site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Hooyo u baahan waano ee i caawiya

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Family Matters - Arimaha Qoyska: Hooyo u baahan waano ee i caawiya
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hooyo soomaaliyeed oo dhibaataysan

Friday, February 23, 2001 - 03:01 pm
asalaamu calykum walaalyaal waxaan ahay xaas waxaan leeyahay afar caruur ah da da'daydu waa 26ilmaha iigu wayn waa 9 jir waxaan ahay hooyo wanaagsan sida ay dadku yiraahdaan waxaa i qaba nin aan jeclahay isna ii sheega in uu ijecelyahay waxaan joognaa yurub waxaan markii hore daganayn oo isku guursanay tuulo meel ah oo aan soomaali badan joogin ama dadku kuyaryahay
xiligaa waxaan ahayn qoys fiican oo reekooda si wad jir ah u dhaqda yacni qofwalba hashiisa iyo xaqiisa wuu kasoo bixi jiray ana waxaan ahaa hooyo laga helo inta hooyo lagu yaqaan sidii soomaaliya oo kale yacni guriga hawshiisa iyo caruurtayda anaa lahaa isna adeega maadaama dukaamada iyo gurigu kaladheraa iyo dhakhtarka caruurta ma aan hayn daka wareega amaba aada aroosyada iyo meelo kale taasna waxay ii ahayd dabeecad e ma ahan mi d uu isagu igu qabso oo gurigayga iyo caruurtayda baan ku ekaa iyo school aan aadi jiray marka waxaa dhacday in mudo hada laga joogo halsano iyo bar aan usoo guurnay caasimada wadanka halkaas oo uu shaqo kahelay ilaa 5 tii bilood ee ugu horaysay wuxuu ahaa nin reerkiisa dhaqanaya mardhaxe ayuu wuxuu bilaabay in uu bilaabo cunida qaadaka kadibna yeesho saaxiibo cusub oo balwada uu kubartay wuxuu isa soobadalaba sheekadii waxay noqotay in uu shaqadii u badasho habeen oo uu maalikii seexdo taasi ceeb ma ahyn laakiin waxaa dhacday in uu sii badsado cunidii qaadka aadna ugu fogaado
waxaa dhacday in hawshii gudo iyo dibid anigii igu soo farabaxsato waad qiyaasi kartaan afar caruur iyo qurbo cidli ciirsi la ah oo xitaa caruurii wax kuu gargaarikara aan lahayn ilmihii aabahood waa joogaa anigii rafaad iyo silic ban kadhargay ilmaha iigu yar waa 7 bilood gaari mawadi aqaam meeshaan joogno waa dan baraf leh anaa laiga rabaa adeegi reerka karintii dhaqidii korintii kala gayntii iyo soo qaadidii xanaanada isagii xilkiisii iyo hawshiisiiwali umal baan ahay markii uu fasax leeyahay meeshuunaga caawin lhaa oo uu waqti nal aqaadan lahaa kuwo baas soo wacaya oo qaad ugu yeeraya sidii wax waalan buu ordayaa dhawr jeer baan kala hadlay marwalba wuxuu leeyahay waan dadaali qaadkaan joojin waan ku caawin cidlama hadlin famil iima joogo meeshaan iyo ehel mana doonayo in aan ninkayga ceebtiisa ama arimahayga kala hadlo waayo waa afaaro personale wax aan samaayeeyo ma aqaan caruurtayda aabahood waa ila joogaa isagiina dan nagama leh ha u qaadanina in aan isku dayayo in uu ciyaalka xaarka iiga dhaqo kaliya waxaan raba in uu howsha banaaka iga caawiyo waayo waa igu dhib 4 caruur inaan u noqdo aabe iyo hooyo isaga oo xaadir ah hadaan marmar iraahdo saan nolol maaha wuxuu leeyahay naago baad lasheekaysatay waa laigu dirayaa ma in aad reerka dumiso baad rabtaasubaxii ilaa habeenkii 7 bari ee wiiga 30 kabari ee bisha noloshaydu waa isku mid howl isku mid ah.
ilaahay baan iga sareeya cidna kuma sooqado afarahayaga marka walaalyaalow maxaan sameeyaa way iga taalaa intaan kabad ma dulqaadan karo isagiina rajo malaha oo qalbigiisa qaad iyo niman baa qaatay anigiina rafaad baan kadhargay marka walaalayaal idinka oo iga raali ah warqadaydan dheererka kabadatay bal qofwalboow siday la tahay fikrad isii maxaan sameeyaaa mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed Jama

Friday, February 23, 2001 - 03:27 pm
Salaama Caleykum

Walaashiis qoraalkaan dheer waan akhriyey, haday jirto waxaad meesha ku qortay waxaa ku haysta dhib weyn Allaah ha kaa saaro, Walaalo marka hore
waxaad ku dadaashaa inaad adiga iyo Xiriirka Allaah wanaajisid barididna inuu dhinkaan kaa saaro. Runtiii Sunta Cagaaran rag badan oo soomali ah ayey dulaysay oo suuqa gelisay Allaah ha soo hanuuniyee, Walaal waxaad u sheegtaa dadkiisa si bal loo waaniyo adigu samir intaad awooda, dadka diinta aqaana u sheeg dhibka ku haya
Allaahna hakuu fududeeyo Dhibkaan.

PS: Walaal meeshaan dad wax la weydiinkaraa isuguma yimaadan aan ahayn dad ku faraya wax xumaan ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KAMAL

Friday, February 23, 2001 - 11:53 pm
WALAAL AAD BAAN UGA XUMAHAY DHIBAATADA KU HAYSATA,WAANA ARRIN U EG INAAN SI FUDUD LAGU XALLIN KARAYN,WAXAAD,SOOMAAD SHEEGIN INUU EHEL UU JOOGO AMA QARAABO,ANIGU WAXAAN KU DHIHI LAHAA MAADAAMA AAD TIRI ISAGA DHAWR JEER BAAN KA WADA HADALNAY INUU IS BEDALO OO AANU IS BEDALIN.INAAD ASXAABTIISA WAXAA LAGA YAABAA IN AANAY OGAYN DHIBAATADAADA INAAD QOFKA AAD IS LEEDAHAY WUU KU FAHMAYAA INAADAN KALA XISHOON EE AAD U SHEEGTO DHIBAATADA. WAXA LAGA YAABAA INAY MEEL KALE WAX KA TUSAAN, OO AY KULA TALIYAAN SI AANU GURIGIISA U DUMIN.ILAAHAY HA KUU SAHLO ABBAAYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khalidbinwaliid

Saturday, February 24, 2001 - 01:56 am
WALAAL WAAN KA XUMAHAY DHIBKA KU HEYSTA WAXAAN KUGULA TALINAYAA SAMIR OO KU SAMIR DHIBKAA KU HEYSTA ALLAAH BAA KA AJAR SIIN DOONA, WAA MUSIIBO.
ALAHA KUU FUDUDEYO.
WABILAHI TOWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haboon

Saturday, February 24, 2001 - 02:58 am
Assalaamu aleykum.
Walaashay markaan aqriyey qoraalkaaga waxaan mooday in aad aniga iga hadlayo.Talmaamaha aad bixisay oo dhan waa kuwo aan kula wadaago,abaayo waxaan ahay 28 and afar caruur ah oo aan aabo iyo hooyo u noqtay aabohood oo nool, waa dhabaato ilaah maahane cidkale oo naga qaadi karto aysan jirin.

Abaayo ilaah ugu sabar oo ilaah waydiiso in uu ilaah ninkaaga kuu soo hanuuniyo oo xaqa iyo waajibaadkiisa mid arka ilaah ka dhigo.
Sifiican ula hadal oo u sheek in aadan u dulqaadan karin arinkan,ilaahay idankiis wuu isbadali doonaa, waligaana furiin iyo dagaal ha ku dagdagin in aad xal kale wasyo maahee, sababtoo ah ilmahaaga nin aabohood uga roonaankaraa majiro.Waxa kaliya oo aan kufakaro marka dhibku iga bato ayaa ah in aan kasoo baxayo waajib alle isaaray ilaahna ajir uu iga siinayo hadii aan si wanaagsan u barbaariyo ilmahaas.
Hadaba walaashay sabar oo sabar oo ilmahaaga ku barbaari tarbiyo iyo aqlaaq wanaagsan,xaga diinta aad ugula dadaal si ay bari kuugu noqdaan baariyaal kuu soo duceeyah.Abaayo ilaah odagaaga hakuu soo hanuuniyo reerkiina mid raali ahaanshah RABI ku dhisan haka dhigo.]

Waa iga intaas.
Wasalaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qaadcune

Saturday, February 24, 2001 - 11:59 am
Dhamaantiin waan idin salaamay adiga iyo inta talda wanaagsan ku siisayba.

Horta waa run oo dhibkaagu ma sahlana,Hooyo kaligeed hawshaas haysa qurbana joogta waxa fahmaya qofkasta oo waalid ah iyo intii caqli leh.

Talana kolay intii asxaabtii iga horaysay tiri ka badan oranmaayo.
Walaal qaadku qurbo iyo dalkiiba dhib wayn buu inagu hayaa oo taasi iswaydiin malaha hase yeeshe arinta ninkaagaau ma aha qaad kaliya ee wax kale ayaa u dheer,kama wado in aan kuugu dirayo laakiin xalka hadii aan meesha mushkiladu taalo laga raadin lama saxo,
hadii uu qaad cunayo maxaa u diiday gurigiisa?
anigu hadan aan kuu jawaabayo waan cunayaa waxaan fadhiyaa gurigayga caruurtii kii u danbeeyay oo 12 jir ah ayaa sariirta u sii jeeda xaaskii 9 kii fiidnimo halakay dhacday jiiftaa,waana kaligay.
Maalin kaliya dukaanka ilmaha looma dirin caruur xanaano maygayn,hawlaheega dumarnimo ayay ku eegtahay,waxaanse hubaa hadii aan ku daro bixid iyo dhixid in aan fooda la galayo dhibta ninkaaga haysta oo kale.

bal walaal haban iska khaldanaadee siba sibay dhaantaaye waxaad isku daydaa in uu igu daydo,si uu horta dibada uga soo xeroodo.

Igana raali ahaw khaladkaygana iga saamax.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaaji ali

Tuesday, March 06, 2001 - 07:41 pm
To nimanka xaasaskooda dhaafsaday sunta cagaaran yaan inkaari idin ku dhicine gabdhaha sida u dhaama ama fura ama iska daaya csagaarka.
Tanlabaad gabdha koowaad iyo haboonba ma is ku ninbaa qaba waa yaabe afar caruur ah iyo jaad aaaa bisinka cuqubaa idin qabsandoonta hadaadnan is badalin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, March 06, 2001 - 09:46 pm
salaama/caleykum
sister

waxan kanaxy shekadaada runtii waa is ka amrilaah ee walaashiis waxaan kugulatalin lahaa
sabr alahna bari taldaadana kuxir
tankale waani ninkaaga hana utusin sidii qof xumaadey ee uladhaqan sidii dadsaaxiibo ah camal
si uu kuugu soo jesto oo uu uga go saaxibada xun
tankale ee kaheysato walaal waxaad sameyn kartaa
dadaal dheerad ah marka arintaas oo kale kuhaysato sida inaa baratid gariga wadidisa iyo
hadaa jogtid wadamadan hormary ciyaal school
ayaad geyn kartaa inta yaryarna waxaa jiro dad
ku shaqeysta xanaada caruuta iyo meelo laguhaayo
islamar kaas adigoo waxbarasha daada ku sii dadaalyo walaashis dad badan ayey kudhacdaa arintaas qurbaha laakiin nasiib waang aduun ka manta waxaa lagaarey hormar walaaley intaas hadaan kagboxo nin kaaga waani unadulqaado kana yeelo saaxib ka kowaad gurigana oogadhig meel uu
uga magan galo saxibadaas xun xun o uu usoo xiiso
qaad ka guriga u ogolw in uu la imaado inta uu mel
kale ku soo cunilahaa kadib waxan filayaa in uu kaga go i dono idan ka alah wabilaahi towfiiq
igana raali ohow hduu hadl keeyga wax qald ah soo galo sidaa iyo kheeyr ayaan alaah gaaga rajeyn aamin waa walaashaa oo kuleh kheyr
w/saala/caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, March 07, 2001 - 08:15 am
a/calaykum
abaayo waan ka xumahay dhibaatada ku haysto hadii aan nahay soomaali maanta dhulkeenii iyo wadamadii aan nimi wali dhibaato way na daba socotaa oo dhibatooyinka ugu waaweyn oo qurbaha naga qabsaday waxaa waaye guurka iyo dhaqashada reerka alah soomali soo hanuuniyo.
abaayo hadaan u soo noqdo arintaadaa abaayo wiilka iyo gabadha diin ahaan hadii ay is qabaan oo dhibaato u timaado familkas waxaa fiican inaad ka wada hadashaan taasna waad samaysay oo waxba waa iska badali waysay tan labaad waxay tahay inaad familkiina la hadashid ama asaga kiisa ama adiga familkaaga oo inaad qarasid maaha waa xaga diin ahaan marka loo hadlaayo haday noqon waysay intaas abaayo horay soomaali u tiri far kaliya fool ma dhaqdo markaa ninkii guriga waa kuu joogaa laakiin waxba kuma taraayo ma'aqaan guriga waxaad ugu haysatid inaad waa hore iska dirtid bay ahayd oo furiinkaba waa karaahiyo laakin ilaahay waxuu u sameeyey labadii hore haday wax isbadal ah ka imaan waayo inaad kala tagtaan iga rali ahoow wano la isa siiyo mida ugu xun weeye laakiin hadad leedahay waa iska samraa oo dhibaatada aad hada ku jirtid an ku jiraa waad samayn kartaa ama waxaad samayn kartaa waa sida uu sheegay Anonymous personka iskuulada gayso ilmaha kan aan gaarin daycareka gayso adigana waxad barataa sidii aad babuurka u wadi lahayd abayo wali waa yartahay ka kac meesha dhexda xiro abaayo wax aad maanta ugu baahan tahay ma u jeedi ninkaas sariirta uu kaa buuxinaayo lee firaaqayso
and good luck you and your kids

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, March 10, 2001 - 03:14 am
Cajiib cajiib Cajiib
Abayadiis markaan aqriyaya qoralkaadii dheeraa runtii waan kula murgooday oo waxaan niyada ka iri inaa li laah wa inaa ileehi raajucuun.
Waa arin ruuxii wax fahmaaya uu kamurugoodo ruux muslin ahina uusan ku farxeen.
abayadiis maashaa alaah ilaah hakuugu daro kuwa xuuralceenta janada isha alaah hadaad sidaan ku samirto shaki la aan janadaadii waad shaqeesatay ilamahaadana waxey kuu noqon kuwo aduunka korkiisa aad ku nasato baari eyey kuu noqon doonaanh ilaah idinkiis .
kuuguma ogi inaad arimahaaga gaal aad lasocodsiisid ama aad aamintit dhalanteedka aduunka maanta kajira adigoo maanta jooga wadan gaalo oo uu dumarka qiimo kaleeyahay awoodna u leh inaad dacweeso hadana aadan yeelin ee aad ku samirtay walaahi waa inyar inta dumar ee sidaa u fikira ee ilaah hakuu siyaadiyo samirkaada.
Bala aan maskaxdeyda inyar kaala taliyo abayadiis waxaadlaabtaada ku heysaa ilaahii idin uumay waa uu idin jeedaa kuna hagran maayo maalinta kalabaxa ee uu rabi inoo sheegayna gartaada waad heleesaa waxaadraadisaa ruux kamida tolkiisa oo aad iyo aad ugu fiican diinta una bayaani sidey wax u jiraan adigoo aan ugu muujineen iney arintaada dacwo tahay oowaxaad tiraahdaa si uusan xumaan ugu abuurmin odeygaada si waayo aragnimo ugu nasteexee oo nasoo kormeer wiikandhi kasta mararaka qaarkood ilaah idin kiis ariagtida koowaadba ilaah waxuu ku abuuri cabsi iyo texgelin uu texgelinaayo arintana markuu u bandhigaayo ha ugu dhigo miduu ku riyooday oo adan adiga u sheegin isha alaah wuusoo hanuunayaa meel dheer majiro naf iyo sheedaan ayaa weerar ku haayo meeluu soogalay nin diinyaqaanana sheedaan wuu kacaraara baltaa abayooy samee oo fiiri.
laakin hadii loogu muujiyo in aad adiga ka dacwootay asagana waxuu latashan kuwii duliyiinta ahaa markaasey waxey rabaan ka dhaadhicinaayaan laakin hadii sidaan kuu sheegay laga dhigo hataa haduu u sheego saaxibadii iney ayagaba cabsadaab maahee ereyxunmadhihi karaan isha alaah anagana ilaah ayaan kuu baryeenaa adigana dadaal abayadiis hadaan meel wada degenaan laheen qeeb weyn ayaan kaqaadan lahaa oo waan raadin lahaa sidaan ula saaxibi lahaa waxey rabto ha igu qadatee markaasaan sheekadaan adi ku heysata ayaan iskaaga dhigi laghaa iney aniga i heysato oo an saga talo karaadsan lahaa wuuna ila fahmi lahaa xaqiidii anigoo welibva ilaah u cuskanaaya
laakin nasiib wanaag liiskama warhaayo aduunka ayaa lagu kala noolyahay ee abayooy qeer ayaan kuu rajeynayaa isha alaah waana liibaaneesaa ee adkeesi yeelo hataa markuu ooman yahay ee dhankaada uu soo habeesto ka dhaahdici ku dheh waxaan ku riyooday anagoo dhamaanteen dab naguæla shiday ee maxaa ugu wacan dhoor jeer ayaan arkay riyadaas ee walaaloow bal dadaka diinta yaqaano weedii ama aan duceesanee wadaado inoo wac isha alaah wuu isgarn doonaa wuuna soo hagaagi doonaa .
wabi laahi toow fiiq
asalama caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hambo Gacal

Tuesday, March 13, 2001 - 06:28 am
Walaal waad salaamantahay,waxaan kuleeyahay waxaad joogtaa qurbe aan ciirsi lahayn hadaad joogilahayd Afrika si unbaad yeeli lahayd laa kiin meesha aad joogto adoo fiirinaya waxakaliya ee kula godbooni waa in aad samirtaa Ilaahayna baridaa habeenkii markay dadku wada hurdaan intaad soo waysaysato oo aad labarakcadood tukato ilaahay ubari insidiisiihore uu kuugusoonoqdo,waxaana sidaa kuuleeyahay waa haad caruurtaada udanaynayso,waxaadna ogaa taa in raga soo maaliyeed badankoodu ay qaadka cunaan,meelkasta oo ay joogaan
ee caruurtaada udanee waxaa kaagadaran reerka oo burbura caruur aan aabahood dhaxjoogina adaabtoodu toosimayso,waxaadna kaheli caawinta aad kawayday ninkaaga caruurtaada haduu ilaahaykuudaayo
durbana waykucaawin, ee reerka hadumin dhibkaagana ilaahay ubandhigo.
Asalaamucalaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

takar

Wednesday, March 14, 2001 - 07:24 pm
walaalay samir yeelo oo ha ku deg degin go;aan qaldan una fiirso arintaan raadino khabaar badan qofkale oo aritaan ku dhacdey ama ay hadda ay heeysato kalana tasho si ay u xaliyeen ilaahayna ninkaaga u bari.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hooyo soomaaliyeed oo dhibaataysan

Sunday, March 18, 2001 - 06:49 pm
to dhamaan walaalahayga soomaliyeed ee iiquuray waqtigooda qaaliga ah ina siiyay waanada walaanimo marka hore aad iyoaad baad ugu mahadsantihiin waanadiina boqolkiiba boqol waana idunku kalsoonahay waanada aad isiiseen inkasta ooqofwalba fikradiisa ciyaaray marka waxaan hada markii aan aqriyay fikradihiina maskaxdaydana kashaqaysiiyay go aan ku gaaray in aan marka hore bil jaanis siiyo aan ku waaniyo hadii aan kuarki waayo isbadal in aan laxiriiro aabahay oojooga usa una bandhigo dhibka i haysta lagayaabee hadii aabahay uulahadlo oo dhaho gabadhayda sida u dhaan in uu isku xishoodo oo fakaro waayo hadaan nahay bini aadan in nal waaniyo oo qofba kan kaloqabto qaladkiisa tuso baan ku fiicanahay markaan isku buuqo oo dhibka iga bato oo is iraahdo ifurku dheh malaha kalidaa laguuqaatee silickuuma yaree baan eegaa caruurtayda markaasaa inta ilmo igu soo istaagto i rahaadaa ma aabe laaan baad dhigi adna single mother noqon oo laguugu yeeri markaasaan ku fakaraaa dushaasay ka eeganee bal u kaadi yay caqlixumo ku qaadinee ooaadan hadhoow shalaayineee marka ilaahay ana haiigargaaro oo dhibta dheef ha iigu badalo isna hatuso xaqa aan ku lenahay idinkana walaahayga soomaaliyeedoow mahadsanidin jasaakalaahu khayr waana idinla soosocdsiin sida xaaladu noqoto walaashiin idiin mahadacelinaysa macsalaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmad

Monday, March 19, 2001 - 10:55 am
abaayo waan kaxumahay dhibka aad sheegatay abaayo saan sameey.
(1)waani marka hore kadibna jaanis sii uu sida usku dhaamo.
(2) haduu sida isku dhaami waayo mudo ah labo bilood reerkiisa usheeg bal inuu xishoodo oo uu isbadalo.
(3)kadib haduu isbadaliwaayo adigoo xataa usheegey cidiisa ama waaridkiisa, hade markaasi waa arin ka'adag saan moodey.
kadib waxkaloo aan sameey ku dhihi lahaa majirto iskasamir (samraa sad hela) mida kale haduu asaga ku cuno kiligii jaadka gurigiisa sigaarkana banaanka ku cabo maxaydhimee waxaan umaleenaa iney waxba dhimeyn maxaa yeeley jaadka ma-uriyo guriga caafimaad xumana dadka guriga kunool magaarsiiyo balse sigaarka waxa uu uriyaa guriga caafimaad xumana waa uu u keenaa dadka guriga kunool. anigu sigaar iyo jaad ma cuno abaayo balse wiil adeerkeey dhalay wuu cunaa jaad wuuna cabaa sigaar gurigiis buu ku cunaa oo marnaba ma cidleeyo naagtiisa iyo caruurtiisa mida kale markaan gurigiisa aan aado markastuu sigaarcabayo banaanka buu kusoocabaa(deerka)
abaayo alaha kuu dhibyareeyo waxaad tahay gabar caqli badan oo reerkeeda sifiican ugu taxadireeyso, markaan aqriyey arimahaaga waxaan ogaadey inuu asaga yahay nin nasiib badan oo ale uu siiyey afar caruurood oo dhan iyo adiga, adigana qalad malihid oo waxa ku heesto adiga iskuma keenin mida kale dadbadan oo dhibkaas oo kale iyo mid kasii daran uu heesto ayaa iska jiro marka abaayo reerkaada sidii wali kuwad iyo dadaalkaagii marnaba ku gulama taliyeen wax xun samee ama wax dambi ah balse samir (samraa sad helo).


nabadgelyo//

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamza

Monday, March 26, 2001 - 03:56 am
Assalaamu caleykum
Walaal dhibaatadaada maqalkeeda iiguma horeyso hada oo waan ka buuxaa,waxaan kaliya oon ku oran lahaa ma'jiro qof wada hagaagsan qof walbaba iin ayuu leeyahay marka ninkaaga iintiisu waxay noqotay caleentaa cagaaran dabcan adiguba iin baad leedahay inkastoo aadan soo cadeyn iintaada waxaad yeeshaa labo arin midood horta furiin wax la yiraahdo ha ku deg degin hadaysan kugu kalifaynin arimo khaas ah
1.Waxaad tiraahdaa waxaan doonayaa inaad nageyso soomaaliya oo aad halkaa nagu masaruufto sababtoo ah hooyo afar caruur haysa oo aan helaynin cid saacida kama bixi karto dhibaatooyinka yaala yurub,waxaaba suuro gal inaad afar caruur ka badan yeelato.
2.ninkaaga meel baa u cad meelina way ka madowdahaye iska sabir intuu Rabi kaaga hagaajin doono ama faraj kheyr qaba kaaga furi doono.
NB:waa inaad yeelataa qof aad ku kalsoon tahay oo aad arimahaaga kala tashato maxaa yeelay waan dareemi karaa iney dhibaatada ku gubeyso.
Waa walaalkaa oo kuugu ducenaya faraj kheyr qaba Rabi ha kuu furo.By:Xamza2@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garmaqaate

Tuesday, March 27, 2001 - 02:13 am
gabadha dhibka haysto

Anigu waxaan ku odhan lahaa, inta simirka iyo howlahaa iska deyso laba mid yeel,

1 Ninkaaga iska wado, balaayo waa lawada qabaaye.
qeyladana jooji

2 Ceyri nadiska nadiskale jarin, laba caruurna ku daba dar ilaa waa wada dhasheene balaayada kaligaa ma dhaline adna labada kale heyso.

Soomaalidan warkood iska samir iyo xagey ka dhacday wax ku anfacaya ma ah. Meesha waa in xarago iyo xurmo lagu wada nooladaa ama waa in lagu kala tagaa.

Dulimi qof inuu ku noolado ilaahay u qoray ma jiro. Somaaliduna waxay yiraahdaan nin aan shantaadu ka dhicin sharci kaama dhacsho. Ninka aad ka warameyso waa inaad dareensiisa dhibka ku haya haddii kale waa xayawaanka cagaarka cunaya waligiina garan maayo. Marka talo gaar.

Hadaadan labadaa mid yeelin, dee wax kale oo meesha yaala majiraan.


alow ma u sheegay(nacsi waa tii samir iyo wax ka daba laabata)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salmo

Wednesday, April 04, 2001 - 08:25 pm
abaayo arintu kalegaa mahaysato ee waa dumerka soomaalida oo dhan badidoodu waxaas iyo waxa ka daran bay ku jiran oo maanta waxa halkas kamuuqata iney reerkii ayagu u noqdeen hooyo iyo aabe oo kalega ma ahan horta ogoow taas oo nimankii aya noqdeen waxa mataryaa marka ninku hadii uuna reerka kula dhaqaneyni maxad ku faleysa ma kaadidiisa baad xargo ku madoobeysaneysa labo mid soo gal dheh reerka ma isla dhaqaneynaa mise waxaad ka doortay balwada waxuu ku dhaha arag hadii uu doorto reerka waa sidii la rabey oo uu sidii hore aad u sheegtay masuuliya saaran ha kasoo baxo hadii kalan oo uu is badeli waayan waa ogtahay waxaad suubineyso laguuma sheegaayo byyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy Good luck cdbjutesaaw mijkld

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.