site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SAAXIIBKAY XAASKIISA IYO SOMALINET.COM

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Family Matters - Arimaha Qoyska: SAAXIIBKAY XAASKIISA IYO SOMALINET.COM
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAYSAL

Monday, February 12, 2001 - 10:49 am
Fadlan talo keena intaanay qolada somalinet tirtirin codsigan.

soomaaliyeey saaxiibky aan aad saaxiib u nahay ayaa habeen dhoweyd ii imaaday asagoo aad u xanaaqsan kana xun sida saa'idka ah oo xaaskiisu u isticmaasho internetka gaar ahaan somalinet. Wuxuu ii sheegayinay 24ka ku jirto meeshan iyo chatka oo xataa marmar ay subaxdii shaqada sick wacdo sababtoo ah habeenkii dhan ayey soo jeeday. Wuxuu ii sheegay in xataa xiriirkoodii ay wax u dhintay oo amrkay murmaan waagii hore way xalin jireen laakiin hada siday u socoto ayey somalinet.com hor fariisanaysaa hal kaas oo sheekadii ku dhamaanayso.

Saaxiibkay waa dhibanyahay xaaskiisana aad ayuu u jecelyahay laakiin ayaantan waqtigeedii dhan wuxuu noqday maray shaqo ku maqan tahay iyo maray PCga hor fadhido. Saaxiibkay wuxuu ii sheegay inuusan cideeda intuu woco oran akrin waxaan ka xanaaqay computer iwm isla markaana arinkani u baahanyahay in wax laga qabto.

hadda kahor waxaan kula taliyey inuu isaguna Internetka badsado oo waliba uu bilaabo inuu caan ka noqdo qaybta chatka si ay u masayrto laakiin way shaqeyn weysey oo careless ayey ka noqotay markuu chatka ku jro oo uu dumarka kale la sheekeysanayo.

Soomaaliyeey maxaa saaxiibkay u banaan inuu smaeeyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 12, 2001 - 11:13 am
ninyahow sxbkaa pc ka qaado gurga warku waa isku dhanyahey.iyagaa waqtiga isla qaadan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HUDA

Monday, February 12, 2001 - 04:41 pm
SALAAMU CALAYKUM MARKA HORE WAXAA ILA CAJAAIB AH IN NAAG LAQABO AY GASHI CHAT WAAYO CHATKA DADKA ISSHUKAANSANAYO BAA MARKA HORE GALA MARKA XIGTA MIYAANAY CARUUR LAHAYN REERKU?MARKA KALE INTERNETKA HADUU BARTO QOFKU GAAR AHAAN QAYBAH XUN XUN EE SIDA CHATKA WAA KU WAALANAYAA HADANA THE MORE AY BADSATO THE MORE AY KU SIIWAALANAYSAA ANI WAXAAN IDUKULA TALINAYAA HORTA SAAXIIBKAA QURAAN HASAARO XAASKIISA ILAAHAY HA UBARYO IN UU SOO HANUUNIYO HANA LA HADLO OO SASABO OO SI DAGAN WAX HA UGU SHEEGO TUSANA IN AY CEEB TAHAY QOF DHAN OO AH MARWO IN AY CHAT GARAYSO INTERNETKA HA EEGATO WIXII MUHIIM AH LAAKIIN CHAT WAA FUULXUMO ANI ARAG TIDAYDA BAL TAAS TIJAABIYA WALAALAHEENA SOOMAALIDA AH NA IN SHA ALAAH TALADA WAX KASOO QAATA SALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sugaal

Monday, February 12, 2001 - 04:47 pm
maya saaxiib adigu.ma fataalaa tahay
saaxiibkaa dhibkiisa maxaad banaanka usoo
dhigaysaa.
adigu taada.sheego halagula taliyee.
adigaaba, talo,ubaahan
wax layiri.waraabe waraabe kale layaab.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, February 13, 2001 - 04:29 am
Sugaal waa maxay fataal?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sugaal

Tuesday, February 13, 2001 - 10:20 am
waa nin war badan,oo xan badan oo dadka wax
ukala qaada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gacal

Tuesday, February 13, 2001 - 12:09 pm
TO;FAYSAL
saaxiib salaan kadib,waa fududahay xaaladu waxba yeey kula adkaan waxa ay u baahntahay daganaan iyo maskaxayn,saaxiib waxaa laga yaabaa inay jiraan wax ay gabadhu ka tabanayso wiilka ama inay ku aragtay wax ku dhaliya inay ku kacdo arintaab oo ah inuu yahay in u sheekeeya dumarka,walaal idinkoo dagdagin arinta u xaliya si fudud oo baara waxa gabadha ku khasbay inay chatka shaqo ka dhigato waad helaysaan xalka,
waad mahadsantahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aabaha-chatka

Tuesday, February 13, 2001 - 12:14 pm
oooooooh
yaaba helikaraba bro ii sheeg magaca ay chatka ku soo gasho anaa dhagta soo qabahaayo,hadi eeyan rabin xariifkaana oo uu yahay laga roone anigaa isku feereehaayo oo kalxanta ka jabihaayo,ilayn waxa ay usoo gashay iyada oo xaas ah waa in loo qobeeyo,abaa anaa asturaayo igu halee taaas

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DAMBIILE

Tuesday, February 13, 2001 - 12:43 pm
Aabaha chatka ma waxaa tahay kuwa chatka oo lagu shaactiraysto? Waxaa khalad ka fahamtay chat-ka macalinka. Qof walbaa chat geli kara halka sabab oo loo aado chatkuna maaha shukaansi. Waxaan kugula talin lahaa intaa is leedahay wax samee adiga yaanay kugu ***** chatka.

Faysal saaxiibkaa ha u tago marriage counseling aygaa aad u yaqaan waxyaabahaan oo kalee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, February 13, 2001 - 12:46 pm
AABAHA CHATKA BAL MACALINKA HADII AAD TIRI ANAA CHATKA MACALIN KA AH BRO IS CADEE ADI SHEEG MAGACAAD KU SOO GASHID ANAA SIFIICAN KUUGU QABAYNAAYEE TAAS ISKA DAAYEE ANAA LAIGA DABA JIITAMAYNEE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Asha

Tuesday, February 13, 2001 - 05:25 pm
Salaama Aleikum

Walaalo arinka aad sheegtay waa arin run ah runtii SOMALINET waxaan orankaraa waxay qab kaqaadatay burbarka dhaqabka Islaamka iyo soomaaliyeed waxay sameeyey chatline la isku caawo lagana sheekaysto sex info, runtii ninkaa xaaskiisu meeshaa tagto isagaan nin ahayn sidee adiguu jiifa xaaskaagu u chat gareynkartaa.

Allaah waxaan ka baryeynaa in Somalinet Allaah Qabto Serverkuna ka bur buro AAMIIN ILADHAH WIXII DANTA ISLAAMKA YAQAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, February 13, 2001 - 06:58 pm
nag yahay habartameso afkaga suubso oo dadka ha habarin waxaan ku waydinaya maxaa ka soo doontay meeshan adigan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qulka

Wednesday, February 14, 2001 - 08:19 am
aaaaaaaaaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALI

Wednesday, February 14, 2001 - 09:37 am
lol @asha.

Asha warka keen adi gabar maa tahay? Qofyahay magacaadaa iga dhexbaxay..LOL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yaw

Wednesday, February 14, 2001 - 08:40 pm
to;asha
aewalaaleey meeshaan ninaa u furtay inuu talo ka helo inaa ka xirto maarabtaa xaa faraha kuu galiyay teeda kale hadi eeyan somalinet chat furin kuwa kale aa furi lahaa inta aad habaaraysid soo ma haboona inaad u ducaysid si ay wanaaga ay dadka u qabanayaan u sii kordhiyaan,walaal run ahaanti somalinet dadka waxbadan ayeey u qabteen aad ayaana ula dhacsanahay shaqadooda,walaal haka abaak dhicine u mahadceli,waa kuwa kuu ogolaaday inaad soo gashaid meeshoodee,walaal iga raali ahow hadi ay ku dhibeen qoraladayda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FREEADVICE

Thursday, February 15, 2001 - 09:41 am
ASHA, guurso mid kamida shaqaalaha somalinet. Waxaa meeshaas ku dhamaanaya neceebkaa u qabtid. Waa hadaanay hore kuugu daadin.

Ninka sheekada bilaabay shiikhow PC kale adna soo dhigo haadaa wasalaam, markaa wax iska rabtaana chatka isugu imaada oo ku balama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamac

Saturday, February 17, 2001 - 12:23 pm
waarAlle ha laga baqo.Waa markii ugu horeysay ee aan furo qaybtan waanan la yaabay raggii sida ay u noqdeen maalaa yacniga, waar gabadha Casha waa rutneede haddii qaybtana xaasaskii waashay ha burburto.
Bal waakaase wax iga qaadaa aniga fulay kastaaba meeshan ayuu ku soo dhuuntee ilayn waaba ii kow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHMA

Sunday, February 18, 2001 - 04:56 am
jama waa iga qoslisey!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 19, 2001 - 02:52 am
KU:FEYSAL
Ugu horeentii waan ku salaamay feysal walaalkiis runtii waa arin mu hiim ah una baahan in wax laga qabto feysaloow ilaah hakaa abaal mariyo sida aad saaxibkaa ugu murigoneeso ee aad u jeceshahay inaad gurigiisa dejiso.
walaalkiis hadiin aan figradeyda yarta ah aan kugu darsado ilaah waxuu inagau abuuray caqli aan waxwaliba kukala fahmi karno feysaloow meel dheer wax haka raadinee saaxibkaa iyo xaaskiisa berigii hore soow isma jacleen soow isma qancinjirin makula tahay hada dhibaatada iney tahay internetka? saaxib jaceelka ey labada ruux isu qabaan haduu yahay mid aad iyo aad u balaaran cidina masoo dhaxgeli karto soowtey labadii dhashay ayadoo u jeedo kasoo tagtay ey saaxibkaa soo raacday makula tahay hada in ey asaga kajeceshahay internet saaxib arunta ma weena ee raadin ayey u baahan saaxibkaa eyeyna ku xirantahay waxaalaga yabaa iney jiraan waxyaabo uu kaala xishooday inuu kuu sheego lakain tan uu kaaga dhigaayo sabab mana noqonkarto ruuxa bini aadanka ihin makorfadhinkaro inteynet ilaa xad waayo unugyada jirkiisaba uma adkeesan karaan oo indhuhuuba kadaali saaxibkaa asagey far u laabantehee raadi waxii jira waxkalaa jira gabadha waxii intaa ka keenay wax yar maahan yuusana u arkin hadeyba iney labisato habeenkii eysan kategeen runtii aniga tani weuy ila fudadahay ee xaaskiisa waxbey tabaniyee haraadiyo waxey tabaneeso hadey kuugu kasoontahay adigu bal sheekeesoo dhex gal ilaah qeer hakaa siiyee adiga feysal ah markaad guriga tagto maku soo dhabesaa mise intenetka ayey iskaga mashquulsantahay saaxib armeu heshay saaxikaa farihiisa ey tusineesa in cidwaliba maseeri karto calaakuli xaal wey jeceshahay hadeesan katiginee hadajeyo anagana ilaah ayaan u baryeenaa inuu dejiyo gurigiisana ha kadhigo guri ey maaligta waayeel katahay haduu sheedaan u talinaayo oon salaadnba laga dukaneenhanagu wareeerin cidaan ilaah ku tiirsaneen sidee xalkoodu u fududaanileen sheedaan ayaab meesha waayeel ka ehee,
wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 19, 2001 - 04:38 am
Fysal;

Qoftaas waxay u baahantahay takhtarka loo yaqaan "Internet Psychiatrist" in loo geeyo waayo dadka addicted ku ah bahalkaan ayay ka daaweeyaan.. Cudurkaan waa cudur cusub ee dadka badsada internetka ayuu ku dhacaa. Marka danbe wuxuu isku badalaa waxa loo yaqaano "Depression".

Qoftaas ka gaara walaahi inteeysan sida Aabaha Chatka oo kale u hadlin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

101

Saturday, March 03, 2001 - 10:38 pm
computerka ka jabi nooh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

king-of-hearts

Thursday, March 22, 2001 - 09:20 am
aryaa faysal
yahooy dhibtaan anuu ihaayay oo islaantii aan uga maaro waayay pc-gaas,sxb dhib wayn maahan waxaan waxbana yuusan xanaaqin maryihiisana ka badanin anaa kuu sheegaa ayadoo fudud ee iga dhuuji:

sxb 1sano ka hor ayaa xaaska aan dhibtaas isku qabnay saa hore kuugu sheegayba waxaana aan sameeyay arintiina ku dhammaatay sidan:

habeenkii markii ay ka seexatay ayaan furfuray oo fiilooyinkii gudaha ku jiray oo dhan mindi la dhex galay ka bacdina dib isugu xiray intii aan gooyay maahee intii kale....lol...
sxb sidaas samee halna anaa kuu og naag somali ah intay baxdi ma soo iibinayso mid cusub cheap waaye....cents aa la xisaabiyaa.....lol..

sidaas markay dhacday waan heshiinay oo waqtigii ay somalinet.com ku qaadan jirtay anay i dhinac fadhidaa oo ii sheekaynee...frm A-Z.....lol...

dhibaataa i hayso laakiin sxb,taasoo ah markaan ka jabshay computer-kii sheekadeedii intay dhammaatay ee waxay iiga sheekaynee:wiil bari i shukaansaday oo wiil fiican ahaa......lol..
sxb hadda waxaa i hayso fiiilooyinkaan jarjaray inaan dib isugu rakibo oo u daayo compuetr-keedii....illeen ma dhagaysan karo wiil aa i shukaansaday 1902-gii....lol....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

layla

Thursday, March 22, 2001 - 09:25 am
king....lol....llol...it was funny bro....
wiil aa i shukaansaday 1902-gii...lol
u samee hee...lol

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.