site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Gabdhaha Somalida maxaa u diiday guurkii?

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Computers & Internet : Gabdhaha Somalida maxaa u diiday guurkii?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sanyarre

Saturday, February 17, 2001 - 08:53 am
Asalaamu calaykum dhamaan.
Marka ugu horaysa waxaan rabaa in aan gabdhaha somalida waydiiyo, waxa ay ku diideen guurkii ee ay ugu doorsadeen (BOYFRIEND)?
Anigu run ahaantii ma odhankaro dhaman gabadhoo dhami way ka siman yihiin arintan, laakiin gabdho badan oo aan hore ula soo sheekeystay waxay iga codsandeen inaanu is barann oo aan in mudo ah sii wada socono!!!!
Waxaanay ila noqotay runtii maaddaama aan ahay nin muslin ah in aanan la igu arag aniga oo xidhiidh aan caadi ahayn ah la leh gabadh aanu wax meher la yidhaahdo noo dhaxaynin! Arintu si kastaba ha ahaatee akhristow maxay kula tahay ee gabdheheenii u diiday inay guur xalaal ah ka doortaan saaxiibtinimo aan macano dheeraad ah soo waddin?
NOTE:
Rag iyo Dumar labaduba wa ka jawaabi karraan, laakin PLEASE, Ilaaliya akhlaaqda oo dumarka yaan wax loo dhimin>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yasmiina

Saturday, February 17, 2001 - 01:24 pm
sanyare walaal adigu ma waxaad rabtay inaad maanta aragto barina guursato?wada socoshaduna hadba saad u fasirtid bay ku xiran tahay,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haboon

Saturday, February 17, 2001 - 04:38 pm
Assalaamu caleykum.
Sanyare waanku salaamey.
Kidib su'aashaadu waa mid mudanin la isweydiiyo,runtii ani ahaan waxan u arkaa raga maanta jiro in guurkoodu uu san aheyn wax lagu dag dago ilaa mid dhif ah oo diin ku dhowsanayo maahane.Waxaay u bateen daneystayaal aan qofkale dantiisa ka fakarin(xaas iyo ilmo midna).
Koley xal iyo wanaag midna maahan wax la dhaho boyfriend,lakiin nimanka somaliyeed halaiska hubiyo, badanaa marka banaanka lakala joogo wanaag ayey kuu muujiyaan hadhow markii aad guursado oo dhow cunug meesha yimaadaana dabeecad kale ayey la soo baxaan.Marka intii aad ilmo aabo la aan ah dhulgaalo ku korin laheyd kaligaa, marka hore aan iska hubino ruux aan guursaneyno, inkatoo calafna meeshiisa yahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biibto

Saturday, February 17, 2001 - 11:50 pm
Asalaamu caleykum
Walaal sanyarre horta su'aasha aad naweydiisay waa mid meesha ku jirto una baahan in aan iska jaahil bixino. Alahu mustacaam camaa-yisifuun hadii aan isku dayo in aan ka jawaabo, ugu horentii walaal haboon ayaan ku racsanahay. zamanka aan joogno waa zamanul faxshaa sida aay dadkeena yirahdaan aduun gadoon ayaan ku jirnaa. Dhalinyaradeena badankood ma ay aha kuwa ku taagan dariikhi saxsanaa oo ahaa mid muslim iyo mid dhaqan somaliyeed ku saleesan. Wey isbadaleen markii la yimid qurbo badankood waxey u bateen kuwa raaca xiiseeyana dhaqamada kale saa awgeed ma ay aha kuwa nadiifasan isla markaana bulshadeena somaliyeed ayee ku jiraan. zaminka iminka aan ku jirno walaahi waxaan aamin sanahay in ay tahay farakutiris wiil la aamino waayo badankood waxey u bateen, dantooda garayaal, dhaqan xumo & etc. saa awgeed laguma barankaro mudo yar laiskumana aaminikaro mudadaa yari waayo waji badalan ayuu ku tusi markii ay runta timaadana tii dhabta ayaa lala so bixi taa awgeed gabadhina dooni mayso in ay xarash & madax is galiso.

Taa ayaa ku dhalisay hablaha somaliyeed in ay adegsadaan wax la yiraahdo boyfriend taasina ay tahay shuqul gaalo ay mamnuuc katahay diinteena. anaga hadii aanu muslim nahay waxaa no banaan dariikh la yiraahdo isbarasho oo ay wiilka iyo inanta ay ku wada sheykestaan, meesha ay ku shekeysanayana ay tahay meel la ogyahay waalidiintoodana ay raali ka yihiin isla markaana la dhorayo shuruudaha diinteena. Taa ayaa anigu qabaa in ay dadku iskaga qaldantay oo ay u fasirteen wax la yiraahdo boyfriend, balse ma ay aha.

Wacaleykumu salaam aniga intaa ayee iga tahay hadii aan qaldamay cafis & musaamax.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 19, 2001 - 04:05 am
War ragii meeyay, meeshaan biibto & Batuulo lee hadleeysee!!!

Aryaa sanyare,

Mugaan wadankii joognay waxaa jirtay wax la yiraahdo dhaqan, cabsi, dariska amuu ku arkaa, bulshada amay kula yaabtaa, walaalkaa amaa laguu sheegaa oo uu ku dilaa, adeerk, abti, qaraabo qansax intaas oo dhan maanta qurba ku arki maysid.

Wax la yiraahdo DIIN ka gaabin baa jirta oo hadii markii hore ubadka lagu barbaarin lahaa waxaan waa qalad, Alle ma ogola, diinta waa diidantahay, Naar baa jirta, Janna ayaa jirta, Ilaahay wuu kuu jeedaa, malaa'ikta ayaa qoraysa waxa kan, islaamku waa sidaas, sheeydaanka iska ilaali, aragtidaan waa qaldantahay, dhaqanka wanaagsan waa sidaas.

Waxaan u malaynayaa inuu waalidku sabab weyn u yahay dhibaatada socota maanta hadaan nahay Somali.

Gabdhah kaligood ma qabaan arrinkan aa sheegtay, waxaanse qabaa inay wiilashu kaga horeeyeen, oo hadii aysan gabadhu waxaan wiilasha ka maqli lahayn kuma aysan dhiiranaadeen fikradda "saaxiibtinimada"

Wiil & Gabar waxba nooma dhawrsano ma istiri.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SS

Monday, March 05, 2001 - 09:29 am
to sanyare
aslaamu calykum aboowe hadii aan kaaga jawaabo arintaan. horta marka ugu horaysa anagu waxaan dhahay dad dhaqan iyo diin leh dadkii ma qabin saaxiibtinimo oo awoowayasheen iyo aabayasheen gabdhii ay ka helaan bay doonan jireen oo lagu dari jiray wax dhibato la dhahana waa yareed waqtigaas oo furitaanka xata wuu yaraa laakiin waqtigaas waqtigas bay ahayd oo dadku wa isjeclaa dhibatadana waa yareed. hada aduunkii waa isbadalay qabiil baa socda oo dhibato aya tal wadankiina lama joogo oo wadan gaalo ayaa la jooga aniga oo dhahayn dhaqanka gaalada ha la qaato ayaaba noloshi ciriiri iska gashay waa sida ay sheegtay haboon oo ilmo aabo la'aan ah dhul gaalo laguma korin karo far kaliyana fool ma dhaqdo.
aboowe aniga waxaan qabaa gabdhahay reasonka ay heerkaan u gaareen inay furitanka yareeyaan oo ay ka fiirsadeen ninka ay noloshooda ku aaminaayaan guurka ma aha wax cayaar ah maaha oo waxay ka mid yahay futurka qofka biniaadamka ah.
to anon
aboowe waxaa tiri waalidka ayaa u sabab ah dhibatadaan ma waxaad hada i leedaahay waalidkay dugsiga quraanka ima geeynin ileen diin ka gabinta aa sheegtay dugsigii quraanka ayaa lagu dhigay waalidkana inay wax ku baraan,waalid aan dugsi quraan iyo iskoolkii caadiga ahaa aan ilmahood geeyn ma jirto hadii intaas aa wax ku baran wayday ma maskaxda bay kala dilaaciyaan oo kuugu shuubaan.
aboowe ilaahay caqliga waxuu kuu siiyey oo xoolaha kaaga duway inaad wixii xun iyo wixii fiican ka kala garatid ee waalidka ha eedayn.
to biibito
aboowe aad iyo aad baan kuugu racsanahay arinta aad soo qortay oo maanta iyo wiilasha iyo gabdhahaba waa u sabab guur la'aanta ka jirta.
wacalaykum wasalaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guurdoon

Wednesday, March 14, 2001 - 03:28 am
gabdhaha meesha ka hadlayow aan idin su'aalee ma idin ku jirtaa mid guurdoon ah?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.