site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

cidayad iyo guurka nin aan jeclahay kee baan doortaa walaalow

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Relationships - Shukaansi: cidayad iyo guurka nin aan jeclahay kee baan doortaa walaalow
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

layla

Wednesday, February 07, 2001 - 03:42 am
dhamaan walaalahayga xagaan soo gala oo dhan waan salaamay salan kadib waxaa i haysata arin aad iyo aad iigu adag walaalow ee iga cawina haddi aad awoodaan.
Arintu waxaa weeye wiil ayaan aad iyo aad isku jecelnahay waxaana wadasoconay 1 sano iyo bil waxaana ku shishiinay ogaankayaguna joogaa in aan isguursano, laakiin aabahay ayaaiga diiday arinkii oo igu yiri anaga iyo wiilka mid ugo kii kuu roon warkiisa yeel abahayna waxaa uu kudiidayaa waa qabiil ee wax kale ma ah wiila ana isjeclelnahay ee aan doonayno inaan iguursano waa wiil fiicna oo wanaagsan.
walayaalow i caawiya maxaan yeelaa oo gonaan ku gaaraa ma wiilaan ku go"aa oo aan gursada mise waan iska iloobaa wiilka aan abahay
ila rabin
ilataliya dhamaantin
waadn mahadsantihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hanuunshe

Wednesday, February 07, 2001 - 04:55 am
To: Layla
Layla arintu waa cakan tahay laakiin si fudud ayaa looga gudbi karaa. Wiilku hadduu islaam yahay waxaa la gudboon in uu aabahaa ku waydiisto. Dabadeed aabahaa waxaa waajib ku noqonaysa in uu ku siiyo wiilka. Haddii uu diido waad guursan kartaa sababtoo ah mataal meesha wax laguugu diido hadduu yahay nin muslim ah ahaddii uusan muslim ahayn maguursan kartid waana kaa xaaraan. Qabiil nina iskama kaa hortaagi karo mar hadduu muslim yahay. Markaa anigu waxaan oran lahaa wiilku ha u tago aabahaa oo ha usheego inuu rabo in uu ku guursado. Xaaraana ha isku arkina wiilka aad jeceshahay sababtoo ah hadaad xaaraan ku kulantaan guurkiinu hirgeli maayo oo macsi ayaa ku jirta labadii macsi ku heshiyaana hore um maraa.
nabad gelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A222

Wednesday, February 07, 2001 - 06:04 am
Layla

Hanuunshe si fiican buu kuula taliyey, waana sida sharciga ah. Waxaanse ku dari lahaa arrin yar, annoo ka soo laabanaya xagga dhaqanka: isku dey inaad aabbe ogoleysiisi arrinta, oo ka soo martid meesha laga soo maro markuu arrin is hortaago, waayo qofka kastaa waxuu leeyahay meel uu ka jilicsan yahay. Qofbaa jecel in aad loo qadariyo, oo ku qanca haddii loo soo diro odayaal. Dadka intiisa badan waxaa lagada lacagta, qaar kale in wax la tusaaleeyo sida wacdiga, qaar kale abaal sheeto, qaar kale xaasaska baa loo diraa, kuwa kalana waxay wax ku leeyihiin sasabaal iyo aabbow macaanow soo jirkaaga la igama soo goyn, oo maahi ilmaahigii aad jecleyd, maad qalbigaaga maantey oo kaliya ii furtid!

Adiga iyo wiilku qudhiino miisaama arrinta oo fiirsha dhinicey ku roontey, oo haddii aad kala maarmi kartaan, waaridkiina sidaas ku adkeysto, inaad faataxada isku martaan in Ilaahey qofba hortiisa kheyr u dhigo, waayo laga yaabo sidaas kheyrku idin kugu jiro, oo odaga sabab la idinkaga dhigayo. Laakiin marka hore dadaala, intii aad kari kartaan, Ilaaheyna barya markasta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

layla

Friday, February 09, 2001 - 02:31 am
ToHanuunshe & A222
walaalahayga shaftale oo iskudayey inay icaawiyaan waad mahadsantihin aad iyo aad ayaan idku mahadcelinayaa alle hadinka abaal mariyo talada aad i siiseen.


Walaalayaal waxaa jirta inay aabe iyo hooyoba isku raaceen in ay igooyaan haddi aan wiilkaa guursado oo aana ilmahooda kamid ahayn ina habaarayaan ! taasna ogama garaabin anigu waayo wax xaq ah oo ay"igu habaaran meehsaan ma yaalaan waa wiil somaliyeed oo muslin ah diintiis jecel salaadana tugada,soonkana sooma, balwadana mahel sigaar bas ayuu cabaa sigaaran wax qof lagu diido ma ah wiil kasta oo dhalin yara ah waa cabaa mid dhif ah ma ahne. markaa waxaanu ogaan sanay aniga iyo wiilku in u isagu ukeeno waaridkiisa iyo odayaal wax garad ah oo waaridkay uu isagu qanciyo hadii ay diina aan anagu katashano markaa.

Walaal hanuunshe iyo A22 waxaan idin weydiinayaa wiilka iyo anigu xaaran iskumanaan arkin iskuna arkimayno. laakiin wiilka waanu isjecelnahay sixad dhaaf ah mana kala maarano.

Walaalayaalow ma igu dhacayaa haddi ay waaridkay antuu wiilkaa odayaal iyo dadkiisaba u keeno ay diin markan aan guursado wiilkaa aan jecelhay habaarkoodo mise iyaga iga gardaran? maxaad se u ragtaan ma in aanhay garba xun oo waaridkeed qilaafsan mise qof laga gardaranyahay?


mahadsanidin walaalahayga qaalig ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hanuunshe

Friday, February 09, 2001 - 03:57 am
Layla'
Saan horeba kuugu sheegay arintu waa sahlan tahay. Mana aha in la marin habaabiyo waxa saxa ah. Wiilku hadduu muslim yahay oo ilaahay iyo diintiisa aamin sanyahay wax iska kaa hortaagi karaa majiraan. Taasi waa haddii ay jirto. Laakiin waa inaad marka hore waalidkaa arinta u bandhigtaa weliba aabahaa. Haddii uu kuu diido isagoo adeegsanaya qabiil iyo wax lamida waxaa lagugu meherinkaraa aqalka ku xiga kiina. Shardigu waa aabahaa u bandhig arinta dabadeed waa kuu banaan tahay inaad guursato wiil ilaah kuu xalaaleeyey oo walaalkaa ah.
nabad gelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haboon

Friday, February 09, 2001 - 04:36 am
Assalaamu caleykum.
Layla waxaan ku oran lahaa nin aan reerkiinu kula rabin ha guursan.Ogowna waalidku ilmihiisa wuxuu la jecel yahay wax wanaagsan,marka dhinac ay wax ka fiirshaanba hadii uu san dhaliil laheyn iyaguba kuuma diideen,waxaa jira kuwo diin sheekanaayo oo aan wax garad ahayn.inkastoo karoon yihiin kuwa ciyaalo suuqa ah.Ugu danbeyn waxaan ku dhihi lahaa wax waalidkaa warkiisa kaaga roon malaha e u sheek wiilka walaalkaa ah in uu san walidkaa ogoleyn arinka.
Waligaana ha u eegin wadaadnimo kaliyahe fiiri dabeecadihiisa kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A222

Friday, February 09, 2001 - 11:47 am
Layla

Sidaan horey u sheegay arrinta xaqiiqadeeda waa tan Hannuunshe kuu sheegey, waase haddii aad run sheegeysid oo waaridku sabsab la'aan kuugu diidaan guurka sida ayagoo fiirinaya qabiil iyo wax la mid ah, laakiin hadday heystaan arrimo kale oo caqabo ku noqon kara guurkiina, diintiina iyo naftiinaba, wey kaaga garleeyihiin waayo waa waajib saaran inay ilmahooda la doonaan meel wanaagsan.

Haddaba sey kuugu caddaato kiinii gardaran: Waxaad raadisaa dad diinta wax ka yaqaan oo ka yara fog qabiilka odaga, una bandhig arrinta, ayadoo aan waxba la qarin, kuna dhaqan wixii la idiin go'aamiyo. Waxaase marka hore hormarayaa waaridka wiilka, oo waxaad arkeysaan waxii lagu yiraado.
Midda kale waa in lahelaa dad diinta yaqaanna oo soo xaqiijiya wiilka siduu diinta ku yahay iyo inuu qaadi karo masuuliyad qoys maskaxiyan iyo dhaqaalaba.

Intaas oo dhan markaad la soo xaqiijiyo, oo aad ogaatid inaad raaci kartid wiilkaas, waaridkiina diidmadii joogo: Waa inaadan marna caro u muujin waaridka, ee aad daba carartid ayagoo kaa sii cararaya. Waxaa kaloo iska hubisaa inaadan walwaleyn oo aadan islaheyn sharqantii yeertama waa habaarkii waaridka, waayo haddii aad daa'imtid cabsida noocaas ah, waxey kugu reebeysaa dhibaatooyin badan, kuwaas oo ey kaaga roonaan laheyd inaadan guurkaanba aqbalin.
Marka arrinta waqti u qaado, intaadan madaxmadax iskugu tuurin.

Ilaahey ha isku kiin maslaxo, hana kugu aadiyo meeshii roon!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed Jama

Friday, February 09, 2001 - 02:40 pm
Salaama Aleikum

To: Sister Layla

Walaal arinka kaligaa maha oo waa arin dad badan haysta, Haduu waalidkaa kuu diiday Wiilka runtaan waxaa kugula talin lahaa inaad waa lidkaa raacdidi kana samirtid wiilkaa, arinkaa wuxuu u fiicnaandoonaa aayahaaga danbe sidaa ayaa kheyrku jiraa, oo Waalidku ciyaar maaha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

layla

Monday, February 12, 2001 - 03:40 am
TO dhamaan walaalahayga sharafta mudan.
Walaalyaal waad mahadsanidii ugu horayn. run ahaantii wax aan ku qanco amaba wax ii taraya, oo i kaalmaynaya ayaad i sheegteen
alle haidin kaabaal mariyo waan0adiina iyo wax sheegina wanaagsan khaasantan hanuunshe iyo A222. iyo walaalahayga kaleba.
sidaa aad ilatali seen ayaan ku dhaqaaqayaa walaalayal ii soo decee alle inuu ii sahalo abuurtayda,
adikana alle hadin sahlo hawlihiin aamiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sugaal

Monday, February 12, 2001 - 08:25 am
TO:layla
walaal, heesbaa tiraa,
wiilkiyo,gabadhhii,is raba,
taariikhdoodaa.wada,
markaa,kabax,taasiyoo,wiilka aroos.
taariikhna reeb.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suad

Sunday, February 18, 2001 - 01:57 am
To Leyla

Walaal waxaan aniga ku oran lahaa waalidkaa amarkooda iska yeel dhib kasta ay kugu tahay, waxaadse ogaataa nin kujecel adna aad jeclaatid waad heli doontaa balse waalid kujecel oo kula taliya maheleeysid ee macaaneey kuwa aad heeysatid haiska qasaarin, tan kale waxaa layiri waayeel kor koodu waa wada indho waxaa laga yaabaa meel aad adiga wax ka arkin inay hooyadaa iyo aabahaa ay ka arkaan ee iyaga haka fogaan habaarna ha shaqeeysan baan ku oran lahaa...
Maadaama sanadadan ay noqdeen sanado colaadeed iyo qabiil iyo waxdaran waalid kasta ciyaalkiisa ineey kafogaadaan marabo waxaan oola jeedaa qabiil kale mala rabaan......marka sis anigoo og ineey dhib kugu tahay inaad ka jeesatid naf aad jeceshahay baan hadana ku oran lahaa waji hasiin jacaylkaaga, ee waalidkaa kaduceeyso meesha qayrka kujira ilaah baa ogee ilaah haku waa fajiyo salaatul istiqaarana utuko sis.....macsalaama..
P.S waxaan kaloo aqriyey suaal aad leedahay hadaan guursado wiilka habaarkii waalidkeey ma iga soo baxayaa......taas ilaahaa og sis haa iyo maya toona maoran karno balse waxaan aqaan waana iga daacad sheekadan sis gabar sidaadoo kale loo diiday wiil ay is jeclaayeen reerkoodana iyada oo qura bay lahaayeen qabiil ayaana lagu diiday wiilka gabadha waa ina adeerteey sis, wiilkii weey guursatay oo reerkoodii ooga goaday cidina ma habaarin gabadha balse naxdintii ay hooyadeed iyo aabaheed ka naxeen baa ilaahay wuxuu qadiray in wiilkii ugu horeeyay ay dhaleen uu ka noqday qof caqliga u dhaneen xataa aan hadli karin oo hada waa 14 jir wiilkaas waxaana somaaliya beey ahayd sheekada, maad rumeeysan hada 6 caruur ah beey haysteen ninkii baase gabadhii ku xumaaday oo intaas reerkooday ku tiraahdaa iga fura balse waxay ugu dulqaadataa ciyaalkeeda awgood oo waxay tiraahdaa madoonayo inay aabahood oo nool ay agoonimo dareemaan, marka sis sheekadan kuuguma sheegin inaan niyad kaa jabiye ee waxaan kuugu sheegay inay wax un kaa anfacdo......mar labaad baan kuleeyahay ilaahay hakula garab galo please arintaada meesha ay ku dhamaatana ila soo socodsii.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fuad

Sunday, February 18, 2001 - 04:42 am
nin ama naag waa la helaa laakiin cidiina waxeysan ku faraxsaneyn ka fogow ereyga ma fiicna naftada iyo ilmahaga u nax..cidina waxey raban samee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baari

Sunday, February 18, 2001 - 11:58 pm
to;layla
walaal salaan kadib,run ahaanti arinta ku haysata waa arin cakiran oo u baahan ka fiirsasho badan,walaal waxaan ku oran lahaa waalidkaa taladooda cidna ha ka hormarin waxaa laga yaabaa inay jiraan waxyaabo badan oo ay kuugu diidayaan ninkaan adna aan hada kuu muuqan ilayn jacayl ayaa ku indho tiraye,ogowna waalidka oo baari loo noqdo waa waxa ugu horeeya oo qofku ku meel maro,waad heli qof ku jecel laakiin mahaelaysid waalid turid badan horaana loo yiri (miro gunta kuugu jira kuwo geed saaran loma daadasho)talada waalidkaa qaado iskana ilow jacaylka ilaahayna talo saarso.hadi aad ku aragtid qoraalkayga wax aan ku raali galain iga raali ahow yaah
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

layla

Monday, February 19, 2001 - 01:57 am
To dhamaan walaalahay
walaalayaal waan idin salamaay salan kadib waxaan diin sheegayaa inaan ku qancay waanadiina waad mahadsantihiin mar labaad dhamaantiin
walayaal waa run waaridkay iyagaa idhalay oo ii intaa soo gaarsiiyey markaa waa igu dhib inaan ku gacan sayro laakiin waxaan firinayaa oo aan markale ku dayayaa inaan kukeeno dad wax garad ah iyo wiilka waaridkiisaa waxay ka dhahaan ayaan firinayaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

COSOB

Tuesday, February 20, 2001 - 06:55 am
ASALAAM CALEYKUM LEYLA.Walaashey nin waa lahelaa laakiin waxaan la helin waa waalid sida sharafat ku jirto ood u tixgalisay waalidkaa Ilaah ha kuu sharfo .Aniga kuguwaani maayo ninka raac laakiin ogaaw jaceylku waa dhamaadaaye ninkuna hooyadaa iyo aabahaa ma dhalin inadeerkaa ayaan leysku halen macaadalaa waa nin koo ka mac alah ku siiyo hadoow kaa dhintoba waa ka samri laheyad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bk

Saturday, February 24, 2001 - 11:41 pm
hi layla walaalo waan ku salamayaa marka hore
huuno,
arinatani waa mid igu dhac day aniga markaa waxaan kugula talinayaa lagama maarmo reerkiina ninku berituuku sooeryayaa ee reerkiina maqal oo guriga fadhiiso ,,, salka dhiga guryaha seexda ku saliya rasuulkiina ,, waslaamu calaykummmm yaa sis by ilahay ha kula qabto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

korea

Saturday, March 10, 2001 - 06:44 pm
layla
waxaan ku dhihilahaa reerkiina kama maarmikartid laakiin ninkale oo fiican waad helikartaa
ra'yigeyga waa aabahaa raac waxkastaba ninkaan
haku diidee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A222

Sunday, March 11, 2001 - 01:10 pm
Annigoo horey uga tirsanaa tala bixiyaashii boggan, baa maantey soo booqdey bogga markale.
Runtii aad iyo aad baan ula dhacey talooyinka qiimaha badan ee la soo jeediyey iyo dareenka daacadnimo ee ka muuqda dhalinta.

Waxaan kaloo ku faraxsanahey sida wacan ee Layla u gudoontey taladii loo soo jeediyey, oo waliba ugu celcelineyso taas oo sii xoojineysa kalsoonideena(Talo bixiyaasha).
Waxaad ogaataan: IN TALADA LA DHIIBANAYO NOQONEYSO ABUUR, KUU NOQONAYA SADAQO(HADDEY TAHAY MID TOOSAN), AMA DAMBI LAGAAGA JAASEYNAYO ADDUUNKA IYO AAKHARABA! Taasna dad badani maba oga.
Ilaahey taladeena ha toosiyo dhammaanteen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, March 12, 2001 - 06:06 am
KU:LEYLA
Ugu horeentii abayadiis waan kuu salaamay runtii ragbadani ku siiyeen figrado kala duwan iyo ereyo aad ladhacdo bal anuna aan kuugu darsado figradeyda yarta ah.
Leylooy runtii arintaadu waamid cajiiba waana imtixaan runtii aad iyo aad u adag una baahan sidee loogu gudbi lahaa horta leylooy abayadiis waxaad o gataa ama aad niyadaada gelisaa waalidkaa sida ey kuu jecel yihiin ama kuu soo koriyeen ruux kuu jecel ama kuu korinkara kuma arkeesid aduunka xaqa ey kuugu leeyihiina waamid aan lagudi kareen taasi waamid aanu wada ognahay oo aan iska indha tiri kareen.
Wiilkaan saaxibkaa ah ee aad sidaa u jaclaatay waxuu ku arkay adigoo intaa la eg oo sidaa u quruxbadan markaasuu kaa helay kulana yimid hadaladiisii lacagta laguugu soo koriyay ama dhibka lagaala soo maray koriinkaada maalina kuma weediin abahaa oo kaliya ayaa og dhibkuu kaasoo maray aduunyada waxaa loo ordaa oowlaad baari ah iyo aqal wanaagsan inuu ilaah ku siiyo.
Intaasi waa horudhaca hadal keyga aan u soo laabto dhibaatada ku heysata sideen waalidkey ugu dhameeyaa jaceelkeyga iney ii ogoladaan?
LEYLOOY bal dibisu noqo oo aan wax yar ku soo xasuusiyo ilaahii na uumay waxuu inoo sheegay ruuxwaliba oo bini aadan ahi waxuu lakulmaayo ama uu ku arkaayo aduunyada korkeeda waxaan meel marinay oo aan qornay maalintii aad colaasha hooyadaa ku jirtay 120 maalmood ee nafta laguugu afuufay ama lagu geliayay waxuusan ilaah maalintaa kuu qorin heli meysid waxwaliba oo aad sameeso horta abayadiis taa niyada geli ruuxa aan taa amin saneen waxuu lakulmaa qasaaro aad iyo aad u ween shaleytaduna ma wanaagsana qiimahaada iyo sharaftaada waad intaad gabarta tahay ee jirkaadu aan wali lataaban waxaadna sidaa shaarkii cadaa ee abahaa waad sidaad adiga ka yeesho hadaadwasaqeen laheed iyo hadaad nadiifin laheedba.
wiilka aad is jeceshihiin u sheeg haduu ilaah aaminsan yahay is weeyn meysaan hadey dhabkatahay jaceelkiisa haraadiyo siduu xanuunkaada u daaween lahaa ileen waxaadu sheegtay inaad xanuunsantahay una baahan tahay daawo weligaa haku fikirin waalidka inaad kasoo go dit oo wiilkaan u soo godid waxaad lakulmi imtixaan kii ugu adkaa aduunyada dhab ahaantii wey dhacday qisadaan ku heysata ookale weliba ku dhihi maayo waan maqlee indhaheyga ayaan saaray oo gabdha ku dhacday ayaan lakulmay lana sheekeestay maanta waalidkeed oo qanacsan eyey wiilkii ey diidayeen siiyeen.
bal aan kuu sheego qisadaa dhabta eheed ee dhacday iyo sida ey u dhacday qoralka haba kuugu dheeraadee.
leylooy wiil kamid ahaa wiilasha soomaliyeed ilaahna uu ku maneestay iimaan iyo caqli cilmi aduunyo iyo mid aaqirana lahaa ayaa waxuu bartay gabar soomaliyeed oo runtii ilaah ku maneestay asluub iyo edeb hooyadeed iyo abaheed isku qabiil eyey ahaayeen hooyadeed aad ayey u kululeed abaheedna wuu kadarnaa oo ayada curud ayey eheed weligeed kama soo dhixin waalidkeed aad iyo aadna wey u tixgelin jirtay waxey isbarteen wiilkaa aan kor ku soo xusay kuna heshiiyeen iney isguursadaan kala qabiilna ey yihiin markuu reerkiisii soo dirsaday ayaa odayadii kasocday lasoo eryay oo ayagoo xanaaqsan laga soo saaray gurigii waxey go aan sadeen in willkooda gabar cidaha loo raadiyo oon gabdhaa markale laga maqlin markii arintii dhacday loo bandhigay ayuu waxuu ku yiri odayadii waad ii dadaasheen qeer alaha idin siiyo si fiicana u xaal mariyaya weliba ka qosol siiyay kuna yiri iskaba daaya isha alaah siduu ilaah kadhigo ayey noqon odayadii iyo abihiiba wuuqanciyaya .
gabadhii markey aragtay waxey sameeyeen waalidkeed aad eyey ugu xumaatay waxeyna go aansatay iney kasoo tagto oo ay wiilka u soo go do balo sifiican u fiiri walaahi waa dhab iigama ahan dhalanteed markey u timid ey ku tiri dib danbe uguma noqonaayo ee igeeso meeshaad doonto ayuu ku yiri abayadiis waalidkaa abaalka ey kuugu leeyihiin mid lagudi karo maa han aniguna waxaa rabaa caruur baari ah oo labada waalid iigu du ceeyaan ogolna ey ka yihiin hadaan calaf isku leenahay isma weyneeno ee aniga bal waqti isii anigaa kaa raadsan waalid´kee adiguna ku noqo girigiina oo waalidkaa yeysan xuman kaa dareemin
Ala bini aadanku kala qiima badanaa waxaad ala dartii ku raadsatana wanaaqsanaa waxuu raadiyay siduu ula kulmi lahaa abaheed abaheed galab waliba waxuu soo fariisan jiray baar kamid ahaa baararka ku yaala somaliya oo halkaa odayada saaxibadiui ku sheekeesan jireen baar kii ayuu yimid oo mel udhaw ayagii ayuu iska fariistay waxaa u yimid wiil yar oo caseeya ahaa markasuu ku yiri maku luushuteeyaa kabaha marakaasuu u dhiibay intuu u luushateynaayay ayuu lasheekeesatay wiilkii yaraa oo uu weediayay nolashiisa waxuu u sheegay in uu habeen kiina saa ku sheeqsto maalintiina iskuul aado markaasuu intuu kursigii u dhawaa ku fariisiyaya casho u qaaday lacagna siiyaya intaa wey arkaayeen odayadii markuu wiil kii yaraa tagay ayuuu odayadiimid kamida yiri maandhoow oowlaad baari ah ayaa tahay waxaan maantoodhan fiirinaayay sidaad wiilkaaa yar u qiimeeneesay hadaladiisa markaasuu ku yiri walaahi aabaoow bini aadanka ilaah agtiisa wey kasiman yihiin ruuxwalibna waxa uu lakulmaayo waa miduu ilaah ku imtixaamaayo ee ilaah hanoo wada gar gaaro sidey diinta inoo tilmaameeso iyo sidaan dhaqanka u aaminsananay isma lahan oo waalagu cadaab matuusen oo ilaah wuu ina weediin shaahaa aan cabeeno dadaka qaarkoodna eysan heysan.
odeygii gabadha dhalay ayaa soo booday oo ku yiri maandhoow bal soo dhawaaw weli maan arag wiil dadaada jira oo sidaad u fikireeso u fikira ee maandhoow xaas maleedahay!!! cajiib markaasuu kuyiri maya laakin isha alaah waxaan ilaah kabaryi inaan helo mid baariyoo waalidkeed ka duceesatay ee iigu duceeye inuu ilaah ii sahlo markaasuu ku yiri waalidkaa manoolyihiin haa buu yiri oo yaa tihiin buu yiri markaasuu yiri adeer taasi waatan nabaabi isay ee aan si gaar ah u qadarino laakin waatan kaliya ee naarta nawada geeneeso sidaan u qiimeenenay eyey naga saartay diinta aan sheeganeeno ilaah agtiisana waxaa ugu qiima badan ninka ugu taqwada badan. Waaruntaa maandhoow halkee kashaqeesaa waxaan ku noolahay wadanka imaaraadka oo aan jaamicada islaamka kaga jiraa isha alaah sanadkaan eyey iigu danbeesaa hada waxaan u imid inaan waalidkey kaduceesto kadibna aan laabto hadii aan gabar baariyoo diinta taqaana helana waan guursan lahaa oo waan kaxeesan lahaa marakaasuu ku yiri maandhoow waxaan jecleestay inaan berito ku martiqaado oo aad gurigeyga ku geeyo ee kawaran waxba kamaqabo ayuu yiri laakin aboow ha isdhibibn ii arag wiilkaada oo kale oo wax qarsh ah ha isgelin .
leylooy waxuu ilaah kuu qoray maweyneesid markaan ku leeyahay bal fiiri arintaan iyo wanaaga uu ku raadsanaayo gabadhaa. Maalinkii markii salaadii jimcaha lasoo dugtay ayey iska sooraaceen wiilkii iyo odeygii misaajidka oo uu guriga kenay sifiican loo soodhaweeyay markey wax wada cuneen ayuu odeygii ku yiri maandhoow aniga gabar ayaan leeyahay oo ah mida ugu ween ilamheyga runtii denbi ween ayaan galay waxaan ii geesay cilmi daro oo reerdhan oo iiyimid ayaan eryay anigoo qabiil qiimeenaaya bal hada adiga inaan ku baro ayaan rabaa ee hadaad iska heshaan aan ku siiyo ee maxaadkaqabtaa? markaasuu yiri aboow qeer alaha ku siiyo diidmada aad diiday hadey kaa eheed cilmi daro wax denbi ah kuma lihid ee walsshey itusi hadaan is waafaqno waan kuu sgheegeenaa ayadii ayaa loo wacay markey indaha saartay eyey yaabtay ooy caloosha ka ooysay markaasaa labaray oo uu abaheed ku yiri aboow wiilkaanaa kula jacleestay waana wiil ahlo diin ah ee hadal ha iigu soo celin hadana wada hadla markaasey intey yaabtay weydiisay halkey aabe iska soo heleen uuna ku yiri waxuu ilaah meel mariyaya cidina mahor istaagi karto in wanaag wax lagu raadsado wax ka qiimo badan majiraan hadaan warkaada yeeli lahaa oo aan maanta ku kaxeesan markaad ilaheed i kaxeeso soow nolasheena halis mageli laheen bal maanta kawaran siduu ilaah inoogu fududeeyay u sheegbuu yiri aabe inaan ahay wiilkii laguu diidanaa haka qarin ayadoo naxsan ayey u tagtay odaygii oo lahadlaayo habartii oo ku jira naa cadaab ayaan muteesanay waxuu ilaah raali ka eheen ayaan ku dhaqaaqnay hada mid baari ah oo ahlu diin ayaan lajecleestay wax qabiilna kuma xeraayo ilaah denbigeena ha dhaafo markaasey u timid ey ku tiri aboow waan kahelay wiilkaan raali ayaan ka ahay markaasuu ku yiri odeygii aniga iyo hooyadaa naska keen cafi denbi ayaan kaagalnee waan idin cafiyay laakinaaboow wiilkaan waa kii aad iidiideysay.!!!!!!! intuuu yaabay ayuu yiri nimceesanay waa inaan reerkii xaal mariyaa arooskaada siduu u dhanyahayna anaa bixinaaya
oo sidii ayaa wiil kiilagu siiyaya gabadhii aroos cajhiibna loogu dhigay bal kawaran leylooy arintaan?
abayadiis kuugu dheereeyaya hadalka laakin waxaan ugu danleeyahay inaad waalidkaa ka duceesatit ee wiilka ku jecel ugu shekee arintaan hana isku dayo inuu raadiyo siduu kuu heli lahaa asagoo niyada geshanaay haduu ale iskukiin calafay in aadan is weeyneen buur waliba oo dhaxdiina ladhigo waalidkana qiimahooda yaan laraad dhaafin ee halaqiimeeyo
wabilaahi toowfiiq isha alaah arintaada wakuu hagaagi ee adiguna socodkaada hagaaji.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.