site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ila tali walaal

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Family Matters - Arimaha Qoyska: Ila tali walaal
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmedyare

Monday, February 12, 2001 - 12:36 am
asalaamu caleykum
Salaam ka dib waxa aan ahey nin xaas leh oolaba caruur ah leh waxa aan is qabnaa ilaa lix sano inta waxa igu socdsa murun .Mar walba waxa ay iigu hanjamtaa gurigaad ka baxeysaa waxa ay jeceshahey iney subaxii oo dhan jiifto oo aan ilmaha ani u soo kaco Taas wax macno ah ma leh waa sameeyaa haddana waxa ay rabtaa iney sheeko aado oo aaan cuntada kariyo mar mar waa ka yeelaa waxaase dhacdey inaan shaqo bilaamey waxa aan arkaa in inta badan aysan raashin karin oo ay soo gadeyso raashin diyaarsan.Mar walba markii ay dad aragto waxa ay jeceshahey iney madax iska dhigto walaahi mar marka ka dambeyso waa sii nacayaa waxa aan ka fikirayo waa labadaas caruur.Hadda la joogo waa isku xun nahey ma aqaan waxa aan sameeyo ee ila tali
ahmeh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HUDA

Monday, February 12, 2001 - 04:33 pm
WALAALE AHMED HORTA SHEEKADAADU WAA CAJIIB WALAALE WAXA AAN LAYAABANAHAY XAASKAAGU WAXA AY KUU GUURSATAYOO ILMAHA U DHASHAY HADII AYSAN TAKECARE GARAYNAYN WALAAL ANIGU XAAS BAAN AHAY WAAN DAREEMI KARAA DHIBKA KU HAYSTO TEEDA KALE WAXANI MA HA WAX HADA BILOWDAY EE WAX MUDO SOCDO KOLAY INIGA SIDA IIGA KAA MUUQATA WAXAAD TAHAY NIN DULQAAD LEH OO KAN IQABA KADULQAAD BADANIGANA MAYEELEEN INTAAS TAAN WAXAAN KAWADAA QOFTAAN ADAA BARAY MARKII HORE IN AAD MEESHII AY IYADU HOOYO KANOQON LAHAYD AAD ADIGU KANOQOTAY MEESHII AAD AABE KA NOQONLAHAYD AY IYADU AABE KA NOQOTAY YACNI HADA WAXAY U EGTAHAY IN AAD IS DABA MARSANTIHIIN OO QOFWALBA KAN KALE BOOSKIISII KUJIRO HORTA ABOOWE GUURKU WAA RAAXO ILAAHAYNA WUXUU DUMARKA IYO RAGA ISUGU SAMEEYAY IN AY KALFAA IIDAAN SAWIRKU MEESHA YAALA WAA WAYN YAHAY WAAYO MEESHA WAXAA JOOGA CARUUR CARUURINA WAA WAX AAD U QAALI AH OO AAN CIYAAR AHAYN IYAG MADAXOODA AAD UGU SAMIRTID WAX YAABO BADAN TAAS KASOKOW WAXAAD TIRI WAXAY ILEEDAHAY DIBADA AYAAN KUU SAARI WAA YAAB HANJABAADA INTAAS LE EG WAXAY UGA DANLEEDAHAY? MA HORE AYAY KUU ERIDAY OO AAD KU SOO LAABATAY? WAXAAN U ARKAA INAY TAHAY WAX FOOL XUN IN AY DADKA HORTOODA KU TUSTO IN AY KAA ADAG TAHAY MARKA ABOOWE ANI KOLAY QOF AHAAN LABO WEY AA KUU FURAN IN AAD ISAGA DULQAADATID OO AAD ARAGTID SIADY WAX YEESHO IYO IN AAD WAANISID OO TUSTID XAQA ILAAHAY IYO KITAABKIISA BAL IN AY XISHOOTO OO IS GARATO TOLOW DIINTA SIDAAD KU TIHIIN?HADII AY DIINTA WAX KA GARANAYSO SIDAA MA AY YEESHEENWAAYO WAY ISLA YAABI LAHAYD WAAYO DIINTA QOFKA WAY CELISAA MARKA ABOOWE BAL BADAAS ARIMOOD MID YEEL OO TAN DANBE WALIBA KU DADAAL ILAAHAY ABOOWE HAI DIIN SAQIRO CARUURTAADANA KA FAKAR IYAGA U GU SAMIR WAX WALBA WAXAANA KUU RAJAYNAYAA IN ILAAHAY KUU SOO DAJIYO XAAS KAAGA OO TUSO XAQA AAD ISKU LEEDIHIIN OO AAD KA MUDAN TAHAY SALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATU

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, February 13, 2001 - 08:37 am
Islaantadu ma sida ad sheegaysid bay ahayd markaad is guursateen?, mise waa wax cusub oo ay hadda la soo baxday?. Haddii aad ku ogayd inay inay sidan ahayd, adaa ku guursadaye dhib kaaga iska qab, hadiise ay waxay hadda la soo baxday, walaal waxaa jira waxaadan ogeyn e is wareysta idinkoon is dagaalin.

Waxay ila tahay inaad degen tihiin CANADA. arrimaha caynkaan oo kale ah dad fara badan ayaa ku soo gubtay ee yeysan kula fogaanin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmedyare

Friday, February 16, 2001 - 02:40 am
to:-huda
Marka hore walaal waad ku mahadsan tahey waanadaada koleyba waxaan kuu arkaa qof walaal ah .Runtii waa arin aad u wanaagsan iney diinta barato laakiin ma rabto.Teeda kale weli kalama tegin ee waa hanjawaab oo kaliya.waxa aan isku dayi doonaa inaan talooyinkaaga sameeyo wixii jawaab ahna anaa kula soo socodsiin doono.
mahadsanid
Ahmedyare

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muniira

Monday, March 12, 2001 - 03:19 am
To ahmedyare.
walaal waxaa fiican in aad latashatid dad wax garad ah, waayo arinta ku heeysata waa mid aad u yaabadan. Hadaan wax ka dhaho aritaada walaal kaasi guurma aha, waayo labada qof ee isqaba waxaa wanaagsan in eey isjecelyihiin ooyna is ixtiraamaan, taas hadii lawaayo meesha waxba kasoo biximaayaan. Marka ilaahaay waxaan kaaga rajeeynayaa wixii kheyrku ku jiro
asalaamu caleeykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sugaal

Monday, March 12, 2001 - 06:01 am
TO axmed
saaxiib arnin tan way dhacdaa haweenkaana ubadan
oo waa ishooda qaatooyin . hadii dalkii aan joogno
waad yara garaaci lahayd oo edeb bay yeelan
lahayd,macal asf,majoogno.
ee iska fur taasi waa basariye hurudaayaa,
oo ilma heediida u kacayn taas ilaah baa wax kaasiiya. saaxiib ilmaha ha ubaqin way korayaane
wixii uqorana way qaadayaane.
hurudaaaaaaaaaaaayaaaaaaaa,ma dunidan wada
guntatey,iyay hurudaa nacasdhe.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mona

Sunday, March 18, 2001 - 12:19 am
TO Ahmed
asalaamu calaykum aboowe!
walaal illahay u bari xaas kaga in illahay ka madoobeeyo waxa aya suubinayso oo u nasteexe aduunku waa laba bari ee walaal ka fakar caruurtada iyo mesha aya joogan, waxay aniga ilaa tahay in aad ku noshiin wadamada reer galbeeka mise? maanta dhibaatada waa badan tahay ee illahay bari. mida kale walaal waxad suubin karata tuko labo rakaco oo salaadul istaqaro la dhoho kadib illahay ka bari amurakaga inash allaha illahay uu ku fududay. illahay garkaga ha galo. asalaamu calaykum your sister in islam mona

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

marwo

Monday, March 19, 2001 - 01:05 am
TO ahmed walaalo salaan ka dib koley anigu maarag naag taad ka sheekeyney weligeey naag saasa maan arag balse waxad yeeley furiin ha ku degdegin ee wada had la idin koo aan cadhoonayn mise waaanay ku doonayn ogow qisada meesha ku jirta..


TO Sugaaal walaalo weligaa lama taliyo hadimo adigu ma saasaad u fududahay oo markiiba u furi lahayd
walaalo waxan raga iyo dumarka ilaah baa isugu tala galay waanu wax luugu soorogey inay isku raaxaystaan oo markay soo daalaan ay isku nastaa ee haday adna garaac kaa haysato waa nasiib kaa waxaa beri horaa laga tegey/..

bye mahad sanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Monday, March 19, 2001 - 01:24 am
ku marwo iyo mona
Walaalayaal waad ku mahadsan tihiin taladiina.

ku:-Sugaal
Walaal kuma weydiin garaac iyo furiin.Weligeyna kuma fikirin hadaan ku fikiri lahaa talo kuma weydiisteeen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sugaal

Monday, March 19, 2001 - 09:23 am
mayee walaalayaal.
waa sune iyaa la yiri inaad gabadha yara garaacdo
haday edeb xumaato.
eebal musheekhda si fiican uwaydiiya.
anigu sheekhaa sidaa igu yiri.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali,F

Tuesday, March 20, 2001 - 05:36 pm
TO:Ahmadyare sxb waxaad yeeshaa u adkeeso waxwalbo oo ay sameeso maxaa yeeley caruurtaada u daneey anigu hada waxaan jiraa 34sano waxaan maalin anooyar aan arkey aabaheey aa hooyadeey lada gaalamaayo oo uu qoorsagaarto ku qabtey waxaan kaloo aan xasuustaa markale asagoo aad u diley hooyadey, anigu waan yaraa berigaas balse ma iloobi karo dhibaatadaas dhacdey dhowr jeer ku dhacdey aabahey iyo hooyadeey,

marka sxb marnaba haladagaalin naagtaada maxaa yeeley uma fiicna sharafta idinka,
caruurtaada hortoodana xataa inaad naagtaada ladagaasho iska daayee xataa haku qaylinin naagtaada una samir.
ogowna naagaha qaarkood cayrtaa kibrisey
ee u adkeeso shansano kadib ineey kortaa laga yaabaa'e oo aqliyeelato oo ogaato waxa qayrka ku jiro.

nabadgelyo/

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Wednesday, March 21, 2001 - 04:18 am
ku:-ali,f
Walaaal waad ku mahadsan tuhiin adiga iyo dhamaan inta talo walaaltinimo i siisey.
KU:-Sugaal
Walaal adigu ma iska raaceysaa wixii sheeq walba kuu sheego aniga diinta ilaa xad waan garanayaa welina ma arag mana maqlin meel ay ku taal naagaha yara garaaca.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muniira

Sunday, March 25, 2001 - 11:06 pm
To ahmedyare:
waad kusugtay Sugaal wall, wuxuu muuday in la iska garaaco dumarka sidii ilma aad dhashay!.
asalaamu caleeykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haboon

Monday, March 26, 2001 - 01:58 pm
to/axmed
walaal bacdal salaan
walaal raga dhiban waa badan yihiin
aloow maxaan aqaan mid dawoco sumaysan naag
mooday oo afka uga dhacay deedna ay miciyihii
dhaadheeraa oo sumaysnaa ay dhiiga uga miiran
walaale taa loo baday ee samir oo caruurta u
danee waayo waxanu joognaa dhul gaalo yaan
caruurta jaanis gaalo u helin dhibkaaga waxaa
ka daran dayaca caruurta marka iska sug
laga yaabee inay is bedesho ooy yeelato
saaxiibo dhaama ku waan oo reerkoda sharaf
ku dhaqanaya ooy ku dayataa markaa adna
roob kuu da aa caruurtuna naqaysataa,,,,,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmedyare

Wednesday, March 28, 2001 - 01:00 am
ku:dhamaan inta talada isiisey waad ku mahadsan tihiin walaalayaal dhamaantiin.Waxaana u maleynayaa in talooyin iga maqnaa ay igu soo kordheen.
Asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anisa

Wednesday, March 28, 2001 - 01:31 pm
to ahmed yare horta somali waxay tiri nimaan kuu rari doonin yuusan kuu furin waan gartay waxaad ku qortay meesha waayo hadaad keentay in xaaladeena meeshan ku qortid waadna mahadsan tahay waxaad dadka ku tirina waad ogtahay inaysan aysan sax ahayn hadii aad igula joogtid ciyaalka oo qudhana waa kaxumahay hadaad inacdayna ilaah mahadii dhowr jeer baan ku dhahay ifur balse adigaa ku dhego adeegay balse dadkan aad beenta kadhaadhicisay raali noqda arinta sidaas ma ahan nabad gelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, March 28, 2001 - 04:28 pm
To:Anisa iyo Ahmadyare


walaalayaal waxaan idiin rajeynaynaa inaad wanaag kawada talisaan labadiinaba waxaadna ogaataan dadka oo dhan weey is qabtaan oo idinka uun ma'aha waxa isqabtey

anagana naga raali noqda maxaa yeeley wax hagaajiya uu baan isdhahayney'e

waxaan idiin rajeyneynaa qeyr idinka iyo caruurta

Salaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Thursday, March 29, 2001 - 03:03 am
ku:anisa
Walaal aad ayaan uga naxey markii aad ku arkey arintaada meeshan.marka hore aniga xaaskeyga ma tihid teeda kale arin aadan hubsan yeysan meelxun kula tegin,markaad leedahey arinteena meeshan ama xaaladeena meesha haku qorin,waxaan u maleynayaa in ninkaaga la yiraahdo axmedyare laakiin ogow in isaga oo kaliya aan ahmed la oran.Walaal intaadan falin ka fiirso.
aniga waxa aan deganahey yurub dalka HOlland haddii aadan ku qanacsaneyn inaan nin kale ahey waa qayaarkaa laakiin waxaan u maleynayaa inaad ka mid tahey naagaha qurbaha isku bedeley oo waxaa la yaab leh arinteyda aniga oo kaliya ima heysatoi waa yaab ee Ilaah hadii yasiro.
mar labaad ma ihi ninka aad ii maleyneysid
ahmed

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.