAR SOOMAALIYEED OO RABTO IN EY KA HESHO UMADA WALAALAHEED WAANO. MARKA YAAN WARKA KU GU BADIN. WAANA DEYDA WAXEYTAHAY IN AAD U SHEEGTID MID KAA JECESHAHAY IN LOGU QABO OO AAD TAHAY MAANTA MARWO
MAXAA YEELAY LABA NIN ISKU MA WADI KARTID WAXAAKAAGA SII DARAN DIINTEENA MACAAN MADHIGEYSO QOF DUMAR OO LA QABO IN EY JECLAATO NIN KALE. MARKA WAXAAN KU DHIHI LAHAA U SHEEG MID KAA JECESHAHAY NIN LAGU QABO.
THAT IS MY ADVICE MY SISTER
HALKAAS AAN OOGA BAXAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sharmaake

Thursday, March 15, 2001 - 04:52 am
Lady guriiga iyo ninkaada hadayicin, Arinta dheel dheelee waaye okow? dhib ikaarkaan tabar umahaaye ani camal waaye. runtii dee anigu waxaa la tuntaa Laba Dumar ah oo Marwooyin ah.. Hadii lasoo furo dabadeey kabanaanka.. Macalinkan Aniga camal lee waaye okow.. Ari baaye wax maqal oo iska yara yaraysa howsha... Naa heedhe Waxu waa daba mar oo kaliye ee Cagaha dhulka dhig inan yahay iswaalaysa. Muga xaajada Inside&Oudside ka dayday oo rogrog.. Dheel dheel u malehee.. Soo Bari..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somaligirl

Sunday, March 25, 2001 - 02:06 pm
salaamu calaykum marka hore dhamaantiin. marka hore walaal waxanku odhan lahaa ilaahy xasuso oo ka xishood intaad waxansoo qoraysid gurigaagana riyo ha u baabiin run manoqotee.
maad diinta iyo qawlka ilaahay baratid ood ilahaay ka xishootid intaad adoo guri xalaala leh leedahay ninkalaanku riyoodaa, iimaaankaaga maxaa ku dhacay walaal qof masulliyad qaadayna waad tahaye??? ilaahayna haku soohadeeyo walaal xumaana ha iiga qaadan waxanku idhi salaam

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.