site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

BALAAYAAN GUURSADEY EE SIDEEN WAXYEELAA

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Family Matters - Arimaha Qoyska: BALAAYAAN GUURSADEY EE SIDEEN WAXYEELAA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Diini

Monday, February 26, 2001 - 10:05 pm
Maalin oo dhan warshad ayaan kasoo shaqeeyaa, goortaan guriga kusoo noqdo anigoon weli meydhan ayey albaabka ka booddaa oo igu tidhaahdaa sii celi heblaayo ayaan soo booqanayaaye, Deetana 11pm ayey albaabka soo garaacdaa oo weliba interview iga qaadda. Maxaad siisay hebla iyo hebel ?.

Goortaas ayaan biyo isku rogaa oo anigoon waxba cunin meel ku dhacaa. 5.30am ayaan ka toosaa oo labadeyda yar yar quraacdoodii diyaariyaa oo boorsadooda ugu guraa deedna Baska Iskuulka geeyaa oo halkaa shaqadii kasii aadaa.

Iminka waxay igu heysataa lacagtii cuntaad ku dhammeysay, inay iyadu cunto wanaagsan reerka u diyaarisana may dooneyso oo sideydaas oo kale ayey caruurta Chunk food siisaa inkasta oo firijka cunto ka buuxdo.

waxaa intaas oo dhan ka daran waxay ku leedahay ilmo yar oo hal sano iyo badh jira ayaan hooyaday u musaafurinayaa. Hal sano iyo badh wax jira maxaa kasoo haraya kolkii uu hooyadiis iyo aabahiis labadaba waayo. Laaxowla walaa quwata illaa billaahi.

Kolkii aan la tali idhaahdana waxay iigu hanjabeysaa hadii aad diido ilmaha yarkaa in la musaafuriyo adiga ayaan kaa takhalusayaa oo single mother ayaan tegayaa. Goortaas ayaan dabada ka jareeyaa oo meeshaa taladii ku joojiyaa.

Waar waxbaa i heysta! Ma aan iska qaban karo! Isku xishoon meyso! Ilmaheedii yareyna uma naxeyso. Sidee baan yeelaa qaladdaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yasmiina

Tuesday, February 27, 2001 - 12:37 pm
ala aboowe walaahi waan kaa naxay, sorry laakiin xaaskaaga waxaysan aqoon macnaha hooyo oo ay shaqadeeda tahay inay care siiso caruurteeda iyo ninkeeda. aniga waxaan ku oran lahaa mar hadaysan guriga joogin oo aysan caruurta xanaanayn. waxaad ku tiraahdaa kaalmadaada ayaan u baahnahay ee shaqee. i hope haday shaqayso inay fahmayso macnaha daalitaan.wakhti ay heblaayo kula sheekaysatana ma helayso. laakiin sababta ay ilmaheeda u dirayso waa maxay?sidaanse ma ahaan jirtay intaadan guursan? ilaahay ha kuu fududeeyo hadaa naagtaas aad qabto imtixaan aduun baaba ku haystee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DIINI

Tuesday, February 27, 2001 - 02:26 pm
TO: YASMIIN

Walaal kolka hore ee labada ruux is doondoonayaan maad garan kareysid dabeecadda rasmiga ah ee qofku leeyahay. Arrintani ma aheyn wax aan ka warhayey, waayoo majirto cid dhibaato lugaheega ku doonaneysa.

Iminka goortaan caroodo oo shallaayayo waxan ku heesaa heeskii la odhan jirey "Baddaanaan ku dhacay badbaada allah wey ila tagtay. Boogtii haddana sii ballaaratoo bogsanweydayey". Ina adeer miyaaney ceeb aheyn in laysbado ciil adduunyo.

Iminka haddii aan iskaga tago oo damiirkeygan gubanaya aan badbaadi idhaahdo, Carruurteyda ayaa badbaadinaya. Kan yar wey musaafurineysaa, labada kalena iskuulka ayey ka saaqidayaan waayoo iskuul waxba laguma barto ee aqalkooga ayey waxbarashadoodu ka toostaa amba ku halowdaa. !!!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qeyloquute

Wednesday, February 28, 2001 - 10:21 pm
Naayaa hoooooy, naa mel kasta oo aad joogto qofka sidaas looguma tiigsado. Wallaahi ninkaan warkiisu ilama qurux badna, meel xun ayey ka taagan tahay. Ninkaan waa qarxi rabaa ee ama ka carar yuu ku diline ama dacayga aad ku ligligeysid u dabci.

Hadda ka hor ayaa mid aan qaraabo nahay sidaan oo kale ku dhacday, kadibna markii uu quustay ayuu go'aan ku gaarey inuu iyadana dilo, carruutiisana ka samro, isagana adduunyo meeshey doonto ay kala dhacdo. Kadibna waa siray oo Nairobi markii uu geeyey cad cad u jarjaray. Naahoooy isjir ama ninkaan walaalkaa ah sida dhaan.

Aniga magaceyga waxa la yiraa qeyloquute balse maanta warkii oo dhan ayaa igu cararay oo ninkaan Somaliyeed dhibaatada heysata ayaan ka naxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yasmiina

Thursday, March 01, 2001 - 01:42 pm
diini walaal isku day inaad la hadasho.waydiina siday rabtaa inay reerka u maamusho. la hadal saaxibadeed.kuma oran karo reerkaaga dumi oo sidaad sheegtay caruurtaa kaa halaabaysa maadaama aysan hooyadood ay egtahay inay tahay selfish. laakiin u sheeg inaadan dhibaatadan u dulqaadan karin. ehelkeeda u sheeg haday ehel leedahay oo ay wax ka maqlayso. miyeysan ogayn single mother inaysan easy ahayn ee ay caruurteeda god u qodayso.kaalay canada maad joogtaa? walaal ogoow qof walba weakness ayuu leeyahay so, si naxriis leh ula hadal oo dhibaatadaada u sheeg maybe inay qalbi leedahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keenadiid

Thursday, March 01, 2001 - 06:48 pm
TO: DIINI

Walaal Arrintaan anigaa kula qabey in muddo ah, balsidaan yeel oo fiiri sidey waxyeesho:-

1)U oggolow inay Single mother gasho laakiin waa inaad shuruud adag ku xirtaa.

2)U sheeg Single mother haddey aaddo in aadan shillin siin doonin, laakiin carruurta dalkiis ka dherji oo yeysan kugu dirin.

3)U sheeg xilkii hooyanimada reerka inaad kala noqotay oo cuntadaada aad soo gadaneysid weliba aad adigu karsan doonto.

4)U sheeg wax naagnimo ah oo aad weydiisaneyso in aysan jiri doonin balse iyadu haddey go'aan ku gaadho inay ku kufsato aadan dacweyn doonin.

5)Qolka carruurta TV iyo computer soo dhigo oo markii aad guriga joogto halkeer carruurtaada casharkooda kula diyaari.

Walaal carruurtaada meel cidlo ah ha uga tegin iyana taladeeda waqti haku lumin, u kaadi iyadaa kuu imaneysa iyadoo rafaadsan oo ka shallaayeysa waxay kugu sameysay. Weligaa aflagaaddo iyo erey xun midna yuusan kaa tegin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keenadiid

Thursday, March 01, 2001 - 06:53 pm
TO: DIINI

Walaal Arrintaan anigaa kula qabey in muddo ah, balsidaan yeel oo fiiri sidey waxyeesho:-

1)U oggolow inay Single mother gasho laakiin waa inaad shuruud adag ku xirtaa.

2)U sheeg Single mother haddey aaddo in aadan shillin siin doonin, laakiin carruurta dalkiis ka dherji oo yeysan kugu dirin.

3)U sheeg xilkii hooyanimada reerka inaad kala noqotay oo cuntadaada aad soo gadaneysid weliba aad adigu karsan doonto.

4)U sheeg wax naagnimo ah oo aad weydiisaneyso in aysan jiri doonin balse iyadu haddey go'aan ku gaadho inay ku kufsato aadan dacweyn doonin.

5)Qolka carruurta TV iyo computer soo dhigo oo markii aad guriga joogto halkeer carruurtaada casharkooda kula diyaari.

Walaal carruurtaada meel cidlo ah ha uga tegin iyana taladeeda waqti haku lumin, u kaadi iyadaa kuu imaneysa iyadoo rafaadsan oo ka shallaayeysa waxay kugu sameysay. Weligaa aflagaaddo iyo erey xun midna yuusan kaa tegin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sheekh

Friday, March 02, 2001 - 06:51 am
Diini!

Dhibaatada aad ka cabaneyso dad badan ayay heysaa waxaan ku dhihi lahaa iska sabar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waayeel

Saturday, March 03, 2001 - 11:53 am
Diini

Arrintani waa mid kulul oo dad badani qarsanayaan, mana ka timaado xaaska kaligeed, ee waxay ka timaadaa dad badan oo u badan kuwa u dhaqma sida saaxiibada iyo ehelada qaarkood, waliba marar badan walaalaha iyo waaridka labada dhinacba ama midkood ha noqotee. Mana aha inay dadkaasi necebyihiin ninka reerka ee noqon kara wiilkooda, ee waxay necebyihiin oo doonayaan inay ka taqalusaan xaaska la dirdirayo, ayana ma oga, oo mindidii loo dhiibtey bey cagaha iskaga kilkileysaa.

War iyo dhammaantiis arrinta baaris dheer ku samee, oo soo hel meesha suntu kaga imaaneyso.
Isku dey inaad magaalo kale u rartid reerka, iska doondoon ama iska dhig inaad aad iyo aad u jeceshahey, mararka qaarkoodna hameynkii ku riyood oo codka maqashii, markaad kulantaana uga sheekee waxii aad riyada ku aragtey ee ka koobnaa adduun iyo aaqaraba. Tani faa'idadey dhali doonto, hadda kuuma sheegayo, laakiin hadalkeygu xasuus dheer buu kuu lahaan doonaa, sidaan rajeynayo.
Wax walba carruurtaada ka kormari, oo samirka badi, haddii aadan kaga baqeyn wax tilaabo saddex ah ama xero dhaaf ah, haddiise tani timaado waa sugid beeshey, sharciguna ma indho la'a oo meelkasta oo la joogo waxuu hor mariyaa ilmaha, adiganaa u haraya haddii aad runsheegeysid sharciga aad wax ka taqaanid kana cabsan.
La sheekeyso ragga kale ee xaaska leh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ubax101

Saturday, March 03, 2001 - 10:33 pm
lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

afgooye

Friday, March 09, 2001 - 11:17 am
to diini adiga kaliga maaha arinta waa lagu qabaa ee samar samraa sadkiis hela .
caruurta cidlo ha uga tegin .
hadii kale nin kale ayey keensaneysaa oo xaaraan ku heysaneysaa taasaa kaaga daran .
naagta tatikis u cayaar waxaa laga yaabaa inaad ka guuleysato oo saad rabto eey aqbasho ee duqa samir .
tan kale ayaa kadaran oo ah hadaad ka tagto ayada iyo caruurtaba waa ku deynayaan .
ee dulqaad samee waxaa laga yaabaa iney xoogaa wareersan tahey oo waalida nooc kamid ah haayo waalidu waa kun nooc , over weight ,stress. buufis . iyo kuwo kale oo badan .
ayadaa soo noqon doonta one day .
adiga waxaa lagaa rabaa inaad samirto raga yurub joogo oo dhan dhibaatadaada oo kale ayaa heysata
marka marqaanka deji naagaha hala soo sheekeysato haka waalin hadey doonaan naagaha kale haku diraan waxba haka soo qaadin maalin maalmaha ka mid markey dalka aad ku nooshihiin si fiican ula qabsato oo intergation qaadato ayadaa ku fahmi doonto and will get it the point .
dont worry my frind be peshent every thing will be ok the near futur.
ninyohow hadeer sxbkey oo aan talo kuu weydiiyey xataa waxaa uu ku lee yahey adigaaba caruur iyo xaas heysta .
mideeda kale cunuga ey tiri waan celineynaa kala hadal ineysan celin oo ey ugu wacan tahey waa yar yahey dheh waxaana qatar ah inuu dacdaro la kulmo dabeedna aadan dib danbe u arag usheeg.
naagaha waa lala hadlaa qaasatan markaad sariirta dusheeda ku heysaa oo ey yara faraxsan tahey ka faaiideyso oo wax walba kadhamee ,
waanina jaceyl dheeraad ah tus inaad jeceshahey meel walba sidey tahey baa loolayaala sidaan hadalkaaga ka dhadhansanayo somaliya ma joogtid .
arinta u fakar oo meel u fariiso waxaa laga yaabaa inaad xaliso 90%.
duqa talo wacan isma dhaafno dadaal gaari doontide xaaskaaga waxaan kuu rajeynayaa inshaa,alaah iney kuu fiicnaandoonto .
hadeysan wax baran xataa wax iney barato kula dadaal oo aqoon hesho.
bye and good luck .
talo wacan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/Qaadir

Friday, March 09, 2001 - 12:09 pm
Asalaamu calaykum wa raxmadtullaahi wa barakaatu wa bacdi. Walaal Diini waan akhriyay arintaadii waxaanan waano ahaan ku odhan lahaa inaad marka ugu horeyso inaad arkaanka islaamka oy salaadu tahay ta labaad. Markaad ku jirto sujuuda aad u ducayso ood tidhaahdo Ilaahayoow gabadhayda soo hadee oo wado toosan ku soo rid. Sababtoo ah markaan salaada tukanayno aynu nidhaa "IHIDINA SIRAADDUL-MUSTAQIIM" waxayna ka dhigan tahay Ilaahayow wadada toosan nagu soo rid. Xageedana walaal u sabir una dulqaado, sababtoo ah ilaahay baa soo hadeeya oo hadal wanaagsan oo naxariis leh kula hadal soona kool kooli.

Takale ee aan kaaga soo waanayn karo inaad salaadtul-layl tukatid oo aad ducadna badisid ana waan kuu soo ducayn caruurtana waa inaad sidaa iyo si leeg diinta u bartaa. Walaal aduunkani waa itixaan ooh Ilaahay ayaa ina itixaamaya markaa sabir, iimaan iyo Salaada aynu ku dadaalno ayuunu ku dhaafaynaa itixaankaa. Ilaahay wuxuu quraanka ku yidhi "suratul-taqaabun" "intiinii aaminayow dumarkiina iyo caruurtinuba cadu bay idiin noqon karaan markaa iska jira hadaad markaa saamaxdaan oo aad u dambi dhaaftaan Ilaahaybaa saamaxa oo u naxriista". "Ayaaya 14"

wa salaamu calykum wa raxmatulaahi wa barakaatu

C/Qaadir

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, March 10, 2001 - 02:45 am
KU:DIINI
Asalama caleykum
Salaanta kor ku xusan kadib walaal diini arintaada waa mid murugu badan aad iyo aadna qatar u ah ale mooyee cidkale anan waxba kaqaban karin ee ilaah naxariistiisa ha kuugu gargaaro aamiin Hadii aan maskaxdeyda yarta ah aan kalaala taliya walaali waxaani waa imtixaan aduun ruux ale jecel yahay aduuyada korkiisa ayuu ku tusiyaa imtixaan laguna fiirinaayo siduu ugu gudbi lahaa walaali horta ilaahii ku uumay amuurtaada saaro
tanxigta walaal waxaad fiirisaa halka ey wax ka qaldan yihiin hadii aan wax yar kaa xasuusiyo ilaah ayaa inoo sheegay in bini aadanka markey xoolo helaana isli weeni iyo kibir ey meel lajoogaan oo ayba iloobaan iney alehii xoolahaa siiyaya ku xamdiyaan oo ay u mahadnoqaan, Markey dhibaato iyo mushaakil lakulmaana intey samri lahaayeen ey cawaad iyo qeylo meel lasoo fariisanaayaan saaxib kitaabka quraanka ahi maahan buug uu ruux bini aadan ihi qoray ama sheekooyin dhacay ee waa mid nafsadaada iyo jiritaanka aadn nimadaada qeeb weyn kaqaadanaaya hadii aad wax kafahmi laheed ama aad aqrisan laheed waxaad ogaan laheed aduunyada iney tahay imtixaan joogta ah Dumarkana runtii tilmaan fiican oo ad ku qanceesa kaasiinaaya lakain hadaadan waxba u arkin ee uu guriga iska yaalo sidee wax laguu fahamsiiyaa.
walaal waxaan warkeyga ku soogaba gabeenayaa walaashaa u nasteexee runtii wey kaa jeceshahay ilamaheeda oo ayadaa sagaal bilood caloosha ku soo siday oo xanuun adag oo dhib badan u soo martay hadii aan tusaale ku siiyo intaad maqan tahay mey guriga ku xirto oo ay iskaaga tagto markaadtimaado oo ay ogaato anuu abahood yimid eyey jiniyo isku ridaa taasi ogoow iney ilmaheeda jeceshahay laakin ey jiraan waxyaabo ay kacabaneeso baltijaabo samee markaad guriga katagto kamaqnaaw ilaa labo maal mood intaad guriga waxwaliba u soo dhigto car haka tagto waxaadarki ayadoo teleefoon ku waalatay oo ku raadineysa oo marba quf ku weedineesa.
walaaalkeygiyoow labada isqabta ilaahey waxuu ku soo dejiyaya naxariis ayaga u gaar ah iney ceebtooda qariyaan ayaana wanaagsan oo ay isku samraan adiga masuulkii ayaa tahay oo ilaah ayaa mas uul kaadhigay ee dulqaad yeelo ilaah idinkii wey soo degee waxbaa niyadeeda qasaaya markey dhabtii o gaatan ayadaa soo noqon kuuguma ogi adigoo nool in caruurtaada lagaa agdhaqaajiyo ee walaashaa waxbey tabaneesaayee raadi waxey tabaneeso oo qanci aan waxyar ku xasuusiyee barigii ey bidixda ka laafyooneysay oo ey aaminsaneed ruux kaa quruxbadan majiro sootaad intaad hadal ku soo jiidatay kadhmeesay inaad guursato imisaa caruur ayey kuu dhashay dhibkaan sow maahan mid hadalee bilawday ha u arkin wax ween ee marwaliba oo aad salaada dukaneeso ilaah u tuug ileen waa iulmahaada hooyadoodee hadaad tahay ruuxaan salaadba dukaneena hadaba hana waalin adaa gurigada kadhigay guri sheedaan uu waayeel kayahay ee hada bilaaw salaada ilaah naxariistiisa waad arkeesaa hadii aad tahay ruux dukadana ilaah hakaaga dhigo dinbi dhaaf ee adkeesi yeelo tan ey ku leedahay waan kaataqluusaa waxuusan ilaah kuugu tala gelin marnana kuuguma sameen karto ale mooyee cidkale kuma dili karto ee taa niyada kasaar eydaba wey ogtahay inaatahay ilmaheeda aabahood.
walaal kuugu badiyay hadalka ilaah ayaan kuu baryeenaa inuu ku bad baadiyo ayadan waxaan ilaah ugu rajeeynayaa inuu naxariistiisa ku soo habsato waloow adiga un aan aragnay dhibaatada ku heysata oo aan arag iyadan koley waxbaa jira mana aadan kahadlin waxii jira waxey doonto hakuugu qaadatee u nasteexee walaashaa bal isku day hataa in aad lacagta oo dhan gacan kasaarto oo namaamul dheh xaqiiqdii eyey ogaan oo wey soo degio isha alaah
wabilaahi toowfiiq
asalama caleykum waraxmatulaahi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, March 26, 2001 - 02:00 pm
NAAGTAADA BAL WAANI ALAHA KULA GARABGALEE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

najmo

Monday, March 26, 2001 - 05:38 pm
ASALAMA CALEYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATU.walaal diini. markii aan dhageys arintaada waa mid culus laakiin waxaan ku oran lahaa adiga ayaa ah odayga reerka in aad samirtid wax kaaga wanaagsan majiraan marka waxaan ku oran lahaa dhaqanka aad hada wadid wax ka badel oo tusi kalgacey iyo xubi ilaaheyna hakula garab galo . ayadana waxaan oran lahaa waxaad xasuusataa in aduunka laga tagaayo oo qofkasta wuxuu sameystey lahor tagi doono ilaahey . marka waxaan ku oran lahaa aqriso xadiista sidoo kale dhageyso cajeladaha muxaadarooyinka si ay kuu caawinaan .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

comar

Tuesday, March 27, 2001 - 05:42 pm
waa iga talo
ninkani waxan uu sheegaya ama wakadhan ama game ayuu,ciyaarayaa, labadaas waa mid.
hadii arintani dhab tahay waa arin weyn,wax laga
qabankaraana ma jirto,soomaali hadeynu nahay inagaa wadankeenii hooyo soo burburiney, dhul
gaalana,nimid markaa anigu waxaan ku leeyahay aduunka, ha isku sooyareen dad badan oo aan anigu
kamid ahay ayaa kulamida inkastoo arimuhu kala duwanyihiin,markaa istaji markasta ogow waxaynu
wadankeenii u geysaney nabsi maharo,qalbi adeeg.
taasi waamid
takali hadii aad isleedahay gabdhahan midi ha kaa
naxdo oo baro taasina waa halkeeda.
gabdhan meesha ku qoran ninkan hadii aad magaalo la joogtaan qoraalka joojiya oo ninkan labalama oo
dhibaatada la eega hadey arinku run noqdo,
gabdhayahow hadeydaan wali guursan ninkan iyo caruurtiisa mid idinka midi ha isku qaadato,
waliba inanta yasmin.
runsheege from vancouver b.c canada.
jaaw.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sumeya

Wednesday, April 04, 2001 - 09:14 pm
diini hadii arantu run kaa tahay nin cabanaaya waa ii caawa waa jiran niman sidii hooyo reerka u haya oo naagtu hogto tahay waa jiran naago baali aha oo gurigooda aan adigu dad baad ka hadleysaaye xoolaha aan loo quurin in lagu xaresto marka naagtu ma nin kale bay baratey intaad warshada ku maqan tahay waa maxad ka taqaan meelay aadey maxay ku tiri baad rumeysantahay naagta beer waxay soo sameyso marka hore waxad ilmahaaga u qabato u samee ilan hadii hooyadood wax matarto noqotahay ha ku halen doqonta micida dheer waan maqli jirey naaga ilmaha dacdareey mise adiga bay kugu dhabiileysa reerka iyo ilmaha waa maxay naagtu xagee bay hooyo nimadii ka aadey waa buuxan naago kamid ah ayada oo nimankii aabo iyo hooyo guriga kayahiin mida kale arinta waxaaba kuu cadeynay iney naagtu ninkale baratey maxay cunigeeda yarka ah u fogeeneysaa ha ka yeelin taas ineysamey ayadii uu ka soo baxayba hanweedaye yaa hanaya doqon dheh marka diini waxan ku dhihi lahaa naagaha sirtooda lama gaaro ee naagta baroo dabagal waxay rabto ha kacabsan nolasha runtaha kaley meel cidlo ah beeykaga dhaqaqin anigu waxan hesta sagaal cunug midkaliyan uma quuro ninaan silciyo marka ilaahey ahkuu sahlo waxad rabto oo dhibka hakaa fujiyo ku haya ayadaa ku hagrataye byyyyyyyyyyyyyyy GOOD luck brother ilmahana ku dadaal oo yeena silcin

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.