site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Talo ma i haysa walaaley ama walaalow??

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Feb. 16, 2001): Talo ma i haysa walaaley ama walaalow??
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dumar

Tuesday, February 06, 2001 - 06:53 am
Talo i sii walaal . Pleas...

Waxaan wada soconaa wiil somaliyeed mudo sedex sano ah,hase ahaate Wuxuu jecelyahay in aan mustaqbal sameysano goortu ilaahay idmo,Laakin aniga waxa jaceyl ah uma hayo, umana sheegi karo in aan waxbo u hayn ee maxaan sameyaa. Mana rabo in aan xumeyo sababto ah waa qof aad iyo aad u wanagaasan oo aan xumaan u qurin
qof aanan jecleyna ma guursan karo, taasi micnaheedan ma in aan necbahay isaga laakin niyadeyda kuma faraxsan isaga.
Waad ku mahadsan tahay Jawaabta ok
Jaaw

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yasmiina

Tuesday, February 06, 2001 - 07:33 am
abaayo sedex sano dhan maxaa ka ag qabanaysay hadaadan jeclayn. maxaad wakhtigiisa iyo kaaga u lumisay. dabiici waaye qof aad sedex sano wada socoteen inuu ku guursado. waxaan u malaynayaa in ku filan inaad cadibtay ee noloshiisa inta ka dhiman ha ciqaabin ee runta u sheeg.hada ka dibna cawaadifta bani aadamka ha ku cayaarin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cali

Friday, February 09, 2001 - 05:15 am
waxaan ku leyahay wiilka runta u sheeg ,oo maxaa intaaso dhan sameynaysay oo ugu sheegi waysay.
mise waxaa niyada ku haysa mid kale

jaaw

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ladan

Friday, February 09, 2001 - 07:27 am
walaaley hada aan soo aqristay meel kale oo aad ku laheed labo qof aan wada jeclahay adi miyaa taa? hadey haa tahay asi maxaa kugu watey inaad labo qof isku bahdisho fiiri walaashiis midka aad wax badan wada socoteen oo wanaagiisa aad u qirtay kaa hayso sababta oo ah nabsi aa jiro mida kale dadka lagama dhumiyo waqtigamida kale ragu iyagoon jaceyl kuu heyn ayey kusoo jiidanayaan qaarkoot ee waligaa ogow iney jaceyl been beena kugu abuurayaan ee iska hubi midka danbe ee afmiishaarka ah hana iloobin jaceylkii 3sano ee bada agteeda iyo guriga ku jileesay bye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dumar

Monday, February 12, 2001 - 05:57 am
Taasi waxaa kenay in aan labada wiil ka wada helay
oo aan kala doran karin midkood.
mana xumeyn karo
ila tali
Ladan....................


jaaw.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ladan

Tuesday, February 13, 2001 - 09:00 am
walaashiis waad salaaman tahay, mida kale taladu waa mid i soo aadi lol ha!ha!ha!. taa macmaahoo. abaayadiis ani talo hadaan kusiiyo ma,iga qadaney mid beela ah aan ku siinaa nin dhan iska daa oo wax baro waa hadii uusan waqti kugu socon, oo aad adkeesan karto soon lee raaxa iskaga qaad, hadii aadan adkeesan karina guurso midka diinta leh oo aqlaaqda wanaagsan oo sharaftaada jacel oo reerkiina qancin karaayo abaa waqtiga waa igu yar yahee school aan joogaaye hadaad talo badan rabtid anaa kuu haayo e@mailkaaga sootuur hee anaa raga oo dhan duuduubaye lol waa kusugaa bye hee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hanad

Wednesday, February 14, 2001 - 10:43 am
abaayo waad salaaman tahay abaayo waxaan kuula talin lahaa in aad qof bini'aadam ah aadan lug ee miskiinka runta u sheeg ee hadii kale nabsi baaku curyaamin doona by;hanad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hodan

Wednesday, February 14, 2001 - 11:16 am
waan ku salaamay walaal dumar marka hore mar labaadka maxaa walaal kugu watay in aad been ugu sheekayso qof ku jacel ood niyada ugu dhisaysay mudo dheer hadaadan niyad u haynin saw ma ogid in aad gabar tahay wax walbana ay nabsi yahiin hadaad qof ku jacel uga dhaqaaqdo cidla waxaan kugula talin lahaa inaadan ka baxin wiilka ku jacil waayo waxay soomaalidu ku maahamaahdaa meel lagaa jacelyahay hadaadka tagto waxaad tagi meel lagaa naceb yahay markaa walaal ka fiirso talada intaadan falin waayo taladaan la ruugin waalgu rafaadaa maxaad ku nacaysaa maadama aad mudo wada socoteen walaal niyada u soo jeedi wiilka oo hawga bixin jacaylka ee la qabo maxaad igu sheegi wayday mar hore xaajada hadaadan rabin walaal waxaan naftaada iyo taydaba ugu dar daarmayaa ka cabsashada alle iyo umadiisaba walaal dadaal oo nafta daali ilaa ayka ogolaanayso wiilka walaal ogow inuu jacaylku jiro maadama oo aniga i soo maray markaa walaal meelbaa igubanaysa hadalkaaga awgii ee alle hakuu fudu deeyo arimaha ilana soo socodsii waxay ku dhamaato walaal sidaa iyo nabadgalyo iyokulandaber bye bye dumar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kabaweyne

Wednesday, February 14, 2001 - 04:10 pm
naa beenta kaa daa dadka oo baha bahaada jooji anaga'ad rabta ina'ad riwaayad nagu matasho

awak baa luu yidhi dumar waa caqli caruur

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.