site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MACQUUL MATAHAY IN LA JECLAADO QOF NETKA LAGU BARTAY!!!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Relationships - Shukaansi: MACQUUL MATAHAY IN LA JECLAADO QOF NETKA LAGU BARTAY!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G.DHIBAATEEYSAN

Sunday, February 18, 2001 - 02:19 am
Waan idin salaamay dhamaantiin.

Waxaan jeclaystay inaan halkan kusoo qoro sheeko yar oo igu dhacday taas oo ah, in wiil somali ah aan netka ka bartay deetana wada sheekeeysanay balse aniga ahaan aan jeclaaday, markaan usheegtay sida aan dareemayana aan ka arkay inuu dib uguranayo.....maxaan kusameeyaa igala soo taliya please....qof walba fikradiisa wuu dhiiban karaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

isaga fogow chat

Sunday, February 18, 2001 - 03:11 am
walaasheey taas anaa eeday ee i waydii aniga walahi tan igaga dhacday ilaa iyo hada waan ka soo kaban la`ahay walaal anaa kuu soo qoraya wixi talo ah hada xiisad ayaan galayaa ok bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G. DHIBAAYTEESAN

Sunday, February 18, 2001 - 04:08 am
Waad kumahadsan tahay taladaad iisoo jeedisay waxaanse kaa sugaa faah faahin iina soo sheeg please gabar/wiil waxaaad tahay.
Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ayaan

Sunday, February 18, 2001 - 04:39 am
g-dhibateysan dad aan is arkin for life ismaba jeclaan karaan, waxooga sempatiya wuu iman karaa laakin maba aragtid qofkaag la hadleysee sideed u jeclaaaan waa qayaali xabiibtii,ma aamini kartid stranger,waqti ku dhumi laakin love iska ilow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

isga fagow chat

Sunday, February 18, 2001 - 10:50 am
to g dhibaataysan
walaal salaan dabadeed waxaan ahay wiil,walaal hadaan kuu soo koobo waxa iga qabsaday chatka,waxaan iska baranay gabdh gabadha aad ayaan uwada xiriiri jirnay waxaa dhici jirtay inaan maalinti inkabadan sadex goor wada hadalo,waxaan wada soconay mudo sanad iyo laba bilood ah,ilaahay wuxuu qadaray inay dhinacayga ka soo dhamaatay oo aan u diyaar garoobay sidi aan u guursan lahaa,ilaahay waa wax wadee waxaan ka soo safray mpls .mn .USA anoo usoo baxay saan gabadha waalidkeed iyo iyadaba u arki lahaa waxaana imi vancouver CANADA oo ay daganaayeen,maxaa dhacay hee markaan soo gaaray magaaladoodi,baadi goob dheer kadib waxaan imi gurigi ay daganaayeen waxaan waydiiyay gabadhi magaceedi waxaana la iyiri qolkaas ayeey ku jirtaa qolki ayaan gargaraacay si aan u galo waan galay waxaa ku jira wiil iyo gabadh salaan kadib waan isu sheegay,waxa ay iigu jawaabtay ku garnmayo anigi yaab waana garanwaayay waxa is badalay,wiilki ayaa soo booday oo yiri duqa waxaaga handadaad miyaa gabadhu waa xaaskayga ee waxa aad ku leedahay sheeg,anigi shoog dartiis joogaan ka dhacay,maxaa ka rabtaa hee karbaash aa meeshaas iga qabsaday,
walaal waxaan ku oran lahaa iska ilow jacayl net hana aaminin qof aadan aqoon waligaa waaiga talo wixi su`aal ah waad isoo waydiin kartaa
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sugaal

Monday, February 19, 2001 - 10:48 am
TO gabadha caban
walaal mid iga hoo jacaylku wuu noocyo,badan yahay
markaa, kaa gan waxa layiraa al-net-laba aan is
arag.markaa dabiib kaagu waa.ha dag dagin,raga
meeshan iskugu yimaad qaar baa xaasa qaarna,waxay
leeyihiin saaxiibad.
ninka, baar meeshuu joogana hel kadib. dad udir.
inuu,xaas lahayn iwm.markaa jacaylkaaga,
ku laxamo.una bandhig si dhaba.
haduu diido.
dooro wasdhe.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G.DHIBAATAYSAN

Monday, February 19, 2001 - 11:35 am
Waad salaaman tihiin dhamaantiin waadna ku mahad santihiin inaad ila soo taliseen, waana run oo qof aadan indhaha saarin ma jeclaan kartid balse way dhacdee kawarama hee.......inshaalaah sida aad iisheegtay ayaan sameeynayaa waan soo baarayaa, walaalkiis isaga fogow waan ka xumahay arintii kugu dhacday waxaan kuu rajaynayaa inaad heshid mid daacad kuu ah oo iyada ka qayr badan aamiin...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caqli

Monday, February 19, 2001 - 04:38 pm
waxaan ogaysiinayaa umada soomaaliyeed ee isticimaasha boda sheekada ee soomalinet In markaad doonaysaan qof in aad barataan aad gabdhaha wiilal xisaabtaan ragana dumar ama marwo ama gabar ama hooyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sheekeeye

Thursday, March 01, 2001 - 12:03 am
Waadba iga yaabisaye seed ku jeclaatay qof aadan Arag indhaha iidhiibe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

luul

Saturday, March 10, 2001 - 02:43 pm
aslama calaykum
g.dhibaataysan abaayo runtii arinta aa sheegtaya waa wax dhici kara anigaba wiil ayaan netka iaka jeclaanay hadana labo wadan ayaan ku kala nool nahay, runtii guur ayuu i waydiistay waana will aad u fiican haduu ilaahay calaf iskugu keen darana waxaan jeclahay in aan guursado walina isma arag mar dhow ayaan wada kulmi doona insha allah,marka abaayo wax qiimo ma leh qofka meeshad isku barataan haduu calaf jiro waa is helaysaan net kuna dhib ma leh,waxaa xitaa dhici karta qof aad caadi isu barateen in uu laqdabo wado,
marka ilaahay ha kula garab galo dad fiicana netka waa ku jiraa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G.dhibaataysan

Sunday, March 11, 2001 - 07:02 am
Salaam all

To luul
Waad mahadsan tahay walaashii, runtiina waa sida aad sheegtay calafkaaga meel walba ayuu kasoo bixi karaa nina maoga qofka uroon ilaah unbaa nagaog.

To Sheekeye
Waxba hayaabin anba hortaa baan yaabay oon iswaydiiyay suaashaas balse jawaab iqancisaan uhelay taasoo ah markaan wiilkii la sheekaystay oon la hadlay inaan ogaaday inuu ahaa my other half kii aan niyada ku haystay een raadinaayay, waxaan rajaynayaa inaad ifahantay.
Waad mahadsantihiin all.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sabraye

Thursday, March 15, 2001 - 12:22 pm
G-dhib: wad salaamantay, salan kadib wa dhab oo sidaad sheegtay wey dhacikartaa inaad jacleetid qof ad ku baratay netka,balse waxaan dhicikarin inaad go_an ad kagaartid qof adan habeen,amaba casar,anoon ka tagin maalin ad wada qaadataan together and alone meelwalba ha ahaate! Marka hore waxan ahay nin hada ka hor ay qabsatay arintaa oo kale,hadaba calaf wa mid buuga inoogu qoran; o an kor iyo hoosba la gafikarin.

Anoo figrad & Su-aal dhiibanayo: waxan leeyahay in lagu dag-dago Guur maba fiicna,balse garanmaysid calafkaaga ama jeexaada maqan adoo an la kulmin ama waqti isweydaarsi dhab ah an wada qaadan. Hadan si u arko, waxaa jira dumar badan oo ku dhaarta waxeynan aheyn inay yahiin. Marka waxey ila tahay ilaa ad arigtid ama waqti adan wadaqaadan, Ma gaari kartid go-an.

Isla marka,hada ka hor waxey somaali ku maahmaahday: "qof aadan habeen ku baran, Kun sano na kuma baran kartid". Marka walaal wa iga talo ee, ha ku dag dagin arinta!

Tan xigta waxaan garan waayey, dumarkeena somaliyeed dhaarta waxey u fududaystan ama ugu maraan waxaan jidhin?

Fadlan dhaman ,waxan u maleyaa inaan melbugto an taabtay,balse wan dhaga furanahay e ila socidsii si walba: jaw

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, March 17, 2001 - 10:08 am
to:G-dhibaateysan
abaayo waxaan ka xumahay inaad dagdagtay waayo qof markaad jeclaaneysid muhiim ma aha inaad aragtid waayo qofka aan indhaha lahaynba jacaylka wuu ku beeran yahay waxa laga yaabaa qofka inaad jeclaatid sida uu kuu la hadlo amaba sheekadiisaba laga yaabee waxa uu dib uga guranaayo inay tahay waxyaalo aad xalin kartid net kakana waxyaalaha isgaarsiinta eey dadka isku bartaan isku day abaayo inaad xalka gaartid thank you sis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAYSAL

Monday, March 19, 2001 - 06:36 am
XAWAARAHA DHIN,SAAS DARYTEED AYUU U GAABGAABSADAYE.....

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.