site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Wanaag ma ladiiday?! Ninna yuu kululan!.

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Computers & Internet : Wanaag ma ladiiday?! Ninna yuu kululan!.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nin laxadey

Sunday, February 18, 2001 - 10:27 am
Gabdhahaygu Alle kama baqaan waaridna ma xurmeeyaan! nacaybna dheeraad ahna waa muujiyeen iyo caro iyo cadownimo joogto ah, mana moodi jirin in qofaad waarid u tahay waxyaalo badan oo aan ka maqlay uu kari karo.

Surweelka, salaad la'aanta,tumashada,madax qaawinta,muusigga, filim daawashada,rag la tumashada, marmarna madowga wax waa isdhaamaane iyo inkaloo badan oo aanan afkayga soo marin, karin
baan ku hayaa gabdhahaygii ee maxaan kusameeyaa, ogaadana inay wax iga maqlaan iska daaye, anaaba khatar ugu jira inay madowga ii adeeg sadaan si ay ii khaarijiyaan! marka talo wax garadbaan rabaa oo degdeg ah.Anigu ma fiirsan karo oo dhiig karbaa igu dhacay waxaanan go,aan ku gaaray inaan qarxiyo laymankaan ku nimin oo aan Immigrationka u sheego inaan been abuur kunimin maraykanka, kaddibna nala xiro oo nala masaafuriyo dib dabana anaan ugu soo noqon halkaan!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 19, 2001 - 03:51 am
Meeqa jiryaal waaye oday?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abbacali

Tuesday, February 20, 2001 - 12:28 pm
What is your point?
Danbiga iyo dulqaad daradu waa kugu kili, alle kajeed no need to be mentioned.
agab laawe iyo agablawdo is everywhere just wait them to see cirib xumadooda

abba cali

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabar soomaaliyeed

Monday, March 05, 2001 - 08:50 am
to nin laxadey
aslaamu calaykum aboowe ilaa heerkaas gabdhaha soomaaliyeed ula gaartid waa ka xumaday haday noqoto diin ka dheerid iyo dhaqan ka dheerid wiilal iyo gabdho way ka simanyihiin oo wax lays dhaamo ma leh. mideeda diintu qasab maaha laakiin hadad ajar raadsanaysid in wax laysku sheego baa fiican ee in lays aflagadeeyo ma fiican mideeda waa kale waa adiga dhahaayo inan dacweeyo baan rabaa hadii aad dacwaysid oo la celiyo ma u malaynsaa inay is badalayaan waxaa la yiri waano abuur baa ka horaysay soomaalida inay is caayaan maahanee inay si kale wax isugu sheegaan waa waayeen. aboowe gabdhaha kaliya maaha waxa waxaan sameeynaayo ee wiilashana ma dacwaynaysaa ileen ayaguba diintiina waa ka tageen tumasho waxay u maleeyeen faan qamrigana waxay u qaateen wax lagu korayo clubkana waxay u maleeyeen meel duco laga helaayo ee haday eed timaado intaad gabdhaha soomaaliyeed kaliya afka ku tagaysid adigaa ugu horeya ee nafsadaada wax ka badal ka bacdi tan kale ka hadal horay soomali u tiri(nin tiisii qaadi waayey tu kale kuma dari karo) hadaad immigration aadid oo aad dacwaysidna yaa kaaga futo xun adigaa horeeya oo jeegada inta lagu qabto lagu celinaayo teeda kale haday ku dhibayso cid kugu qasbayso maa jirto meshan anytime baad bixi kartaa ee waxaan ku dhihi lahaa intad kaligaa baxdid u tag immigrationka oo waxaa dhahdaa go home ii gooya saa adoo kale waxba uma soo kordhinaayo haduuba caqligaa kuu gaystay inaad waxaan so qortid
byee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fusukh la Jahaad

Monday, March 05, 2001 - 01:51 pm
Gabadh Soomaliyeedna caqli yaribaa looga tegey. Naa ninku ciyaalkiisuu ka hadlayaa sirqayahay. Hubsiinyo hal baa la siistaayee xusuuso intaad odayga calyadaada ku du'do.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aniisa

Wednesday, March 14, 2001 - 04:46 pm
S/caleekum odey-laxaday adeer horta aad baan ugaxumahay in hablahaagi iswada raaceen noqdeena kuwa aan loo aayin lakiin intaad sameenkarto hadaad sameysay qaan gaadhna yihiin ogow ilaahey baa kala xisaabtami waa runtaa oo ubadkaaga waa ubadkaaga lakiin waxaad sameesaa inaad adiga isagatagtid wadankan ood iyaga iska ilawdid waayo waxaa laga yaaba hadaad kaxeysood wadankii geyso iney isbadelin ee meeshi adoonku soomaali kuugu bedelaan markaana wax faa idood heshay male mar hadey tumashadii wadaan markaa isagatag iyagaa garan maanta maalin aan ahayn waxaan ilaahey kabaryaa in aabahay noolaan lahaa maanta si aan ugu sheegto wax walba ugana helo duco iyo waanoba alaha unaxariisto markaa hadey dhintaanba waad kasamrilahayde isaga noqo wadankii hadaadan u adkeysankarin ilaahey hakuusoo hadeyo caruurta adeer.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, April 11, 2001 - 03:12 am
soomalidu waxay ku maah maahdaa -ama afeef hore lohoow ama adkaysi danbe lohoow iyo dhoboq dhoboqsi hore dhabana heys danbuu lee yahay.odeyga adkayso go aan kaaga aa mareekan lugu yimide-talo waxaa heysay intaadan USA imaan hada meel laga noqdo lama joogo,saacada dib looma celin karo hana is xumayn ileen qofka mus uulka ka ah waa idigee.
ugu danbeen hal suaal ayaan ku weediin gabdhahaaga diinta si fiican ma u bartey tarbiya fiicana ma siisey ka hor intaanad USA keenin?mise reer magaalka ayaad ku darsatey.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.